taagtaagsasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taagtaagsasho
-da: (magac, dhedig, keli) (ku ~) hadal iyo wixii la mid ah ku celcelin oo ku tiiqtiiqsa, iyadoo la kala saafayo hadalka si fahankiisu u xeel dheerado, oo uu u kala cadaado.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
tramp
/traamp/ (v) 1. dhuukin (taagtaagsasho) (n) 2. darbi-jiif (qof aan hoy iyo camal toona lahayn ee iska- wareega) (n) 3. shanqarta saanqaadka culus. (n) 4. lugayn (lug, socod dheer) (n) 5. qabxad (sharmuuto).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taagtaagso
(fal) «ku ~» hadal ku celceli oo ku tiiqtiiqso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hagaagsasho
m.f.dh eeg hagaagso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taagtaagsad
-ka: (magac, lab, keli) «ku ~» cid kale oo taag yar, muquunin oo dulmin. Dh: taagtaagsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taataabasho
-da: (magac, dhedig, keli) jidh ama wax kale dhawr jeer gacanta saarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taabtaabasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhawr jeer taataabasho. Taataabasho haw yeelan muuska wuu madoobaane.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asaagsasho
m.f.dh eeg asaagso. la-mid: asaagsad, asaagsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asaagsasho
-da: (magac, dhedig, keli) cid aad isku fil iyo da' tihiin u arkid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
taagnaasho
vl. n., stative v. act of erecting ~ standing something up
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
taagnaasho
a: taagnaansho (/ha) [vn6-m-st]
de: act of erecting ~ standing s.t. up
initial: t
lx: taagnaasho
pd: (/da)
ps: vn-f-st
key: taagnaasho
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
taagtaagsi
-ga: (n) stealth (is-teelth); tiptoe (tip-toow)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taagtaagsi
-ga: (magac, lab, keli) ku tiiqtiiqsi. Taagtaagsiga hadalka wax ayaa loola golleeyahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magmaagasho
m.f.dh eeg magmaago.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naagaysasho
(Naagaysasha-da)
Naag ka dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naagaysasho
m.f.dh eeg naagayso. la-mid: naagaysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naagaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) naag la gogol galid. Dadabgal naagaysasho kama horrayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sagsaagasho
m.f.dh eeg sagsaago.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taagnaansho
m.l/dh la-mid: taagnaan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
taagnaansho
-taagnaanshaha: (n) the act of standing taagnaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taagnaansho
-ha: (magac, lab, keli) wax la taagay ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tawaansasho
m.f.dh la-mid: dawaansasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tayaaqsasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg tayaaqsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wanaagsasho
m.f.dh eeg wanaagso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wanaagsasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax kale in uu wanaagsan yahay u arkid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xagaalsasho
m.f.dh eeg xagaalso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaadaansasho
m.f.dh eeg gaadaanso. la-mid: gaadaansad, gaadaansi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gargaarsasho
m.f.dh eeg gargaarso. la-mid: gargaarsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gargaarsasho
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, taageersasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tallaabsasho
(Tallaabsasha-da)
Tallaabo qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tallaabsasho
m.f.dh eeg tallabso. la-mid: tallaabsad, tallaabsi, tillaabsad, tillaab-sasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tallaabsasho
-tallaabsashada: (n) the act of stepping or striding ~ tallaabsi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tallaabsasho
-da: (magac, dhedig, keli) tallaabo ku cabbirasho; tillaabsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daandaansasho
(Daandaansasha-da)
Xumaan iyo dagaal ka doonid; ka caraysiin; maagid; qodqodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daandaansasho
m.f.dh eeg daandaanso. la-mid: daandaansad, daandaansi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daandaansasho
vl. n. provocation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daandaansasho
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, gardarro ku doonasho. Daandaansashada docdaada la joog. Dh: edebdarraysasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daandaansasho
de: provocation
lx: daandaansasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: daandaansasho
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
daandaansasho
إغضاب
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faataxaysasho
m.f.dh eeg faataxayso. la-mid: fataxaysad, faataxaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faataxaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) iyada oo Faataxada la akhrisanayo, ducaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaankaansasho
(Kaankaansasha-da)
Kicid isu diyaarin; ruqaansi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaankaansasho
m.f.dh eeg kaankaanso. la-mid: kaankaansi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaankaansasho
-da: (magac, dhedig, keli) kicid isu diyaarin ah. Dh: ruqruqaansi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laadlaadsasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax la sido, korka sare qabasho oo sidaas ku qaadasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waaxwaaxsasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg waaxwaaxsad; waarwaarsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taltallaabsasho
-da: (magac, dhedig, keli) marba addin qaadis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirbataagsasho
m.f.dh eeg cirbataagso. la-mid: cirbataagsad, cirbataagsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirbataagsasho
-da: (magac, dhedig, keli) inta cidhbaha la taago, faraha ku joogsad. Dh: cirbadhiibsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maradhaarsasho
m.f.dh eeg maradhaarso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taagdarmaansho
-ha: (magac, lab, keli) wax taagdaran ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taagdarnaansho
m.l/dh la-mid: taagdarnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuugaalaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) si joogto ah wax u xadid, tuugnimo ku noolaansho. Dh: tuugaalaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garabtaagnaansho
m.l/dh la-mid: garabtaagnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garabtaagnaansho
-ha: (magac, lab, keli) cid kale, taageersanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aanaysasho
m.f.dh eeg aanayso. la-mid: aanaysad, aanaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aanaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg aanaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaarsasho
m.dh la-mid: abaarsad, abaaraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ayaansasho
m.f.dh eeg ayaanso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ayaansasho
-da: (magac, dhedig, keli) ayaan iyo nasiib ka dayid; ku nasiibsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cagaarasho
m.f.dh eeg cagaaro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagaarasho
-da: (magac, dhedig, keli) midab cagaar ah yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falagsasho
m.dh la-mid: falkasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falagsasho
-da: (magac, dhedig, keli) bal ama caw, furfurasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hagabsasho
m.f.dh eeg hagabso. la-mid: hagabsad, hagabsi, hakabsad, hakab-sasho, hakabsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hagabsasho
-da: (magac, dhedig, keli) arag la'aan socosho. Dh: handalafsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
higaagasho
m.f.dh eeg higaago. la-mid: higaagad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
itaalsasho
m.f.dh eeg itaalso. la-mid: itaalsad, itaalsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magaalasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg magaalaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magansasho
-da: (magac, dhedig, keli) tuugsasho; cid wax weydiisasho. Qof magansasho kuugu yimid marka u horraysa madhnaan lama cesho. Dh: magansi, baryo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malaasasho
-da: (magac, dhedig, keli) buuxsasho oo afka ka keensasho. Malaasashada ad weelka malaasanayso ma beelo ba'ay baad ka hadhay. Dh: buuxsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maragsasho
m.dh la-mid: maragsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ragragasho
(Ragragasha-da)
Digasho xeel dheer, cid ku digasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ragragasho
m.f.dh eeg ragrago².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ragragasho
-da: (magac, dhedig, keli) ku digasho aad ah oo faan ku jiro. Iga daa ragragashada, rag miyaanad aqoonin. Dh: rigrigasho, digasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabaxsasho
m.f.dh eeg tabaxso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taransasho
(Taransasha-da)
Wax badsasho; kororsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taransasho
m.f.dh eeg taranso. la-mid: taransad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taransasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax badsasho ama wax kordhisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tigaysasho
m.f.dh eeg tigayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tigtigasho
m.f.dh eeg tigtigo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tigtigasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax tigtigan ka dhigasho; xirxirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ugaarsasho
m.dh eeg ugaarso. la-mid: ugaarasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ugaarsasho
vl. n. hunting
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ugaarsasho
-ugaarsashada: (n) hunting (han-tin-ing)-, the act of hunting ~ ugaarasho, ugaarsi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ugaarsasho
-da: (magac, dhedig, keli) ugaadh soo qabasho ama dabasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ugaarsasho
de: hunting
initial: u
lx: ugaarsasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: ugaarsasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
watahsasho
m.f.dh eeg watahso. la-mid: watahsad, watahsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xagafsasho
m.f.dh eeg xagaafso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xagafsasho
-da: (magac, dhedig, keli) shaqaysasho oo shaqadii la helaba ka xoogsasho. Dh: xarafsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xagaysasho
(Xagaysasha-da)
(xoolo irmaan) xag ka maalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xagaysasho
m.f.dh eeg xagayso. la-mid: xagaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xagaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhan keliya ka maalid. Hasha xagaysashada ka daa oo dhan walba ka lis. Dh: xaglisid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xagxagasho
m.f.dh eeg xagxago.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xagxagasho
-xagxagashada: (n) the act of scratching (iska-raaj-ing)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xagxagasho
-da: (magac, dhedig, keli) aflagaado iyo gardarro cid lagula kaco. Dh: eedayn.
xagxagasho -da: (magac, dhedig, keli) cunto weel guntiisa iyo hareerihiisa ku dhegdhegta ciddiyaha iyo malqaacad kaga xaquuqasho.
xagxagasho -da: (magac, dhedig, keli) xarxarruufasho oo dub ciddiyaha ku sarsarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aaddaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) qaraabo iyo ehel ka yeelasho. Dh: aaddaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abbaansasho
m.f.dh eeg abbaanso. la-mid: abbaansi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abbaansasho
-ha: (magac, lab, keli) cid kale wakiil ka dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ammaansasho
m.f.dh eeg ammaanso. la-mid: ammaansi.