taawin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taawin
(Taawin-ta)
Kasha ku hayn; ku wadid; malayn; filid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taawin
m.f.dh eeg taawi. la-mid: taawilid, taawo².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taawin
-ta: (magac, dhedig, keli) kasha ku hayn oo rajayn. Dh: filid. Waxaan taawinayaa inaan dhoofo.
taawin-ta: (magac, dhedig, keli) wax aanad dhab u hubin, sida uu noqonayo malayn. Dh: mala'awaalid, malayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aawin
m.f.dh eeg aawi. la-mid: aawis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taawi
f.g/mg2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) Wax malayn. 2. (f.mg) Ku t.: wax ku taamid. la-mid: taawil.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
taawi
f.g/mg2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) Wax malayn. 2. (f.mg) Ku t.: wax ku taamid. m.f.dh, taawin. la-mid: taawil.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
taawi
v. think, plan (about)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taawi
(fal) wax kasha ku hay oo ku fakir, Dh: malay, fil, rajee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
taawi
cf: haami, hindis
de: think, plan (about) With preposition ku
initial: t
lx: taawi
pd: (taawiyey)
ps: v2a=
key: taawi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tawin
(Tawin-ta)
Cudurrada astaanta wehelisa ama lagu kala yaqaan; taws.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tawin
m.dh Cudur muddo dheer haya dadka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tawin
m.dh Cudur muddo dheer haya dadka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tawin
f. n. symptom, ailment
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tawin
-ta: (magac, dhedig, keli) astaanta cudurrada wehelisa ee lagu yaqaan oo lagu garto. Dh: taws, xanuun.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tawin
cf: taws
de: symptom, ailment
initial: t
lx: tawin
pd: (-ta)
ps: n2-f
key: tawin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caawin
caawin¹: m.dh la-mid: caawiyid.
caawin²: f.g1 (-imay/-inay, -intay; -imi/-ini) Cid kaalmo ama taageero u fidin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caawin
f.g1 (-imay/-inay, -intay; -imi/-ini) cid kaalmo ama taageero u fidin. m.f.dh, caawinid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caawin
v. assist, help, support
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caawin
-caawimay/ caawintay: (v) help (help); assist (a-sist); give assistance to ~ caawi, taageer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caawin
-ta: (magac, dhedig, keli) kaalmo iyo gargaar siin. Caawin ayay u baahan yihiin dadka soo qaxay. Dh: taageerid, gargaarid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caawin
de: assist, help, support
lx: caawin
pd: (caawimay)
ps: v1=
xe: Can you help me?
xv: Ma igu caawini kartaa?
key: caawin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haawin
(Haawin-ta)
(weel, kd.) daboolka ka qaadid oo docda urtu ka imanayso u jeedin, si dabayshu gudihiisa u gasho; dabaylayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haawin
m.f.dh eeg haawi. la-mid: haawis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haawin
-ta: (magac, dhedig, keli) weel iyo wixii la mid ah, daboolka ka qaadid oo docda hawadu ka imanayso ujeedin. Dh: neecaabin, haawis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaawin
(Jaawin-ta)
(suul jaawin) suul iyo far gacneed oo inta lays kor saaro oo xoog laysugu qabto, shanqar laga yeersiiyo; suuldhabaale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaawin
m.f.dh eeg jaawi². la-mid: farjaawin, farjaawis, farjawin, farjawis, jaawis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaawin
-ta: (magac, dhedig, keli) turub la ciyaarayo, suuldhabaalayn muujinaysa in aanu hayn haadka la ciyaaraya turubka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaawin
(Kaawin-ta)
Ul ama wax la mid ah hadba madaxa kaga dhufasho; garaacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaawin
m.f.dh eeg kaawi².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaawin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, ul ama wax la mid ah hadba madaxa kaga dhufasho. Dh: garaacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naawin
m.f.dh eeg naawi. la-mid: naawis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naawin
-da: (magac, dhedig, keli) adoon jeclayn, wax akhriyid. Dh: naawis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaawin
(Qaawin-ta)
Dharka ka dhigid; wax qaawan ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaawin
m.f.dh eeg qaawi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaawin
-ta: (magac, dhedig, keli) dharka ka dhigid: wax qaawan ka dhigid. Carruurtu gaawinta way nacaan. Dh: qaawis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raawin
(Raawin-ta)
1. (°) (cayaar) tumid, sacabbo isku garacid, isla helid; jaamayn.
2. Birta la tumayo, sinsimiddeeda iyo dubbe ku qurxinteeda danbe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raawin
m.f.dh eeg raawi. la-mid: raawis¹ (1).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raawin
-ta: (magac, dhedig, keli) wanaajinta qurxinta dambe ee birta marka la tumo. Raawi ku ma aanad samayn gudintii aad noo tuntay.
raawin -ta: (magac, dhedig, keli) ciyaar tumid oo jiib iyo sacab isla helid. Raawinta gabdhaha Ruut baa ugu taqaanna. Dh: jaamayn, raawis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taajin
m.f.dh eeg taaji. la-mid: taajis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taajin
-ta: (magac, dhedig, keli) sare u joojin. Dh: taajis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taakin
(Taakin-ta)
Taako ku cabbirid; inta taako, maro ama wax kale ka kooban yihiin, ogaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taakin
m.f.dh la-mid: taakeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taakin
-ta: (magac, dhedig, keli) marka wax la cabbirayo oo taako lagu qiyaasay ka dhigid. Dh: taakayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taawil
f.g/mg1 (-ilay, -ishay) la-mid: taawi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taawil
-ka: (magac, lab, keli) kasha ku hayn. Dh: filid, rajayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taawis
-ka: (magac, lab, keli) eeg taawin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaawin
(Xaawin-ta)
Socod culus, socosho; tegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaawin
m.f.dh eeg xaawi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaawin
-ta: (magac, dhedig, keli) socod culus socosho. Dh: xaawis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haamin
(Haamin-ta)
Kasha iyo laabta arrin ku hayn, ka dhisid, ka maamulid; hindisid; taawin; saababayn; maamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Meehaalad
(Meehaalad-ka)
Filasho; malayn; taawin; (ama miihaalad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meehaal
m.l 1. Filad; malayn; taawin. 2. Fikrad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taawilid
m.dh la-mid: taawin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taawo
taawo¹: m.dh (-ooyin, m.l) 1. la-mid: daawe, daawo ¹, taawe. Weel bir ah oo wareegan siddana leh oo wax lagu dubo ama lagu shiilo. 2. Xayrta geela.
taawo²: m.f.dh la-mid: taawin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haamin
-ta: (magac, dhedig, keli) arrin kashka iyo laabta ku hayn; maanka ka maamulid oo ka dhisid. Dh: hammiyid, maamin, taawin, sababayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meehaa
-ga: (magac, lab, keli) filasho iyo malayn. Dh: meehaah, taawin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
istaawin
-ta: (magac, dhedig, keli) istuhun inaad dadka ugu xoolo badan tahay ama aad ugu fiican tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caawino
m.dh Deeq ama kaalmo loo fidiyo dad tabaalaysan. la-mid: caawimaad, caawimo, caawinaad, cawimaad, cawimo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caawino
m.dh Deeq ama kaalmo loo fidiyo dad tabaalaysan. la-mid: caawimaad, caawimo, cawimaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caawino
-da: (magac, dhedig, keli) taageero iyo kaalmo.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Garawin
Maddarag garweyn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taabsin
-ta: (magac, dhedig, keli) meel aan dhawayn aadna u fogayn. Taabsin ayuu jiraa ceelku.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taagsin
-ta: (magac, dhedig, keli) meel dhulka ama wax kale oo hareerteeda kor uga muuqata.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taariin
-ka: (magac, lab, keli) laalniin oo meel sare saaritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taawilo
-da: (magac, dhedig, keli) wakhtiga soo socda ama dhacdo iman doonta, wax ka sheegid. Xidaar waa taawilo. Dh: xidigiye.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tamarin
-ta: (magac, dhedig, keli) xoogaysi ama itaalaysi ama ciidamin. Talo wacani tamarin bay leedahay. Dh: xoogaysi. Li: liidasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tatajin
m.f.dh eeg tataji.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tatajin
-ta: (magac, dhedig, keli) degdeg u samayn. tatashiilo: (fal) maradhaarayso; dhaqaalayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aawi
f.g1/2 (-iyay, -iday/-isay; -iyi) Wax ururin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taan
-taan
Qodobka ta iyo tan oo la isku gaabiyey (sida: dhegta tan = dhegtaan; ...).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taan
f.g1 (-aamay, -aantay; -aami) Ku t.: wax la jecelyahay ku fekerid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
taan
f.g1 (-aamay, -aantay; -aami) Ku t.: wax la jecelyahay ku fekerid. m.f.dh, taamid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
taan
v. plan, bear in mind
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Twin
Mataan
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
twin
/twin/ (n) 1. mataan (qofka mataanka ah) (n) 2. laba-wax oo isu-eg midkood.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
twin
n., mataan, -ki (mas.), -ti (fem.).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aadin
m.dh la-mid: aaddin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aawan
(tilmaame) wax aloosan oo xilliga la joogo ifafaalihiisu muuqdaan. Gobolka Geeska Afrika colaado ayaa ka aawan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aawil
aawil¹: m.l la-mid: awaal¹, awaalid.
aawil²: f.mg1 (-ilay, -ishay) Wax dhicitaankooda ama imaatinkooda filid. la-mid: awaal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aawil
(fal) wax soo socdo saadi oo ka sii warran.
aawil -ka: (magac, lab, keli) saadaasha wax soo socda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aawis
m.l la-mid: aawin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caawi
f.g1/2 (-iyay, -iday/-isay;-iyi) Cid kaalmo ama taageero u fidin. la-mid: cawi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caawi
f.g1/2 (-iyay, -iday/-isay;-iyi) Cid kaalmo ama taageero u fidin. m.f.dh, caawiyid. la-mid: cawi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caawi
v. help
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caawi
-yey / say: (n) help (help); give assistance to; aid (eeydh) taageer, saacid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caawi
(fal) garab sii. Dh: taageer, gargaar, kaalmee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caawi
de: help
lx: caawi
pd: (caawiyey)
ps: v2a=
key: caawi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawin
cawin¹: m.dh la-mid: caawiyid.
cawin²: f.g1 (-imay, -intay) la-mid: caawin².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cawin
v. help, support, aid, assist someone
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cawin
-ay / tay: (v) give aid or support; assist (a-sistf help (help) ; ~ caawin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg caawin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cawin
de: help, support, aid, assist s.o.
lx: cawin
pd: (cawinmay)
ps: v1=
key: cawin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daawi
-da: (magac, dhedig, keli) fiirsasho indho ka buuxsi ah meel fagaare ah. Daawi ayaa maanta la iskugu soo baxay iyo dhoollatus.
daawi -ga: (magac, lab, keli) wax kasta oo aan noolayn oo ah mood. Dh: manoole. Li: noole.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dawin
(Dawin-ta)
Wax ama qof meel fog u gudbin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawin
m.f.dh eeg dawi. la-mid: dawis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax, u gudbin meel kale oo durugsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haawi
f.g2 (-iyay, -isay) Weel af bannaan dabayl u dhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haawi
v. air something out, open a vessel to let it air; sweeten
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
haawi
-yey / say: (v) expose or open so that air can dry; air (eer)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haawi
(fal) wax xidhnaa oo huursanaa daboolka ka qaad oo hawo u samee. Dh: laydhi, neecaabi. Li: huuri.