suyucin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suyucin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax qoyan huurin. Suyucin baad ku dishay gogosha aqalka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suyucid
m.f.dh eeg suyuc².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suyucid
-da: (magac, dhedig, keli) qoyaan raagey oo ur xun yeelasho, qoyaan huuray oo raagay. Suyucid ka ilaali maryaha oo debedda ku wadh aroortii.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
putrefy
/pyuutrafay/ (adj) qurmin (suyucin).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mayicin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhanaan aan xoog ahayn dhanaanayn. Mayicinta caanaha ka daa oo karuuri. Dh: maydhanaanayn.
mayicin -ta: (magac, dhedig, keli) suyucin o qoyaan ku dhigid. Dharku mayicinta wuu ku uraaye engeji. Dh: suyucin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suusucin
m.f.dh eeg suusuci. la-mid: suusacin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suyucsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax suyucay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
suyucsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax suyucay ahaansho. m.f.dh, suyucsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suyucsan
(tilmaame) ah wax qoyan oo ur xun. Dhar suyucsan bay sototadu xidhnaayeen. Dh: huursan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Suyuc
(Suyuc-a)
Qoyaan raagey oo ur xumaaday yeeshay; (ama suyac).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suyuc
suyuc¹: m.l Ur aan fiicnayn oo ka dhasha wax la huuriyey. la-mid: suyac.
suyuc²: f.mg1 (-cay, -cday) Wax la huuriyey ur xun yeelasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
suyuc
suyuc¹: m.l Ur aan fiicnayn oo ka dhasha wax la huuriyey. la-mid: suyac.
suyuc²: f.mg1 (-cay, -cday) Wax la huuriyey ur xun yeelasho. m.f.dh, suyucid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
suyuc
m. n. musty ~ stuffy smell, odor of dampness ~ mildew
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
suyuc
-a: (n) foul odor; offensive smell of decaying food ~ suyac, qurun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suyuc
(fal) wax qoyan oo ur xumaatay leh, noqo. Maro suyucday baa soo uraysa.
suyuc-a: (magac, lab, keli) qoyaan raagey oo urtiisii xumaatay. Dharku siifad yuu yeelan, suyuc iyo bar gaashaysan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
suyuc
a: suyac
de: musty ~ stuffy smell, odor of dampness ~ mildew
initial: s
lx: suyuc
pd: (-a)
ps: n-m
key: suyuc
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Subcin
(Subcin-ta)
Habka subaca loo yaqaan, Quraan ku akhriyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
subcin
m.f.dh eeg subci. la-mid: subcis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
subcin
-ta: (magac, dhedig, keli) Quraan si wadajir aha loo akhriyo oo qofba mar hooris qaato. Dh: subcis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suujin
m.f.dh eeg suuji. la-mid: suujis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suulin
m.f.dh eeg suuli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suulin
-ta: (magac, dhedig, keli) 'awood Rabbi' qof hurda ruuxiisa, meel u dheelmin; aroorin.
suulin -ta: (magac, dhedig, keli) wax baabi'in oo meesha ka saariis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Suurin
(Suurin-ta)
Seexin; gam'in; saq gelin; aroorin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suurin
m.f.dh eeg suuri².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suurin
-ta: (magac, dhedig, keli) hurdo suurid ah cid gelin. Dawadaa leh suurinta. Dh: aroorin, seexin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Suuxin
(Suuxin-ta)
Wax suuxsan ka dhigid; suuxdin ku ridid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suuxin
m.f.dh eeg suuxi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
suuxin
f. n. anesthetic
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
suuxin
-ta: (n) anesthesia; anesthetization
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuxin
-da: (magac, dhedig, keli) wax suuxsan ka dhigid; seexin; suuxis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
suuxin
de: anesthetic
initial: s
lx: suuxin
pd: (-ta)
ps: n-f
key: suuxin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huyucid
m.f.dh eeg huyuc².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huyucid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg huyuc.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huyucsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax qaab xun oo aan kala baxsanayn leh ahaansho. la-mid: hunyucsan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huyucsan
(tilmaame) wax qaab xun oo aan kala baxsanayn leh ahaansho. Dh: hunyucsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shukuxin
m.f.dh eeg shukuxi. la-mid: shukuxis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shuyuuci
m. n. communist; communism
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shuyuuci
bw: Arabic
de: communist; communism
initial: s
lx: shuyuuci
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: shuyuuci
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suruciye
m.dh la-mid: suruciyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suruciyo
m.dh Jirrooyinka dhimirka nooc ka mid ah oo dadka ka gariirsiiya. la-mid: suruciye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suusacin
m.dh la-mid: suusucin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Suusucid
(Suusucid-da)
Suusuc noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suusucid
m.f.dh eeg suusuc². la-mid: suusacid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suusucid
-da: (magac, dhedig, keli) suusuc noqosho. Suusicid ku ma wanaagsana caanaha lo'du. Dh: dhanaanid. Li: dhay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suxuurin
m.f.dh eeg suxuuri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suxuurin
-ta: (magac, dhedig, keli) suxuur cid siin, cunto lagu soomo siin cid inta aan waagu caddaanin. Suxuurinta masaakiintu waa ajir miidhan. Dh: hiraabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yucyucan
(tilmaame) jiilan oo isku hilan ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suyucsanaw
(fal) wax suyucsan ahaw, qoyani iyo huurin awgood u ur xumaaday noqo. Suyucsanaw oo ha lagaa cararo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Suun
1. (Suun-ka) Daliig ama dhuub idiin ah ama wax kale oo inta dhexda lagu xirto dharka dhicidda u diida ama qalabka qaarki lagu celiyo ama lagu qaado.
2. (Suun-ta) Ur; sanuun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suun
suun¹: m.l (-uuman, m.dh) 1. Daliig maqaar ama wax kale ka samaysanoo dhexda lagu xirto si uu dharka u celiyo. 2. Siddada alaabta qaarkeed sida dhiilaha, satiyada iyo wixi lamida lagu qaado. 3. Celiye idiin ah oo gadaal iyo horay kabaha ka haya si aysan u siiban.
suun²: m.dh 1. Ur udgoon. 2. Daal iyo jiirago' safar dheer laga muto.
suun³: f.g1 (-uumay, -uuntay; -uumi) Wax meel yaal ka qaadid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
suun
m.l (-uuman, m.dh) 1. Daliig maqaar ama wax kale ka samaysanoo dhexda lagu xirto si uu dharka u celiyo. 2. Siddada alaabta qaarkeed sida dhiilaha, satiyada iyo wixi lamida lagu qaado. 3. Celiye idiin ah oo gadaal iyo horay kabaha ka haya si aysan u siiban.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
suun
m. n. belt, strap; safety belt
suun [feminine] n. odor, unpleasant smell
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
suun
-ka: (n) belt (beelt); waistband (weeyst-baandh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suun
-ka: (magac, lab, keli) wax dhexda lagu xidho sida surwaalada iyo wixii la mid ah. Suun ayaan soo iibsaday.
suun -ka: (magac, lab, keli) daliig ama dhuub idiin ah ama wax kale oo inta dhexda lagu xidho oo dharka hoos'u'siibashada u diida ama qalabka qaarkii, sida toorreyda, iyo wixii la mid ah lagu celiyo ama lagu qaato.
suun -ta: (magac, dhedig, keli) dhul cidla' ah oo maristeedu ama ku nolaansheheedu adag yahay.
suun -ta: (magac, dhedig, keli) ur; sanuun.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
suun
حزام
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huyuc
huyuc¹: m.l Isbeddelidda wax huuray urkoodu isbeddelo. la-mid: hunyuc¹.
huyuc²: f.mg1 (-cay, -cday) Wax la huurshay urkooda isbeddelid. la-mid: hunyuc².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
huyuc
m.l Isbeddelidda wax huuray urkoodu isbeddelo. la-mid: hunyuc.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huyuc
-a: (magac, lab, keli) qofka aan firfircoonayn ee jilicsan.
huyuc-a: (magac, lab, keli) isbeddelidda wax huuray oo urkoodu isbeddelo. Dh: hunyuc.
huyuc: (fal) wax la huurshay urkooda isbeddelid. Dh: hunyuc.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Huyun
(Huyun-ka)
Geed-abaareed xabag wanaagsan dhala.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huyun
m.l (huyun/-nno, m.dh) Geed dheer oo aan qodax lahayn, xabag la cunana leh, oo qoryihiisa weelasha siddo looga sameeyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
huyun
m. n. incense-bearing tree species
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
HUYUN
Albizia obbiadensis 10
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
HUYUN
(Huiun) C Albizia obbiadensis (Chiov.)Brenan. Mimosaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huyun
-ka: (magac, lab, keli) geed dheer oo aan qodax lahayn, xabag la cunana leh, oo qoryihiisa weelasha siddo looga sameeyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
huyun
cf: xabag
de: incense-bearing tree sp.
lx: huyun
pd: (-ka)
ps: n5-m, n2-m
key: huyun
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jucin
(Jucin-ta)
Juc ka yeersiin lafaha iskaggalkooda siiba kalaggoysyada faraha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jucin
m.f.dh eeg juci. la-mid: jucis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jucin
-ta: (magac, dhedig, keli) faraha inta la isku geeyo oo xubnahooga la isku jebiyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muyuc
-a: (magac, lab, keli) qoyaan siniin yeesha oo wakhti yaallay. Rookil badnaa ayuu dharka wada muyuc noqday. Dh: suyuc.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
souci
souci, n.m. - foojignaan; ilaalin; xannaanayn; daryeelid; walbahaar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
subci
f.mg2 (-iyay, -isay) Subac akhrin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
subci
f.mg2 (-iyay, -isay) Subac akhrin. m.f.dh, subcin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
subci
v. recite the Koran in a group
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
subci
-yey / say / yeen / nay: (v) conduct a group recitation of the Koran, each reciting one verse in sequence
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
subci
(fal) 'Quraan' si subac ah u akhri.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
subci
de: recite the Koran in a group
initial: s
lx: subci
pd: (subciyey)
ps: v2a=intr
see: subac
key: subci
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
subuc
-a: (magac, lab, keli) Quraanka oo toddoba meelood loo qaybshey, qaybtii ba maalin toddobaadka ah ayaa loogu magac daray.
subuc -a: (magac, lab, keli) hab gaar ah oo Soomaalidu Quraanka u meeriso; iyadoo korka laga wada akhriyayo, oo qof waliba aayad qaadanayo, ayaa wadajir aayadaha oo dhan loo wada hooriyaa. Dh: subac, meeris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sudci
-ga: (magac, lab, keli) eeg sidci.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Surin
(Surin-ka)
Marin ciriiryoon; surmo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
surin
m.l (-nno, m.dh) Marin ciriiriyon ama yer. la-mid: surmo (3), surun.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
surin
m.l (-nno, m.dh) Marin ciriiriyon ama yer. la-mid: surmo, surun.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
surin
m. n. passageway, narrow passage, alley, lane, side street; outlet
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
surin
-ka: (n) a narrow street or passageway; alley (aali)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
surin
-ka: (magac, lab, keli) afaafka ama halka meel laga galo, marrin cidhiidhyoon. Surin balaadhan baa loo sameeyay beerta, Dh: irrid surmo, afaaf, albaab, daw.
surin -ka: (magac, lab, keli) dhabbo cidhiidh ah oo aad u dhuuban. Soodhaaq lammaan, ey surin ku xiran. Dh: hilin, suryo.
surin-ta: (magac, dhedig, keli) marin ciriiryoon; surmo; luuq; luuqluuq.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
surin
de: passageway, narrow passage, alley, lane, side street; outlet
initial: s
lx: surin
pd: (-ka)
ps: n2-m
xe: the waterway
xv: luuq
key: surin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suruc
-a: (magac, lab, keli) cadho badnaan. Suruc baa bad leedehee siisoco walaalkay. Dh: cadho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
surun
m.l la-mid: surin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
surun
-ka: (magac, lab, keli) dariiq yar oo la maro. Surun sangadh yari ku dhaaf. Dh: surin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
susun
susun¹: m.dh Tax tiro ah oo midba kan ka horreeya ka badantahay ama ka yartahay tirooyin isla eg.
susun²: f.mg1 (-umay, -untay) la-mid: sunsun.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
susun
m.dh (xisaab) Tax tiro ah oo midba kan ka horreeya ka badantahay ama ka yartahay tirooyin isla eg.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Susun
Progression, Sequence
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
susun
-ta: (magac, dhedig, keli) wax sida adhi isdab socoda oo isku xigxiga. Susun adhi ah ayaa halkan waraabe ku laayey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Suudi
(Suudi-ga)
Kulaylka qorraxda; milic.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suudi
m.l Kul aad u badan oo qorraxeed.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
suudi
m. n. heat of the sun
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Suudi
name-m heat of the sun. Lit: born during the height of a heat wave
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
suudi
-ga: (n) solar heat; midday sun heat ~ milic
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Suudi
magac loo baxsho wiil dhashay xilli ay cadceedu kululayd.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suudi
-ga: (magac, lab, keli) kulaylka qorraxda waqtiga duhurka ah. Suudiga ayaad dhex socotaaye maanad lafahaaga u baqanayn. Dh: milic.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
suudi
de: heat of the sun
initial: s
lx: suudi
pd: (-ga)
ps: n-m
syn: milic
key: suudi