taakayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taakayn
-ta: (magac, dhedig, keli) marka wax la cabbirayo oo taako lagu qiyaasay ka dhigid; taako ku cabbirida. Taakayntu yaanay kaa khaldamin.
taakayn -ta: (magac, dhedig, keli) taako u dhigid oo joojin. Taakaynta waa lagu ilko beelaa. Dh: taakays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taakays
-ka: (magac, lab, keli) eeg taakayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taakeyn
m.dh eeg taakee. la-mid: taakin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taakeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) taako ku cabbirid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
taakee
f.g2 (-keeyay, -keysay) 1. Wax taako ku cabbirid. 2. Wax taako u dhigid. m.dh, taakayn. la-mid: taaki.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taakis
-ka: (magac, lab, keli) eeg taakayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taakaysan
(tilmaame) wax taako lagu cabbiray.
taakaysan: (tilmaame) wax ka joojiya socodka loo dhigay. Gaadhigu wuu taakaysan yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taakulayn
(Taakulayn-ta)
Waxtarid; kaalmayn; taageerid; gargaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taakulayn
m.dh la-mid: taakulid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
taakulayn
-ta: (n) 1. logistics (logistiksis). 2. support (sa-poort); the act of supporting
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taakulayn
-ta: (magac, dhedig, keli) kaalmo iyo taageero u fidin. Dh: caawimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barakayn
(Barakayn-ta)
1. Barako u yeelid.
2. (Cunno, kd.) wax yar ka taabasho, ka cunid; sunnayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barakayn
m.f.dh eeg barakee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
barakayn
vl. n. act of blessing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barakayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ka dhigitaanka mid barakaysan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
barakayn
de: act of blessing
lx: barakayn
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: barakayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falakayn
-ta: (magac, dhedig, keli) figaynta iyo fuudhafuudhaynta qof la kadeedayo. Dh: falakays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halakayn
(Halakayn-ta)
Nabarro xunxun gaarsiin; aad wax u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halakayn
m.f.dh eeg halakee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halakayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhaawacyo culculus gaadhsiin. Dh: dhibaatayn, waxyeelayn, halukayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taallayn
(Taallayn-ta)
Taallo ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taallayn
m.f.dh eeg taallee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taallayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhismo taallo ah, meel ka dhisid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xarakayn
(Xarakayn-ta)
Xarako ama shaqal u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xarakayn
m.f.dh eeg xarakee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xarakayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xiiso iyo soo jiidasho gelin oo qurxin. Dh: xarakadayn.
xarakayn -ta: (magac, dhedig, keli) xarako u yeelid oo kordhabid, hoosdhabid ama godid. Dh: xarakays.
xarakayn -ta: (magac, dhedig, keli) farshaxan qurxoon u samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aabayn
(Aabayn-ta)
1. Tixgelin; aabayeelid; daryeelid.
2. (weel) xoolayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aabayn
m.f.dh eeg aabee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) aabbayeelid iyo tixgelin. Aabbaynta waalidku waa axsaan loo aayo.
aabayn-ta: (magac, dhedig, keli) samo iyo wanaag abaabulid oo wanaajin. Umuurtii aad leedahay ninkii, kuu aabaynaaya. Dh: habayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aafayn
m.dh eeg aafee. la-mid: aafeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aafayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, xanuun, xumaan ama dhibaato qabadsiin. Neefka cadhada leh gaar baa loo qoolaa si aanu xoolaha kale u aafayn. Dh: ibtilayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aanayn
(Aanayn-ta)
Aano ku raadin ama darteed wax ku yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aanayn
m.f.dh eeg aanee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aanayn
-ta: (magac, dhedig, keli) «u ~» fal cid kale u tiirinta, si loo muujiyo in uu sababtiisa lahaa. Aanaynta gabay fidnadeed oo aanay lahayn Caasha, waa xadgudub loo gaystay xuquuqda qoraalka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Adkayn
(Adkayn-ta)
Wax adag ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
adkayn
m.f.dh eeg adkee.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Adkayn
Rafforzamento
Reinforcement
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adkayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dareere ama shey jilicsan wax adag ka dhigid; wax aan nuglayn ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alkayn
m.l (-no, m.dh) (kiimika) Koox ka tirsan haydarokaarboonnada aan dheregsanayn; loona yaqaan sitayliinno. Waxay wadaagaan naanaysta guud ee C H-na waa abyoone.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
alkayn
m.l (-no, m.dh) (kiim.) Koox ka tirsan haydarokaarboonnada aan dheregsanayn; loona yaqaan sitayliinno. Waxay wadaagaan naanaysta guud ee C H-na waa abyoone.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dakayn
(Dakayn-ta)
Sariir iyo wax la mid ah korkeed isku kala bixin; (ku dakayn) nasasho; dangiigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dakayn
m.f.dh eeg dakee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dakayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sariir iyo wax la mid ah korkeeda isku kala bixin oo ku dangiigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rakayn
(Rakayn-ta)
Rako ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saakay
fk. la-mid: saaka.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saakay
(adv) this morning ~ saaka
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saakay
-da: (magac, dhedig, keli) subaxan hadda la joogo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taagan
1. La taagey; la joojiyey.
2. Aan fadhiyin, soconaynna; joog cagaha dhulka ugu haya.
3. Soo baxsan; likaysan; liqdaaran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taagan
f.mg4 (-gnaa, -gnayd) 1. Wax la togay ahaansho. 2. Wax ama qof aan socon ahansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
taagan
f.mg4 (-gnaa, -gnayd) 1. Wax la togay ahaansho. 2. Wax ama qof aan socon ahansho. m.f.dh, taagnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
taagan
der. [adjective] erect, fixed, standing, upright; halted; stable, permanent
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
taagan
-taagnaa / taagnayd: (adj) standing (istaandhing); vertical (veer-tikaal); erect (irekt); remaining upright
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taagan
(tilmaame) wax qaab dhereran leh. Nin taagan ayaan soo dhaafay. Dh: turqan, dhereran, dhidban, quturan, ligan.
taagan: (tilmaame) likaysan; kacsan; liqdaarsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
taagan
de: erect, fixed, standing, upright; halted; stable, permanent
initial: t
lx: taagan
pd: (taagnaa)
ps: adj-der
key: taagan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taakin
(Taakin-ta)
Taako ku cabbirid; inta taako, maro ama wax kale ka kooban yihiin, ogaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taakin
m.f.dh la-mid: taakeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taakin
-ta: (magac, dhedig, keli) marka wax la cabbirayo oo taako lagu qiyaasay ka dhigid. Dh: taakayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taaran
Meel lagu taaray, la suray, laga soo laallaadshey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taaran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Alaab wax la saaray ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
taaran
der. [adjective] hung up (on high)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taaran
(tilmaame) meel wax la sudhay; wax meel laga soo laallaadshay. Alaabbtu way taaran tahay. Dh: caallan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
taaran
de: hung up (on high)
initial: t
lx: taaran
pd: (taarnaa)
ps: adj-der
key: taaran
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tabayn
(Tabayn-ta)
1. Hadba tab cusub keenid, muujin.
2. Tabo kula kicid; xeeladayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabayn
m.f.dh eeg tabee. la-mid: tabays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) hadba tab cusub keenid ama muujin. Dh: xeeladayn, qaabayn, farsamayn, nidaamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tasayn
(Tasayn-ta)
Tixgelin iyo qaddarin la'aan; waxaan jirin ka dhigid; liidid; sheelid; qarin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tasayn
m.f.dh eeg tasee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tasayn
-ta: (magac, dhedig, keli) tixgelin iyo qaddarin la'aan ama waxaan jirin ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yakayn
(Yakayn-ta)
Qof, kd., gaboodfalay xaal saarid; ganaaxid; eedsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yakayn
m.f.dh eeg yakee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yakayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid amardiiddo samaysay ganaaxid. Baaho diid yakayn ayuu ka cabsadaa. Dh: garraaxid.
yakayn -ta: (magac, dhedig, keli) xidhid oo giijin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baahayn
m.f.dh eeg baahee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baahayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qof sabool ah ama gacan madhan, gargaar u soo ururin. Dh: qaadhaamid, jiscin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) baar ka dhigid; ka dhigidda wax sare oo wacan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) caad yeelashada cirka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caanayn
m.f.dh eeg caanee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cunto, shaah iyo la mid ah, caano ku darid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caatayn
(Caatayn-ta)
Caato ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caatayn
m.dh la-mid: caataysiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caatayn
-ta: (magac, dhedig, keli) weyd ka dhigid. Dh: weydayn.
caatayn -ta: (magac, dhedig, keli) jeenyagoosadka neef ruqo u hadhay.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daawayn
-ta: (n) the act of treating with medicine; medication (medi-keey-shin); remedy (ramidi) medical treatment ~ daaweyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaalayn
(Gaafayn-ta)
Diinta Muslinka ka saarid; gaal ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaalayn
m.f.dh eeg gaalee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) gaal ka dhigid; diinta Islaamka ka saarid; qof muslim ah gaal ku sheegid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaasayn
-ta: (magac, dhedig, keli) mooteer ama wax la mid ah, gaas ku shubid. Faynuusku gaasayn buu doonayaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haarayn
(Haarayn-ta)
Haar u yeelid, ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haarayn
m.f.dh eeg haaree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) haar iyo nabar ku dhufasho; haar gaadhsiin. Edbi gabadha laakiin haaraynta ka ilaali. Dh: qoomid, dakhrid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaamayn
(Jaamayn-ta)
1. Jaamo ka dhigid; cad cad ka dhigid.
2. Jaan la dhicid; kabayn; cagayn.
3. Sacab tumid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaamayn
m.f.dh eeg jaamee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaamayn
-ta: (magac, dhedig, kali) kabo ka dhigasho.
jaamayn -ta: (magac, dhedig, kali) cid kale, kabo la dhac oo ku dhufdhufo. Dh: kabayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaarayn
-ta: (magac, dhedig, kali) si beelaha la isugu geeyo oo ay ku wada degaan. Dh: ollogeyn. Li: fogeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaasayn
m.f.dh eeg jaasee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laakeyn
m.f.dh eeg laakee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laakeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) labo ilmood oo mataano ah dhalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laamayn
m.f.dh eeg laamee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laamayn
-ta: (magac, dhedig, keli) badar la karinaayo laan ku walaaqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) maad iyo maaweelo lagu qoslo samayn. Boon Xirsi waa xiddigga maadaynta Soomaalida.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maarayn
(Maarayn-ta)
1. Maaro u helid; arrin ama wax kale, wax ka qabasho, hagaajin.
2. Maar ka dhigid.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Maarayn
Direzione
Management