suuree
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suuree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Wax qaabkiisa qiyaasid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
suuree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Wax qaabkiisa qiyaasid. m.f.dh, suurayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
suuree
v. describe the appearance of someone ~ the form of something
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
suuree
-yey / suureysay: (v) 1. specify the appearance; explain the look. 2. describe something
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuree
(fal) suurad ka bixi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
suuree
de: describe the appearance of s.o. ~ the form of s.t.
initial: s
lx: suuree
pd: (suureeyey)
ps: v2b=tr
key: suuree
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suure
-ha: (magac, lab, keli) isyeelyeelka carruurta, kibir carruureed koolkoolintu ku keento dhallaanka. Waa suure badan ilmuhu ee dheg ha u dhigin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uuree
f.g/mg2 (-reeyay, -raysay) 1. Uur u yeelid (siiba naag aan la qabin). 2. Uuro kicin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
uuree
f.g/mg2 (-reeyay, -raysay) 1. Uur u yeelid (siiba naag aan la qabin). 2. Uuro kicin. m.f.dh, uurayn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
uuree
-yey: (v) impregnate (im-perag-neeyt)-, inseminate (in-same-neeyt); cause to get pregnant
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uuree
(fal) eeg uuray.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
uuree
de: make pregnant
initial: u
lx: uuree
pd: (uureeyey)
ps: v2b=
key: uuree
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guuree
f.mg2 (-reeyay, -raysay) Habeen socosho. la-mid: guureggal².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guuree
v. travel by night
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
guuree
-yey / guureysay: (v) travel at night
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guuree
(fal) habeen goor danbe ah soco. Guuree habeenkii oo ha seexan. Dh: guur, gud, guuray.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guuree
de: travel by night
lx: guuree
nt: guurayn (ta) [vn-f], guurays (ka) [vn-m]
pd: (guureeyey)
ps: v2b=intr
key: guuree
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suugee
f.g2 (-geeyay, -geysay) Cunto suugo ku darid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
suugee
f.g2 (-geeyay, -geysay) Cunto suugo ku darid. m.f.dh, suugayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suugee
(fal) suugo ku dar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suurayn
m.f.dh eeg suuree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaabay
(fal) caanaha qaab ka dhig. Qaabay caanaha martaa joogtee.
qaabay: (fal) hannaan iyo hab lagu garto u yeel. Hawshu horta sida ay kuugu muuqato u qaabay annana waan kula saxaynaa. Dh: nidaami, habee, suuree, qaabee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaabee
(fal) hannaan iyo hab lagu garto u yeel. Hawshu horta sida ay kuugu muuqato u qaabee annana waan kula saxaynaa. Dh: nidaami, habee, suuree, qaabay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
so'
-da: (magac, dhedig, keli) dooxada halka biyaha leh; meel biyo leh.
so' -da: (magac, dhedig, keli) dhulka intay joogsadaan xoolaha ceelka ka cabbayaa; dixda meesha ay xooluhu ku biyarogtaan kolka ay soo cabbaan.
so'-da: (magac, dhedig, keli) hilibka intiisa jiidhka ah ama cas. Ma so' baa ma saan baa, waxa hadhay bal suuree.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
suuradee
v. identify ~ describe (lost animal by its markings)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
suuradee
a: suuradi (suuradiyey) [v2a=tr]
de: identify ~ describe (lost animal by its markings)
initial: s
lx: suuradee
pd: (suuradeeyey)
ps: v2b=tr
key: suuradee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guurree
f.g/mg2 (-reeyay, -reysay) 1. (f. g) Cid hagardaamayn. 2. (f.mg) Rucleyn (orod).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guurree
v. mistreat someone
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guurree
de: mistreat s.o.
lx: guurree
pd: (guurreeyey)
ps: v2b=tr
key: guurree
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muurree
f.mg2 (-reeyay, -raysay) 1. Nafley tiro badan hal mar wada dhaqaaqid. 2. Keli socosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muurree
v. move together, simultaneously ~ in tandem
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muurree
(fal) is daba mar oo socsocod uu jahawareer ka muugdo samee. Shiciboow haddaad heshin weyday weligaaba muurree. Dh: xuuraan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muurree
de: move together, simultaneously ~ in tandem
lx: muurree
pd: (muurreeyey)
ps: v2b=
key: muurree
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Nuureey
name-m shiner; to give off light, to shine. Syn: Nuur, Nuuro, Nuurto
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuxuree
(fal) nuxur iyo macne u yeel. Sheekadaada nuxuree.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
supreme
/supriim/ (adj) ugu sarreeya (sarreeya).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
suprême
suprême, adj. - ugu heer sarreeya; ugu sarreeya (darajo ama awood)
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
susurer
susurer, v. - gungunuucid; hoosta ka gunuucid, hadal hoos u dhigid
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
suturer
suturer, v. - tolid; tolis (irbad iyo dun la isticmaalo)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
suuqgee
-yey / suuqgeysay: (v) market (maar-ket); sell merchandise
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tuuryee
f.g2 (-yeeyay, -yaysay) Wax tuuryo isdaba joog ah la dhicid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tuuryee
f.g2 (-yeeyay, -yaysay) Wax tuuryo isdaba joog ah la dhicid. m.f.dh, tuuryayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tuuryee
v. throw one thing after another, keep on throwing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuuryee
(fal) gan; rid; xoor.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tuuryee
de: throw one thing after another, keep on throwing
initial: t
lx: tuuryee
pd: (tuuryeeyey)
ps: v2b=tr
key: tuuryee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuurtee
f.g2 (-teeyay, -taysay) Cid xuurto badid. la-mid: xuurtaysii.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xuurtee
v. exhaust, tire someone out
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xuurtee
-yey I xuurteysay: (v) cause to exhaust (ig-zoost); wear out (weer aawt); fatigue (fa-tz'zg); tire out ~ nooji, daali, xiiji
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuurtee
(fal) neefqabataysii oo hiinraagi.
xuurtee: (fal) xuurto ku qabo. Sida awrta u xuurtee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xuurtee
de: exhaust, tire s.o. out
initial: x
lx: xuurtee
pd: (xuurteeyey / xuurteysey)
ps: v2b=tr
key: xuurtee
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sure
/shur/ (adj) 1. hubid (hubanti ah). (adv) 2. hubaashii (xaqiiqdii).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sure
(fal) ganto meel sare ku taal, ka soo laadlaadso.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
sure
a., huba; be sure, hub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Suur
1. (Suur-ka) Qiyaamaha, dadka la soo noolaynayo, geeska la afuufo oo loo yeersho; buun;
2. (Suur-ta) Qaabwanaag; qurux.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suur
suur¹: m.l Buunka qiiyamo la yeersho maalinta ee uumiga la xisaabayo.
suur²: m.dh 1. Muuqaal qurxoon. 2. (-ro, m.l) Qabaal aan ceelka laga qaadin oo xoolaha laggu shubo. 3. (-ro, m.l) Dhagax, qashin iyo wixi lamida oo badar ku dhex jira.
suur³: f.mg1 (-ray, -rtay) Seexasho weyn, saq gelid; gam'id.
sųur: f.g1 (-ray, -rtay) Badar biyo qashin kaga saarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
suur
suur¹: m.l Buunka qiiyamo la yeersho maalinta ee uumiga la xisaabayo.
suur²: m.dh 1. Muuqaal qurxoon. 2. (-ro, m.l) Qabaal aan ceelka laga qaadin oo xoolaha laggu shubo. 3. (-ro, m.l) Dhagax, qashin iyo wixi lamida oo badar ku dhex jira.
sųur: f.g1 (-ray, -rtay) Badar biyo qashin kaga saarid. m.f.dh, sųurid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
suur
m. n. final trumpet call (at the end of the world); horn
suur [feminine] n., [abstract] symmetry, beauty
suur v. fall into a deep asleep
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suur
(fal) miyir beel; suul; suux.
suur-ka: (magac, lab, keli) buunka qiyaamaha la yeedhsho; maalinta uumiyaha la xisaabayo.
suur-ta: (magac, dhedig, keli) waxa la afuufi doono maalinta adduunka la rogayo. Suurtii la afuufaye, tallow siday dunidu noqon?. Dh: buun, caroog.
suur-ta: (magac, dhedig, keli) qaab wanaag. Dh: qurux.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buree
f.g2 (-reeyay, -reysay) Nafley bur la dhicid. la-mid: buraree.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buree
v. clobber, beat someone with a club
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buree
(fal) inta dadka in ka badan sii: dadka uga badi. Agoonka u buree ilmahaagu ha qadee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buree
a: buraree
de: clobber, beat s.o. with a club
lx: buree
pd: (bureeyey)
ps: v2b=tr
key: buree
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buure
m.l (-rayaal, m.l/dh) Xuub biyo ku jiraan oo ka yimaada sabiisha xoolaha ugaarta iyo wixi lamida marka ay foolanayaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
buure
m.l (-rayaal, m.l/dh) Xuub biyo ku jiraan oo ka yimaada sabiisha xoolaha ugaarta iyo wixi lamida marka ay foolanayaan.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
durée
durée, n.f. - Wakhti xaddidan; wakhti ama millay aad u dheer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
furee
f.g2 (-reeyay, -raysay) Wax fure ku xirid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
furee
-yey / furaysay: (v) stop with a cork or plug (palaag); stop up
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furee
(fal) meel bannaan wax ku gufee. Dh: juf ood, xidh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guree
f.g2 (-reeyay, -reysay) Gaadiid guro u sameyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guree
v. make room for a person to sit inside a loaded vehicle ~ on a loaded camel
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guree
de: make room for a person to sit inside a loaded vehicle ~ on a loaded camel
lx: guree
pd: (gureeyey)
ps: v2b=
key: guree
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guure
(Guura-ha)
Socod habeenka gudihiisa la socdo; gudoodi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guure
m.l Socodka habeenkii la socdo. la-mid: guureggal¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
guure
m.l Socodka habeenkii la socdo. la-mid: guureggal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guure
m. n. nighttime travel
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Guure
name-m night traveler; lit: he who was born during a night time travel. Syn: Guureeye
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
guure
-guuraha: (n) night travelling ~ dheelmasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Guure
ama Guureeye, magac loo baxsho wiil guure habeenaad ku dhashay ama aabbihii habeenkii uu dhashay guure reerka ugu soo hoyday.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guure
-ha: (magac, lab, keli) socod habeenimo oo meel laga tegayo meel kalena la tegayo. Waxa aan loo noqon doonin guure habeennimo oo danbe. Dh: guurayn; guuragal; gudid; gudis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guure
de: nighttime travel
lx: guure
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: guure
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
puree
/pyuurey/ (n) cunto ridqan oo dhafaag laga dhigay sida bataatada, yaanyada iwm.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saree
f.g2 (-reeyay, -raysay) 1. Nafley cudur qaadsiin. 2. Cid wax xun barid (qof).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saree
(fal) meel sare joog: koree.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
sucre
sucre, n.m. - sonkor
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
sucré
sucré, adj. - macaan; dhadhan macaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sukee
f.mg2 (-keeyay, -keysay) Kali ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sumee
f.g2 (-meeyay, -maysay) 1. Nafley sun siin. 2. Wax sun ku darid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sumee
f.g2 (-meeyay, -maysay) 1. Nafley sun siin. 2. Wax sun ku darid. m.f.dh, sumayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sumee
v. poison, give poison to, infect
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sumee
-yey / sumeysay: (v) poison (pooy-san); contaminate or pollute deliberately
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sumee
(fal) sun sii oo cabsii. Dh: sunee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sumee
de: poison, give poison to, infect
initial: s
lx: sumee
pd: (sumeeyey)
ps: v2b=tr
key: sumee
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
surge
/serj/ (n) 1. mawjad (ama wax hirka la mid ah) (v) 2. butaacid (xoog u burqasho).
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Surre
name-m honey, sweet
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Suuri
(Suuri-da)
Maryo qurux badan oo Suur laga sameeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suuri
suuri¹: m.l Maryo qurux badan oo dalka Siiriya laga sameeyo.
suuri²: f.g.2 (-iyay, -isay) Nafley muddo dheer hurdisiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
suuri
f. n. highly decorated cloth from Syria
suuri v. send into a deep sleep
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Suuri
name-f dates originating from Syria. Lit: white. Cf: Barni
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Suuri
magac loo baxsho gabadh loogu magacdaray timir oo looga jeedo midab cas iyo qurux.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuri
(fal) nafley muddo seexi; gama'sii.
suuri-da: (magac, dhedig, keli) maryo qurux badan oo dalka Suuriya lagu sameeyo.