tafiirgu'id
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tafiirgu'id
-da: (magac, dhedig, keli) dad qofku abtirsada oo wada dhinta waxbana aanay la hadhin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tafiirgo'id
m.f.dh eeg tafiirgo'.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tafiirgo'id
-da: (magac, dhedig, keli) wax tafiirgo'ay noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raadlumid
-da: (magac, dhedig, keli) qarsoomidda raad lagu joogay oo la daba socday.
raadlumid -da: (magac, dhedig, keli) tafiirgu'id; dabargu'id. Ilaahoow raadlumid naga hay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tafiirgo'
f.mg1 (-'ay, -'day) Wax ciribtirmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tafiirgo'
(fal) dabargo' oo gablan.
tafiirgo'-a: (magac, lab, keli) tafiirtii cid lahayd oo dabargo'da.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tafiirmid
m.f.dh eeg tafiiran.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tafiirmid
-da: (magac, dhedig, keli) tafiir badan dhalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiirgo'id
m.dh la-mid: jiiraggo'id.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tafiirgoo
f.g2 (-ooyay, -oysay) Wax cirib-tirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tafiirgoo
(fal) tafiirgo' ku samee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tafsiirid
(Tafsiirid-da)
Tafsiir u yeelid; macnayn; sharxid; tarjumid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tafsiirid
m.f.dh eeg tafsiir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tafsiirid
-da: (magac, dhedig, keli) fasirid, macnayn sharraxid, tarjumid. Tafsiirida aayadda hagaaji.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tafarruqid
m.dh la-mid: tafaraaruqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tafarruqid
-da: (magac, dhedig, keli) dad, iskhilaafid iyo kala tegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tafiirgoyn
m.f.dh eeg tafiirgoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tafiirgoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) qof dadki dhaxli lahaa, dhammayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tafarraruqid
m.f.dh eeg tafaraaruq². la-mid: tafarruqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aargudid
(Aargudid-da)
Aarid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aargudid
m.f.dh eeg aargud. la-mid: aargudasho, aargudis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aargudid
-da: (magac, dhedig, keli) (u ~) ciddaada oo aano loo geystay, ka celin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afruugid
m.dh la-mid: afuugid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
catiirid
m.f.dh eeg catiir². la-mid: catiiris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daliigid
(Daliigid-da)
1. Faraha ku tuujin; duugid.
2. (ku daliigid) Ul ama wax kale oo sida daliigta u toosan, ku dhufasho, ku jiidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daliigid
m.f.dh eeg daalig³. la-mid: daliig¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daliigid
-da: (magac, dhedig, keli) timo, maydhax, xig iyo wixii lamid ah, gacmaha ku duugid. Dh: daliigis.
daliigid-da: (magac, dhedig, keli) cunto badnaanta si aan habboonayn wax loo cuno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dariirid
m.f.dh eeg dariir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faqiirid
(Faqiirid-da)
Faqiir noqosho; (ama faqriyid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faqiirid
m.f.dh eeg faqiir². la-mid: faqiiroobid, faqrin, faqriyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faqiirid
-da: (magac, dhedig, keli) qof xoolayar noqosho ama hantibeelid. Dh: saboolid, fiqiirid, caydhoobid. Li: taajirid, qaniyoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fayiigid
m.f.dh eeg fayiig².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fayiigid
-da: (magac, dhedig, keli) indho iyo wixii la mid ah, daciifid oo naaqusid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gariirid
(Gariirid-da)
Qarqaryo ama cabsi ama wax kale la ruxasho, la jarcayn, la qarqarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gariirid
m.f.dh eeg gariir². la-mid: gariir¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gariirid
-da: (magac, dhedig, keli) qadhqadhyo ama cabsi darteed la jarcayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
majiirid
m.f.dh eeg majiir³. la-mid: majiir¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
majiirid
-da: (magac, dhedig, keli) wax toos u socda ama taagan dhanka kale u leexin. Shookaanta gaadhigu majiiridda degdegga ah way ku jabtaa. Dh: melmelid, leexin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naftirid
m.f.dh eeg naftir².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qamiirid
(Qamiirid-da)
Khamiirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qamiirid
m.dh la-mid: khamiirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qariirid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qadhidhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rafiiqid
(Rafiiqid-da)
Rafiiq noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rafiiqid
m.f.dh eeg rafiiq².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rafiiqid
-da: (magac, dhedig, keli) rafiiq la noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saqiirid
(Saqiirid-da)
Carruurnimo ku dhimasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saqiirid
m.f.dh eeg saqiir². la-mid: siqiirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saqiirid
-da: (magac, dhedig, keli) ku dhimashada yaraan: carruurnimo ku hoyo. Saqiirid carruureed waa sed aakhiro ee samir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sargo'id
m.f.dh eeg sargo'.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taajirid
(Taajirid-da)
Taajir noqosho; hodmid; tanaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taajirid
m.f.dh eeg taajir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taajirid
-da: (magac, dhedig, keli) qof hanti badan yeeshay, taajir noqod. Dh: hodmid, tanaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tafiiran
f.mg1 (-rmay, -rantay; -rmi) Ka t.: wax ka soo farcamid (cid).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tafiiran
(fal) bado oo wax kaa farcama sii dhaldhal.
tafiiran: (tilmaame) wax tafiirmay; wax tarmay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tariibid
m.f.dh eef tariib².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tarjumid
(Tarjumid-da)
Af af kale ku fasirid, u rogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tarjumid
m.f.dh eeg tarjun. la-mid: tarjimid, tarjumo, turjumid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tarjumid
-da: (magac, dhedig, keli) af kale ku fasirid, ku beddelid, ku macnayn oo u rogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wargurid
(Wargurid-da)
Dad wada hadlaya ama doodaya, wargur u samayn, u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wargurid
m.f.dh eeg wargur². la-mid: wargur¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wargurid
-da: (magac, dhedig, keli) war cid ka qaadid oo cid kale gaarsiin.
wargurid -da: (magac, dhedig, keli) dad wada hadlaya, doodaya, war ka gurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xariirid
(Xariirid-da)
1. (caano) xariir ka dhigid.
2. (il bugta) xariir ku farsamayn, ku daweyn.
3. Summad (xariir) xoolo ku dhigid.
4. Hadal xariir ah (cid ku) dhihid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xariirid
m.f.dh eeg xariir³. la-mid: xariirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xąriirid
m.f.dh eeg xąriir². la-mid: xiriirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xariirid
-da: (magac, dhedig, keli) caano iyo biyo isku badhxid. Dh: fadhxid, badhxid.
xariirid-da: (magac, dhedig, keli) il bugta sarid oo xirribta sare ka dhiijin. Dh: xariiris.
xariirid -da: (magac, dhedig, keli) qof iin uu leeyahay hortiisa ku caddayn. Li: xan.
xariirid -da: (magac, dhedig, keli) xidhiidh cid kale la samayn. Dh: xadhiidhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xayiigid
-da: (magac, dhedig, keli) aad u kala jiidid. Dh: ballaadhin, waaxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cariiryid
m.dh la-mid: ciriiryid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lafagurid
-da: (magac, dhedig, keli) jabka lafaha, siiba kuwa madaxa, wax ka qabasho iyo farsamayn. Dh: kabid.
lafagurid -da: (magac, dhedig, keli) talo aad u dhuuxid oo uga baaraandegid. Arrinta labada nin ka dhaxaysaayi lafagurid ayay u baahan tahay. Dh: falanqayn, dhuuxid, baaraandegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
riixgubid
m.f.dh eeg riixgub². la-mid: riixguub¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tacsiirid
(Tacsiirid-da)
Tacsiir saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tacsiirid
m.f.dh eeg tacsiir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tacsiirid
-da: (magac, dhedig, keli) eedsiin iyo takhsiirid, qof denbi galay oo lagu xukumo wax gefka uu galay u dhigma. Dh: ganaaxid, takhsiirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tafiirtan
-ka: (magac, lab, keli) kordhin ama tiradiisa badin. Dh: tarmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tafniidid
m.f.dh eeg tafniid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tafniidid
-da: (magac, dhedig, keli) kala soocitaan. Dh: baadhid, baanjiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taqsiirid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, ganaaxid, garraaxid.
taqsiirid -da: (magac, dhedig, keli) tacsiir saarid. Dh: eedsiin, yakayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taswiirid
-da: (magac, dhedig, keli) muuqaal qaadid. Dh: sawirid, masawirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tayruufid
m.f.dh eeg tayruuf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabargo'id
m.f.dh eeg dabargo'².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dafirtamid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aad samaysay qirashadiisa diidid. Dafirtamid badanaa munaafaq iyo beenaale. Dh: inkirtamid, asaraartamid,
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habiiraqid
m.f.dh eeg habiiraq².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiirago'id
-da: (magac, dhedig, keli) jidhka, muruq-jiidmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lafaggurid
(Lafaggurid-da)
Jabka lafaha, siiba kuwa madaxa, wax ka qabasho, farsamayn, kabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lafaggurid
m.f.dh eeg lafaggur². la-mid: lafaggur¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lafoggurid
-da: (magac, dhedig, keli) jabka lafaha siiba kuwa madaxa, oo jaba kasoo gurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabargabid
m.f.dh eeg tabargab². la-mid: tabar-gab¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabargabid
-da: (magac, dhedig, keli) tabargab ku dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tabargelid
(Tabargelid-da)
Tabaraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabargelid
m.f.dh eeg tabargal². la-mid: tabargal¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabargelid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg tabargal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabarrucid
m.f.dh eeg tabarruc².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabarrucid
-da: (magac, dhedig, keli) kaalmo u baxsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tafaafulid
(Tafaafulid-da)
1. Saadaal xun la helid.
2. Falid; sixrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tafaafulid
m.f.dh eeg tafaaful². la-mid: tafaawulid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tafaafulid
-da: (magac, dhedig, keli) marka sixir iyo baab qof siduu ahaanayey lagaga doorinayo. Dh: falid, qataarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tafaawulid
m.dh la-mid: tafaafulid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tarango'id
-da: (magac, dhedig, keli) taarbeelid iyo tafiirgo'. Dh: baabi'id, taargo'id.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tasarrufid
(Tasarrufid-da)
Tasarruf wax u lahaansho, u yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tasarrufid
m.f.dh eeg tasarruf². la-mid: tasarruf¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tasarrufid
-da: (magac, dhedig, keli) ku sidii la doono ka yeelid, ku tagrifalid. Ku tasarrufidda waxaanad lahayn waa khalad.