ta'kiid
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ta'kiid
-ka: (n) emphasis (em-fa-sis); stress (istarees)
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
emphatic
/amfaatik/ (adj) ta'kiidsan, adag.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
stress
/stres/ (n) 1. cadaadis (kadeed) 2. culays (v) 3. ta'kiidin (carrabka ku adkayn). 4.walaac iyo walwal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ta'khiir
(Ta'khiir-ta)
Dibudhac.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ta'khiir
bw: Arabic
de: delay, lateness, postponement
initial: t
lx: ta'khiir
pd: (-ka ~ -ta)
ps: n2-m/f
syn: dibudhac
key: ta'khiir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tabkicid
(Tabkicid-da)
Dhib waqti gaar ah joogta, kaga bixid, kaga gudbid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabkicid
m.f.dh eeg tabkac². la-mid: tabkac¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabkicid
-da: (magac, dhedig, keli) dhib wakhti gaar ah joogta, tab kaga bixid oo kaga gudbid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Takhid
(Takhid-da)
Takh ka soo bixid, yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
takhid
m.f.dh eeg takh². la-mid: takh¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
takhid
-da: (magac, dhedig, keli) karsamidda shuurada sanqadha ay bixiso. Takhidda waad yaabtaa dherigii dabka dul yaallay.
takhid-da: (magac, dhedig, keli) takh ka soo bixid ama yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ta'wiil
(Ta'wii-sha)
1. Saadaal; qiyaas; mala'awaal; awilid.
2. Tafsiir gaar ah, oo aan macnaha soke oo muuqda keliya caddayne, taataabanaya ulajeeddo shishe oo hoose oo dadka badanki ka qarsoon.
3. Tafsiir; sharax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ta'wiil
ta'wiil¹: m.l 1. Fasirashada uu qofi fasirta wax, isagoo ku saleynaya xaqiiq jirta. 2. la-mid: ta'wiilid.
ta'wiil²: f.mg1 (-iilay, -iishay) Wax iyadoo xaqiiqooyin jira lagu saleynayo maskax ahaan u fasirasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ta'wiil
m.l 1. Fasirashada uu qofi fasirta wax, isagoo ku saleynaya xaqiiq jirta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ta'wiil
-sha: (magac, dhedig, keli) mala'awaal; saadaal. Ta'wiisha hagaajiso. Dh: awilid.
ta'wiil -sha: (magac, dhedig, keli) tafsir gaar ah oo aan macnaha muuqda keliya caddayne, si dhumuc weyn ugu daaddega oo ulajjeeddooyin hoose oo qarsoon sharrax ka bixinaya. Ta'wiisha riyada ayuu yaqaan. Dh: tafsiir, sharraxaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tafniid
f.g1 (-day, -dday) Wax sida ay u kala fiican yihiin u kala saarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tafniid
(fal) kala saar wax isku jira. Dh: baanji, baadh.
tafniid -ka: (magac, lab, keli) kala dhigdhigidda oo kala cadcaddayn; kala saaridda wax isku jiray la kala bixiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tahdiid
(Tahdiid-ka)
(cid) u cagajugleyn, u dhaarasho; bajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tahdiid
m.l (-dyo, m.dh) U cagajuglayn (cid), u dhaarasho, bajin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tahdiid
m.l (-dyo, m.dh) U cagajuglayn (cid), u dhaarasho, bajin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tahdiid
m. n. menace; act of frightening ~ terrorizing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tahdiid
-ka: (n) intimidation (intmideeyshin)-, bullying (buul ling) ~ handadaad, hanjabaad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tahdiid
-da: (magac, dhedig, keli) cagajjugle, dirir af iyo miis garaacid isugu jirta. Ilmaha tahdiida ka daa. Dh: bajis, dhaarasho, handedaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tahdiid
de: menace; act of frightening ~ terrorizing
initial: t
lx: tahdiid
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: tahdiid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tajwiid
m.l Cod aad u qurxoon oo quraanka lagu akhriyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tajwiid
m.l Cod aad u qurxoon oo quraanka lagu akhriyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taqliid
(Taqliid-ka)
1. Ku dayasho; isu-ekayn.
2. Hidde ama dhaqan ahaan wax u yeelid, u samayn.
3. Arrin diin ku saabsan, Imaam ama Shiikh kaga dayasho, u cuskasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taqliid
taqliid¹: m.l la-mid: taqliidid.
taqliid²: f.g1 (-day, -dday) Cid wax ay samaysay ku dayasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
taqliid
m. n. imitation
taqliid v. imitate; follow someone's example
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taqliid
-ka: (magac, lab, keli) arrin diin ku saabsan, ama hidde iyo dhagan aad kaga dayato dadkii ehelka u ahaa.
taqliid-ka: (magac, lab, keli) dhaqan ama hidde ahaan wax u yeelid.
taqliid -ka: (magac, lab, keli) cid kale ku dayasho: isu ekayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tawxiid
(Tawxiid-ka)
Midnimada Ilaah oo la qiro, la rumaysto, la ictiqaado; (ama towxiid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tawxiid
m.l Qiritaanka la qiro in Ilaah kali yahay cibaadadana isaga mudan yahay in la caabudo. la-mid: towxiid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tawxiid
m.l Qiritaanka la qiro in Ilaah kali yahay cibaadadana isaga mudan yahay in la caabudo. la-mid: towxiid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tawxiid
m. n. oneness of God, monotheism
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Tawxiid
name-m belief in one God
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tawxiid
-ka: (n) Islamic monotheism (mono-thi-yii-zim); the oneness of Allah [God]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tawxiid
-ka: (magac, lab, keli) odhaah, keli ahaanta iyo jiritaanka Rabbi iyo rasuulkiisa lagu qiro, lagu rumeeyo, marka uu qofku aaminsan yahay jiritaanka kelinimada Ilaahay. Dh: asha'haado.
tawxiid -ka: (magac, lab, keli) qiritaanka iyo rumaynta kelinimada Ilaahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tawxiid
bw: Arabic
de: oneness of God, monotheism (Islamic formula proclaiming God's unity)
initial: t
lx: tawxiid
pd: (-ka)
ps: n0-m
key: tawxiid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ta'wiilid
m.f.dh eeg ta'wiil². la-mid: ta'wiil¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ta'wiilid
-da: (magac, dhedig, keli) riyo fasirid. ta'wiilo: (fal) riyo iskaa adigu u fasiro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tafkujiid
-ka: (magac, lab, keli) marada dacalkeeda ku dhufasho iyadoo qofka la dhaafayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daakirid
m.f.dh eeg daakir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daakirid
-da: (magac, dhedig, keli) dikri iyo duco eedaanka subaxa horteed akhrin oo dadka salaada xasuusin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabkicid
-da: (magac, dhedig, keli) kicitaanka dab ama olol meel ka kaca. Xilliga xagaaga dabkiciddu way badan tahay. Dh: dabkac.
dabkicid-da: (magac, dhedduign, keli) dab iyo olol oogsada. Dabkicidda waxa lagu eedeeyey duqda guriga leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ta'wiilo
f.mg3 (-iishay, -iilatay) Wax fasirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taa'ibid
(Taa'ibid-da)
Ilaah u soo noqosho; toobadkeenid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taa'ibid
m.f.dh eeg taa'ib.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taa'ibid
-da: (magac, dhedig, keli) Ilaah u soo noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taabicid
m.f.dh eeg taabac². la-mid: taabac¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taabicid
-da: (magac, dhedig, keli) raacid; dabaggelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taajirid
(Taajirid-da)
Taajir noqosho; hodmid; tanaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taajirid
m.f.dh eeg taajir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taajirid
-da: (magac, dhedig, keli) qof hanti badan yeeshay, taajir noqod. Dh: hodmid, tanaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taakulid
m.f.dh taakul. la-mid: taakulayn, taakulo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taakulid
-da: (magac, dhedig, keli) kaalmayn; taageerid; caaminid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taawilid
m.dh la-mid: taawin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taawilid
-da: (magac, dhedig, keli) wax filasho. Dh: rajayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tabbicid
(Tabbicid-da)
(ku-tabbicid) ku dhejin; ku taagid; ku nabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabbicid
m.f.dh eeg tabbac². la-mid: tabbac¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabbicid
-da: (magac, dhedig, keli) meel, wax ku dhejin; ku nabid: ku taagid.
tabbicid -da: (magac, dhedig, keli) qof kale, gacanta wax kaga ridid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabkicis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg tabkicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tadhihid
m.f.dh eeg tadhah².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tafajiid
(Tafajiid-ka)
Marada dacalkeeda oo dhulka lagu jiido.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tafajiid
tafajiid¹: m.l la-mid: tafajiidid.
tafajiid²: f.mg1 (-day, -dday) Socod diidmo, gaabin iyo tabar darro ku jirto socosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tafajiid
v. drag along the ground (of the edge of a garment)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tafajiid
(fal) maro iyo wixii la mid ah oo aad gashan tahay, dhulka jiid. Dh: hadaafi.
tafajiid-ka: (magac, lab, keli) marada dacalkeeda oo dhulka lagu jiido. Tafajiidka iska daa oo marada dhulka ka qaado. Dh: hadaafid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tafajiid
bw: taf
de: drag along the ground (of the edge of a garment)
initial: t
lx: tafajiid
nt: tafajiid (ka) [vn-m]
pd: (tafajiiday)
ps: v1=intr
key: tafajiid
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
takhdiid
-ka: (n) plan (palaan); scheme (iskiim); design (disaayn); map (maap)-, method (mathad) ~ qorshe, balaan, xarfad. khiddad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tamminid
(Tamminid-da)
Qiimayn; simid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tamminid
m.f.dh la-mid: temminid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tamminid
-da: (magac, dhedig, keli) qiimaynta; sicirayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tariibid
m.f.dh eef tariib².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tarjimid
m.dh la-mid: tarjumid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tarjimid
vl. n. translating, act of translation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tarjimid
-da: (magac, dhedig, keli) af af kale ku fasirid; tarjumid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tarjimid
de: translating, act of translation
initial: t
lx: tarjimid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: tarjimid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tarrixid
(Tarrixid-da)
Wax kelinnimada iyo miirnimada ka bi'in; dheehid; wehelin; barxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tarrixid
m.f.dh eeg tarrax². la-mid: tarrax¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tarrixid
vl. n. act of diluting ~ mixing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tarrixid
-da: (magac, dhedig, keli) qof aan keligii socon oo qof kale la socdo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tarrixid
de: act of diluting ~ mixing
initial: t
lx: tarrixid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: tarrixid
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Tawxiida
name-f belief in one God
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
akid
f.g1 (-day, -dday) 1. Cid ra'yigeeda ku raacid. 2. War hore loo sheegay xogtiisa sugid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
akid
f.g1 (-day, -dday) 1. Cid ra'yigeeda ku raacid. 2. War hore loo sheegay xogtiisa sugid. m.f.dh, akidid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
akid
v. approve, confirm
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
akid
(fal) talo, arrin iyo wixii la mid ah, cid ku raac, adkay talada la soo jeediyay. Waxaan u akiday in aan ka qayb gali doono shirka. Dh: xooji, tiiri, ayid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
akid
de: approve, confirm
lx: akid
pd: (akiday)
ps: v1=
key: akid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taki
m.l la-mid: kati.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taki
-da: (magac, dhedig, keli) qalab bir ah oo inta la tumay afka hore laga dhigay mid fiiqan oo dhulka lagu qodo.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Taki
Qoddo dhuuban oo wax turuqda sida tan gocdeysta iyo waranka oo kale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aa'id
m.f.dh eeg aa'.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aa'id
-da: (magac, dhedig, keli) dhagax, waran ama wax kale meel ama qof ku tuurid. Maandhow, ninkaan aa'i waw aamusahayaaye. Dh: tuurid, ridid, mirid, halgaadis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abiid
m.l.fk la-mid: abad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
abiid
m. n., adv., time: ever; never
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abiid
(falkaab) intii la soo jiray.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
abiid
a: abad
de: ever; never
lx: abiid
pd: (-ka)
ps: n0-m / adv-time
syn: weli
key: abiid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Arkid
(Arkid-da)
Indhaha ku duwid oo ku garasho; dhugasho; fiirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arkid
m.f.dh eeg arag².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
arkid
vl. n. look, gaze, observation
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
arkid
-da: (n) seeing (siiying); watching