tabaxsasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabaxsasho
m.f.dh eeg tabaxso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wabaxsasho
m.dh eeg wabaxso. la-mid: wabxib.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wabaxsasho
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo aad leedahay iyo wixii la mid ah biyo ka dhergin oo daajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baxsasho
(Baxsasha-da)
1. La bixid; cararid; fakasho.
2. Caymasho. nabadgelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baxsasho
m.f.dh eeg baxso. la-mid: baxsad (3), baxsi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baxsasho
vl. n. escape, act of getting out
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baxsasho
-baxsashada: (n) escape (iskeeyp); defection, getaway
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baxsasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax la hayey ama la ilaalinayey fakasho. Dh: carar, caymad.
baxsasho-da: (magac, dhedig, keli) xoolo dar Alle loo baxsado oo sadaqad ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baxsasho
de: escape, act of getting out
lx: baxsasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
see: baxsad
key: baxsasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaaxsasho
m.f.dh eeg gaaxso. la-mid: gaaxsad, gaaxsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taagsasho
(Taagsasha-da)
Taag iyo xoog yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taagsasho
m.f.dh eeg taagso. la-mid: taagsad, taagsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taagsasho
-da: (magac, dhedig, keli) (ku ~) awood u sheegasho: itaal ku dayid; marka wax kala itaal weyni isdilaan.
taagsasho -da: (magac, dhedig, keli) awood yeelasho dhaqaale ama jidheed. Agaldhisida tag uma hayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Labaysasho
(Labaysasha-da)
Labo ka dhigasho; labo jeer qaadasho, helid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labaysasho
m.f.dh eeg labayso. la-mid: labaysad, labaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax and mid ka haysatay, mid kale ku biirsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maraxsasho
(Maraxsasha-da)
Wax dhaqaalaysasho, dib u dhigasho, tashiilasho, kaydsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maraxsasho
m.f.dh eeg maraxso. la-mid: maraxsad, maraxsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maraxsasho
-da: (magac, dhedig, kell) eeg madhaxsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taransasho
(Taransasha-da)
Wax badsasho; kororsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taransasho
m.f.dh eeg taranso. la-mid: taransad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taransasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax badsasho ama wax kordhisasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farabaxsasho
-da: (magac, dhedig, keli) xaggiisa u cararid oo dagaal ula tegid. Dh: farabaxsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lugabaxsasho
m.f.dh eeg lugabaxso. la-mid: lugabaxsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tabaraysasho
(Tabaraysasha-da)
Tabar yeelasho; xoogsasho; tabargelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabaraysasho
m.f.dh eeg tabarayso. la-mid: tabaraysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabaraysasho
-da: (magac, dhedig, keli) xoogsasho: tabar yeelasho. Dh: tamaraysashoda.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tasbiixsasho
-tasbiixsashada: (n) the act of praising God ~ werdi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baybaysasho
m.f.dh eeg baybayso. la-mid: baybaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabbaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) qori iyo wax la mid ah, riditaan u diyaarsasho. Dh: cabbaysad.
cabbaysasho -da: (magac, dhedig, keli) weel mug leh, aad u buuxsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaxirasho
m.f.dh eeg dabaxiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dambarsasho
m.f.dh eeg dambarso. la-mid: dambarsad, dambarsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dambarsasho
-da: (magac, dhedig, keli) neef dhalay caanihiis u horreeya maalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
danbarsasho
-da: (magac, dhedig, keli) xoolaha oo weli caanahoodii danbar yihiin maalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabaqsasho
m.f.dh eeg dhabaqso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabaqsasho
-da: (magac, dhedig, keli) carrabka biyo ama cunto ku qaadqaadsho. Aygii dhabaqsasho aayuu caanihii ku dhammeeyey. Dh: dharqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabaabsasho
m.f.dh eeg gabaabso. la-mid: gabaabsad, gabaabsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabaabsasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax dhammaaday ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gambaysasho
m.f.dh eeg gambayso. la-mid: gambaysad, gambaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gambaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) madaxa gambo ku xidhasho. Dh: gambaysad, gambaysi ganbaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ganbaysasho
(Ganbaysasha-da)
Ganbo madaxa ku xirasho; ganbo qaadasho; ganbaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haybaysasho
m.dh la-mid: haybadeysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kabbaysasho
(Kabbaysasha-da)
Hadba kabbo afka ku qaadasho oo liqid; kabkabbasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabbaysasho
m.f.dh eeg kabbayso. la-mid: kabbaysad, kabbaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabbaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) hadba kabbasho afka ku qaadasho oo liqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khabarsasho
m.f.dh eeg khabarso. la-mid: khabarsad, khabarsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madhaxsasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg madhaxsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mayraxsasho
m.f.dh eeg mayraxso. la-mid: mayraxsad, mayraxsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nabdaysasho
(Nabdaysasha-da)
Nabdaaddiyid; salaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabdaysasho
m.f.dh eeg nabdayso. la-mid: nabdaysad, nabdaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabdaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, salaamid. Dh: nabdaysad, nabdaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabraysasho
m.f.dh eeg nabrayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabraysasho
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, nabraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rabbaysasho
m.f.dh eeg rabbayso. la-mid: rab-baysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rabbaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax rabbaysan ka dhigasho. Dh: rabbaysi
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tababarasho
-tababarashada: (n) rehearsal (ri-heersal); the act of training ~ carbis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tarraysasho
m.f.dh la-mid: darraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tawaansasho
m.f.dh la-mid: dawaansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tayaaqsasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg tayaaqsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xabkaysasho
m.f.dh eeg xabkayso. la-mid: xabkaysad, xabkaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xabkaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) xabag soo gurasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aasasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg aasad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabasho
m.f.dh eeg tabo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabasho
-da: (magac, dhedig, keli) dareenka waxaad jeceshahay ee kaa maqan. Dh: tebid. Li: helid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabaxso
f.mg3 (-saday, -satay) Qun yar socosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taxasho
m.f.dh eeg taxo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aarsasho
(Aarsasha-da)
Aargudasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aarsasho
m.f.dh eeg aarso. la-mid: aarsi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aarsasho
vl. n. vengeance, act of taking revenge
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aarsasho
-aarsashada: (n) retaliation (ri-taali-yeey-shin); revenge (riveenji) ~ aargudasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aarsasho
-da: (magac, dhedig, keli) (ka ~) cid dhib iyo aano loo geystay, soo gudasho. Dh: aargoosad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aarsasho
de: vengeance, act of taking revenge
lx: aarsasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: aarsasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ba'sasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax la yidhi, ama la falay dhibsasho.
ba'sasho -da: (magac, dhedig, keli) wax ammaano ahaan loo hayay, lunsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Badsasho
(Badsasha-da)
In dheeri ah ku darsasho; kororsasho; bursasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badsasho
m.f.dh eeg badso. la-mid: badsad, badsi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
badsasho
vl. n. act of increasing, multiplying
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badsasho
-da: (magac, dhedig, keli) in ka badan inta dadka kale qaatay biirsasho; dheeri ku darsasho; in ka badan inta dadka kale qaatay biirsasho. Dh: kordhisasho, bursasho. Li: yaraysasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
badsasho
de: act of increasing, multiplying
lx: badsasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: badsasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqsasho
-da: (magac, dhedig, keli) baxsad gelin. Dh: didsasho, eryasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bawsasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax barasho aan loo nisbayn karin dugsi iyo dhigasho, meelaha laga bartay. Dh: cilmidhegood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cabsasho
(Cabsasha-da)
Cabsiyi gelid; biqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabsasho
m.f.dh eeg cabso. la-mid: cabsad, cabsi, cabsood.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cabsasho
vl. n. fear
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cabsasho
-cabsashada: (n) fright (faraayt); dread, terror or fear cabsi
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Cabsasho
Timore
Fearsome
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabsasho
-da: (magac, dhedig, keli) dareenka welwel wehesho oo mustaqbalka dhow halis laga cabsanayo. Dh: baqasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cabsasho
de: fear
lx: cabsasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: cabsasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaaxasho
(Gaaxasha-da)
(xoolo) caanihii neefka laga lisi lahaa oo dib iyo waqti danbe loo dhigo; goortii la lisi jirey aan la lisin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaaxasho
m.f.dh eeg gaaxo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaaxasho
vl. n. act of delaying milking
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaaxasho
-da: (magac, dhedig, keli) caanaha oo naasaha xilli ama in ka badan isku gaadha.
gaaxasho -da: (magac, dhedig, keli) wax aanan muddo la isticmaalin oo la manaafacaadsan jiray.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaaxasho
de: act of delaying milking
lx: gaaxasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: gaaxasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habsasho
(Habsasha-da)
Si culus meel ugu dhicid, tabarxumo darteed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habsasho
m.f.dh eeg habso². la-mid: habsad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
habsasho
vl. n. act of collapsing ~ falling to pieces
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habsasho
-da: (magac, dhedig, keli) tabarxumo darteed, si xun oo culus meel ugu dhicid ama ka kici waa.
habsasho -da: (magac, dhedig, keli) wax culus oo wax kale dusha kaga soo dhaca oo ku bahardaadsada ama wada qariya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
habsasho
de: act of collapsing ~ falling to pieces See also: habsad
lx: habsasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: habsasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jabsasho
m.f.dh eeg jabso. la-mid: jabsad, jabsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jabsasho
-da: (magac, dhedig, keli) meel xidhan oo hanti lagu dhawray, jebin oo xoolihii qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabsasho
m.f.dh eeg kabso. la-mid: kabsad, kabsi.