taallo-tiirriyaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taallo-tiirriyaad
(Taallo-tiirriyaad-da)
Dhisas kuwo yaryar iyo kuwo aad u waaweynba leh oo la yiraahdo tiirri hore baa dhistay; waxaa badanaa laga kor dhisaa meel qof madax ah ama waayeel ah ama boqor ah lagu aasay; ~ Xabaal-tiirriyaad; haram.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
taallo-tiirriyaad
f. n., [compound] grave monument, tomb
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taallatiiriyaad
-da: (magac, dhedig, keli) dhismayaw kuwo yaryar iyo kuwo aad u waaweynba leh oo la yidhaahdo dad hore oo xoog badnaa ayaa dhisay. Waxaa badanaa ay ka kor taagan yihiin, meel qof madax ah ama waayeel ah ama bogor ah lagu aasay. Dh: xabaaltiiriyaad, haram.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taallatiriyaad
m.dh (-dyo, m.l) Dhagxaan tiro badan oo sida buur yar u habaysan oo dadkii hore xabaasha madaxdooda ku dhisi jireen.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

qaabile-kiimikaad
m.l (-layaal ..., m.l/dh) (baayoloji) Qaabile, kaas oo baadha jiritaanka kiimikooyin gaar ah. Noolayaashaas unug badanleydo ah waxay u tebiyaan wararka dareemaha dareen wadayaasha. Tusaale ahaan waxa ka mid ah ruqur dhadhannada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaabile-kiimikaad
m.l (-layaal ..., m.l/dh) (baay.) Qaabile, kaas oo baadha jiritaanka kiimikooyin gaar ah. Noolayaashaas unug badanleydo ah waxay u tebiyaan wararka dareemaha dareen wadayaasha. Tusaale ahaan waxa ka mid ah ruqur dhadhannada.