tacaliin
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tacaliin
f. n. education; knowledge
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tacaliin
de: education; knowledge
initial: t
lx: tacaliin
pd: (-ta)
ps: n-f
see: tacliin
key: tacaliin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tacliin
(Tacliin-ta)
Wax barasho; wax aqoon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tacliin
m.dh Aqoon habaysan oo la barto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tacliin
m.dh Aqoon habaysan oo la barto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tacliin
f. n. knowledge, education
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tacliin
-ta: (n) education (e-ju-keey-shin); teaching (tiij-iing) ~ waxbarasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tacliin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax aan hore loo aqoon, barasho; noocyada kala duwan ee aqoontu leedahay ama waddada nolosha. Dh: cilmi, aqoon Dh: jahli.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tacliin
bw: Arabic
de: knowledge, education
initial: t
lx: tacliin
pd: (-ta)
ps: n-f
key: tacliin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taltaliin
-ka: (magac, lab, keli) qof hadal badan; taltaliini; nacnacle.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
macalin
مُعَلِّم، مُدَرِّس
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taariin
-ka: (magac, lab, keli) laalniin oo meel sare saaritaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tacliiq
(Tacliiq-a)
Faallo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tacliiq
m.l (-qyo, m.dh) Faahfaahin laga bixiyo arrin, ra'yi iyo wixi lamida.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tacliiq
m.l (-qyo, m.dh) Faahfaahin laga bixiyo arrin, ra'yi iyo wixi lamida.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tacliiq
m. n. comment, commentary
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tacliiq
-a: (n) remark (ri-maark); comment (ko-menti) ~ faallo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tacliiq
-a: (magac, lab, keli) faallo iyo falanqayn arrin meel laga jeediyey. Tacliiq ayuu ka bixiyey odhaahdii la jeediyey. Dh: faallo,
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tacliiq
de: comment, commentary
initial: t
lx: tacliiq
pd: (-a)
ps: n2a-m
syn: faallo
key: tacliiq
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taqliin
m.dh la-mid: talqiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Macallin
(Macallin-ka)
Kan ardada wax bara; bare.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
macallin
m.l (-nno/-immo/-imiin, m.dh) Nin arday wax bara.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
macallin
m.l (-nno/-immo/-imiin, m.dh) Nin arday wax bara.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
macallin
Common N. teacher, educator, male instructor, professor
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Macallin
name-m teacher; educator; instructor
nickname; name-m teacher
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
macallin
-ka: (n) teacher (tiijari); instructor (iinistarak-tor)-, professor ~ bare
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
macallin
-ka: (magac, lab, keli) qof cid wax bara oo arday cilmi u dhiga. Macallinku waa maskaxdii dunidoo malaasan. Dh: bare ustaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
macallin
bw: Arabic
de: teacher, educator, male instructor, professor
lx: macallin
pd: (-ka Pl: macallimiin (ta))
ps: n2(c)-m, n8-m
syn: bare, ustaad
key: macallin
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
taalliin
v., pl., present habitual: you all are (located in a place)
taalliin v., pl., neg., present habitual: you all are not (located in a place)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabadiin
m.dh la-mid: tebediin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabadiin
-ka: (magac, lab, keli) kalluun guura oo xiiska ama tiyaarka raaca oo dusha mara, kolkuu yaryar yahay na waxaa lagu magacaabaa Caydi. Dh: jaydar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tacaddin
m.f.dh la-mid: tacaddiyid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tahaliil
-tahaliisha: (n) holy water; sacred or blessed water ~ taxaliil, tahliil
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taxaliil
-sha: (magac, dhedig, keli) cashar lagu aqriyo biyo oo bukaanka la waraabiyo. Dh: tuf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mutacallin
m.l (-imiin, m.dh) Qof waxbarasho meel sare ka gaaray.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mutacallin
m.l (-imiin, m.dh) Qof waxbarasho meel sare ka gaaray.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mutacallin
-ka: (magac, lab, keli) qof wax bartay oo aqoon leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
taltaliini
m. n. comic actor, comedian
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
taltaliini
-ga: (n) funny person; comic (koomik); comedian (ko-meediyaan) ~ shaactiroole, shaaciroole
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taltaliini
-ga: (magac, lab, keli) taltaliin; nacnacle.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
taltaliini
de: comic actor, comedian
initial: t
lx: taltaliini
pd: (-ga)
ps: n2a-m
syn: shaaciroole {C & S}
key: taltaliini
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gacansiin
m.dh Gargaaridda, caawinidda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gacansiin
m.dh Gargaaridda, caawinidda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gacansiin
vl. n. helping, giving someone a hand
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gacansiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, gargaarid ama kaalmayn. Dh: caawin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gacansiin
de: helping, giving s.o. a hand
lx: gacansiin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: gacansiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hadalsiin
m.f.dh eeg hadalsii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karwaliin
m.l Dareere kiimiko ku jirto oo musqulaha lagu dhaqo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
karwaliin
m.l Dareere kiimiko ku jirto oo musqulaha lagu dhaqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maqalsiin
m.dh la-mid: maqashiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maqalsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg maqashiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tacliimin
m.f.dh eeg tacliimi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tacliimin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax tachiin ka dhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
macallimiin
f. n., pl. teachers
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
macallimiin
-ta: (n) [plural of macallin or macallimad] teachers (tii jaris) ~ barayaasha
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
macallimiin
bw: Arabic
de: teachers Sg: macallin, macallimad
lx: macallimiin
pd: (-ta)
ps: n8-f-pl
key: macallimiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taltalliini
m.l/dh (riw.) Aktarka majaajillada sameeya oo dadka ka qososhiya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
taltalliini
m.l/dh (riw.) Aktarka majaajillada sameeya oo dadka ka qososhiya.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Taali
Consequent
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Talin
(Talin-ta)
1. Arrin talo ka dhiibid, ka arrimin.
2. Maamul siyaasadeed oo qaran ama tol gacanta ku hayn; xukumid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
talin
m.f.dh eeg tali. la-mid: talis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
talin
-ta: (magac, dhedig, keli) xaajo ama masalo ka arimminteed. Dh: xukumid, maammulid, talis.
talin-ta: (magac, dhedig, keli) (u ~) maammule ka noqodka, u agaasinka. Nimaan talin jirin hadduu taliyo, nimaan tagi jirin baa taga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ąamiin
m.dh la-mid: ąammiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aamiin
-ta: (magac, dhedig, keli) erey ducada laga daba yidhaahdo oo la macno ah: Allaw baryada naga aqbal. Allebariga iyo aammiintu waa labo ekoonayde.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alalin
-ta: (magac, dhdig, keli) kallihinta geela ama guurintiisa, si uu ugu arooro meel fog. Alalinta geelu waa hawl qoofilka iyo nirguhu ba ku daalaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baalin
bąalin: m.f.dh eeg bąali². la-mid: bąalis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caalin
1. (Caalin-ka) Cilmi badan yaqaan; aqoon dheer leh, (ama caalim).
2. (Caalin-ta) (is-caalin) caasha dhiibasho si dhibyari loogu bireeyo; isdhiibid; dagaallamid la'aan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caalin
caalin¹: m.l (culimmo/culummo, m.dh) 1. Qof aqoon badan u leh cilmiga. 2. Qof muslin ah oo diinta Islaanka aqoon sare u leh.
caalin²: m.f.dh eeg caali.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caalin
m.l (culimmo/culummo, m.dh) 1. Qof aqoon badan u leh cilmiga. 2. Qof Muslin ah oo diinta Islaanka aqoon sare u leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caalin
m. n. scholar, scientist, learned person
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Caalin
name-m learned (Arb)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caalin
-ka: (n) scholar (skolar); expert (ekis-peert); erudite (eryo-daayt); learned person in Islam ~ aqoon-yahan, caalim
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Caalin
magac afka Carabiga ka soo jeeda oo loo baxsho wiil loo rajaynayo ama Eebbe loo baryayo in uu noqdo qof aqoon badan leh, gaar ahaan ta diinta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caalin
-ta: (magac, dhedig, keli) «is caasha dhiibid si hawlyari loogu gawroco; isdhiibid si dagaalla'aan ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caalin
bw: Arabic
de: scholar, scientist, learned person
lx: caalin
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: caalin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cajiin
(Cajiin-ka)
Bur ama budo kale oo la qooyo oo la rafaaqo, si hadhow kimis looga dhigo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cajiin
cajiin¹: m.l/dh 1. Budo meseggo ama galley oo biyo lagu rafaaqay. 2. Budo meseggo ama galley iyo bur laysku qasay oo canjeelo laga sameeyo.
cajiin²: f.g1 (-iimay, -iintay; -iimi) 1. Biyo ku rafaaqid budo meseggo ama galley. 2. Budo meseggo ama galley iyo bur isku qasid si canjeelo looga sameeyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cajiin
cajiin¹: m.l/dh 1. Budo meseggo ama galley oo biyo lagu rafaaqay. 2. Budo meseggo ama galley iyo bur laysku qasay oo canjeelo laga sameeyo.
cajiin²: f.g1 (-iimay, -iintay; -iimi) 1. Biyo ku rafaaqid budo meseggo ama galley. 2. Budo meseggo ama galley iyo bur isku qasid si canjeelo looga sameeyo. m.f.dh, cajiimid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cajiin
m. n. dough; paste (pasty substance like toothpaste)
cajiin v. make paste; mix dough, knead
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cajiin
-ta: (n) dough (dow); pastry (peystri) ~ qamiir
cajiin -cajiimay / cajiintay: (v) knead (niidh); knead dough
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cajiin
(fal) daqiiq iyo wax la mid ah, xash oo isku rufaaq. Dh: xash; rufaaq; qoosh.
cajiin -ta: (magac, dhedig, keli) bur ama budo kale oo la qooyo oo la rufaaqo kimisna laga dhigo. Dh: qoosh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calmin
m.f.dh eeg calmi².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Calwin
(Calwin-ta)
Calow ka dhigid; miirnimo ka bi'in, qasid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calwin
m.f.dh eeg calwi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calwin
-ta: (magac, dhedig, keli) calaw ka dhigid. Dh: carqin, qasmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caniin
caniin¹: m.l la-mid: ciniin¹.
caniin²: f.mg1 (-nay, -ntay) la-mid: ciniin².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caniin
m. n. sexually impotent man
caniin v. become sexually impotent
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caniin
-ka: (n) incapable of sexual intercourse; impotent (im-potant) ~ ciniin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caniin
-ka: (magac, lab, keli) nin u galmoodka dumarka aan karti u lahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Casiin
(Casiin-ka)
Casaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
casiin
m.l la-mid: casaan¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
casiin
m. n., [abstract] redness; red (color)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
casiin
a: casaan
de: redness; red (color)
lx: casiin
pd: (-ka)
ps: n2-m-abs
key: casiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daalin
(Daalin-ta)
Si daal u qabto gaarsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daalin
m.f.dh eeg daali.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daalin
m. n. oppressor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daalin
-ta: (magac, dhedig, keli) tacab iyo tabardarri ku beerid. Dh: noojin, daalis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daalin
a: daalim
bw: Arabic
de: oppressor
lx: daalin
pd: (-ka Pl: daalimiin (ta))
ps: n8-m
key: daalin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faalin
(Faalin-ta)
Faal dhigid oo wax ka sheegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faalin
m.f.dh eeg faali. la-mid: faalis.