tafaafulid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tafaafulid
(Tafaafulid-da)
1. Saadaal xun la helid.
2. Falid; sixrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tafaafulid
m.f.dh eeg tafaaful². la-mid: tafaawulid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tafaafulid
-da: (magac, dhedig, keli) marka sixir iyo baab qof siduu ahaanayey lagaga doorinayo. Dh: falid, qataarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tafaawulid
m.dh la-mid: tafaafulid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tafaaful
(Tafaaful-ka)
1. Saadaal xun oo cid lala helo.
2. Fal, sixir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tafaaful
tafaaful¹: m.l 1. Saadaal xun oo cid lala helo. 2. Sixir; fal. la-mid: tafaawul¹.
tafaaful²: f.g1 (-ulay, -ushay) 1. Cid sixrid; falid. 2. Saadaal xun la helid. la-mid: tafaawul².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tafaaful
m.l 1. Saadaal xun oo cid lala helo. 2. Sixir; fal. la-mid: tafaawul.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tafaaful
m. n. evil prediction ~ curse; witchcraft, black magic
tafaaful v. curse, pray that evil befall someone; bewitch
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tafaaful
(fal) cid kale, sixir ku samee. Dh: sixir, fal, baab, qataar.
tafaaful -ka: (magac, lab, keli) doorinta qofka laga beddelo siduu yahay iyadoo la isticmaalayo sixir. Tafaafulka waxaa sameeya curaafyada waana dad Ilaahay ka fog.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tafaaful_1
de: evil prediction ~ curse; witchcraft, black magic
hm: 1
initial: t
lx: tafaaful
pd: (-ka)
ps: n0-m
key: tafaaful_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tafaaful_2
de: curse, pray that evil befall s.o.; bewitch
hm: 2
initial: t
lx: tafaaful
pd: (tafaafulay)
ps: v1=tr
key: tafaaful_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tanaasulid
m.f.dh eeg tanaasul.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tanaasulid
-da: (magac, dhedig, keli) wax cid idinka dhexeeyey, ka kaaftoomid oo uga dhexbixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falaanfulid
m.dh la-mid: falaanfalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qafaalid
(Qafaalid-da)
1. Qof laga adkaaday, xoog ku wadasho; afduubid; boojin.
2. (beer) Geedqaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qafaalid
m.f.dh eeg qafaal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qafaalid
-da: (magac, dhedig, keli) beer, daleed la dhigid oo dhirta ka jarid. Qafaalid la'aan berta lama qodi karo. Dh: jirid, geedqaadid.
qafaalid -da: (magac, dhedig, keli) afduubid, xoog ku kaxaysad. Dh: afduubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taakulid
m.f.dh taakul. la-mid: taakulayn, taakulo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taakulid
-da: (magac, dhedig, keli) kaalmayn; taageerid; caaminid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tacaalid
(Tacaalid-da)
(la-tacaalid) Dhaawac daran ama cudur halis ah, degdeg wax uga qabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tacaalid
m.f.dh eeg tacaal². la-mid: tacaal¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tacaalid
-da: (magac, dhedig, keli) (la ~) dhaawac daran ama cuddur halis ah, degdeg wax uga qabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tafaawul
tafaawul¹: m.l la-mid: tafaaful¹.
tafaawul²: f.g1 (-ulay, -ushay) la-mid: tafaaful².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaabulid
(Abaabulid-da)
Arrin isku duwid; hagaajin; qabanqaabin; dumid (col).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaabulid
m.f.dh eeg abaabul². la-mid: abaabul¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaabulid
-da: (magac, dhedig, keli) qabanqaabada hawl ujeeddo leh oo soo socota. Dh: qabanqaabo. abaabulis -ta: (magac, dhedig, keli) qabanqaabada iyo ururinta dad iyo duunyo lagu fulinayo qorshe ujeeddooyin leh. Dh: abaabulid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taftaafid
m.f.dh eeg taftaaf.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taftaafid
-da: (magac, dhedig, keli) cudur i xanuun, la caatoobid.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tawaafuqi
Harmonic
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masaafurid
m.dh la-mid: masaafirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaafurid
-da: (magac, dhedig, keli) safar dheer u bixid; meel fog socoto ku aadid. Dh: safrid, socdaalid, musaafurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabaaqilid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg tabaaqil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tafarruqid
m.dh la-mid: tafaraaruqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tafarruqid
-da: (magac, dhedig, keli) dad, iskhilaafid iyo kala tegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tawaawilid
m.f.dh eeg tawaawil².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tafaafulitaan
-ka: (magac, lab, keli) cid kale, beddelitaan oo sixrid. Dh: qataarid, sixrid, sixritaan, falitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tafaraaruqid
-da: (magac, dhedig, keli) koox koox u kala go'id khilaaf yimi darteed iyo fahan laaan. Is fahan laantu tafaraariqid ayey keentaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tafarraruqid
m.f.dh eeg tafaraaruq². la-mid: tafarruqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falaanfalid
m.f.dh eeg falaanfal². la-mid: falaanfulid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fardafuulid
m.f.dh eeg fardafuul². la-mid: fardafuulis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Affurid
(Affurid-da)
Soonka jebin; cunnada affurka cunid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
affurid
m.f.dh eeg affur². la-mid: affur¹ (2), afur¹, afurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Awaalid
(Awaalid-da)
Filid; malayn; sugid; saadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
awaalid
m.dh la-mid: aawil¹, aawilid, awaal¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
awaalid
-da: (magac, dhedig, keli) wax saadin; wax saadaalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jafaali
f.g2 (-iyay, -isay) Wax si xoog leh uga dhifasho; uga dafid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jafaali
v. pull with force
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jafaali
(fal) jirrid geed iyo wax la mid ah, qolofta sare ka qaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jafaali
de: pull with force (e.g., in order to tear s.t. off or to make an animal walk faster)
lx: jafaali
pd: (jafaaliyey)
ps: v2a=tr
key: jafaali
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kafafid
(Kafafid-da)
(wax qoyan) wax yar engegid; kawrixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kafafid
m.f.dh eeg kafaf.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kafafid
-da: (magac, dhedig, keli) wax qoyanaa, soo yara engegid: soo yara qallalid. Dh: kawraxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kafalid
-da: (magac, dhedig, keli) wax kugu lumay ama cidkale oo aad masuul ka tahay ku lumay bixin. Dh: magid, bedid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tafaqid
m.f.dh eeg tafaq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tafaqid
-da: (magac, dhedig, keli) dhibicdhibic u dhicid. Dh: tifqaamid, tifqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Talalid
(Talalid-da)
Jibaadid; madaarid; taahid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
talalid
m.f.dh eeg talal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
talalid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg taahid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tawalid
m.f.dh eeg tawal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tawalid
-da: (magac, dhedig, keli) werwerid: walbahaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aawaalid
-da: (magac, dhedig, keli) ka warramidda wax aan weli dhicin iyada oo la kaashanayo astaamaha lagu tilmaansan karo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baatulid
(Baatulid-da)
Dhaqaala-darrayn; tashiilid la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baatulid
m.f.dh eeg baatul². la-mid: baatul¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baatulid
-da: (magac, dhedig, keli) ashiilla'aan yu baatul ku samayn. Reatulid berri kuma gaadhsiiso. Dh: haatulis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaalid
m.dh la-mid: callaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daabulid
m.f.dh eeg daabul.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daabulid
-da: (magac, dhedig, keli) daldalid oo raashin uud ka qaadid oo meel lagu kaydiyo u qaadid. Dh: daldalid, daadgurayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dadaalid
(Dadaalid-da)
Dadaal la imaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadaalid
m.f.dh eeg dadaal². la-mid: dedaalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dadaalid
-da: (magac, dhedig, keli) wax qabad dheeraad ah oo muruq iyo maskax ah samayn si yool loo gaadho. Dh: dadaalis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dagaalid
(Dagaalid-da)
(qof wax dhimay) dagaal ula tegid; eedayn; ku carabbaabbi'id; haaraamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dagaalid
m.f.dh eeg dagaal². la-mid: dagaal¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dagaalid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, la diririd, u hanjabid. Dh: hanjabid, diririd.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dalaafid
(Dalaafid-da)
Ayaandarro iyo darxumo ku dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalaafid
m.f.dh eeg dalaaf². la-mid: dalaaf¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalaafid
-da: (magac, dhedig, keli) darxumoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dawaafid
(Dawaafid-da)
Kacbada ku wareegid, Xajka gudashadiisa kamid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawaafid
m.f.dh eeg dawaaf². la-mid: dawaaf¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawaafid
-da: (magac, dhedig, keli) dhulka kolba meel u socdaalid, wareegid. Dh: dawaafis.
dawaafid -da: (magac, dhedig, keli) Kacbada ku wareegid. Aabbo dawaafidda wuu karaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faalalid
(Faalalid-da)
(geedo, kd.) dhulka korkiisa, sida qaraha, ugu ballaarasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faalalid
m.f.dh eeg faalal². la-mid: faalal¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faalalid
-da: (magac, dhedig, keli) dhinacyada u kala bixid; hareeraha ka ballaadhsamid. Geedkan faalalidda u diid. Dh: fidin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faalugid
m.f.dh la-mid: faaligid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faaruqid
m.f.dh eeg faaruq².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Falfalid
(Falfalid-da)
1. (hilib) Garowkaris ka dhigid.
2. Falid; sixrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falfalid
m.f.dh eeg falfal³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falfalid
-da: (magac, dhedig, keli) hilib biyo oo keli ah ku karin.
falfalid -da: (magac, dhedig, keli) falid ama sixrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fataalid
(Fataalid-da)
Fataalnimo samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fataalid
m.f.dh eeg fataal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fataalid
-da: (magac, dhedig, keli) rag iyo dumar isu geyn. Dh: fataalis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galaalid
(Galaalid-da)
Galaal u yeelid, marin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
galaalid
m.f.dh eeg galaal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galaalid
-da: (magac, dhedig, keli) galaal u marin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hadaafid
(Hadaafid-da)
Socod gaabis ah, socosho; hudeecid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hadaafid
m.f.dh eeg hadaaf². la-mid: hadaaf¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadaafid
-da: (magac, dhedig, keli) sidii ilmo yar ama qof indhala' u socosho. Dh: ansaleellayn, hudeecid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jafaalin
m.f.dh eeg jafaali. la-mid: jafaalis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jafaalin
-ta: (magac, dhedig, keli) jirrid geed iyo wax la mid ah, qolofta sare ka qaadid.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Jafaalin
Rifid xoog leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jafaalis
m.l la-mid: jafaalin.