tabatabbo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabatabbo
m.dh Weel baaquli u eg oo ka samaysan argeeg, dushana aleel looga sharxay oo subagga, oodkaca iyo wixi lamida lagu shubto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tabantaabo
(Tabantaaba-da)
Kaalmo degdeg ah; gargaar; daryeel; taageero.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabantaabo
m.dh la-mid: tabantaabin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tabantaabo
f. n. swift support, help
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabantaabo
-da: (magac, dhedig, keli) kaalmo degdeg ah; taakulayn iyo gargaar u fidin; kaalmo degdeg ah. Dh: gargaar, daryeel, taageero.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tabantaabo
cf: kaalmo
de: swift support, help
initial: t
lx: tabantaabo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: tabantaabo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labbalabbo
m.dh la-mid: lallabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sabatabbax
(Sabatabbax-a)
Samatabbax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabatabbax
sabatabbax¹: m.l la-mid: samatabbax¹.
sabatabbax²: f.mg1 (-xay, -xday: -bixi) la-mid: samatabbax².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sabatabbax
m. n., [abstract] safety, security
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabatabbax
-a: (magac, lab, keli) cabsi iyo halis ka bixid, khatar ka badbaadid. Sabatabbax Eebbe uga beri dadkii garraqmay. Dh: samatabbax, badbaado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sabatabbax
de: safety, security
initial: s
lx: sabatabbax
pd: (-a)
ps: n2a-m-abs
see: samatabbax
key: sabatabbax
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabantaabi
f.g2 (-iyay, -isay) Cid u gargaarid; kaalmayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tabantaabi
f.g2 (-iyay, -isay) Cid u gargaarid; kaalmayn. m.f.dh, tabantaabin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tabantaabi
v. help, assist
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tabantaabi
-yey / say: (v) aid (eeydh); support (sa-poort); give a helping hand; assist (a-siist) ~ saacid, caawin, taakulee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabantaabi
(fal) gargaar ama caawi oo la gabo wax. Waalaal alaabta ila tabantaabi ma qaadi karayee. Dh: caawi, gargaar, kaalmee, daryeel, taageer.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tabantaabi
de: help, assist
initial: t
lx: tabantaabi
pd: (tabantaabiyey)
ps: v2a=tr
key: tabantaabi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaabo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg aba'abayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabaabo
-da (magac, dhedig, keli) diirdiirinta dhiigga qof muruq hayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tabaako
(Tabaaka-da)
Toonbaakh; buuri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabaako
m.dh la-mid: tubaako.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tabaako
f. n., [collective] tobacco
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabaako
-da: (magac, dhedig, keli) buuriga afka la gashado. Dh: toonbaakh, buuri, tubaako.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tabaako
bw: buuri
de: tobacco
initial: t
lx: tabaako
pd: (/da)
ps: n6-f-col
syn: toonbaakh
key: tabaako
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tabaalo
(Tabaala-ha)
(weligeed: koox) waayaha adduunka; sah; xaal; waxtabasho; dhibo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabaalo
m.dh 1. Dhib waxtabasho. 2. Waayaha adduunka; sah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tabaalo
m.dh 1. Dhib waxtabasho. 2. Waayaha adduunka; sah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tabaalo
m. n. trouble; financial difficulty; physical weakness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tabaalo
-tabaalaha: (n) destitution (des-ta-tuushin); poverty (pover-ti); bad times; misfortune (mis-foor-jin); adversity (adh-veersiti); difficulty (difi-kalti) ~ dhibaato
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabaalo
-da: (magac, dhedig, keli) dhib iyo kadeed laga dhaxlo duruuf nololeed oo adkaata; waayaha adduunka. Tabaalaha adduunku yaanu mabda'aaga tirtirin. Dh: sah, xaal. Li: badhaadhe.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tabaalo
de: trouble; financial difficulty; physical weakness
initial: t
lx: tabaalo
pd: (/ha ~ /da)
ps: n6-m/f
key: tabaalo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tagaabo
(Tagaaba-da)
Waxtar; kaalo; macaawino; taageero.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tagaabo
m.dh 1. Kaalmo; waxtar; taageero; macaawino. 2. la-mid: tagaabeyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tagaabo
f. n. support, help
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tagaabo
-da: (magac, dhedig, keli) kaalmo iyo waxtar cid loo sameeyo, tagaabo Alle ayaa lagu taajiraa. Dh: kaalmo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tagaabo
de: support, help
initial: t
lx: tagaabo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: tagaabo
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
talaabo
pace
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
talaabo
-da: (magac, dhedig, keli) kala bixinta labada lugood, kolka la soconayo, iyadoon orod ahayn. Alla hebel talaabo wacanaa. Li: orod.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tartabo
m.dh Jaad ka mid ah kalluunka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taxaabo
(fal) kaxayso neef fardo ah; adiga oo aan fuushanayn xadhig ku hogaanso..
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaqabo
f.g3 (-btay, -batay) 1. Wax intooda badani khasaaray inta ka hartay badbaadin. 2. Neef jirro ama caato awgeed la fariistay kicin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dabaqabo
f.g3 (-btay, -batay) 1. Wax intooda badani khasaaray inta ka hartay badbaadin. 2. Neef jirro ama caato awgeed la fariistay kicin. m.f.dh, dabaqabasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dabaqabo
v. catch ~ seize by the tail; reach; follow up
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaqabo
(fal) qabo oo badbaadi wax halis ku jira ama ku soo foolleedahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dabaqabo
de: catch ~ seize by the tail; [ext.] reach; follow up
lx: dabaqabo
pd: (dabaqabtay)
ps: v3b=tr
key: dabaqabo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabaabso
f.g3 (-saday, -satay) Wax sii dhammaanaya oo wax yar ka dambeeyaan noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gabaabso
f.g3 (-saday, -satay) Wax sii dhammaanaya oo wax yar ka dambeeyaan noqosho. m.f.dh, gabaabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabaabso
(fal) dhammayso oo waxba ha ka tegin. Dh: dhamee, gunaanad, gabagabee.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gabagabo
- gabagabada: (n) end of the matter, last part: conclusion (kon kuluushen); completion (kem piliishen) xiritaan, dhammaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabagabo
-da: (magac, dhedig, keli) dabayaaqo ama dhammaad. Li: billaw.
gabagabo -da: (magac, dhedig, keli) gelitaan coleed oo lamafilaan ah; weerar degdeg ah. Xalay beesha colbaa gabagabo ku galay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabaabyo
m.dh 1. Dareen beelidda ku dhacda meel jirka ka mid ah. 2. Daawo la qaato oo jirka ka lumisa dareenka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kabaabyo
m.dh 1. Dareen beelidda ku dhacda meel jirka ka mid ah. 2. Daawo la qaato oo jirka ka lumisa dareenka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kabkabbo
v. keep on sipping, sip repeatedly
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kabkabbo
de: keep on sipping, sip repeatedly
lx: kabkabbo
nt: kabkabbasho (/da) [vn-f]
pd: (kabkabbaday)
ps: v3a=pl
key: kabkabbo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lablabbo
m.dh la-mid: lallabo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lablabbo
f. n. nausea
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lablabbo
-lablabbada: (n) nausea (noosiya) ~ liidaanyo
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lablabbo
a: lallabo
de: nausea
lx: lablabbo
pd: (/da)
ps: n-f
key: lablabbo
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
lablabbo
عَنْيان، اشْمِتْرَازِ
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabatayso
(fal) ugaadhso duurjoogta. Dabatayso intaad dadka tuugi lahayd.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taabtaabo
(fal) gacanta ku doondoon, dhawr jeer taabo, taabo oo mar kale taabo. Taataabo oo miiska ka doondoon dushiisa qalinka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabaabulo
m.dh la-mid: tabaabulayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabaabulo
-da: (magac, dhedig, keli) tabaabusho; agaasin; tabaabulyo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabarayso
f.mg3 (-stay, -satay) Tabar yeelasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tabarayso
f.mg3 (-stay, -satay) Tabar yeelasho. m.f.dh, tabaraysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tabarayso
v.auto: become strengthened, get stronger; acquire energy ~ strength
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tabarayso
-tabaraystay / tabaraysatay: (v) become stronger; be strong; be restored; recuperate (ri-kuu-pareeyt); make a comeback ~ xooggeyso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabarayso
(fal) xoogayso; awoodayso oo dheef tayo leh oo isku dheelitiran cun. Dh: awoodso, taagso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tabarayso
de: become strengthened, get stronger; acquire energy ~ strength
initial: t
lx: tabarayso
nt: tabaraysad (ka) [vn-m], tabaraysasho (/da) [vn-f]
pd: (tabaraystay)
ps: v3b=auto
key: tabarayso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labbalabboo
f.mg3 (-ooday, -ootay) la-mid: lallabboo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labballabbo
m.dh la-mid: lallabo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
labballabbo
f. n. nausea, wretching, feeling sick
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
labballabbo
-labballabbada: (n) nausea (noosiya) ~ lallabo, lablabbo, laqanyo, yaqyaqsi, liidaanyo
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
labballabbo
de: nausea, wretching, feeling sick Alt sp: laballabo
lx: labballabbo
pd: (/da)
ps: n-f
syn: lallabo
key: labballabbo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabatabbixi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: samatabbixi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tabantaabin
(Tabantaabin-ta)
Kaalmayn; gargaarid; daryeelid; taageerid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabantaabin
m.f.dh eeg tabantaabi. la-mid: tabantaabo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabantaabin
-ta: (magac, dhedig, keli) kaalmayn, gargaarid, taageerid ama daryeelid. Dh: gargaarid daryeelid, kaalmayn, taageerid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabantaabis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg tabantaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabatayso
f.g3 (-stay, -satay) Qof qumanyaysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhabatayso
v.auto: put the evil eye on someone
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhabatayso
de: put the evil eye on s.o.
lx: dhabatayso
pd: (dhabataystay)
ps: v3b=auto
key: dhabatayso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaabajaabo
m.dh.u 1. Qoryo yaryar oo laysu soo uruuriyey. 2. Xoolo iyo dad tiro iyo tayaba liita.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jaabajaabo
m.dh.u 1. Qoryo yaryar oo laysu soo uruuriyey. 2. Xoolo iyo dad tiro iyo tayaba liita.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jaabajaabo
f. n., [collective] brushwood for burning; person of little value
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaabajaabo
-ha: (magacwadareed) jajab iyo waxyaabo yaryar oo daadsan oo la isku soo ururshay. Dh: jaabejaabe.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jaabajaabo
de: brushwood for burning; [fig.] person of little value
lx: jaabajaabo
pd: (/da)
ps: n-f-col
key: jaabajaabo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qabanqaabo
m.dh Isku dubba rididda hawl la rabo in la qabto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qabanqaabo
m.dh Isku dubba rididda hawl la rabo in la qabto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qabanqaabo
f. n. arrangement, preparation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qabanqaabo
-qabanqaabada: (n) preparation (pere-pa-reey-shin); planning; arrangements
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabanqaabo
-da: (magac, dhedig. keli) gogolxaadhka iyo diyaarinta ka horraaysa hawl la qabanayo. Hawl aan qabanqaabo fiican lahayni waxtar fiican maa keento. Dh: abaabul, tabaabulshe.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qabanqaabo
de: arrangement, preparation
lx: qabanqaabo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: qabanqaabo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qarbaqarbo
(Qarbaqarba-da)
Kaadsiinyo la'aan; degdegsiinyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarbaqarbo
m.dh Degdeg.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qarbaqarbo
f. n. urgency, haste
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qarbaqarbo
-qarbaqarbada: (n) a condition of urgency without proper preparation; hurry (heeri); haste (heeyst) ~ degdeg. Ex: qarbaqarbo baan qolkii uga baxnay; we left the room in haste
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarbaqarbo
-da: (magac, dhedig, keli) tabaabulshaysi kedis ah oo wixii gacanta lala gaadho uun la qaato. Dhallinyaradii qarbaqarbo ayay ku socdeen oo wax badan bay illoobeen. Dh: degdeg.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qarbaqarbo
de: urgency, haste
lx: qarbaqarbo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: qarbaqarbo