ereyga

taabbagudi

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

taabbagudi

DHAN

(fal) hawl ama wax kale, taabbaggeli oo meelmari,

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

taabbaggudi

DHAFAN

f.g2 (-iyay, -isay) Wax meel marin.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

taabbagudin

DHAFAN

-ta: (magac, dhedig, keli) meelmarin; taabbaggelin.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

taabbagud

DHAFAN
1

(fal) hawl ama wax kale, taabbagal.

2

taabbagud -da: (magac, dhedig, keli) taabbaggal; meelmar.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

taabbaggudid

DHAFAN

m.f.dh eeg taabbaggud². la-mid: taabbaggud¹.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

taabbaggudid

DHAFAN

-da: (magac, dhedig, keli) eeg taabbaggud.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

taabbaggudin

DHAFAN

m.f.dh eeg taabbaggudi.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

taabbageli

DHAFAN
1

(fal) hirgeli; dhaqangeli; meelmari.

2

taabbageli: (fal) mustaqbal wanaagsan u samee oo wax bar; kori oo tanaadi. Taabbageli inanta aad adeerka u tahay.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Taabbaggud

DHAFAN
1

(Taabbaggud-ka)

2

Taabbaggal; meelmar.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

taabbaggud

DHAFAN
1

taabbaggud¹: m.l la-mid: taabbaggudid.

2

taabbaggud²: f.mg1 (-day, -dday) Wax meel marid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

taabbaggud

DHAFAN

vl. n. success, realization

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

taabbaggud

DHAFAN
1

a: taabbaggal

2

de: success, realization

3

initial: t

4

lx: taabbaggud

5

pd: (-ka)

6

ps: vn2a-m

7

key: taabbaggud

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

taabbagelid

DHAFANDHAAF
1

-da: (magac, dhedig, keli) dhamaystiran: sidii la doonayey u fulid. Dh: taabbaggudid.

2

taabbagelid -da: (magac, dhedig, keli) wax taabbagal ah noqosho; hano qaadida. Dh: meelmarid, hanoqaadid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

taabbagelin

DHAFANDHAAF
1

-ta: (magac, dhedig, keli) fulinta, horumarinta iyo dhamaystirka shay sidii la doonayey loo fuliyo. Dh: meelmarinta.

2

taabbagelin -ta: (magac, dhedig, keli) mustaqbal fiican iyo koriinsho wanaagsan u samayn.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

taabbagelis

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) eeg taabbaggelin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

taabbaggali

DHAFANDHAAF

-yey / say: (v) fulfil expectations; bring into being; make it possible ~ meelmari, hirgeli

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

taabbaggeli

DHAFANDHAAF

f.g2 (-iyay, -isay) Wax, wax meel mar ah, ka dhigid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

taabbaggeli

DHAFANDHAAF

f.g2 (-iyay, -isay) Wax, wax meel mar ah, ka dhigid. m.f.dh, taabbaggelin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

taabbaggeli

DHAFANDHAAF

v. realize, put into effect; succeed (at ~ in)

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

taabbaggeli

DHAFANDHAAF
1

de: realize, put into effect; succeed (at ~ in)

2

initial: t

3

lx: taabbaggeli

4

pd: (taabbaggeliyey)

5

ps: v2a=tr

6

key: taabbaggeli

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

taabbagal

DHAFANDHAAF
1

(fal) kaalin sare gaadh oo hanaqaad.

2

taabbagal-ka: (magac, lab, keli) kaalin sare gaadhid oo hanaqaadid. Dh: gaashanqaad, taabbagud.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

gaabbaguul

DHAFANDHAAF
1

gaabbaguul¹: m.l U habeendhixidda meel dheer oo geeddi loo yahay.

2

gaabbaguul²: f.g1 (-uulay, -uushay) Meel dheer oo geeddi loo yahay u-habeendhixid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

gaabbaguul

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) habeendhixidda meel dheer oo geeddi loo yahay.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Taabbaggal

DHAFANDHAAF
1

(Taabbaggal-ka)

2

Arrin ama wax kale oo sidii loogu talaggalay noqday; meelmar; taabbaggud.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

taabbaggal

DHAFANDHAAF
1

taabbaggal¹: m.l la-mid: taabbaggelid.

2

taabbaggal²: f.mg1 (-alay, -ashay; -geli) Wax meel maray ama hirgalay ahaansho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

taabbaggal

DHAFANDHAAF

f.mg1 (-alay, -ashay; -geli) Wax meel maray ama hirgalay ahaansho. m.f.dh, taabbaggelid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

taabbaggal

DHAFANDHAAF

v. succeed, be realized ~ put into effect

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

taabbaggal

DHAFANDHAAF
1

-ay / taabaggashay: (v) materialize (ma-teeri-yalaayzf, make real; embody (em-boodhi)

2

taabbaggal: -ka: (n) materialization or accomplishment (a-kom-paliisht-ment) of a plan or goal ~ hirgal

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

taabbaggal

DHAFANDHAAF
1

a: taabbaggud

2

de: succeed, be realized ~ put into effect

3

initial: t

4

lx: taabbaggal

5

pd: (taabbaggalay)

6

ps: v1=intr

7

key: taabbaggal

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

gaabbaguulid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg gaabbaguul².

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

gaabbaguulid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dheddig, keli) eeg gaabbaguul.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

taabbaggelid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg taabbaggal². la-mid: taabbaggal¹.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

taabbaggelin

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg taabbaggeli.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

taabbaqaadid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg taabbaqaad.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

taabbaqaadid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) qof ama dad waddo ama hab ay arrin u marayn, u marid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

aabbudh

DHAFANDHAAF
1

(fal) weel af bannaan, fur ama dabool dul saar. Aaminay aabbudh dhiisha. Dh: dabool, aabbur, aabbuj.

2

aabbudh -ka: (magac, lab, keli) weel waxa lagu daboolayo ee furka u noqonaya. Berkedda waxa loo sameeyay aabbudh. Dh: aabbur, aabbuj, fur.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Daabbad

DHAFANDHAAF
1

(Daabbad-da)

2

1. Neef xoolo ah oo la rarto ama la fuulo.

3

2. Nafley weyn oo la yiraahdo badday ku jirtaa.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

daabbad

DHAFANDHAAF

m.dh (-do, m.l) 1. Neef xoolo ah oo la rarto ama la fuulo. 2. Nafley weyn oo la rumeysanyahay inay badda ku jirto, balse aan weligeed la arag.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

daabbad

DHAFANDHAAF

m.dh (-do, m.l) 1. Neef xoolo ah oo la rarto ama la fuulo. 2. Nafley weyn oo la rumeysanyahay inay badda ku jirto, balse aan weligeed la arag.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

daabbad

DHAFANDHAAF

f. n. pack animal; large sea animal

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

daabbad

DHAFANDHAAF

-da: (n) adult female horse ~ faras

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

daabbad

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) wixii dushooda la rarto ee dadku ku manaafacaadsadaan, wixi dhulka dulsocda oo dhan ee aan dadka ahayn. Daabbad baa aniga iyo Dary noo raran. Dh: gaadiid.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

daabbad

DHAFANDHAAF
1

de: pack animal; large sea animal

2

lx: daabbad

3

pd: (-da)

4

ps: n1-f

5

key: daabbad

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

tabaadi

DHAFANDHAAF

m.l.kh Neef buuran, cayilan, shilis.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

tabaadi

DHAFANDHAAF
1

-ga: (magac, lab, keli) mid laf weyn ahaan; korranaan. Waakii tabaadiga ahaa taw aan liicsamini.

2

tabaadi-ga: (magac, lab, keli) neef geela oo aad u shilis. Dh: cayil, buurni.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

nabbasud

DHAFANDHAAF

(fal) si fiican u fadhiiso; eray lagu yidhaabo hablaha oo ah si habboon oo urusan u fadhiiso. Cambaroy nabbasud. Dh: dhiidhiibso.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

taabacid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) dad aragtida ay qabaan ku raacid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

taabudid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) laasimid, aan wax la kala joojinnan. Taabudidda salaadu waa waajib.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

tabbacid

DHAFANDHAAF

-ta: (magac, dhedig, keli) eeg tabbacid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

yaabbani

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) wax ka fajacsani, fajacsanaan ku joogid. Yaabbani bay odayaashu shirkii kala soo noqdeen. Dh: yaabbanaansho, fajacsani, yaabsani.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

daabgudin

DHAFANDHAAF

-ka: (magac, lab, keli) qori afka hore godan oo la geliyo gudinta qammadkeeda xagga danbana ul dheer oo la qabsado ah. Daabgudin ma ii heli gudin dhillis ah baan sitaaye.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

farabbadi

DHAFANDHAAF

m.dh la-mid: farabbadnaan.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

taabbaqaad

DHAFANDHAAF

f.mg1 (-day, -dday) 1. Qaangaarid. 2. Wax, wax ku ool ah noqosho.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

taabbaqaad

DHAFANDHAAF

f.mg1 (-day, -dday) 1. Qaangaarid. 2. Wax, wax ku ool ah noqosho. m.f.dh, taabbaqaadid.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

taabbaqaad

DHAFANDHAAF
1

(fal) qof qaangaadhay noqo.

2

taabbaqaad: (fal) wax, wax ku ool ah noqo.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

taabgaabni

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) qofka addinka culus ee aan degdeg wax qabadka u lahayn. Cali waa nin taabgaaban oo hore inoogu iman mayo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Tababbarid

DHAFANDHAAF
1

(Tababbarid-da)

2

Tabo aqooneed oo gaar ah barid; laylyid; carbin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

tababbarid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg tababbar².

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

tababbarid

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) aqoon gaar ah barid. Dh: laylyid, carbin, tababbaris, jebin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

caaqibaxumi

DHAFANDHAAF

m.dh la-mid: caaqibaxumo.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

caaqibaxumi

DHAFANDHAAF

-da: (magac, dhedig, keli) aayatiin la'aan; caaqibaxumo.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]

Cagabbaruur

DHAFANDHAAF
1

(Cagabbaruur-ka)

2

Libaax yar oo dhal ah.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

cagabbaruur

DHAFANDHAAF

m.l (-rro, m.dh) 1. Dhasha yaryar ee libaaxa. 2. Ilmo aad u cayilan oo aan socod weli gaarin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

cagabbaruur

DHAFANDHAAF

m.l (-rro, m.dh) 1. Dhasha yaryar ee libaaxa. 2. Ilmo aad u cayilan oo aan socod weli gaarin.

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]

cagabbaruur

DHAFANDHAAF

m. n., [compound] lion cub; young camel

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]

cagabbaruur

DHAFANDHAAF

-ka: (n) cub (kaab); lion cub

waa la naqliyay ✓

Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]

cagabbaruur

DHAFANDHAAF
1

de: lion cub; young camel

2

lx: cagabbaruur

3

pd: (-ka)

4

ps: n2-m-cmp

5

key: cagabbaruur

waa la naqliyay ✓

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]

taallaqufid

DHAFANDHAAF

m.f.dh eeg taallaquf.

waa la naqliyay ✓

Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]

Tababbar-ka

DHAFANDHAAF

stage.

waa la naqliyay ✓

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]

qaalabaageddi

DHAFANDHAAF

(fal) eeg qaalaabogadi.

waa la naqliyay ✓