taddawur
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taddawur
taddawur¹: m.l la-mid: taddawurid.
taddawur²: m.l (cilmiga naflayda) Hab soo korid ah, oo aan hakad lahayn, oo leh horumar gaar ah oo ku xiran waqti go'an.
taddawur³: f.mg1 (-ray, -rtay) Horumar samayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
taddawur
m.l (cilmiga naflayda) Hab soo korid ah, oo aan hakad lahayn, oo leh horumar gaar ah oo ku xiran waqti go'an.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taddawurid
m.f.dh eeg taddawur³. la-mid: taddawur¹.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
evolvere
v.tr. - taddawurin.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
evolversi
v.rifl - taddawurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maddar
-ka: (magac, lab, keli) eeg madar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaddar
1. (Qaddar-ka) a) Karti; awood. b) Sharaf; qiime; tixgelis.
2. (Qaddar-ta) Iraadada Eebbe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaddar
qaddar¹: m.l 1. Karti; awood. 2. Sharaf. 3. Q. ah: xoogaa; kis. 4. Q. ah: qiyaas (waqti). 5. la-mid: qaddar².
qaddar²: m.l/dh (dii.) Awood Rabbaani ah, oo aan aadamiga ku lahayn wax hawl ah. la-mid: qaddar¹ (5).
qaddar³: f.g1 (-ray, -rtay) Wax ahaysiin (Ilaah).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaddar
qaddar¹: m.l 1. Karti; awood. 2. Sharaf. 3. Q. ah: xoogaa; kis. 4. Q. ah: qiyaas (waqti). 5. la-mid: qaddar².
qaddar²: m.l/dh (dii.) Awood Rabbaani ah, oo aan aadamiga ku lahayn wax hawl ah.
qaddar³: f.g1 (-ray, -rtay) Wax ahaysiin (Ilaah). m.f.dh, qaddarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaddar
v. estimate the value of
qaddar m. n., [abstract] ability, power; consideration, honor
qaddar [feminine] n. Will of God
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaddar
-ta/ka:(n) 1. destiny (des-tani), fate (feeyt)-, lot (laat); kismet (kiz-mat); doom (dhuum) ~ calaf. 2. ability to do something. Ex: qaddarteeda ma dhamma; this is beyond her ability.
qaddar -ay: (v) predestine (piri-dhes-teri) by God; [God's will]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaddar
(fal) qiime mala'awaal ah samee. Bal qaddar inta aqalkayga lagu iibin karo. Dh: qiyaas.
qaddar -ka: (magac, lab, keli) firidu markay dhalato ee aanay weli adkaan ee ay caanaha leedahay. Hadhuudhku waa qaddar ee shimbirta ka celiya.
qaddar -ka: (magac, lab, keli) xukunka Ilaahay ee hore wax walba loogu qoray. Rumaynta qaddarku waa tiir tiirarka islaamka ka mid ah.
qaddar -ka: (magac, lab, keli) qiime iyo sharaf uu qof leeyahay. Ninkii qaddarkaaga garanaya ayaa ku qiimiiya.
qaddar -ka: (magac, lab, keli) karti iyo awood.
qaddar -ka: (magac, lab, keli) sharaf iyo tixgelin.
qaddar -ka: (magac, lab, keli) xoogaa; kis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waddar
(Waddar-ka)
Dil xoog wax lagu dilo, (ama wedder).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waddar
waddar¹: m.l la-mid: waddarid.
waddar²: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Cid si khayaano ama xoog badan ku dilid. 2. Ambin; luggoyn. la-mid: wedder².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waddar
m. n. fatal blow
waddar v. strike someone hard; kill
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waddar
(fal) si xoog badan wax u dil; nafta ka jar. Dh: wedder.
waddar: (fal) majara'habaabi oo khiyaamee. Cadawga waddar. Dh: ambi; luggoo.
waddar -ka: (magac, lab, keli) qof aan naftiisa u rooneyn. Naftii waddar lama weheshado.
waddar -ka: (magac, lab, keli) dil xoog wax lagu. dilo oo xasuuq ah. Dh: wedder.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Cadduur
name-m wild tree (sp)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Cadduur
magac loo baxsho wiil ku ag dhashay geed magacaa leh oo meelaha lamadegaanka ah ka baxa oo loogu cadaydo daawo ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haddaar
(fal) badar ama wax kale oo meel lagu kaydinayay, qabaw ha ku gaadho oo caaryayso.
haddaar -ka: (magac, lab, keli) kolka hadhuudhka iyo wixii la mid ah, ay biyo, ugu galaan halkii uu yiilley oo dhadhankiisa iyo dhalankiisaba wax iska beddelaan. Li: amad.
haddaar -ka: (magac, lab, keli) diidanaanta uu qofku wax diido. Dh: nacbaansho, diidmo.
haddaar -ka: (magac, lab, keli) mirqaan halkii la doonayay gaadhin oo caajis isku bedela.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tacabur
-ka: (n) adventure (adh-veen-jar)
tacabur -ay / tay: (v) risk one's self to immigrate to unknown place of country ~ tacabbir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tacdaar
(Tacdaar-ta)
1. Neef xoolo ah oo Ilaah darti loo qalo; waqdhaacin.
2. Duco; wacays; (ama tadcaar, tamcaar).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tacdaar
tacdaar¹: m.dh (dii.) Neef xoolo ah oo Ilaah dartii loo qalo. la-mid: tadcaar¹, tamcaar¹.
tacdaar²: f.mg1 (-ray, -rtay) (dii.) Ku t.: neef duco darteed u qalid. la-mid: tadcaar², tamcaar².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tacdaar
m.dh (dii.) Neef xoolo ah oo Ilaah dartii loo qalo. la-mid: tadcaar, tamcaar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tacdaar
f. n. sacrifice, animal sacrificed to God; prayer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tacdaar
-ta: (magac, dhedig, keli) Ilaahbari si balaadhan loo dalbay oo xoolo la qalayo isaga loogu dhawaanayo. Maanta waxan ka qayb galay tadcaar Alla bari ah. Dh: duco, Allabari, wacays, waqdhaacin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tacdaar
bw: tadcaar ~ tamcaar
cf: duco
de: sacrifice, animal sacrificed to God; [ext.] prayer
initial: t
lx: tacdaar
pd: (-ta)
ps: n2-f
key: tacdaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tadcaar
(Tadcaar-ta)
Tacdaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tadcaar
tadcaar¹: m.dh (-rro, m.dh) la-mid: tacdaar¹.
tadcaar²: f.mg1 (-ray, -rtay) la-mid: tacdaar².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tadcaar
f. n. animal ~ prayer sacrifice to God
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tadcaar
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg tacdaar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tadcaar
de: animal ~ prayer sacrifice to God
initial: t
lx: tadcaar
pd: (-ta)
ps: n2-f
see: tacdaar
key: tadcaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tafaawul
tafaawul¹: m.l la-mid: tafaaful¹.
tafaawul²: f.g1 (-ulay, -ushay) la-mid: tafaaful².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tawaawuc
-a: (magac, lab, keli) eeg tawaawac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaaddaxir
m.l Waxyaabaha lagu qurxiyo fardaha marka la heenseeyo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
radiateur
radiateur, n.m. - taangiga biyaha ee baabuurta
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tasaawiir
f. n., pl. pictures, illustrations
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tasaawiir
bw: Arabic
de: pictures, illustrations Sg: taswiir
initial: t
lx: tasaawiir
pd: (-ta)
ps: n8-f-pl
key: tasaawiir
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
candidatura
s.f. - sharraxaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaaddabbuur
(Gaaddabbuur-ka)
(fardo) hardaf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaaddabbuur
gaaddabbuur¹: m.l 1. Orod aan dheereyn. 2. Faalaxgooddi dad badan sameeyaan oo cid lagu guulguulayo.
gaaddabbuur²: f.mg1 (-ray, -rtay) U g.: guulguul samayn (cid).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaaddabbuur
m. n., [compound] canter, gallop
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaaddabbuur
de: canter, gallop
lx: gaaddabbuur
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: gaaddabbuur