taag
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taag
1. (Taag-ga) a) Meel dhulkeedu sarreeyo; buur; kood. b) Cudur la is qaadsiiyo oo xubnuhu la togtogmaan; togtogan.
2. (Taag-ta) a) Xoog; itaal; tabar; awood, b) Karti; maaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taag
taag¹: m.dh 1. Xoog; itaal. 2. Karti; maaro.
taag²: f.g1 (-gay, -gtay) 1. Wax meel joojin. 2. Wax kor u qaadid. 3. Wax qotomin. 4. Isku t.: qof ama wax lid noqosho. 5. Isku t.: wax dushooda ku joogsasho. 6. Isku t.: dhar qurxoon xirasho.
tąag: m.l (-gag, m.l) 1. Cudur sababa adkaanta addimaha. 2. la-mid: taago. Meel dhulkeedu sarreeyo; buur; kood.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
taag
taag¹: m.dh 1. Xoog; itaal. 2. Karti; maaro.
taag²: f.g1 (-gay, -gtay) 1. Wax meel joojin. 2. Wax kor u qaadid. 3. Wax qotomin. 4. Isku t.: qof ama wax lid noqosho. 5. Isku t.: wax dushooda ku joogsasho. 6. Isku t.: dhar qurxoon xirasho. m.f.dh, taagid.
tąag: m.l (-gag, m.l) 1. Cudur sababa adkaanta addimaha. 2. la-mid: taago. Meel dhulkeedu sarreeyo; buur; kood.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
taag
v. stand upright; raise, set up, erect
taag m. n. high ground, hill, mountain
taag m. n. contagious disease involving stiffening of the limbs
taag [feminine] n. strength, energy, ability, capability
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
taag
-ga: (n) uphill (ap-hiil)-, steep (istiip); hill (hiil); plateau (palaatoowf an upward slope ~ buur
taag -ay / tay: (v) 1. fix in an upright position; erect (irekt) ~ istaaji. 2. stretch (istareej)', extend (ikis-teend) Ex: gacmihiisii buu kala taagay; he stretched out his hands.
taag -ta: (n) ability (a-biliti); strength (istareen-gath); capacity (ka-paasiti); talent (taalant); skill (is-kil), competence, (kom-patansi) ~ tabar, karti
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taag
(fal) gidaar iyo wixii la mid ah dhis.
taag: (fal) jooji, inuu kaa socdo u diid.
taag: (fal) wax la qaadi karo qaabkuu u yaalo ka bedel, sare u jooji. Tag ruumiga biyuhu ha ka gororaane. Dh: qotomi.
taag: (fal) is ~ joogso, fadhiga ka istaag ama socodka ka joogso. Fadhiga ayuu ka istaagaye kaxee odayga.
taag-ga: (magac, lab, keli) meel agagaarka u dhaw ka saraysa. Si uu geela u arko ayuu taag u baxay. Dh: tuur, kood.
taag-ta: (magac, dhedig, keli) tabarta ama xoogga wax lagu qabsado. Togba taagtii buu rogmadaa. Dh: itaal, awood, tamar, xoog, karti.
taag -ga: (magac, lab, keli) cudur la is qabadsiiyo oo xubnuhu la tigtigmaan. Dh: togtogan.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
taag
وة، هَصْبَة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taago
m.dh (-ooyin, m.l) Dhul yara sarreeya. la-mid: tąag (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taago
(fal) kor u muuji; kor u qaad.
taago-da: (magac, dhedig, keli) kor u muujiso; kor u qaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tagag
-ga: (magac, lab, keli) alool yar oo irridda aqalka lagu xidho oo albaab oo kale u ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afarrey
(Afarrey-da)
1. Gabay yar, shanley.
2. (shax) afar iska soo horjeedda oo hogi u dhexayso, oo ka samaysan labo jare oo taagan (isku dhici kara).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ansaar
(Ansaar-ta)
Muslinkii hore oo reer Madiina oo Nebi Maxamed iyo Muhaajiriintii soo dhoweeyey oo taageerada weyn u fidiyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baacin
(Baacin-ta)
1. Baac wax ku cabbirid.
2. Wax la dhifanayo, kor u sii wadid, taniyo inta gacantu ka wada kala baxdo.
3. (u baacin) u taagid.
4. Kor u qaadid; bilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baar
1. (Baar-ka) a) Geedka madixiisa kore oo laamuhu ka baxaan. b) (geel) Timaha kuruska korkiisa ka baxa. c)* Meel lagu iibsho waxyaalaha la cabbo, badanaa taagnaan baa wax lagu cabbaa.
2. (Baar-ta) Geed jaadad badan ah oo dhulka kulul ka baxa: wuxuu leeyahay dhex dheer oo aan lamo lahayn, madaxana wuxuu ku lee yahay caleemo aad u waaweyn oo dheerdheer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Babac
(Babac-a, Babac-da)
1. Meel taag ah oo dululub ah; hoobad.
2. Gudub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Burco
(Burca-da)
Buur yar oo ciid ah: kood; taag; burshaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caalwaa
(Caalwaa-ga)
Karti iyo xoog uu wax ku qabto la'; taag, maaro waayey, gabay; caatibawaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cawaansi
(Cawaansi-ga)
Kaalmo iyo taageerid ka doonid; xoog iyo ciidan ka doonid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cirbadhiibsi
(Cirbadhiibsi-ga)
Faraha lugaha oo la isku taago, inta cirbaha kor loo qaado; cirbataag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cur
(Cur-ta)
Carjawda qulaanqulyaha oo xagga dibadda u soo taagan (siiba ragga) oo xargaha codku ku jiraan; halcun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabaaljoogle
(Dabaaljoogla-ha)
Iyadoo la dabaalana hayo oo layska dhigo sidii qof taagan: istaagid aan cagaha dhulka lagu hayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabaaljoogleyn
(Dabaaljoogleyn-ta)
Biyaha dhexdooda isku taagid iyadoo aan cagaha dhulka lagu hayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabaggaalle
(Dabaggaalla-ha)
Bahal yar oo jaadad badan ah oo dhirxagatada kamid ah; wuxuu lee yahay dhogor iyo dabo hunbulan; hadba labada danbuu isku taagaa; wuxuu cunaa oo jecel yahay quullaha;
soongur; tukulush.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabataag
(Dabataag-ta)
Jaad ugaarta waaweyn kamid ah oo kolkay ordeyso dabada kor u taagta; (ama dibtaag).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dad
(Dad-ka)
Nafleyda wax nuujisa jaadka ugu gobeysan oo lagu yaqaan: qummaati isu taagid iyo lugo xoog badan (haddii oogadiisa loo eego) iyo gacmo laallaada oo wuxuu doono uu ku qabsado; intaas waxaa u sii dheer: maskax weyn iyo garaad iyo hadal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dadabsi
(Dadabsi-ga)
1. Leexsasho; duufsasho.
2. Xumaan ugu soo bixid; isku taagid; daandaansi; doolaalo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dakhal
(Dakhal-ka)
Tiir dheer oo qori ah ama bir ah oo doonyaha iyo maraakiibta dhexdooda laga taago oo faarmaanka iyo shiraaca celiya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daryeel
(Daryeel-ka)
Waxtar; kaalmo; taageero; gargaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daryeelid
(Daryeelid-da)
Waxtarid; kaalmayn; taageerid; gargaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Derbi
(Derbi-ga)
Dhis kor u taagan oo qori ama dhagax ama wax kale laga sameeyey oo meel xereeya ama kala gooya ama tiirsha ama dhawraarin u ah; gidaar; deyr.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aag
m.l.u Dhul ballaaran oo meel la yaqaano ku fadhiyo. Tusaale: “Aagga Ceelbuur waxaa laga helaa dhagax jilicsan oo burjikooyinka laga qoro”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aag
m.l.u Dhul ballaaran oo meel la yaqaano ku fadhiyo. Tusaale "Aagga Ceelbuur waxaa laga helaa dhagax jilicsan oo burjikooyinka laga qoro".
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Aag
Range
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aag
m. n. surroundings, neighborhood, environs
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aag
-ga: (n) 1. area (ee-riya); a region. Ex: aagga beeraha; the farming area. Aagga Xamar; the Xamar area. 2. nearby araes ~ u dhaw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aag
-ga: (magac, lab, keli) dhul xadaysan oo dhinac marsan. Aaggaa hore ayuu roob jiraa. Dh: deegaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aag
de: surroundings, neighborhood, environs
lx: aag
pd: (-ga)
ps: n-m
key: aag
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taa
Taas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taa
taa¹: mu.ti.dh (kuwaas, w) Magacuyaal tilmaame oo dhaddig, oo wax qofka hadlaya ka fog oo farta la isugu fiiqayo lagu tilmaansado. Tu. “taa soo socota waa Hodan”. la-mid: taas¹
taa²: (-taa) dk.ti.dh la-mid: taas².
taa³: (-taa) dk.lh.dh la-mid: taada².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
taa
mu.ti.dh (kuwaas, w) Magacuyaal tilmaame oo dhaddig, oo wax qofka hadlaya ka fog oo farta la isugu fiiqayo lagu tilmaansado. Tu. Taa soo socota waa Hodan. la-mid: taas.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
taa
(pronoun) for that ~ taas, saas. Ex: taa darteed; for that reason
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taa
(magac'uyaal) wax dhedig oo wax kaa fog. fartana lagu fiiqayo lagu tilmaansado. Taa sii jeedda la hadal. Dh: taas. Wa: kuwaa, kuwaas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tag
(Tag-ga)
1. Aroos lala tago; guur; kaxaysasho.
2. Ayaan; cawo; nasiib; qadan; buruud; bili; doobir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tag
tag¹: m.l/dh 1. Guur. 2. Nasiib.
tag²: f.g/mg1 (-gay, -gtay; -tegi) 1. (f.g) Cid meel aadid. 2. (f.mg) Ka t.: wax dayn ama dhaafid. 3. (f.mg) Kala t.: cid wax kala baxsasho; kala bixid. 4. (f.mg) U t.: u imaansho; la kulmid; nin naag u galmoosho. 5. (f.mg) Ku t.: meel la tagayo gaadiid u raacid; wax la qaatay ka samrid. 6. (f.mg) Ula t.: arrin iyo wixi lamida cid la kaashad. 7. (f.mg) Uga t.: wax cid ku dhaafid. 8. (f.mg.) La t.: qaadasho; wadasho; kaxaysasho; raacid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tag
f.g/mg1 (-gay, -gtay; -tegi) 1. (f.g) Cid meel aadid. 2. (f.mg) Ka t.: wax dayn ama dhaafid. 3. (f.mg) Kala t.: cid wax kala baxsasho; kala bixid. 4. (f.mg) U t.: u imaansho; la kulmid; nin naag u galmoosho. 5. (f.mg) Ku t.: meel la tagayo gaadiid u raacid; wax la qaatay ka samrid. 6. (f.mg) Ula t.: arrin iyo wixi lamida cid la kaashad. 7. (f.mg) Uga t.: wax cid ku dhaafid. 8. (f.mg.) La t.: qaadasho; wadasho; kaxaysasho; raacid. m.f.dh, tegid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tag
v. go (to); depart
tag m. n., [abstract] luck, fate, fortune (good ~ bad)
tag m. n., [collective] marriage kin, affinity ~ relationship brought by a marriage
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
tag
/taag/ (n) 1. lifaaq yar oo warbixin ama aqoonsi loola jeedo, oo meel lugu dhajiyo (n) 2. dhuumashow (ciyaar carruureed) (v) 3. ku xirid (ku dhejin) (v) 4. daba-gelid (daba-raacid).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tag
-ay / tay: (v) go away; leave (liiv); depart (di paart) Ex: iga tag: leave me alone —isku tag -a: (i) 1. gathering; assembly (a-sem-bli), congregation (kon-gi-rigeey-shin). 2. sexual intercourse
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tag
(fal) halkan ka dhaqaaq oo meel kale qabo.
tag: (fal) «ka ~» beretanka dheeree, ka mudh, dhaaf.
tag: (fal) (ka ~) cid meel ama wax jira, ka reeb oo ha ku darin.
tag: (fal) (ka ~) meel ama cid ka anbabbax, ka boqool, ka soco. Maanta ayuu laaska ka tegey.
tag: (ka ~) cid ama wax meel ku dhaaf; dhig oo dhaaf. Wuxuu ka tegey qalin iyo buug.
tag: (ka ~) ha xusin; ha sheegin. Markuu khudbadda akhriyayey, wuxuu ka tegey intii ugu fiicnayd.
tag: (ka ~) qof geeryooday iyo wixii la mid ah, reeb.
tag: (fal) (kala ~) walaxyo isu dhowaa, kala durug, kala fogow.
tag: (fal) (kala ~) ka guur, isfura, kala socda. Labdii isqaban waayaa, way kala tagaan.
tag: (fal) (la ~) qaado oo la dhaqaaq.
tag: (fal) (la ~) gabadh inaad guursato darteed u kaxayso; la bax. Gabadh aan raalli ahayn, lalama tago.
tag: (fal) (u ~) u imaw; la kulan.
tag: (fal) (u ~) jinsi kaa duwan, u galmoo.
tag-ga: (magac, lab, keli)) barako Ilaahay dadka qaarkood raaciyo oo wixii ay ka qaybqaataanba tarmo. Taggaaga ayaa wanaagsan. Dh: cawo, nasiib, ayaan, qadan, doobir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baag
-ta: (magac, dhedig, kel:) calaamade ku faafa oogada qofka oo cadcad oo diirka sare hoola. Baag baa qoorta wiilka ka soo baxday. Dh: cambaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caag
caag¹: m.l (-gag, m.l) 1. Adke loodsame ah, si fudud u gubta oo waxyaabo badan laga sameeyo. 2. (-gag, m.l) Wax kasta oo balaastiig ka sameysan. 3. Meel yara godanoo biyo qabatin leh.
caag²: m.l (kiimika) Walax loo yeeli karo qaab marka la adeegsado kul ama cadaadis. Caagagga badankooda waxa laga sameeyaa “xabko” macmal ah oo la tarmiyey.
caag³: f.mg1 (-gay, -gtay) Ka c.: gasiin iyo wixi lamida dhaqan awgiis uga go'id.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caag
caag¹: m.l (-gag, m.l) 1. Adke loodsame ah, si fudud u gubta oo waxyaabo badan laga sameeyo. 2. (-gag, m.l) Wax kasta oo balaastiig ka sameysan. 3. Meel yara godanoo biyo qabatin leh.
caag²: m.l (kiim.) Walax loo yeeli karo qaab marka la adeegsado kul ama cadaadis. Caagagga badankooda waxa laga sameeyaa 'xabko' macmal ah oo la tarmiyey.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caag
m. n. hard plastic; object made of hard plastic
caag m. n. area lacking in vegetation; depression, valley where a pool of water may occur
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caag
-ga: (n) [Pl. caagag-ga] 1. rubber (rabar) 2. plastic (plaastik) ~ bac
ka caag -ay / tay: (v) prevent oneself from eating some food or doing something; refrain (ri-fareyn); forbear (foor-beer); abstain (ab-steyn)
ka caaggan: (adj) refraining, abstaining, forbearing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caag
(fal) «ka ~> dhaqan iyo wax la mid ah iska xaaraantinimay; ka fogow.
caag -ga: (magac, lab, keli) geed meelaha kulul ka baxa, sida dhulbadhaha, oo laga liso dheecaan gadhoodha oo cinjirka laga sameeyo.
caag -ga: (magac, lab, keli) walax adag oo loodsami kara oo laga sameeyo dheecaanka geedka caagga ama hadhaaga saliidda caydhiin. Dh: cinjir.
caag-ga: (magac, lab, keli) meel godan oo ay biyuhu fadhiistaan.
caag-ga: (magac, lab, keli) wax lagu dhici waayay oo laga cabsaday deedna laga joogsaday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daag
-a: (magac, lab, keli) qiyaas dhuleed beeraha lagu cabbiro oo xagga ballaca noqda labo iyo labaatan tallaabo. Daag hadhuudh ah baa ii baxay.
daag -a: (magac, lab, keli) jeex yar oo dhulka gacanta lagu qodo, si dix, webi ama laag beer biyo loogaga soo leexiyo. Cali daag buu beertooda u soo leexinayaa. Dh: kali.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faag
f.g1 (-gay, -gtay) 1. Dhul iyadoo aan hoos loo dheereyn qodid. 2. Geed, koor iyo wixi lamida laga qorayo qaabayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faag
f.g1 (-gay, -gtay) 1. Dhul iyadoo aan hoos loo dheereyn qodid. 2. Geed, koor iyo wixi lamida laga qorayo qaabayn. m.f.dh, faagid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faag
v. dig, burrow, paw the earth (of animals)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faag
-ay/tay: (v) dig (dhig); excavate (ekis ka vaayt) ~ quf
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faag
(fal) kolka beerta la rogayo ee aan shinni lagu shubin. Dh: rog.
faag: (fal) dhulka ciid ka qod. Ciidda ka faag godka. Dh: faadhfaadh, qod, quf.
faag -ga: (magac, lab, keli) xarriiq ay marashidu jeexdo kolka beerta la qodayo; raadka marashida. Marka beyga la calaamadsanayo faag baa la jeexdaa.
faag -ga: (magac, lab, keli) dhulka ciid ka soo qodis. Ukuntii la soo faag, waxay qodax ilaaweene. Dh: faqid, qodis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faag
de: dig, burrow, paw the earth (of animals)
lx: faag
nt: faag (ga) [vn-m]
pd: (faagay)
ps: v1=
key: faag
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaag
m.l Wax aan tira badnayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaag
-ga: (magac, lab, keli) wax dhammaaday inta yar ee ka sii hadhay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haag
f.mg1 (-gay, -gtay) Ka h.: Wax aad uga dhergid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haag
(fal) (ka ~) aad wax u cun oo dhereg: dhab u cun. Ka haag cuntada jid dheer baad maraysaaye. Dh: dhereg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laag
1. (Laag-ga) Qof isku fil la yahay; fac; asaag; mataan.
2. (Laag-ta) Meel jeexan oo biyammareen ah; far.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laag
laag¹: m.l 1. Fac; asaag; mataan. 2. (m.l./dh) Meel biyo baxeen oo haadaan ah.
laag²: m.dh (-go, m.l) 1. (juqraafi) Togagga iyo webiyadu meesha ay badda uga darmaan. 2. (botani) Geedku meesha uu labada qaybood uga kala baxo; labalaako. la-mid: lag (4).
laag³: m.dh (-go, m.l) (juqraafi) Laag webi ama durdur oo ku biirisa biyaheeda webi weyn, isagoo kaga biyo daraya labada dhinac ama bar marinkiisa ka mid ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
laag
laag¹: m.l 1. Fac; asaag; mataan. 2. (m.l./dh) Meel biyo baxeen oo haadaan ah.
laag²: m.dh (-go, m.l) 1. (juqraafi) Togagga iyo webiyadu meesha ay badda uga darmaan. 2. (botani) Geedku meesha uu labada qaybood uga kala baxo; labalaako. la-mid: lag (4).
laag³: m.dh (-go, m.l) (juqraafi) Laag webi ama durdur oo ku biirisa biyaheeda webi weyn, isagoo kaga biyo daraya labada dhinac ama bar marinkiisa ka mid ah.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Laag
Confluent, Tributary
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laag
m. n. age-mate, contemporary, peer
laag [feminine] n. water-channel
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
laag
-a: (n) river valley; canyon (kaanyon); ravine (raviin); gorge (goor/) ~ tog
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laag
laag: (fal) eeg laad.
laag -ga: (magac, lab, keli) fil ama isku gedo. Axmed isku laag ayaanu nahay: Dh: lag, fac, gedo, da', kicitin, fil.
laag -ga: (magac, lab, keli) lugta faygeega hore oo wax lagu dhufto. Dh: laad, lood.
laag -ta: (magac, dhedig, keli) meel dhuuban oo hoos u qodan oo biyamareen ah; meel jeexan oo biyammareen ah; luuq yar oo kolka ay kuwo kale isku biiraan noqda dix ballaadhan. Laagta ka soo tallaw. Dh: far. Wa: laago.
laag-ta: (magac, dhedig, keli) xadhko badan oo la isku tidcayo mid ahaan. Hoggaanka awrka laag baa go'an.
laag -ta: (magac, dhedig, keli) kuusha ama cab. Dh: far.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maag
(Maag-ga)
1. Gardarro kas iyo ogaal lagu sameeyo; aabi; xuma-kaddoon.
2. () Wax iska deyn, cabsiyi ku jirto; alaalabbaq; diiddo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maag
maag¹: m.l 1. Daandaansi; gardarro; abyood. 2. la-mid: maagid.
maag²: f.mg1 (-gay, -gtay) 1. Qof gardarraysasho. 2. Doonid ama damcid.
mąag¹: m.l (-gag, m.l) 1. Xad, xuduud. 2. la-mid: mąagid.
mąag²: f.mg1 Wax cabsi dartii uga dheeraansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maag
maag¹: m.l Daandaansi; gardarro; abyood.
maag²: f.mg1 (-gay, -gtay) 1. Qof gardarraysasho. 2. Doonid ama damcid. m.f.dh, maagid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maag
m. n. provocation, intentional offense (threat ~ insult)
maag v. provoke, pick on, incite someone
maag v. want, intend
maag v. stop suddenly, cease; hesitate (out of fear ~ suspicion)
maag vl. n. keeping one's distance from something, setting a limit ~ boundary
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maag
-ay / tay: (v) do it to annoy; tease (tiiz), upset (ap-sat); infuriate (in-fiyuu-riyeeyt); enrage (en reeyj)
maag: -ga: (n) provocation (porova-keeyshin); infuriation. Ex: waa kas iyo maag; this is an intentional provocation ~ maagis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maag
(fal) cid saabab la'aan daandaanso oo ka gardarraw. Ayaa ku yidhi dadka maag. Dh: xadgudub, gardarraw, adyadee.
maag: (fal) ka hako oo ha ku dagdagin; ka joogso oo horay ha ugu socon. Ka maag meelaha xumaan kuu horseedaya. Dh: maago.
maag: (fal) doon oo ikhtiyaar kaaga go'aan u qaado. Waxaad wanaag u aragto maag. Dh: doon, rab.
maag-ga: (magac, lab, keli) halka dhirta iyo banku iska galaan. Maagga Magaalacad ayuu reerku yaal. Dh: aftin, idhan.
maag-ga: (magac, lab, keli) adyad gardarro ah oo si kas iyo sabab la'aan ah cid aan xumaan samayn lagula kaco. Ninka maag baa kuu geeyey oo waad ka gardaran tahay: Dh: xadgudub.
maag -ga: (magac, lab, keli) dib u joogiga geelu dib uga joogsado ka tallawga biyaha ee uu diido. Awrku waa maag wuxu biyaha uga tallaabi layahay. Dh: joogsi, diidmo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naag
(Naag-ta)
1. Qof dumar ah oo weyn; haweeney.
2. Qof dumar ah oo la guursadey; maranti; afo; oori; arad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naag
m.dh (-go, m.l) 1. Haweenay la guursaday; afo; oori; arad; maranti. 2. Haweenay karti iyo xishood leh. 3.Labada qof ee isqaba midka dheddig.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
naag
m.dh (-go, m.l) 1. Haweenay la guursaday; afo; oori; arad; maranti. 2. Haweenay karti iyo xishood leh. 3.Labada qof ee isqaba midka dheddig.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
naag
f. n. woman; wife
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
naag
-ta: (n) [Pl. naago-naagahra] woman (woman); female (fii meel) ~ haween. Ex: xuquuqda naagaha; women's rights
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naag
-ta: (magac, dhedig, keli) magac guud oo dumarka ka dhexeeya oo la adeegsado kolka mid qudha oo dumar ah in laga hadlo la doonayo. Dadku waa nin iyo naag. Wa: naago.
naag-ta: (magac, dhedig, keli) haweenay la guursaday. Dh: afo, oori, arad, maranti.
naag-ta: (magac, dhedig, keli) haweenay karti iyo xishood leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
naag
de: woman; wife
lx: naag
pd: (-ta)
ps: n1-f
xe: afo, arad, maranti, oori
xv: dumar
key: naag
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
naag
زَوْجَةَ امْرَأَةَ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raag
Raag!
Erey duco ah oo lagu yiraahdo madaxda iyo qofkii kaloo loo bogo; Mood!
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raag
raag¹: m.l 1. Waqtiga uu shay soconayo, muddo. 2. Daah, habsaan.
raag²: f.mg1 (-gay, -gtay) 1. Daahid. 2. Waqti badan jirid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
raag
raag¹: m.l 1. Waqtiga uu shay soconayo, muddo. 2. Daah, habsaan.
raag²: f.mg1 (-gay, -gtay) 1. Daahid. 2. Waqti badan jirid. m.f.dh, raagid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
raag
v. be late, linger; delay; be durable; live long
raag: inter. long may you live!; hooray!
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
raag
-ay / tay: (v) 1. stay late. 2. live long
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raag
(fal) muddo badan maqnow; intii la filayeyin ka badan maqnow. Aroos lagama raago, lagumana raago. Dh: daah, dibudhac. Li: dhakhso, degdeg.
raag: (fal) muddo badan jir. Abaal raaga rag baa leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saag
-ga: (magac, lab, keli) geed aad u weynaada oo qori wanaagsan leh oo wax lagu dhisto, alab na laga samyaysto. Saqafka aqalku waa saag. Dh: saad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taab
(Taab-ka)
Xargo isweydaarsan oo gadowga wadaanta loo yeelo oo kolkay buuxdo la qabto, kolka ceelka lagu shuba hayona dowliska loogu xiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taab
taab¹: m.l (-bab, m.l) 1. Xargo isweydaarsan oo gadawga wadaanta iyo dhiilaha loo yeelo si markay buuxaan loogu qaado. 2. Agagaarka guriga. 3. Ubaxa ka soo baxa geedka digirta inta uusan miro yeelan. 4. la-mid: taabid.
taab²: f.g1 (-bay, -btay) 1. Wax xoog ku qabasho. 2. Wax fur ku adkayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
taab
f.g1 (-bay, -btay) 1 . Wax xoog ku qabasho. 2. Wax fur ku adkayn. m.f.dh, taabid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
taab
m. n. net (for holding jar, bucket, etc.)
taab v. grasp, hold, have a hold on
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taab
(fal) wax haleel; gaadh meesha aad rabto. Waxaan taabayaa safarkii iga tegay.
taab: (fal) gacanta ku dhig; qabso oo awood ku hano. Gaaladu waxay tacab lahayd taabnay subaxiiba. Dh: hano, qabo.
taab: (fal) weel, furka ku adkee.
taab -ka: (magac, lab, keli) agagaarka guriga.
taab -ka: (magac, lab, keli) ubaxa ka soo baxa geedka digirta inta uusan midho yeelan.
taab -ka: (magac, lab, keli) meel aan fogayn ama socod aan dheerayn ahayn.
taab -ka: (magac, lab, keli) sacab muggii.
taab -ka: (magac, lab, keli) xadhko is waydaarsan oo gadawga wadaanta loo yeelo oo kolkay buuxdo la qabto, kolka ceelka lagu shubayona dawliska loogu xidho. Taababka ayuu jaray wadaantii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
taad
deictic, vl. pron. this ... you