tafarraruqid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tafarraruqid
m.f.dh eeg tafaraaruq². la-mid: tafarruqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tafaraaruqid
-da: (magac, dhedig, keli) koox koox u kala go'id khilaaf yimi darteed iyo fahan laaan. Is fahan laantu tafaraariqid ayey keentaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tafarruqid
m.dh la-mid: tafaraaruqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tafarruqid
-da: (magac, dhedig, keli) dad, iskhilaafid iyo kala tegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tafaraaruq
tafaraaruq¹: m.l (-qyo, m.dh) Ismaandhaaf awgiisa loo kala tago. la-mid: tafarruq¹.
tafaraaruq²: f.mg1 (-qay, -qday) Ismaan-dhaaf awgiisa ku kala tegid (dad). la-mid: tafarruq².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tafaraaruq
m.l (-qyo, m.dh) Ismaandhaaf awgiisa loo kala tago. la-mid: tafarruq.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tafaraaruq
v. disagree, be in disagreement; separate, part company
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tafaraaruq
-a: (n) disunity (dis-yuniti)', discord (dis-koodh), disharmony (dis-haarmoni)-, dissension (di-sen-shin)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tafaraaruq
-a: (magac, lab, keli) khilaaf iyo qaybsanaan; kala qaybsanaan; dadka khilaaf soo dhex galay darteed u kala guurid. Tafaraaruq baa laga qaaday murankii badnaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tafaraaruq
bw: Arabic
de: disagree, be in disagreement; separate, part company
initial: t
lx: tafaraaruq
pd: (tafaraaruqay)
ps: v1=intr
key: tafaraaruq
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabarrucid
m.f.dh eeg tabarruc².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabarrucid
-da: (magac, dhedig, keli) kaalmo u baxsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tafaafulid
(Tafaafulid-da)
1. Saadaal xun la helid.
2. Falid; sixrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tafaafulid
m.f.dh eeg tafaaful². la-mid: tafaawulid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tafaafulid
-da: (magac, dhedig, keli) marka sixir iyo baab qof siduu ahaanayey lagaga doorinayo. Dh: falid, qataarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tafaawulid
m.dh la-mid: tafaafulid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tasarrufid
(Tasarrufid-da)
Tasarruf wax u lahaansho, u yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tasarrufid
m.f.dh eeg tasarruf². la-mid: tasarruf¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tasarrufid
-da: (magac, dhedig, keli) ku sidii la doono ka yeelid, ku tagrifalid. Ku tasarrufidda waxaanad lahayn waa khalad.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tamar rarid
Translational Energy
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maqaraarufid
m.f.dh eeg maqaraaruf². la-mid: maqaraaruf¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Asaraarid
(Asaraarid-da)
Hadal la sheegay asaraar ka hor keenid; beenin; ogaaldiidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asaraarid
m.f.dh eeg asaraar². la-mid: asaraar¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asaraarid
-da: (magac, dhedig, keli) jikaar iyo dood dadka lagala hortago iyadoon waxba la hubsan. Asaraar jinnaa lagu yaqaan abaska naagoode. Dh: jikaarid, murmid, doodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baarramid
m.f.dh eeg baarran². la-mid: baarran¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baarramid
-da: (magac, dhedig, keli) afeefasho oo cudurdaar sii qaddimasho, ballamid. Baarramid hore haddaad lahayn adkayso. Dh: baarrimasho, afeefasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barraaqid
(Barraaqid-da)
Fadhi kala daadsan oo foolxun, fadhiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barraaqid
m.f.dh eeg barraaq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barraaqid
-da: (magac, dhedig, keli) si qaab daran oo foolxun u fadhiisad, Dh: barraahid, bahardaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cafaariid
m.dh.w eeg cirfiid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cafaariid
f. n., pl. evil spirits, devils; mythical giants
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cafaariid
a: cirfiid
de: evil spirits, devils; mythical giants
lx: cafaariid
pd: (-da)
ps: n8-f-pl
key: cafaariid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Farriiqid
(Farriiqid-da)
Wax biyabbiyo ah dalool ama dillaac yar, xoog uga soo bixid; dhiiqsamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farriiqid
m.f.dh eeg farriiq².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farriiqid
-da: (magac, dhedig, keli) wax biyabiyood ah, dalool ama dillaac yar ama meel yar oo cidhiidhyoon, xoog uga soo bixid. Dh: dhiiqsamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taarashid
m.f.dh eeg taarash². la-mid: tarashid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taarashid
-da: (magac, dhedig, keli) dhar shulshul u samayn oo taarash u yeelid.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
tababarid
to coach, to train
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabaryari
m.dh la-mid: tabaryaraan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tabaryari
m.dh eeg tabaryar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tabaryari
f. n., [abstract] weakness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tabaryari
-da: (n) weakness (wiik-nes); feebleness (fiibal-nes); impotence (im-po-tansi); incapability; lack of power or strength ~ tabardarro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabaryari
-da: (magac, dhedig, keli) tabaryarnaan; awooddarri.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tabaryari
de: weakness
initial: t
lx: tabaryari
pd: (-da)
ps: n0-f-abs
key: tabaryari
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tafaariiq
m.dh Iibinta badeeco kis kis loo iibiyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tafaariiq
m.dh Iibinta badeeco kis kis loo iibiyo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tafaariiq
-a: (n) retail (rii-teel) ~ [opposite of jumlo, jumlad]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tafaariiq
-da: (magac, dhedig, keli) alaabo la iibinayo oo la miismiisayo ama hal hal loo iibinayo balse aan jumlad lagu iibinayn. Li: jumlad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taqraarid
m.dh la-mid: tiqraarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taqraarid
-da: (magac, dhedig, keli) wax la kala jeexay, labadiisa dhinac kala durkin. Dh: tiqraarid. taqraarnaan -ta: (magac, dhedig, keli) wax la taqraaray ahaan; tiqraarnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tarraaqad
(Tarraaqad-da)
Kalluunka badda jaad ka mid ah oo waaweyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tarraaqad
m.dh (-do, m.l) Kalluunka badda jaad ka mid ah oo u eg tebedinta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tarraaqad
m.dh (-do, m.l) Kalluunka badda jaad ka mid ah oo u eg tebedinta.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tarraaqad
f. n. mackerel, Scomber scomber (large ocean fish similar to tuna)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tarraaqad
-da: (magac, dhedig, keli) kalluunka badda ee dubka jilicsan jaad ka mid ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tarraaqad
bw: (large ocean fish similar to tuna)
de: mackerel,
initial: t
lx: tarraaqad
pd: (-da)
ps: n1-f
sc: Scomber scomber
key: tarraaqad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tarriiqid
m.f.dh eeg tarriq².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tarriiqid
-da: (magac, dhedig, keli) kalajeexid.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tawaafuqi
Harmonic
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afarqaadid
m.f.dh eeg afarqaad². la-mid: afarqaad¹ (1), afarqaadis, afarqaadlays, afarqaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afarqaadid
-da: (magac, dhedig, keli) orod afarta addin marba labo israac u qaadis. Afarqaadid buu awrku reerka ku yimid. Dh: baabacayn, durdurin, dhabaabacayn, saqlayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baraarugid
(Baraarugid-da)
Hurdo ka kicid; soojeedid; digtoonaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraarugid
m.f.dh eeg baraarug³. la-mid: baraarug¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraarugid
-da: (magac, dhedig, keli) hurdo ka kicid, ka toosid. Dh: baraarugow.
baraarugid-da: (magac, dhedig, keli) soo jeedidda dareenka qofka. Dh: digtooni, feejigni.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carrarogid
-da: (magac, dhedig, keli) diyaarinta dhulbeereedka loo diyaarinayo falitaan. Dh: carraggeddi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabarjarid
-da: (magac, dhedig, keli) cidhib tirid oo wada halaagid. Dh: dabargoyn, cidhibtirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kafaaragud
-ka: (magac, lab, keli) eeg kafaarabbax.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kawarramid
vl. n. report, talking about something
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kawarramid
de: report, talking about s.t. rw: warran
lx: kawarramid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: kawarramid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raaqraaqid
m.f.dh eeg raaqraaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tababbarid
(Tababbarid-da)
Tabo aqooneed oo gaar ah barid; laylyid; carbin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tababbarid
m.f.dh eeg tababbar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tababbarid
-da: (magac, dhedig, keli) aqoon gaar ah barid. Dh: laylyid, carbin, tababbaris, jebin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabargabid
m.f.dh eeg tabargab². la-mid: tabar-gab¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabargabid
-da: (magac, dhedig, keli) tabargab ku dhicid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
takhraarid
-da: (magac, dhedig, keli) wax labo qalbac ah; wax kala dhexgelin, ku kala qabad. Marka latakhraaro yaxaaska afkiisa waa lagu dhexdhici karaa. Dh: liqdaarida, tikhraarida.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tanaasulid
m.f.dh eeg tanaasul.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tanaasulid
-da: (magac, dhedig, keli) wax cid idinka dhexeeyey, ka kaaftoomid oo uga dhexbixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taraaraxid
(Taraaraxid-da)
Si taraarax ah u socosho, u xiimid, u sidbasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taraaraxid
m.f.dh eeg taraarax². la-mid: taraa-rax¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taraaraxid
-da: (magac, dhedig, keli) silbasho la is qaban kari waayo, oo lagu sigto in la kufo. Dh: sinbiriirixasho, silbasho, sidbasho, siibasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taxaddarid
m.f.dh eeg taxaddar².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taxalluqid
m.f.dh eeg taxalluq². la-mid: taxalluq¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaraarugid
(Xaraarugid-da)
Sakaraadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaraarugid
m.f.dh eeg xaraarug².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaraarugid
-da: (magac, dhedig keli) xanuun iyo laxaw la labarogmasho; sakaraadid oo xanuun la rafasho Dh: sakaraadid, sankaraadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taallaqufid
m.f.dh eeg taallaquf.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tafantaacid
-da: (magac, dhedig, keli) daandaansi iyo annaaniyo aan lala kala gabban. Tafantaacida iga jooji. Dh: gardarraysi, tafantaacis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tafiirgu'id
-da: (magac, dhedig, keli) dad qofku abtirsada oo wada dhinta waxbana aanay la hadhin.