tacshiiradayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tacshiiradayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, rasaasayn ama xabaddo ku furis. Dh: rasaasayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tacshiirad
(Tacshiirad-da)
Xabbado badan oo isku kol, wadajir, loo rido.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tacshiirad
m.dh Rasaas koox dad ahi hal mar wada ridaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tacshiirad
f. n. volley (of shots); sudden burst of gunfire
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tacshiirad
-da: (n) simultaneous discharge of bullets; volley (voo-li)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tacshiirad
-da: (magac, dhedig, keli) xabbado badan oo isku mar si wada jir ah loo rido ama u dhaca. Dh: dabsaar, baas.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tacshiirad
de: volley (of shots); sudden burst of gunfire
initial: t
lx: tacshiirad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: tacshiirad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tacshiiradee
(fal) rasaasee ama rasaas ku fur. Dh: rasaasee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baqshadayn
m.f.dh eeg baqshadee.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baqshadayn
-ta: (n) envelopment (in va loopment)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqshadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) buqshad ku xidhid; kartoon, joonyad shandad iyo wixii ma mid ah ku ridid oo ku adkayn. Saamiya waxay aad u taqaan baqshadaynta hadiyadaha. Dh: galayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bashqadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ku riditaanka bashqad. Bashqadaynta ka hor warqadda ii akhri. Dh: bashqadayn, buqshadayn, bushqadayn, galayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naqshadayn
(Naqshadayn-ta)
Naqshad ama naqshado u yeelid, ku qurxin; xardhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naqshadayn
m.f.dh eeg naqshadee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naqshadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xaradh ama midabbo qurxoon u yeelid. Naqshadayntu qurux bay u siyaadisaa aqalada dhismahooda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rabshadayn
(Rabshadayn-ta)
Rabshad gaarsiin, ku kicin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rabshadayn
m.dh la-mid: rabshayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rabshadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) rabshad iyo qas samayn; xiisad kicin. Dh: fidmayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tashiiltan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax tashiilan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
warshadayn
m.f.dh eeg warshadee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
warshadayn
vl. n. industrialization
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
warshadayn
-ta: (n) industrial development; industrialization (in-dhas-tariyaa-lizeey-shin)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
WARSHADAYN
Industrializzazione
Industrialisation
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Warshadayn
Industrializzazione
Industrialization
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warshadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) alaab qaydhiin warshad gelin oo wax ka samayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
warshadayn
de: industrialization
initial: w
lx: warshadayn
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: warshadayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xasaradayn
(Xasaradayn-ta)
Xasarad kula kicid; maagid; adyadeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xasaradayn
m.f.dh eeg xasaradee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xasaradayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xasarad cid kula kicid. Dh: maagid, adyadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taswiiraale
-ha: (magac, lab, keli) qofka sawirada qaada; sawirqaade.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tashiilitaan
-ka: (magac, lab, keli) wax dhaqaalayn, tabiinadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baashiraad
-da: (magac, dhedig, keli) weji furan iyo farax ku soo dhoweynta iyo qaabilaadda qof marti ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqshadays
-ka: (magac, lab, keli) baqshadaynta warqad. Bashqadays ka dibna dir warqadda. Dh: bashqadays, buqshadays, bushqadays, galays. baqshadaysan: (tilmaame) wax baqshad ku jira ama lagu riday. Warqad baqshadaysan baa loo soo direy boqorka. Dh: bashqadaysan, buqshadaysan, bushqadaysan, galaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barkhadayn
m.f.dh eeg barkhadee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barkhadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) barako iyo beexaan u yeelid. Dh: barakayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bashiicsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la bashiiciyey ahaansho (albaab iyo wixi lamida). la-mid: bishiicsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bashiicsan
(tilmaame) wax ama meel in yari ka bannaantahay.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
facsharaad
-da: (n) disgrace (dis greeys) discredit (dis keredit); scandal (iskaandel) ~ facshar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faqiirtayn
m.f.dh eeg faqiirtee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faqiirtayn
-ta: (magac, dhedig, keli) mid ama kuwo sabool ah ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fashilnaan
m.dh la-mid: fashalnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fashilnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) guuldarro iyo khasaare.
fashilnaan -ta: (magac, dhedig, keli) sir kashifantay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geshiinayn
m.f.dh eeg geshiinee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geshiinayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, cunto siin oo quudin. Dh: dheefsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kashifnaan
m.f.dh eeg kashifan². la-mid: kashifnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kashifnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax kashifmay ahaan; ceebaysnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lacanadayn
m.dh la-mid: nacaladeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nashirnaan
m.f.dh eeg nashiran. la-mid: nashirnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qasacadayn
m.f.dh eeg qasacadee.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Qasacadayn
Canning
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qasacadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) moolgarayn oo qasacado ku cabbayn. Qasacadaynta wershado ayaa sameeya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabaradayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sabarad ku garaacid.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Shaabadayn
Timbrare
To stamp
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shabbadayn
(Shabbadayn-ta)
Shabbad ku dhufasho, la dhicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shabbadayn
m.dh la-mid: shaabbadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shabbadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) shabbad ku dhufasho; tiimbarayn; shaabbadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shiiritaan
-ka: (magac, lab, keli) shiirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shirrabaan
-ta: (magac, dhedig, keli) dhibid iyo jirrabaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shurbadayn
(Shurbadayn-ta)
Shurbad ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shurbadayn
m.f.dh eeg shurbadee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shurbadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) shurbad ka dhigid, mushaali ka dhigid. Dh: maashaaliyeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tacliinsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof tacliin leh ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tacliinsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof tacliin leh ahaansho. m.f.dh, tacliinsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tacliinsan
der. [adjective] educated, instructed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tacliinsan
(tilmaame) la tacliimiyey; tacliimsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tacliinsan
de: educated, instructed
initial: t
lx: tacliinsan
pd: (tacliinsanaa)
ps: adj-der
key: tacliinsan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tacsiyadee
v. mourn; offer condolences; have sympathy
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tacsiyadee
a: tacsiyee
de: mourn; offer condolences; have sympathy
initial: t
lx: tacsiyadee
pd: (tacsiyadeeyey)
ps: v2b=
key: tacsiyadee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tafiirgoyn
m.f.dh eeg tafiirgoo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tafiirgoyn
-ta: (magac, dhedig, keli) qof dadki dhaxli lahaa, dhammayn.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Tafsiir-ka
explication.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wanshiirid
m.f.dh eeg wanshiir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wanshiirid
-da: (magac, dhedig, keli) nafley, daal haleelid. Dh: wanshiir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
washirnaan
m.f.dh washiran. la-mid: washirnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
washirnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) dhisnaan; dhisme diyaar u ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xasaradays
-ka: (magac, lab, keli) eeg xasaradayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xushmadayn
m.dh la-mid: xushmayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xushmadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid maamuusid oo sharfin. Xushmadayntu waa xaq la isku leeyahay Dh: xushmayn, qaddarin, xushmays. Li: ihaanayn, xaqirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bashaqalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhex socodka biyo ama meel dhooqo leh, ama si qaabdaran wax la raqayo. Bashaqlaynta libaaxaan hurdaydii kaga booday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
basiiraysan
(tilmaame) nafaqadarraysan oo tabaalaysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
busaaradayn
-ta: (magac, dhedig, keli) bisaarad ku ridid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cashiiraysi
(Cashiiraysi-ga)
Cashiiro ka dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cashiiraysi
m.l la-mid: cashiiraysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cashiiraysi
vl. n. taking someone as a relative
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cashiiraysi
-ga: (magac, lab, keli) cashiiro ka dhigasho; qaraabaysi; ehelaysi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cashiiraysi
cf: casabayso
de: taking s.o. as a relative
lx: cashiiraysi
pd: (-ga)
ps: vn2-m
key: cashiiraysi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cashiirayso
f.g3 (-stay, -satay) Cid cashiiro ka dhigasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cashiirayso
(fal) qaraabo iyo ehel ka dhigo; cashiironimo u soo dhowayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dacaayadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, wax ka sheegid. Dacaayadaynta dadka waaweyn ka daaya. Dh: dicaayadeyn. Li: ammaanid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fashilitaan
-ka: (magac, lab, keli) arrin socota docfaruurid ama fashilin.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Gasiirad-da
île.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaawiyadayn
(Kaawiyadayn-ta)
Kaawiyad marmarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaawiyadayn
m.f.dh eeg kaawiyadee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaawiyadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sigibtirka dharka oo loo adeegsado kaawiyad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Khasiyadayn
(Khasiyadayn-ta)
Wax khasiyad ah cid kula kicid; maagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khasiyadayn
m.f.dh eeg khasiyadee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khasiyadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) faragelin iyo afdheeri wax aan laguu dirsan. Dh: faduulin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maddiiddayn
-ta: (n) hypnotism (hip-natiisam)-, mesmerism (mezmariisim); hypnosis (hip-nowsas) ~ maddiido
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magiiganayn
-ta: (magac, dhedig, keli) faal samayn; faal dhigid. Dh: faalin.