suunniyo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suunniyo
-da: (magac, dhedig, keli) lafaha qaansaysan oo il walba korkeeda ku yaal, timaha ka baxa ama ku yaal. Dh: suunnayaal.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sunniyo
-sunniyaha: (n) eyebrows (aay-baroowis); brows (baroowis)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sunnayaal
-sha: (magac, dhedig, keli) 'keli suunni suunniyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suunni
m.dh (-iyo, m.l/-iyaal m.l/dh) Mid ka mid ah timaha indhaha korkooda ku yaal.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
suunni
m.dh (-iyo, m.l/-iyaal m.l/dh) Mid ka mid ah timaha indhaha korkooda ku yaal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Suunni
-ga: (magac, lab, keli) qof Sunnihiii Nebiga haysta. Suunni ayaad tahay adigu huuno. Dh: Shiici.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Suufinnimo
(Suufinnima-da)
Suufi ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suufinnimo
m.dh Suufi ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
suufinnimo
f. n. state of being a Sufi
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
suufinnimo
de: state of being a Sufi
initial: s
lx: suufinnimo
pd: (/da)
ps: n0-f
key: suufinnimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shuulliyo
-ha: (magac, lab, keli) gacmagashiyo dahab ah oo dumarku gacmaha ku xidhaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suufinimo
-da: (magac, dhedig, keli) suufi ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saaquunnimo
m.dh 1. Haweeney aan caqli iyo waxtar lahayn ahaansho. 2. Wax caato ah, aanna dhaleyn ahaansho (lax).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suxufinnimo
m.dh Suxufi ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
suxufinnimo
f. n., [abstract] journalism, being a journalist
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
suxufinnimo
de: journalism, being a journalist
initial: s
lx: suxufinnimo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: suxufinnimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sunni
(Sunni-ga)
1. Qof sunnihii Nebi Maxamed haysta.
2. Muslinweynaha ka mid ah; aan ahlu-shiica ahayn; ahlu-Sunne ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sunni
m.l (-iin, m.dh) Qof sunnadii Nabi Maxamed (n.k.h.a.) ku dhaqma.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sunni
m.l (-iin, m.dh) Qof sunnadii Nabi Maxamed (n.k.h.a.) ku dhaqma.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Sunni
m. n. Sunni Muslim; one following the majority (orthodox) sect of Islam, as opposed to Shia
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sunni
f. n. eyebrow
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Sunni
-ga: (n) Sunni (sum); or Sunnis [ as distinct from Shiites] there are four major Sunni sects: the Hanafites, the Malikites, the Shafites, and the Hanbalites
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sunni
-ga: (magac, lab, keli) qof sunnihiii nebiga haysta, sunnaha nebiga 'nnk' ku xidhiidhsan; aalu'sunne.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sunno
m.dh 1. Salaad aan faral ahayn oo ajar kororsi awgeed loo tukado. 2. Wax kasta oo Nabigii samayn jirey oo ay tahay in looga daydo. 3. Koofiyad culimada islaamku qaataan. la-mid: sunne.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sunno
m.dh 1. Salaad aan faral ahayn oo ajar kororsi awgeed loo tukado. 2. Wax kasta oo Nabigii samayn jirey oo ay tahay in looga daydo. 3. Koofiyad culimada islaamku qaataan. la-mid: sunne.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sunno
-da: (magac, dhedig, keli) mid ka mid ah timaha indhaha dushooda ku yaal. Sunno xiirad bay bilowday gabadhu.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sunny
/sani/ (adj) qorrax ah (cad-ceed qorraxeed leh).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
sunny
a., qorax leh, meesha qorax baa kugu haysa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suuni
m.l Sabuul yaryar oo ka baxa beer duqowday ama roob yari ku da'ay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Duniyo
pr. n., [feminine] Duniya
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Duniyo
name-f worldly; lit: very beautiful and very gentle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Duniyo
magac loo baxsho gabadh quruxdii dunida oo dhan lagu metaalay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Duniyo
de: Duniya
lx: Duniyo
ps: name-f
key: Duniyo
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duunni
f. n. small boat
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duunni
a: doonni
de: small boat
lx: duunni
pd: (-da)
ps: n2a-f
key: duunni
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duunyo
(Duunya-da)
Xoolo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duunyo
m.dh 1. Hanti, maal. 2. Bahaayin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
duunyo
m.dh 1. Hanti, maal. 2. Bahaayin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duunyo
f. n., [collective] livestock; animal; animals, herds
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
duunyo
-duunyada: (n) livestock (laayv istak); domestic animals, such as cattle or horses, raised for home use or for profit, especially on a farm ~ xoolo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duunyo
-da: (magac, dhedig, keli) xoolaha ama hantida uu qof leeyahay. Dh: hanti.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duunyo
de: livestock; animal; animals, herds
lx: duunyo
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: duunyo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuunyo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg fiinyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guunyo
m.dh la-mid: guuyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guunyo
f. n., [collective] wealth, inheritance; livestock
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
guunyo
-guunyada: (n) animal husbandry; stock farm: livestock (laapv istaak) ~ guuyo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guunyo
-da: (magac, dhedig, keli) xoolaha la dhaqdo. Nimaan guunyo lahayn ha guursan. Dh: mooro, adduun.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
guunyo
de: wealth, inheritance; livestock
lx: guunyo
pd: (/da)
ps: n-f-col
see: guuyo
key: guunyo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huunno
-da: (magac, dhedig, keli) erey lagu yidhaa qof loo muujinayo walaaltinimo iyo jacayl. Dh: walaal, abboowe, abbaaye, aaddo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Huunyo
(Huunya-da)
Dhamiijada shinbiraha siiba qaniinka diyaadka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
huunyo
m.dh.u Deris ku nool yaryar oo digaagga gasha.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
huunyo
f. n., [collective] bird louse, chicken lice
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
huunyo
-huunyada: (n) biting louse; bird louse ~ dhamiijo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huunyo
-da: (magac, dhedig, keli) cayayaan sida injirta ah oo digaagga ku dhasha oo cuna. Dh: qirinqiir, dhamiijo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
huunyo
cf: dhamiijo
de: bird louse, chicken lice
lx: huunyo
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: huunyo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
juunyo
m.dh Bisha lixaad ee sanadka masiixiga.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
juunyo
m.dh Bisha lixaad ee sanadka masiixiga. la-mid: juun.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Juunyo
f. n. June (sixth month of Roman calendar)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Juunyo
-Juunyada: (n) June (juun) ~ juun Ex: bishajuunyo; the month of June
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Juunyo
cf: bil {S < It}
de: June (sixth month of Roman calendar)
lx: Juunyo
pd: (/da)
ps: n0-f-time, n6-f
key: Juunyo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sunnay
(fal) cunto, iyo wixii la mid ah, wax yar ka taabo; barakay; isku day.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuqni
-da: (magac, dhedig, keli) aad u dheeraan oo dhuubnaan. Suuqnidu waa dhalanka qoyska Dh: suuqnaansho, miiqnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suuqyo
m.dh.u Warmo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuryo
-da: (magac, dhedig, keli) jid cidhidhi ah Kama seexanaayoo suuryo oodan baan galay. Dh: surunsuur.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuxni
-da: (magac, dhedig, keli) suuxsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cunnimo
m.dh God, dab iyo wixi lamida duugmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gunnimo
(Gunnima-da)
Dhalanka iyo baxaalliga gunta oo la yeesho; gun ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gunnimo
m.dh Gun ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gunnimo
f. n., [abstract] state of being of inferior rank; vulgarity
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gunnimo
-gunnimada: (n) a person lower in status or rank than another; inferiority (infir yooriti)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gunnimo
-da: (magac, dhedig, keli) nasabxumo ama qof ama dad la gumaysto ahaansho. Li: xornimo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gunnimo
de: state of being of inferior rank; vulgarity
lx: gunnimo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: gunnimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luuliyo
m.dh Sanad qorraxeedka bishiisa toddobaad; juulaay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
luuliyo
m.dh Sanad qorraxeedka bishiisa toddobaad; juulaay.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Luuliyo
-Luuliyada: (n) July (julaay) ~ Luulyo. Ex: bisha Luuliyo; the month of July
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuuriyo
m.dh la-mid: nuurad¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
runnimo
m.dh Run ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
runnimo
f. n., [abstract] truth, veracity, truthfulness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
runnimo
-da: (n) reality (ri-yaalati); realness (ri-yal-nes)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
runnimo
-da: (magac, dhedig, keli) wax run ah ahaansho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
runnimo
de: truth, veracity, truthfulness
lx: runnimo
pd: (-da)
ps: n0-f-abs
key: runnimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sannifo
f.g3 (-ftay, -fatay) Wax hor leh hindisasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sannifo
f.g3 (-ftay, -fatay) Wax hor leh hindisasho. m.f.dh, sannifasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sannifo
v. compose (a literary ~ artistic work) for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sannifo
(fal) suugaan ama wax kale abuuro ama curi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sannifo
de: compose (a literary ~ artistic work) for oneself
initial: s
lx: sannifo
nt: sannifasho (/da) [vn-f]
pd: (sanniftay)
ps: v3b=tr
key: sannifo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sindiyo
(Sindiya-da)
(keli: sindi) dugaagado; jijimmo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sindiyo
-da: (magacwadareed) dugaagado; jijimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sufriyo
m.dh la-mid: surfiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sunnayn
(Sunnayn-ta)
1. Sunne jideyn.
2. (cunno, kd.) Wax yar ka taabasho; barakayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sunnayn
m.f.dh eeg sunnee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sunnayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cunto, iyo wixii la mid ah, wax yar ka taabasho; barakayn: iskuddeyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sunnays
-ka: (magac, lab, keli) sunnayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sunni_1
de: eyebrow
hm: 1
initial: s
lx: sunni
pd: (-da Pl: sunnayaal (/sha))
ps: n7-f, n1-f
key: sunni_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Sunni_2
de: Sunni Muslim; one following the majority (orthodox) sect of Islam, as opposed to Shia Contrast: Shiica
hm: 2
initial: s
lx: Sunni
pd: (-ga Pl: Sunniyiin (ta))
ps: n8-m
key: Sunni_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
surfiyo
m.dh (-do, m.l) la-mid: sufriye.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
surfiyo
f. n. cooking pot
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
surfiyo
-surfiyada: (n) large cooking pot ~ digsi, sufriyad
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
surfiyo
a: sufriyo
de: cooking pot
initial: s
lx: surfiyo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: surfiyo
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Suufiya
pr. n., [feminine] Sufia, Sophia