suunjeego
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suunjeego
-ha: (magac, lab, keli) suunka heensaha ku xidhan. Suunjeego ayaanu lahayn farasku.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Suunjeege
(Suunjeega-ha)
Suun heensaha ka mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suunjeege
m.l (-gayaal, m.l/dh) Suunka gadaal xakamaha ka haya oo jeegada faraska ku aaddan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
suunjeege
m. n. strap for holding horse's saddle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suunjeege
-ha: (magac, lab, keli) suunka heensaha ku xidhan. Suunjeegihii baa go'ay oo dhicis buu halis yahay kooruhu.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
suunjeege
de: strap for holding horse's saddle
initial: s
lx: suunjeege
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: suunjeege
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muunee
f.g2 (-neeyay, -neysay) la-mid: muunadee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muunee
v. honor, glorify; beautify, embellish
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muunee
(fal) midabyo qurxoon u samee.
muunee: (fal) cid kale si sharaf iyo qaddarin ah u soo dhawee,
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muunee
de: honor, glorify; beautify, embellish
lx: muunee
pd: (muuneeyey)
ps: v2b=
key: muunee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qunjee
f.g2 (-jeeyay, -jeysay) la-mid: qujee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saneeg
m.l (-gyo, m.dh) Kolmo ka lalmada sanka geela oo ka dhasha santuur lagu sameeyey.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saneeg
-ta: (magac, dhedig, keli) ri' ama ning sumadda gafuurka korkiisa lagaga dhigo, kurka lagaga dhigo. Ri' saneeg leh wax sheegaya ma aragteen?
saneeg-ga: (magac, lab, keli) wax figan o waxaraha lagaga xidho afka si aanay u jigin rid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sheego
f.g3 (-gtay, -gatay) 1. Dacwad, arrin, qaan iyo wixi lamida jeedsasho. 2. Wax aan la ahayn ama la lahayn isku tilmaamid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sheego
f.g3 (-gtay, -gatay) 1. Dacwad, arrin, qaan iyo wixi lamida jeedsasho. 2. Wax aan la ahayn ama la lahayn isku tilmaamid. m.f.dh, sheegasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sheego
v. claim for oneself
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sheego
-sheegtay / sheegatay: (v) demand, require, make a claim
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sheego
(fal) wax inaad leedahay sheeg.
sheego: (fal) gartaada marso, baan, caddayso.
sheego: (fal) cid aadan u dhalan, ku abtirso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sheego
de: claim for oneself
initial: s
lx: sheego
pd: (sheegtay)
ps: v3b=tr
key: sheego
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sunnee
f.g2 (-neeyay, -naysay) 1. Wax sunno ah samayn. 2. Cunto ama cabbid in yar ka dhadhamin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sunnee
f.g2 (-neeyay, -naysay) 1. Wax sunno ah samayn. 2. Cunto ama cabbid in yar ka dhadhamin. m.f.dh, sunnayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sunnee
v. introduce something to the culture, legalize
sunnee v. taste, sample, take a bit (of), try (out)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suugee
f.g2 (-geeyay, -geysay) Cunto suugo ku darid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
suugee
f.g2 (-geeyay, -geysay) Cunto suugo ku darid. m.f.dh, suugayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suugee
(fal) suugo ku dar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suunbe
-ha: (magac, lab, keli) qalabka tumaalka mid ka mida oo ah bir af dhuuban oo biraha lagu daloosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suuree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Wax qaabkiisa qiyaasid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
suuree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Wax qaabkiisa qiyaasid. m.f.dh, suurayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
suuree
v. describe the appearance of someone ~ the form of something
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
suuree
-yey / suureysay: (v) 1. specify the appearance; explain the look. 2. describe something
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuree
(fal) suurad ka bixi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
suuree
de: describe the appearance of s.o. ~ the form of s.t.
initial: s
lx: suuree
pd: (suureeyey)
ps: v2b=tr
key: suuree
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uneexo
m.dh la-mid: aneexo.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
UNEEXO
(Uneho) All. Som. Cynanchum somaliense (N. E. Br) N.E.Br. Asclepiadaceae.
All.Som. Cucumella kelleri (Cogn.) Jeffrey. Cucurbitaceae.
N Pentarrhunum insipidum E.Mey. Asclepiadaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uneexo
-da: (magac, dhedig, keli) geed ka mid ah nagaadhka yaryar oo bixiya midho ororro leh oo caydhiin iyo bisayl ba lagu cuno. Uneexadu waa qadhaab. Dh: aneexo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sineemo
m.dh la-mid: shineemo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sineemo
f. n. movie theater; motion picture, cinema
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sineemo
-da: (magac, dhedig, keli) shaneemada laga daawado filimada, ruwaayadaha iyo wixii la mid ah. Dh: shaneemo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sineemo
de: movie theater; motion picture, cinema {It}
initial: s
lx: sineemo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: sineemo
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
suuqgee
-yey / suuqgeysay: (v) market (maar-ket); sell merchandise
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
undergo
/andhargow/ (v) marid (soo-marid, sida dhib ama khibrad soo marid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Canjeelo
(Canjeela-da)
Laxoox ballaaran oo xalleefsan oo dubiddu ilo u yeesho oo badarka laga sameeyo; canbaabbur; (ama canjeero).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
canjeelo
m.dh Cunto jilicsan, taawo lagu dubo, ka samaysan badar riqdan oo bur lagu cajiimay; cambaabur; canjeero. la-mid: canjeero.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
canjeelo
m.dh Cunto jilicsan, taawo lagu dubo, ka samaysan badar riqdan oo bur lagu cajiimay; cambaabur; canjeero. la-mid: canjeero.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
canjeelo
f. n. Somali flat bread ~ fritter, Ethiopian-style pancake
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
canjeelo
-canjeelada: (n) Somali style pancake; thin baked pancake usually serve as breakfast ~ loxoox, canjeero
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canjeelo
-da: (magac, dhedig, keli) budo la qooshay. dabadeed na lagu dubay daawe ama wax la mid ah oo laga sameeyay laxoox balballaadhan oo xalleefsan. Waxa laga sameeyaa, badarka, daafiga iyo wixii la mid ah. Dh: canjeero, laxoox, kimis, buddeeno.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
canjeelo
bw: canjeero {C & S}
de: Somali flat bread ~ fritter, Ethiopian-style pancake
lx: canjeelo
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: laxoox
key: canjeelo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
canjeero
m.dh la-mid: canjeelo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
canjeero
m.dh la-mid: canjeelo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
canjeero
f. n. kind of pancake ~ bread
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
canjeero
-canjeerada: (n) see [eeg] canjeelo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
canjeero
-da: (magac, dhedig, keli) eeg canjeelo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
canjeero
de: kind of pancake ~ bread See canjeelo {S & C}
lx: canjeero
pd: (/da)
ps: n6-f
key: canjeero
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Guuleedo
name-f victor; victorious
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guuleeto
m.dh (-ooyin, m.l) la-mid: guulaamo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
huurbeeg
m.l (-ooyin, m.l) (fiisikis) Qalab loo sameeyay in lagu cabbiro huur u eegidda (huurka la isu eegayo hawada inta ku jirta uumi biyood iyo inta ay qaadi karto) gibilka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huurbeeg
-ga: (magac, lab, keli) qalabka lagu cabbiro huurka hawada; inta boqolkiiba uumibiyood ku jirta hawada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lafjeego
m.dh (-fo jeegooyin, m.l) (cilmiga naflayda) Laf qaab weel godan leh ee ka mid ah qaybaha lafta madaxa oo sameysa qaarka dambe ee lafta madaxa iyo qaar ka mid ah salka lafta madaxa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
lafjeego
m.dh (-fo jeegooyin, m.l) (cilmiga naflayda) Laf qaab weel godan leh ee ka mid ah qaybaha lafta madaxa oo sameysa qaarka dambe ee lafta madaxa iyo qaar ka mid ah salka lafta madaxa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaneemo
f. n. movie theater, cinema
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shaneemo
-shaneemada: (n) cinema (sinima);, movies (muuvis); movie theater ~ filin, shineemo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaneemo
-da: (magac, dhedig, keli) meesha lagu daawado filimada oo aad uballaadhan. Dh: sinimoo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shaneemo
cf: filin {It}
de: movie theater, cinema
initial: s
lx: shaneemo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: shaneemo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shineemo
* (Shineema-da)
1. Qalab masawirro degdeg isu dabajooga, daah korki ku qabta oo ka muujiya, ishuna ay mooddo muuqaallo run ah oo noolnool oo dhaqdhaqaaqaya.
2. Meesha muuqaalladaas lagu daawado, (ama sineemo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shineemo
m.dh (-ooyin. m.l) 1. Golaha filimada lagu daawado. 2. Filin. la-mid: sinee-mo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shineemo
m.dh (-ooyin. m.l) 1. Golaha filimada lagu daawado. 2. Filin. la-mid: sineemo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shineemo
f. n. movie theater, cinema
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shineemo
-shineemada: (n) cinema (sinima);, movies (muuvis); movie theater ~ shaneemo filin,
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shineemo
-da: (magac, dhedig, keli) meesha filimada lagu daawado; sineemo; shaleemo.
shineemo -da: (magac, dhedig, keli) qalab masawirro degdeg isu dabajooga, daah korkii ku qabta oo ka muujiya, ishuna ay mooddo muuqaallo run ah oo noolnool oo dhaqdhaqaaqaya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shineemo
de: movie theater, cinema {It}
initial: s
lx: shineemo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: shineemo
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sunnee_1
de: introduce s.t. to the culture, legalize
hm: 1
initial: s
lx: sunnee
pd: (sunneeyey)
ps: v2b=tr
key: sunnee_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sunnee_2
bw: taabo
de: taste, sample, take a bit (of), try (out)
hm: 2
initial: s
lx: sunnee
pd: (sunneeyey)
ps: v2b=tr
syn: barakee
key: sunnee_2
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sunnegoy
-ga: (magac, lab, keli) qof caado fiican oo dadku leeyihiin diida oo ka go'a. Dh: sunnagoys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suugeyso
f.mg3 (-stay, -satay) Cunto suugo ku darsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suunniyo
-da: (magac, dhedig, keli) lafaha qaansaysan oo il walba korkeeda ku yaal, timaha ka baxa ama ku yaal. Dh: suunnayaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xanjeero
f.g3 (-rtay, -ratay) 1. Ilmo carruur ah xambaarasho. 2. Maro la guntanyahay kor u xaydasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xanjeero
f.g3 (-rtay, -ratay) 1. Ilmo carruur ah xambaarasho. 2. Maro la guntanyahay kor u xaydasho. m.f.dh, xanjeerasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xanjeero
v. pick up a child on one's back; tuck up one's waist cloth for running, etc.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanjeero
(fal) cunug yar qayd yar oo xanjeer ah ku xambaaro. Xanjeerka ka daa oo ilmaha go' weyn ku xanjeero.
xanjeero: (fal) xaydo oo guntiga gaabso; guntiga kor u qaado. Gucundhada ka xanjeero. Dh: xaydo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xanjeero
de: pick up a child on one's back; tuck up one's waist cloth for running, etc.
initial: x
lx: xanjeero
nt: xanjeerad (ka) [vn-m], xanjeerasho (/da) [vn-f]
pd: (xanjeertay)
ps: v3b=tr
key: xanjeero
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
surmaseegto
m.dh la-mid: sarmaseegto.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Surmaseegto
Inconsistent equations
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
surmaseegto
-da: (magac, dhedig, keli) wax la goynayay oo la rabay in nabarradu ku egaadaan barta goynta oo la la gegefo ama waawaayo.