suyucsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suyucsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax suyucay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
suyucsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax suyucay ahaansho. m.f.dh, suyucsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suyucsan
(tilmaame) ah wax qoyan oo ur xun. Dhar suyucsan bay sototadu xidhnaayeen. Dh: huursan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huyucsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax qaab xun oo aan kala baxsanayn leh ahaansho. la-mid: hunyucsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huyucsan
(tilmaame) wax qaab xun oo aan kala baxsanayn leh ahaansho. Dh: hunyucsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suyucsanaw
(fal) wax suyucsan ahaw, qoyani iyo huurin awgood u ur xumaaday noqo. Suyucsanaw oo ha lagaa cararo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Warasho
(Warasha-da)
1. Dhar ama wax la mid ah oo qoyan ama suyucsan, meel qorrax ah ku kala baxsasho, dhigasho.
2. Alaab la gadayo, meel dibad ah, sida wax la warayo, u dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suyucsanaansho
m.l/dh la-mid: suyucsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mayacsan
(tilmaame) suyucsan, wax mayacay ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mayacsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) caano soo dhanaanaanaya ahaan. Dh: maydhanaanaan.
mayacsanaan -ta: (magac, dhedig, keli) suyucsanaan oo qoyaan siniin yeesha lahaan.
mayacsanaan-ta: (magac, dhedig, keli) kibir manaanakh ah kibirsanaan. Dh: mannaanakhsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suyucsanaansho
-ha: (magac, lab, keli) wax suyucsan ahaansho, qoyanaansho oo ur xumaansho. Suyucsanaansho dharkaaga kolna haku dhaafin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hunyucsan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: huyucsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suusucsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Caano wax suusucay ahaansho. la-mid: suusacsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suubsan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax samaysan ahaansho. 2. Wax wanaangsan ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
suubsan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax samaysan ahaansho. 2. Wax wanaangsan ahaansho. m.f.dh, suubsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
suubsan
der. [adjective] made, done, finished, completed; adjusted
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
suubsan
-aa / nayd: (adj) made (meey-dh); produced (poro-dhuusidh); formed (foomidh) ~ sameysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suubsan
(tilmaame) suubbis lagu daray.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
suubsan
de: made, done, finished, completed; adjusted
initial: s
lx: suubsan
pd: (suubsanaa)
ps: adj-der
key: suubsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suursan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax hurdo dheer ku jira ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suursan
(tilmaame) hurda oo xisku maqan yahay. Odaygii waa suursan yahay ilaa intii xummaddu ka jabtay. Dh: aroorsan, muquursan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Suuxsan
Suuxdini hayso, qabatay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suuxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Nafley wax la suuxiyey ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
suuxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Nafley wax la suuxiyey ahaansho. m.f.dh, suuxsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
suuxsan
der. [adjective] fainting, fainted; anesthetized; in an epileptic fit
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
suuxsan
-aa / ayd: (adj) unconscious (an-koon-shas); fainted (feeyntidh)-, comatose
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuxsan
(tilmaame) suuxdini hayso, qabatay suuxid ku jira; sarco la dhacsan. Nin suuxsan baa safka hore ku dhacay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
suuxsan
de: fainting; fainted; anesthetized; in an epileptic fit
initial: s
lx: suuxsan
pd: (suuxsanaa)
ps: adj-der
key: suuxsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suyucin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax qoyan huurin. Suyucin baad ku dishay gogosha aqalka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
butucsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax butuc ah ahaansho (qof). la-mid: batacsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
butucsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax butuc ah ahaansho (qof). m.f.dh, butucsanaan. la-mid: batacsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulucsan
f.mg4 (-naa,-nayd) Googarad wax duluc la geliyay ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulucsan
(tilmaame) daah ama googgarad, duluc 10 bibno u leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huyucsad
m.l la-mid: huyucsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huyucsad
-ka: (magac, lab, keli) wax huursasho; huyucsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ruducsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax la rudcay ahaansho (dun ama mayrax).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruducsan
(tilmaame) wax rucud loo yeelah ah; la rudciyay ah.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Suyuc sugan
Absolute Humidity
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suyucsanaan
m.f.dh eeg suyucsan. la-mid: suyucsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suyucsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) suyucsan ahaan, qoyanaan oo ur xumaan. Suyucsanaanta dabayl la'aanta ayaa ugu wacan aqalka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hunyucsad
m.l la-mid: hunyucsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murgucsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof wax murgucday ahaansho. la-mid: murgacsan, murkucsan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
murgucsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Qof wax murgucday ahaansho. m.f.dh, murgucsanaan. la-mid: murgacsan, murkucsan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
murgucsan
der. [adjective] sprained; distorted
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
murgucsan
de: sprained; distorted
lx: murgucsan
pd: (murgucsanaa)
ps: adj-der
key: murgucsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murkucsan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: murgucsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murkucsan
(fal) eeg murgacsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rukuucsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Rukuucay ahaansho (qof). la-mid: rakuucsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shukuxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Digir wax la shukuxay ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suquursan
(tilmaame) hurda oo isla maqan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suryaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Xarig, wax suryo loo yeelay ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suryaysan
(tilmaame) wax la suryeeyey ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suryeysan
(tilmaame) mid suryo lagu qabtay. Wiil suryeysan ayaan halkan ku soo dhaafay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suusacsan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: suu-sucsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huyucsanaan
m.f.dh eeg huyucsan. la-mid: hunyucsanaan, hunyucsanaansho, hu- yucsanaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huyucsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) ahaanta mid huyucsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Suyuc
(Suyuc-a)
Qoyaan raagey oo ur xumaaday yeeshay; (ama suyac).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suyuc
suyuc¹: m.l Ur aan fiicnayn oo ka dhasha wax la huuriyey. la-mid: suyac.
suyuc²: f.mg1 (-cay, -cday) Wax la huuriyey ur xun yeelasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
suyuc
suyuc¹: m.l Ur aan fiicnayn oo ka dhasha wax la huuriyey. la-mid: suyac.
suyuc²: f.mg1 (-cay, -cday) Wax la huuriyey ur xun yeelasho. m.f.dh, suyucid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
suyuc
m. n. musty ~ stuffy smell, odor of dampness ~ mildew
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
suyuc
-a: (n) foul odor; offensive smell of decaying food ~ suyac, qurun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suyuc
(fal) wax qoyan oo ur xumaatay leh, noqo. Maro suyucday baa soo uraysa.
suyuc-a: (magac, lab, keli) qoyaan raagey oo urtiisii xumaatay. Dharku siifad yuu yeelan, suyuc iyo bar gaashaysan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
suyuc
a: suyac
de: musty ~ stuffy smell, odor of dampness ~ mildew
initial: s
lx: suyuc
pd: (-a)
ps: n-m
key: suyuc
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Uusan
Isagu ma (diiddo), sida: isagu ma iman — ma uusan iman; aanu.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uusan
(magacuyaal) tilmaamaya qofka saddexaad oo diidmo ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
uusan
a: aanu
de: he ... not = uu + -se + aan 'not'
initial: u
lx: uusan
ps: vpro + neg
xe: He will give you the money that he didnt send.
xv: Lacagta uusan soo dirin buu ku siin doonaa.
key: uusan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buusan
buusan¹: f.mg1 (-smay, -santay; -smi) Wax la diisay noqosho.
buusan²: f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la diisay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
buusan
buusan¹: f.mg1 (-smay, -santay; -smi) Wax la diisay noqosho. m.f.dh, buusmid.
buusan²: f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la diisay ahaansho. m.f.dh, buusnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buusan
vl. pron., neg. he ... not,
buusan [derived] [adjective] squashed; dented (on one side); bruised
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
buusan
-buusnaa buusnayd: (adj) dented (dentidh) ~ buusbuusan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buusan
(tilmaame) ah wax diisan, meel diisan, hoos u daacsan. Sufurka meel baa diisan. Dh: dhuucsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuusan
(wax) Buuran; yuucan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuusan
kuusan¹: f.mg1 (-smay, -santay; -smi) 1. Wax qaab kankoonsan leh noqosho. 2. Wax meel laysugu keenay noqosho.
kuusan²: f.mg4 (-snaa, -snayd) 1. Wax qaab kankoonsan leh ahaansho. 2. Wax meel laysugu keenay noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kuusan
kuusan¹: f.mg1 (-smay, -santay; -smi) 1. Wax qaab kankoonsan leh noqosho. 2. Wax meel laysugu keenay noqosho. m.f.dh, kuusmid.
kuusan²: f.mg4 (-snaa, -snayd) 1. Wax qaab kankoonsan leh ahaansho. 2. Wax meel laysugu keenay noqosho. m.f.dh, kuusnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kuusan
der. [adjective] round, rounded, globular, lumpy; stocky, short and fat
kuusan [inchoative] v. be rounded ~ globular; become stocky
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kuusan
-kuusnaa: (adj) round (raawndh). Ex: banooni kuusan; a round ball
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuusan
(tilmaame) wax la kuusay ah; buuran.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muusan
neg, vl. pron., neg. he ... not
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
muusan
(pronoun plus negative) he..not. Ex: muusan arag; he didn't see ~ muu
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muusan
de: he ... not = ma + uu + aan
lx: muusan
ps: neg + vpro + neg
xe: He would not have lent it out.
xv: Muusan amaahin lahayn.
key: muusan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sumcan
f.mg1 (-naa, -nayd) Wax la sumcay ahaansho (badar).
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SUUBAN
(Suban) S Corchorus erinaceus Weimarck. Tiliaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Suuqan
Si tahandhaaf ah u dheer oo u dhuuban; kalajiidan; miiqan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suuqan
suuqan¹: f.mg1 (-qmay, -qantay; -qmi) Wax dhuuban oo caato ah noqosho.
suuqan²: f.mg4 (-qnaa, -qnayd) Wax dhuuban oo caato ah ahaansho.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Suuqan
élancé.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
suuqan
-suuqnaa / suuqnayd: (adj) gangling (gaan-galing); tall and thin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuqan
(tilmaame) aad u ka la jiidan oo miigan, aad u dheer oo dhuuban. Gabadh suuqan oo jalaqsan.
suuqan: (tilmaame) noole aan baaxad iyo ballaadh midna lahayn. Xanuun buu la suuqmay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suusac
suusac¹: m.l.kh la-mid: suusuc¹.
suusac²: f.mg1 (-cay, -cday) la-mid: suusuc².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
suusac
m.l la-mid: suusuc.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uunsan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax uunsi lagu shiday ahaansho. 2. Wax la uumiyey ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
uunsan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax uunsi lagu shiday ahaansho. 2. Wax la uumiyey ahaansho. m.f.dh, uunsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uursan
f.mg4 (-amaa, -amayd) Qof uurfiyow ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
uursan
f.mg4 (-amaa, -amayd) Qof uurfiyow ahaansho. m.f.dh, uursamaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yuucan
Baxsan; buuran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yuucan
f.mg4 (yuucnaa, yuucnayd) la-mid: yuuban.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yuucan
der. [adjective] bulging, swelling, protruding
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuucan
(tilmaame) soo buuran. Hud yuucan buu leeyahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yuucan
cf: yuuban
de: bulging, swelling, protuding
initial: y
lx: yuucan
pd: (yuucnaa)
ps: adj-der
key: yuucan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yuusan
pron., neg., opt. form: may he / it [masc.] not!, don't let him / it...!
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yuusan
de: may he / it [masc] not!, don't let him / it...! With negative optative
initial: y
lx: yuusan
ps: pro-neg-opt
xe: yaanu
xv: yuu
key: yuusan