suuraggelid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Suuraggelid
(Suuraggelid-da)
Wax dhici kara ahaansho, noqosho; suuroobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suuraggelid
m.f.dh eeg suuraggal². la-mid: suurtaggelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuraggelid
-da: (magac, dhedig, keli) meelmarid, wax maanku sixid. Suuraggelidda arrintu waa sugukuun. Dh: hirgelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suurtaggelid
m.dh la-mid: suuraggelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suurtaggelid
-da: (magac, dhedig, keli) suurtaggalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuragelid
-da: (magac, dhedig, keli) wax dhici kara noqosho. Dh: suuroobid, suurtaggelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suuraggeli
f.g2 (-iyay, -isay) Wax dhici kara ka dhigid (hawl iyo wixi lamida). la-mid: suurtaggeli.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
suuraggeli
v. make possible ~ feasible
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
suuraggeli
-yey / say: (v) make some thing workable or possible ~ suurtogali, suurogali
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuraggeli
(fal) meelmari wax, caqligal ka dhig. Suuraggeli waa hindinsahaagii. Dh: hirgali.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
suuraggeli
de: make s.t. possible ~ feasible
initial: s
lx: suuraggeli
pd: (suuraggeliyey)
ps: v2a=tr
key: suuraggeli
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suuraggelin
m.f.dh eeg suuraggeli. la-mid: suurtaggelin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
suuraggelin
vl. n. feasibility, possibility, viability
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuraggelin
-ta: (magac, dhedig, keli) meelmarin, wax macquul ka dhigid. Suuraggelinta arrinta ayaa lagaaga fadhiyaa maadaama aad hindistay. Dh: hirgelin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
suuraggelin
de: feasibility, possibility, viability
initial: s
lx: suuraggelin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: suuraggelin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suurtaggelin
m.dh la-mid: suuraggelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suurtaggelin
-ta: (magac, dhedig, keli) suuraggelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuragelin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax caqliga galo ka dhigid. Dh: hirgelin, suurtaggelin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
suuroggeli
-yey / say: (v) make some thing workable or possible ~ suurtogali, suuraggali
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guureggelid
m.dh la-mid: guurayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suurtagelid
-da: (magac, dhedig, keli) suurtoobid; suuraggelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suurtaggeli
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: suuraggeli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qumid
(Qumid-da)
1. Hagaagid; toosid; qabsoomid; dhaboobid; suuraggelid.
2. Meel aadid; tegid.
3. (u-qumid) U kicid, isu taagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Suuroobid
(Suuroobid-da)
Suuraggelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuroobid
-da: (magac, dhedig, keli) suuraggal noqosho; suuraggelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duurgelid
m.dh Diididda ruux diido in uu ehelkiisa la noolaado. la-mid: duurgal (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duurgelid
-da: (magac, dhedig, keli) kaynta xulid oo wax dibad meer ah noqosho. Odayga cadho ayaa duurgelidda ugu wacan. Dh: duurxulid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuurgelid
(Kuurgelid-da)
Cid soo korfariisad; kaabiga u imaansho; cimilgelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuurgelid
m.f.dh eeg kuurgal². la-mid: kuurgal¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuragali
(fal) wax inay dhacaan isku taxaluji oo sabab u noqo. Suuragali in reerku Hol-hol u guuro. Dh: hirgell.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Suuraggal
(Suuraggal-ka)
Suuraggelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suuraggal
suuraggal¹: m.l 1. Fursad; awood. 2. S. ah: wax dhici kara. la-mid: suurtaggal¹.
suuraggal²: f.mg1 (-alay, -ashay; -geli) Wax rumoobi kara noqosho. la-mid: suurtaggal².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
suuraggal
m.l 1. Fursad; awood. 2. S. ah: wax dhici kara. la-mid: suurtaggal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
suuraggal
m. n., [compound] (adj.): possibility; possible
suuraggal [inchoative] v. be ~ become possible
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
suuraggal
-ah: (adj) possible (posi-bal); viable (vaaya-bal); feasible (fiisi-bal) ~ suurtogal, suurogal, macqul ah
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuraggal
-ka: (magac, lab, keli) wax maanku sixi karo. Suuraggal ku hadal dadku ha ku maqlo ee. Dh: caqligal.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
suuraggal
مُحْتمَل ، مُمكن
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gudaggelid
m.f.dh eeg gudaggal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gudaggelid
-da: (magac, dhedig, keli) meel furnayd gudaha u gelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guriggelid
m.f.dh eeg guriggal². la-mid: guriggal¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guriggelid
-da: (magac, dhedig, keli) aroosgelid; aqalgelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guureggeli
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: guuraysii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suurtaggel
-ka: (magac, lab, keli) suurtaggal; suurtaggelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guureggelin
m.dh la-mid: guuraysiin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
suuraggal_1
cf: suuro
de: possibility; [atr.] possible
hm: 1
initial: s
lx: suuraggal
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: suuraggal_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
suuraggal_2
de: be ~ become possible
hm: 2
initial: s
lx: suuraggal
pd: (suuraggalay)
ps: v1=inch
key: suuraggal_2
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suurtagalid
-da: (magac, dhedig, keli) wax caqliga gali kara ahaansho. Hadal suurtagalid u dhaw ayaa uu nagu yidhi odaygu. Dh: hirgalid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuraggalnimo
-da: (magac, dhedig, keli) wax caqligalnimo ah. Suuraggalnimada dooddu waa adag tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isdabaggelid
m.f.dh eeg isdabaggal².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuurgeli
f.mg2 (-iyay, -isay) U k.: cid aan war hayn oo meel aad u dhow u fariisasho si loo ogaado xogta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuurgeli
(fal) cid ku soo dhowee.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Suuragal
Possibilità
Possibility
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuragal
-ka: (magac, lab, keli) wax dhici kara ama maangal. Suuragal weeye inuu innagu soo noqdo. Dh: suurtoobid, suurtagal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duudgelid
m.dh Duudgaloobidda. la-mid: duudgal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faraggeli
f.g2 (-iyay, -isay) Wax si toos ah wax uga qabasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faraggeli
f.g2 (-iyay, -isay) Wax si toos ah wax uga qabasho. m.f.dh, faraggelin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faraggeli
v., [compound] interfere, meddle
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faraggeli
de: interfere, meddle
lx: faraggeli
pd: (faraggeliyey)
ps: v2a=cmp
key: faraggeli
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuurgalid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kaabiga u imaansho oo cimilgelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuurgelin
m.f.dh eeg kuurgeli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuurgelin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid ku soo dhowayn; cimilgelin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
suuqgelin
vl. n. marketing, merchandizing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
suuqgelin
-ta: (n) marketing (maar-kating); selling (seeyl-ling); distribution (dis-tarabiyuu-shiri) of products ~suuqgeyn
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
suuqgelin
de: marketing, merchandizing
initial: s
lx: suuqgelin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: suuqgelin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuraafid
-da: (magac, dhedig, keli) danla'aan is ka wareegid. Suuraafidda is ka daa oo waqtiga ka faa'lidays.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
suuroggal
-ah: (adj) possible (posa-bal); viable (vaaya-bal); feasible (fiisa-bal) ~ suurtogal, suuraggal, macqul ah
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabaggelid
(Dabaggelid-da)
Ka harid la'aan; dabasocosho; dabajoogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaggelid
m.f.dh eeg dabaggal². la-mid: dabaggal¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaggelid
-da: (magac, dhedig, keli) kolba meesha la maro ka dabategid. Dembiyada waxa lagu helaa dabaggelid. Dh: dabagalid, baadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faraggelin
(Faraggelin-ta)
Arrin, hagaajinteed ama xumaynteed, u dhexgelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faraggelin
m.f.dh eeg faraggeli. la-mid: faraggelis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faraggelin
vl. n. interference
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faraggelin
de: interference
lx: faraggelin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: faraggelin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faraggelis
m.l la-mid: faraggelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuuryeelid
m.f.dh eeg fuuryeel.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garabgelid
(Garabgelid-da)
Garab iyo tiir u noqosho; kaalmayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garabgelid
m.f.dh eeg garabgal². la-mid: garabgal¹ (2), garabgelyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garabgelid
-da: (magac, dhedig, keli) dhinac istaagid; ruux baahan caawin ama u hiilin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suurtaggal
suurtaggal¹: m.l la-mid: suuraggal¹.
suurtaggal²: f.mg1 (-alay, -ashay; -geli) la-mid: suuraggal².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
talaggelid
m.f.dh eeg talaggal². la-mid: talaggal¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
talaggelid
-da: (magac, dhedig, keli) aarrin ku sii xisaabtamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ardaaggelid
m.f.dh eeg ardaaggal². la-mid: ardaadhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muunabeelid
-da: (magac, dhedig, keli) qiima dhicid oo foolxumaan. Habluhu muunabeelidda aad bay u nacaan. Dh: muunajabid muunabeelis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weerargelid
m.f.dh eeg weerargal². la-mid: weerargal¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weerargelid
-da: (magac, dhedig, keli) dagaal weerar ah galid oo cadawga kaga horrayn. Weerargaliddu qurshe ayay u baahan tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhabbaggelid
(Dhabbaggelid-da)
Dhabbaggal samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabbaggelid
m.f.dh eeg dhabbaggal². la-mid: dhabbaggal¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabbaggelid
-da: (magac, dhedig, keli) u kuurgalid; dabagalid oo gunteeda gaadhid. Dh: kuurgelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isdabaggelin
m.f.dh eeg isdabaggeli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sharafbeelid
-da: (magac, dhedig, keli) sharafdhicid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suutageliwaa
-ga: (magac, lab, keli) wax suurtaggaliwaaya noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taabbaggelid
m.f.dh eeg taabbaggal². la-mid: taabbaggal¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fangelid
(Fangelid-da)
Neef lagu joogo, qof labaad fuulid oo fanka fariisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fangelid
m.f.dh eeg falgal². la-mid: fangal¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fangelid
-da: (magac, dhedig, keli) faras qof fuushan yahay, fankiisa fuulid. Dh: fansaarid, fangelis.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
farageli
-yey / say: (v) intervene or intrude in the affairs of others; interfere (interfiir)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farageli
(fal) arrin aanad shuqul ku lahayn faraha la gal; qof, umuurihiisa u gaarka ah faraha la gal. Wax aanad lahayn farageli ha is odhan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guuragal
-ka: (magac, lab, keli) goor danbe oo habeen ah halkaad joogtay socod ka billow. Dh: guure, gudis, gudid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hargelid
(Hargelid-da)
1. Harkii soo gelid; harkii noqosho.
2. Harkii meel ku sugnaan, joogid, harsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hargelid
m.f.dh eeg hargal². la-mid: hargal¹, hergelid.