tachi
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
tachi
- pref. - horkabe tilmaama xawli.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
tache
tache, n.f. - calaamad; bar; astaan
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
tâche
tâche, n.f. - shaqo adag
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tacsi
(Tacsi-da)
1. Wax afka laga yiraahdo ama addinka laga qabto oo qof geeriyi ku timid, loogu laab qaboojiyo.
2. Qofka dhintay waxa la raacsho ama darti loo sameeyo (Quraan, duco, Allabbari, axan, agas; ...).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tacsi
m.dh 1. Hadallo qof laga dhintay loo jeediyo oo lagu samirsiiyo. 2. Lacag loo geeyo qof laga dhintay. 3. Murugo dhawr maalmood loo hayo qof dhintay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tacsi
f. n. mourning; condolence (to the relatives of the deceased)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tacsi
-da: (n) funeral rites (fiyuu-naraal raayt); condolence (kon-dhoo-lansi); consolation (kon-saleey-shin)
u tacsiyee -yey tacsiyeysay: (v) console (kon-sool); express one's condolences ~ u tacsiyadee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tacsi
-da: (magac, dhedig, keli) fadhiga qof geeriyi ku timid oo ay dadku ka samirsiiyaan iyagoo booqasho waxtar leh ula imanaya; qof dhintay duco loo sameeyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tacsi
de: mourning; condolence (to the relatives of the deceased)
initial: t
lx: tacsi
pd: (-da)
ps: n2a-f
key: tacsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tashi
(Tashi-ga)
Labo qof ama ka badan oo talo isu keena, is weydaarsada, isku biiriya; arrinsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tashi
m.f.dh la-mid: tashad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tashi
vl. n. consultation; act of deciding
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tashi
-ga: (n) consultation (kon-sol-teey-shin) ~ tashad.
wada tashi -ga: (n) exchange of views; mutual consultation; collaboration; brainstorming
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Tashi
Consultazione
Consultation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tashi
-ga: (magac, lab, keli) eeg taloda.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tashi
a: tashad, tashasho
de: consultation; act of deciding
initial: t
lx: tashi
pd: (-ga)
ps: vn2a-m
see: tasho
key: tashi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tacliimin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax tachiin ka dhigid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
avachi
avachi, adj. - qaloocin.
avachi fatigué - daalid
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
hachis
hachis, n.m. - shiidis.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
machin
machin, n.m. - Wax.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
rachis
rachis, n.m. - xangulaha lafdhabarta
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sachin
-ta: (magac, dhedig, keli) sacab tumid; sacab garaacid; sabcin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taadhi
-da: (magac, dhedig, keli) neef dhedig oo aan tebinnine, mar walba oofta oo dhala. Dh: taadhisaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taahid
(Taahid-da)
Taah ka soo bixid, ka yeerid; jibaadid; talalid; madaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taahid
m.f.dh eeg taah².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taahid
-da: (magac, dhedig, keli) alallida; jibaadida; cod gaaban ka soo bixida qofka buka uu ku dhawaaqo. Ri'du way taahaysaa. Dh: alalid, taahis, talalida, aadaarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taahis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg taahid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tacbid
m.f.dh eeg tacab². la-mid: tabac¹, tabcid, tacab¹.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
tacher
tacher, v. - wasakhayn
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
tâcher
tâcher, v. - isku dayid in aad ku yool gaadhiid ama ka gungaadhid ujeeddadaada.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
tactic
/taaktik/ tactics; (n) xeelad taatiko.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Takhid
(Takhid-da)
Takh ka soo bixid, yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
takhid
m.f.dh eeg takh². la-mid: takh¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
takhid
-da: (magac, dhedig, keli) karsamidda shuurada sanqadha ay bixiso. Takhidda waad yaabtaa dherigii dabka dul yaallay.
takhid-da: (magac, dhedig, keli) takh ka soo bixid ama yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
takhti
m.l.kh T. ah: shay aan wax kale ku labnayn; saafi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
takhti
m.l.kh T. ah: shay aan wax kale ku labnayn; saafi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
takhti
m. n. pure, unadulterated; extremist
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
takhti
-ah: (adj) intense (inteen-si); strong (istaroong); extreme (ikis-tiriim); pure (piyuur) ~ taqti. Ex: buluug takhti ah; a pure [strong] blue color
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
takhti
(tilmaame) walax aan la tarrixin oo badhaxla'; midab car iyo beyr la' aan la tarraxin. Dhiiggu, waa casaan takhti ah. Dh: saafi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
takhti
de: pure, unadulterated; [ext.] extremist Alt sp: taqti
initial: t
lx: takhti
pd: (-ga)
ps: n0-m-atr
key: takhti
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tashti
-ga: (magac, lab, keli) weel wax lagu maydho sida dharka. Dh: baaf.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
tacchino
s.m. - nooc shimbir.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
teaching
/tiijin/ (n) 1. macallinimo (baranimo) (n) 2. mad-hab (n) 3. wax-barid (tacliimin).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ahi
v., subject case: being ...; SUBJECT is / are ...
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ahi
(v) is or are. Ex: qofkii Muslin ahi waa inuu tukadaa; a person who is Muslim, should pray
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ahi
de: being ...; [SUBJECT] is / are ... Marks a declarative subject
lx: ahi
pd: (ah + i)
ps: v5a-subj
xe: A Somali girl doesnt do (that).
xv: Gabadh Soomaaliyad ahi ma sameeyso.
key: ahi
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
chi
pron.interr. - yaa...?
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
tac
tac, (tac au tac), n.m. - jawaabid dagdag an
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abhi
f.g2 (-iyay, -isay) Qof maaggan in uu cid dhibaateeyo ereyo uu ku qaboobo ku dhihid. la-mid: ahbi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
abhi
f.g2 (-iyay, -isay) Qof maaggan in uu cid dhibaateeyo ereyo uu ku qaboobo ku dhihid. m.f.dh, abhin. la-mid: ahbi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abhi
v. plead, beseech, admonish
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
abhi
-yey / say: (v) warn (woon); caution (kooshin); forewarn (foor-woon) ~ u dig
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abhi
(fal) 'qof' Alle kaga cabsii oo ka hoosgal. Iska abhi bal in uu kaa joogsado, waa nin cadhadu saaqdaye oo 'waar Allahaa Alle ma yahay!' ku dheh.
abhi: (fal) 'awr' hal abasaxaysa dhood. Dh: abaahi, dhood.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
abhi
a: ahbi
de: plead, beseech, admonish
lx: abhi
pd: (abhiyey)
ps: v2a=
key: abhi
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
ache
ache (n): a dull pain.
xanuun nacas
ache (v): to suffer a dull pain.
xanuun nacas ah ama khafiifa haya
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
ache
/eyk/aches, aching, ached; (v) xanuun isdaba joog ah. e.g. My legs ache after that long hike.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
ache
/ayk/ (n) dhuuris, lahaw, dhimow.
/ayk/ (v) dhuuriyow. My head aches.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
ache
ache, aching, n., xanuun, -ti.
ache (be in pain), v.i., xanuunso; v.imp., wuu xanuuni, it pains; waa i xanuunaysa, it pains me; v.c., xanuuni.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
adhi
m. n., [collective] sheep and goats; herd
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
adhi
-ga: (n) [plural] goats and sheep ~ ari
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adhi
-da: (magac, dhedig, keli) beer ba'day wixii ka soo hadha oo ka baxa; beertu kolka ay ba'do inta yar ee ay soo saarto. Dh: ari.
adhi -da: (magac, dhedig, keli) jeegada inteeda madaxa ka tirsan oo dhakada sare iyo qadaadka ama mergaagga u dhaxaysa. Markii budka lagu dhuftay ayuu askarigu adhida u dhacay.
adhi -ga: (magacwadareed) erey kulmiya riyaha iyo idaha oo ka sooca ishinka 'geela iyo lo'da iwm'. Adhi maganti ma bariiyo. Dh: ari.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
adhi
a: ari
cf: lax, orgi, ri', wan
de: sheep and goats; herd
lx: adhi
pd: (-ga)
ps: n2-m-col
key: adhi
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
each
/iij/ (pron) 1. mid-kasta (adv) 2. midkiiba.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
each
a.prn., walba, waliba; each one, mid waliba, middiba, min.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
mach
/maak/ (n) xawaaraha diyaaradda oo la bar-bar dhigo xawaaraha guuxa ama jabaqda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maci
m.dh la-mid: macaan².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maci
f. n., [abstract] sweetness; something sweet
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maci
-da: (magac, dhedig, keli) macaanaan oo dhandhan iyo wax wax laga cuno lahaan. Dhaylada macida ayaan ku jeclahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maci
de: sweetness; something sweet
lx: maci
pd: (-da)
ps: n0-f-abs
see: macaan
key: maci
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taah
(Taah-a)
Cod tabar yar oo aan kala soocnayn oo qofka buka ka soo baxa; jibaad; talal; madaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taah
taah¹: m.l Cod tabar yar oo aan kala soocnayn oo qofka buka ka soo baxa.
taah²: f.mg1 (-hay, -hday) Taah samayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
taah
taah¹: m.l Cod tabar yar oo aan kala soocnayn oo qofka buka ka soo baxa.
taah²: f.mg1 (-hay, -hday) Taah samayn. m.f.dh, taahid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
taah
m. n. moan
taah v. moan
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
taah
-ay/day: (v) groan (guruun); feel pain; whimper (wim-par) ~ jibaad.
taah -a: (n) groan; groaning (guruuning); mournful cry, usually of pain; moan (moown) ~ jibaad, madaar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taah
(fal) xanuun ama dhib dartood la jibaad. Dh: jibaad.
taah -ha: (magac, lab, keli) aadaar cod hoose oo damaq iyo dareen keeno. Dh: talel.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabi
(fal) cid kale, war ama wax kale gaadhsii. Dh garsii, tebi.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
tack
/taak/ (n) 1. musbaar madax ballaaran (n) 2. dariiq-baddalasho (siiba maraakiibta iyo doonyaha) (n) 3. qodbid (musbaarid).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
tack
v.tr., qodob, isku qodob, isku tol.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
tact
/taakt/ (n) xeelad (xariifnimo).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
tact
tact, n.m. - si qofka aan dhawacayn oo wax loogu sheego; si edeb iyo xaqdhawridu ku jirto oo wax loo falo
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Taha
name-m man, opening of 20th Surah of the Qur'an
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Takh
(Takh-a)
Budo la karshey iyo wixii la mid ah ama u eg, kolka ay dusha ka qaboobaan uurkana ka kulul yihiin, gaaska ama neecawda kulul oo sida qarxasho ahaan, dibadda u soo baxbaxa, oo meeshiiba raad goobaabin ah ku reeba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
takh
takh¹: m.l Badbadka soorta. la-mid: takhid.
takh²: f.mg1 (-khay, -khday) Soor karaysa badbadid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
takh
m. n. anything cool on the surface and hot below; bubble from a hot lower layer
takh v. bubble (from heat under a cooled surface); boil up
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
takh
-ay / -day: (v) boil (booyl)-, be boiling; spluttering noise made by cooking food
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
takh
-a: (magac, lab, keli) budo la kariyey iyo wixii la mid ah kolka dusha ay ka qaboobaan hoostana ka kulul yihiin, hawada kulul ee meesha ay ka soo baxdo goobaabinta ku samaysa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taki
m.l la-mid: kati.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taki
-da: (magac, dhedig, keli) qalab bir ah oo inta la tumay afka hore laga dhigay mid fiiqan oo dhulka lagu qodo.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Taki
Qoddo dhuuban oo wax turuqda sida tan gocdeysta iyo waranka oo kale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tali
f.mg2 (-iyay, -isay) 1. U t.: cid meel xukumid. 2. Ka t.: meel xukunkeeda qabsasho. 3. Ku t.: arrin talo ka bixin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tali
f.mg2 (-iyay, -isay) 1. U t.: cid meel xukumid. 2. Ka t.: meel xukunkeeda qabsasho. 3. Ku t.: arrin talo ka bixin. m.f.dh, talin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tali
v. rule, govern, be the head, administer
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tali
-yey / say: (v) 1. give or offer advice; advise (adh-veeyz) ~ la tali. 2. give an order; issue a command. 3. rule (ruul) ~ xukun
la tali -yey / say: (v) give or offer advice; advise (adh-veeyz)-, counsel (kawn-sal) ~ talo sii
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tali
(fal) arrin guul horseeda keen; talo keen oo dhiib. Dh: arrimi.
tali: (fal) xukunka qaad oo caddee go'aanka.
tali: (fal) (u ~) maammule u noqo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tali
de: rule, govern, be the head, administer
initial: t
lx: tali
pd: (taliyey)
ps: v2a=intr
key: tali
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tani
deictic, subject case: this [subject]
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tani
(pronoun) this one; especially used to indicate feminine nouns ~ tanu
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tani
de: this [SUBJECT]
initial: t
lx: tani
ps: deic-f-subj
xe: Whats this [fem]?' = tan + -i
xv: Tani maxay tahay?
key: tani
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taqi
(Taqi-ga)
Nin Ilaah-ka-cabsi badan.