tabaabushayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tabaabushayn
(Tabaabushayn-ta)
Tabaabulyayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabaabushayn
m.dh la-mid: tabaabulayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabaabushayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax si ay u qabsoomaan, qorshohooda galid. Dh: abaabulid, qabanqaabo, tabaabulsho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabaabulshayn
m.dh la-mid: tabaabuleyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabaabushays
-ka: (magac, lab, keli) eeg tabaabushayn
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tabaabusheyn
vl. n. preparation, organization, organizing
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tabaabusheyn
de: preparation, organization, organizing
initial: t
lx: tabaabusheyn
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: tabaabusheyn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabaabushaysi
-ga: (magac, lab, keli) «u ~» eeg tabaabushaysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabaabushayso
(fal) u hawl isku diyaari oo qorsheega dhigo. Wuu u tabaabushaystay hawsha.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
abaabushay
(v) organize (oor ge naayz) ~ isuku dubbarid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabaabulayn
m.f.dh eeg tabaabulee. la-mid: tabaabulo, tabaabulshayn, tabaabu-lyayn, tabaabulyo
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Tabaabulayn
Impostazione
Setting out
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabaabulayn
-ta: (magac, dhedig, keli) tabaabushayn; tabaabulyayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tabaabulyayn
(Tabaabulyayn-ta)
Qabanqaabin; abaabulid; agaasimid; (ama tabaabushayn).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabaabulyayn
m.dh la-mid: tabaabulayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qalqaalid
(Qalqaalid-da)
Tabaabushayn; abaabulid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
préparatif
préparatif, n.m. - tabaabushaynta
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabaabushaysad
-ka: (magac, lab, keli) (u ~) isku diyaarin iyo agaasimid sida ugu fudud ee u fiican loo qorsheeyo. Tabaabushaysad ayey u qalab urursanayaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tabaabusheeye
m. n. organizer, programmer
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tabaabusheeye
de: organizer, programmer
initial: t
lx: tabaabusheeye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: tabaabusheeye
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tabaabusheyso
-tabaabusheystay / tabaabusheysatay: (v) prepare (piri-peer); make things or oneself ready; make preparations; plan ahead ~ diyaargarow
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tabaabushe
-tabaabushaha: (n) preparation (para-pareey-shin); planning (palaaning); preliminary (pere-limi-nari); making arrangement ~ diyaargarow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabaabusho
m.dh la-mid: tabaabulayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabaabusho
-ha: (magac, lab, keli) hawl la qaban doono, isku diyaarin oo qorshayn. Dh: tabaabulsho, agaasin, tabaabulyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabaabushee
f.g2 (-sheeyay, -shaysay) la-mid: tabaabulee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tabaabushee
v. prepare, organize
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabaabushee
(fal) hawl qabanqaabi; si fiican u abaabul oo u qabo. Dh: tabaabulyee, agaasim.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tabaabushee
de: prepare, organize
initial: t
lx: tabaabushee
pd: (tabaabusheeyey)
ps: v2b=tr
key: tabaabushee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaabulan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax la abaabulay ahaansho (hawl).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
abaabulan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax la abaabulay ahaansho (hawl). m.f.dh, abaabulnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaabulan
(tilmaame) wax si wanaagsan loo qabanqaabiyay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaalhayn
(Abaalhayn-ta)
Samaan laysu falay, mahad iyo xusuus wanaagsan u hayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaalhayn
m.f.dh eeg abaalhay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abaalhayn
vl. n., [compound] gratitude for a favor, indebtedness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaalhayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xasuus iyo wanaag oo loo hayo cid horay samafal u geysatay. Abaalhayntu waa dhaqan wanaagsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
abaalhayn
de: gratitude for a favor, indebtedness
lx: abaalhayn
pd: (-ta)
ps: vn2-f-cmp
key: abaalhayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabaabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qof muruq qabtay, shey kulul saarsaarid. Dh: diirdiirin, solid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tabaalayn
(Tabaalayn-ta)
Tabo u helid; farsamayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabaalayn
m.f.dh eeg tabaalee. la-mid: tabaalayo, tabaalays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabaalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, dhibaataynta; silcinta waxyeello iyo kadeed la gaadhsiiyo, noole. Dh: tabaalays, dhibaataynta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tagaabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kaalmo u baahan wax tarid. Dh: caawin, taakulayn, waxtar. tagaabee: (fal) cid kale, kaalmee; caawi; taageer.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
talaabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) talaabo ku cabbirid; tilaabayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baabbahayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax aan gudihiisa wax ba ku jirin ama madhay ka dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baalashayn
-ta: (magac, dhedig, keli) kabaha oo dhaashi midabaysan la mariyo oo lagu qurxiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tabaabulyo
(Tabaabulya-da)
Agaasin; tabaabusho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabaabulyo
m.f.dh la-mid: tabaabulayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tabaabulyo
f. n. organization
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabaabulyo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg tabaabulsho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tabaabulyo
de: organization
initial: t
lx: tabaabulyo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: tabaabulyo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaabulnaan
m.f.dh eeg abaabulan. la-mid: abaabulnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaabulnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) qorshe la habeeyay oo abaabulan ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabaabulshe
-ha: (magac, lab, keli) wax aad u qalab'urursato oo isku diyaarinayso inaad wax ka qabato. Tabaabusho iyo qorshe ayaa lagu wadaa hawlaha. Dh: tabaabul, tabaabulyo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabaabulshee
f.g2 (-sheeyay, -shaysay) la-mid: tabaabulee.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Abaabul Shaqo
Organizzazione di lavoro
Work organization
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calaanbullayn
-ta: (magac, dhedig, keli) si aan ahayn sidii ugu haboonayd u arrimin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabannashlayn
m.f.dh eeg dabannashlee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabannashlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid aan kuu baahnayn dabasocsocosho oo isku nanab. Dh: dabarabbaasid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laba'aabudhan
(tilmaame) weel iyo daboolkii oo labada ba la buuxshay, dabadeed na la aabudhay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabaalaysnaan
m.f.dh eeg tabaalaysan. la-mid: tabaalaysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabaalaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) tabaalo qaba; dhibaataysnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tamar-isuhayn
m.dh (fiisikis) Tamar le'eg iin cufaadka bu'da, ee ay bu'du bixiso, marka uu dhanballan ku dhaco (eeg iin cufaad).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tamar-isuhayn
m.dh (fiisikis) Tamar le'eg iin cufaadka bu'da, ee ay bu'du bixiso, marka uu dhanballan ku dhaco (eeg iin cufaad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taraanturrayn
m.f.dh eeg taraanturree. la-mid: taraanturyayn, turaanturyayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taraanturyayn
m.dh la-mid: taraanturrayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hambaabursanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid si naxdin leh u baraarugay ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aabbudhan
(tilmaame) wax afkiisa dabool la saaray. Dh: daboolan, aabburan. Li: bujisan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aba'abayn
-ta: (magac, dhedig, keli) talo ku meelgaadh ah oo mushkilo taagan lagu xalliyo.
aba'abayn-ta: (magac, dhedig, keli) hadaaqa ilmaha yar lagu aamusiiyo. Maandhow aba'abayn baan ku wadi ubadka reer Xooshe. Dh: abaabo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baabbahay
(fal) wax aan gudihisa wax ku jirin ka dhig: eber ka dhig. Dh: baabbahee, madhi, faaruqi, dhammee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baandhayn
(Baandhayn-ta)
(turub) shaandhayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baandhayn
m.f.dh eeg baandhee. la-mid: baandhays (2), baandho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baandhayn
-ta: (n) shuffle (shafal); reshuffle (riishafal) ~ baandhada turubka
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baandhayn
-ta: (magac, dhedig, keli) isku hagaajin iyo isku habaynta turubka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaqulayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hadal la islaha xumayn; cid kale aflegaadayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bambasayn
m.dh la-mid: dambasayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabaabsad
m.l la-mid: gabaabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabaabsad
-ka: (magac, lab, keli) wax badnaa oo yaraada ama is dhima.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
layaabsan
(tilmaame) wax ka ashqaraarsan; irkigsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maanshayn
-ta: (magac, dhedig, keli) barwaaqayn oo wax ka farxiya wada gaadhsiin. Maanshaynta Eebbaa abkoow meel walliba gaadha. Dh: nicmayn, maanshayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maraabayn
(Maraabayn-ta)
Dhadqhaqaaqa iyo dheeldheelliyidda doonyaha iyo maraakiibta badda saaran, oo hirarku ku wacan yihiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maraabayn
m.f.dh eeg maraabee. la-mid: maraamayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maraabayn
vl. n. rolling movement of ships and boats caused by the waves
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maraabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) kolba dhan u dheeliyid; marba xag u dulaamid. Maraabaynta doonyaha waa lagu wada matagaa. Dh: maraabays, duldullaamid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maraabayn
de: rolling movement of ships and boats caused by the waves
lx: maraabayn
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: maraabayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rasaasayn
(Rasaasayn-ta)
1. Rasaas ka dhigid.
2. Xabbado ama saanad ku ridid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rasaasayn
m.f.dh eeg rasaasee. la-mid: risaasayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rasaasayn
-ta: (magac, dhedig, keli) rasaas ku aa'id. Rasaasayn baa libaaxii lagu dilay. Dh: xabbadayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabaalayn
-ta: (magac, dhadig, keli) cid sabaale ku wadid, sasab ku qancin. Sabaalayn buu qoys ku dhaqmaa. Dh: sasabaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sagaashan
(Sagaashan-ka)
Tiro ka kooban sagaal meelood oo meeshiiba toban tahay (90).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sagaashan
m.l.t. Tiro ka kooban sagaal meelood oo min toban ah; sagaal tobnaad; “90”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sagaashan
m.l.t. Tiro ka kooban sagaal meelood oo min toban ah; sagaal tobnaad; 90.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sagaashan
num: ninety
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Sagaashan
quatre-vingt-dix.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sagaashan
-ka: (n) ninety (naayntif number 90
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sagaashan
-ka: (magac, lab, keli) tiro ka kooban sagaal meelood oo min toban ah; tirada u dhexaysa siddeetan iyo boqol. Sagaashan buu cimrigiisii yahay. Dh: 90.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sagaashan
de: ninety
initial: s
lx: sagaashan
pd: (-ka)
ps: num-m
key: sagaashan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaashayn
-ta: (magac, dhedig, keli) carin; gaggixin; shaashays.
shaashayn-ta: (magac, dhedig, keli) shaasho ku ridid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taakulayn
(Taakulayn-ta)
Waxtarid; kaalmayn; taageerid; gargaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taakulayn
m.dh la-mid: taakulid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
taakulayn
-ta: (n) 1. logistics (logistiksis). 2. support (sa-poort); the act of supporting
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taakulayn
-ta: (magac, dhedig, keli) kaalmo iyo taageero u fidin. Dh: caawimid.