suyac
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suyac
m.l la-mid: suyuc¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
suyac
m.l la-mid: suyuc.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
suyac
-a: (n) foul odor; offensive smell of decaying food ~ suyuc, qurun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siyac
-a: (magac, lab, keli) urta wax qoyaan oo raagay ama xumaaday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Subac
(Subac-a)
1. Hab gaar ah oo Soomaalidu wadajir quraanka u akhrido (iyadoo dibadda laga wada akhriya hayo, oo qof waliba aayad qaadana hayo. baa wadajir aayadda dhammaadkeeda loo wada hooriyaa).
2. Quraanka oo toddoba meelood loo qaybshey, meeshi (qaybtiiba maalmaha toddobaadka middood baa lagu magacaabay: - isniinaad, - axadaad, kd.).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
subac
m.l (-cyo, m.dh) 1. Hab dad wada jiraa quraanka u akhriyaan, iyadoo midba mar aayad qaadanaayo. 2. Quraanka oo todoba meelood loo qaybiyey meeshiis.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
subac
m.l (-cyo, m.dh) 1. Hab dad wada jiraa quraanka u akhriyaan, iyadoo midba mar aayad qaadanaayo. 2. Quraanka oo todoba meelood loo qaybiyey meeshiis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
subac
m. n. method of reciting the Koran (taking turns in a group)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
subac
-a: (n) Koran recitation, see also [eeg] subci
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
subac
-a: (magac, lab, keli) eeg subuc.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
subac
de: method of reciting the Koran (taking turns in a group)
initial: s
lx: subac
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: subac
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sumac
sumac¹: m.l 1. Gumuca xabbadda. 2. Sukulidda subuul meseggo ul iyo wixi lamida lagu garaaco si iniinaha looga daadiyo.
sumac²: f.g1 (-mcay, -macday) Sabuul meseggo ul ku garaacid si iniiunuhu uga daataan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sumac
-a: (magac, lab, keli) dareenka maqalka. Dh: maqal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Suyuc
(Suyuc-a)
Qoyaan raagey oo ur xumaaday yeeshay; (ama suyac).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suyuc
suyuc¹: m.l Ur aan fiicnayn oo ka dhasha wax la huuriyey. la-mid: suyac.
suyuc²: f.mg1 (-cay, -cday) Wax la huuriyey ur xun yeelasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
suyuc
suyuc¹: m.l Ur aan fiicnayn oo ka dhasha wax la huuriyey. la-mid: suyac.
suyuc²: f.mg1 (-cay, -cday) Wax la huuriyey ur xun yeelasho. m.f.dh, suyucid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
suyuc
m. n. musty ~ stuffy smell, odor of dampness ~ mildew
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
suyuc
-a: (n) foul odor; offensive smell of decaying food ~ suyac, qurun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suyuc
(fal) wax qoyan oo ur xumaatay leh, noqo. Maro suyucday baa soo uraysa.
suyuc-a: (magac, lab, keli) qoyaan raagey oo urtiisii xumaatay. Dharku siifad yuu yeelan, suyuc iyo bar gaashaysan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
suyuc
a: suyac
de: musty ~ stuffy smell, odor of dampness ~ mildew
initial: s
lx: suyuc
pd: (-a)
ps: n-m
key: suyuc
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kowrax
f.g1 (-xay, -xday) Hilib iyo wixi lamida oo inuu suyaco looga baqayo dabayl u dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
marax
marax¹: m.l 1. Wax la kaydsado; dhaqaale. 2. Hilib muddo yiil oo aan isbeddelin. 3. Ur suyac ah.
marax²: f.mg1 (-rxay, -raxday; -rxi) 1. Hilib wax isbeddeley noqosho. 2. Wax suyacay noqosho (Caano, biyo iyo wixi lamida).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maraxsan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax la dhaqaaleyey ahaansho. 2. Hilib wax suyacay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
marax
m.l 1. Wax la kaydsado; dhaqaale. 2. Hilib muddo yiil oo aan isbeddelin. 3. Ur suyac ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kowrax
-a: (magac, lab, keli) hilib iyo wixii la mid ah oo inuu suyaco looga bagayo dabayl u dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhuyac
(Dhuyac-a)
Geed; (ama dhuyuc).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuyac
m.l (botani) Jaad geedaha ka mid ah aan qodax lahayn, caleemo yaryar oo laamolaamo u baxa. la-mid: dhuyuc.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhuyac
m.l (botani) Jaad geedaha ka mid ah aan qodax lahayn, caleemo yaryar oo laamo-laamo u baxa. la-mid: dhuyuc.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhuyac
m. n. tree species
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
DHUYAC
Dalbergia commiphoroides 02
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DHUYAC
(Duia) C, S, NFD, May Dalbergia commiphoroides Bak.F. Papilionaceae.
May Dalbergia microphylla Chiov. Papilionaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuyac
-a: (magac, lab, keli) geed caleemaad laf adag lagana goosto ulaha xoolaha lagu raaco oo geelu aad u cuno kuna naaxo.
dhuyac-a: (magac, lab, ketij radid iyo laabqoyanaan inta badan ilmuhu yeesho. Dh: radid. dib: (falkaabe) halka aad ujeeddo ma ahee, xagga danbe; dhanka gadaadkaaga ku toosan. Dh: gadaal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhuyac
a: dhuyuc
de: tree sp.
lx: dhuyac
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: dhuyac
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Seylac
pr. n., loc. Zeila [coastal town at northwestern tip of Somalia.]
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Seylac
Zeilah (ville de Somalie).
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Seylac
de: Zeila [coastal town at northwestern tip of Somalia]
initial: s
lx: Seylac
ps: n0-loc
key: Seylac
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shumac
m.l la-mid: shamac.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shumac
m.l eeg shamac.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shumac
m. n. wax; candle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shumac
-a: candle (kaan-dhel); bougie (buu-ji); wax candle; tallow candle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shumac
-a: (magac, lab, keli) xaydh si farsamaysan loo fadhiisiyey oo si dhuuban loo nabo oo dhexda dunyar laga gasho oo iftiin ahaan loo shito. Dh: shamac, shumuc.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shumac
bw: Arabic
de: wax; candle
initial: s
lx: shumac
pd: (-a)
ps: n2a-m
see: shamac
key: shumac
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Subaac
(Subaac-a)
Bahallada hilibka cuna; dugaag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
subaac
m.l (-cyo, m.dh) Dugaagga xoolaha cuna.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
subaac
m. n., [collective] wild beasts, carnivores
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
subaac
-a: (magac, lab, keli) bahallada hilibka cuna; dugaag.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
subaac
bw: Arabic
cf: bahal, dugaag
de: wild beasts, carnivores
initial: s
lx: subaac
pd: (-a)
ps: n2a-m-col
key: subaac
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
surbac
f.g1 (-cay, -cday) Ul yar nafley ku tumid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
surbac
(fal) ul yar nafley ku tun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suusac
suusac¹: m.l.kh la-mid: suusuc¹.
suusac²: f.mg1 (-cay, -cday) la-mid: suusuc².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
suusac
m.l la-mid: suusuc.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sac
(Sac-a)
Neef lo' ah oo dheddig oo weyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sac
m.l (-co, m.l) Neef lo' ah, dheddig oo curtay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sac
m.l (-co, m.l) Neef lo' ah, dheddig oo curtay. sacab m.l (-bbo, m.dh) 1. Gacanta dhankeeda hoose iyo faraha. 2. Sacabbada oo laysku dhufto. 3. Cayaar jaan iyo sacab leh oo habeenkii la cayaaro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sac
m. n. cow
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sac
-da: (n) [plural lo'-da] cow (kaaw)
Magacyada Nafleyda Soomaaliyeed (Laatiin-Talyaani-Ingiriis-Soomaali) - Funayooli, Simoneeta [1985]
SAC
(I) Vacca di razza Gasara;
(E) Cow of Gasara stock
(S) SAC (S. c. m.: Sa')
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sac
-a: (magac, lab, keli) neef lo' ah oo dhedig oo weyn. Ninkii seexday buu sacii dibi dhalay.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
sac
sac, n.m. - joonyad; kiish (maro ama wax kale ah); alaabooyinka (shandadaha iwm) ee safarka loo qaato; jeebka
sac à main - shandad ama boorso yar oo jeebka lagu qaato; boorsada dumarka
sac, n.m. (pillage) - dhac; boob
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sac
cf: lo'; Opp: dibi
de: cow
initial: s
lx: sac
pd: (-a)
ps: n1-m, n2a-m
key: sac
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
sac
بقرة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yac
1. (Yac!) Ka joog! Daa!
2. (Yac-da) Sagaarada dheddig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yac
yac¹: m.dh Sagaarada teeda dheddig.
yac²: e.d Ka joog! Daa!
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yac
inter. stop!, don't do that!
yac: [feminine] n. female dikdik (antelope)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yac
(ereydhawaaq) sidaa ka joog!; daa!. Yac! hoogi waaye dhibka iga daa.
yac-da: (magac, dhedig, keli) sagaarada dhedig. Li: atoor.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saac
(Saac-a)
1. Maalinta qorraxda oo afar-iyo-labaatan meelood loo qaybshey meesheed; saacad.
2. Uraad; urshi.
3. Saacad wanaagsan oo aan naxsi ahayn; burji fiican; faal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saac
m.l 1. Maalinta oo afar iyo labaatan meelood loo qaybiyey meesheed; saacad. 2. Uraad; urshi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saac
m.l 1. Maalinta oo afar iyo labaatan meelood loo qaybiyey meesheed; saacad. 2. Uraad; urshi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saac
m. n. hour
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saac
-a: (n) [plural saacadood] 1. hour (a-war) saacad Ex: hal saac baan sugayey; I was waiting one hour 2. time (taaym) Ex: waa meeqa saac? what time is it? 3. good pasture
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saac
-a: (magac, lab, keli) doog cagaar ah oo aan tamarsan, burji fiican, doog fiil ah, cosob iye ugbaad, naq aan saxal lehayn. Saac xoolo ma dhergiyo. Dh: bildhan, uraad, urshi.
saac-a: (magac, lab, keli) maalinta iyo habeenkeeda marka afar iyo laabaatan loo qaybiye meel ka mid ah. Hal saac ayaan joogay magaalada.
saac -a: (magac, lab, keli) xilli; uraad; urshi. Sa wanaagsan baa la joogaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saac
a: saacad
de: hour
initial: s
lx: saac
pd: (-a)
ps: n2a-m-time
key: saac
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sula
-da: (magac, dhedig, keli) beri hore. Sula ayaan kuu dhiibay alaabadan.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Ubac
Bababc buureed hadheysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ugac
-da: (magacwadareed) kubbado yaryar oo kankoonsan, qolof na ku rogan tahay oo shinbiraha dhedig, kalluunka, halaqa iyo cayayaan badani dhalaan. Ugac badan ayaa digaagii dhaleen toddobaadkan. Dh: ukun, naalo, ugxan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bulac
m.l la-mid: mulac.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bulac
m. n., [collective] small lizard species
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bulac
-a: (n) [Pl. bulacyo-da] small four-legged reptile of the suborder lizard ~ mulac
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bulac
de: small lizard sp.
lx: bulac
ps: n2a-m-col
see: mulac
key: bulac
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
butac
m. n. fat person
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dayac
(Dayac-a)
Aan sidii la rabey oo ekayd loo ilaalin; iskulladid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dayac
dayac¹: m.l Daryeel iyo xannaana la'aan. la-mid: daayacaad.
dayac²: f.g1 (-cay, -cday; -yici) Wax baylihin ama xannaana xumayn. la-mid: daayac².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dayac
dayac¹: m.l Daryeel iyo xannaana la'aan. la-mid: daayacaad.
dayac²: f.g1 (-cay, -cday; -yici) Wax baylihin ama xannaana xumayn. m.f.dh, dayacid. m.f.dh, dayicid. la-mid: daayac.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dayac
m. n. negligence, neglect
dayac v. neglect, abandon, leave to chance
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dayac
-ay / day: (v) neglect (nig-lekt); fail to care; neglect one's duty; ignore one's obligations ~ layac, isku lad
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dayac
Trascurabilità
Negligence
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dayac
(fal) baylihi oo daryeel habboon ha siin. Dh: baylihi.
daayac-a: (magac, lab, keli) wax aan la xafidin oo aan la dhawrin ama la ilaalin. Dh: baylah, daayac, laayac. Li: dayactir, daryeel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gugac
gugac¹: m.l la-mid: guguc¹.
gugac²: f.mg1 (-gcay, -gacday) la-mid: guguc².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gugac
gugac¹: m.l Onkod. la-mid: guguc¹
gugac²: f.mg1 (-gcay, -gacday; -gci) Onkod sameyn. m.dh, gugcid. la-mid: guguc².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gugac
v. thunder
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gugac
-a: (n) thunder (thandher) ~ guguc, unkad
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gugac
a: guguc
de: thunder
lx: gugac
pd: (gugcay)
ps: v1=
key: gugac
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
gugac
صَوْتُ الرَّعْدِ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gumac
m.l la-mid: gumuc.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gumac
m. n. bullet; ammunition
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gumac
-da: (n) ammunition for firearms; shotgun shell; bullet (bul let) ~ gumuc
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gumac
-: (magac, lab, keli) rasaasta qoriga lagu rido ee wax lagu toogto. Gumac kuma jiro qoriga. Dh: rasaas, xabbad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gumac
de: bullet; ammunition
lx: gumac
pd: (-a)
ps: n2a-m
see: gumuc
key: gumac
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hulac
-a: (magac, lab, keli) eeg holac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huyuc
huyuc¹: m.l Isbeddelidda wax huuray urkoodu isbeddelo. la-mid: hunyuc¹.
huyuc²: f.mg1 (-cay, -cday) Wax la huurshay urkooda isbeddelid. la-mid: hunyuc².