suuldhabaalee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suuldhabaalee
f.g2 (-leeyay, -laysay) Suuldhabaale samayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
suuldhabaalee
v. snap the fingers
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuldhabaalee
(fal) sanqadh suulka iyo fardhexada ka samee. Suuldhabaalee oo ha hadlin haddaaad waxba garan waydo. Waxaan Saatir kuu qorin, ha suuldhabaalayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
suuldhabaalee
de: snap the fingers
initial: s
lx: suuldhabaalee
pd: (suuldhabaaleeyey)
ps: v2b=
key: suuldhabaalee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suuldhabaale
m.l Suulka iyo fardhexaadda gacanta oo si xoog leh laysugu dhufto si looga soo saaro shanqar iyadoo wax loogu baaqayo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
suuldhabaale
-suuldhabaalaha: (n) the act of snapping one's fingers
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuldhabaale
-ha: (magac, lab, keli) sanqarta ay sameeyaan suulka gacanta iyo fardhexada marka si xoog leh laysugu dhufto oo fardhexadu calaacasha kaga sanqadhiso; kindho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuldhabaalay
(fal) suuldhabaale samee; kindhay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suuldhabaalayn
m.f.dh eeg suuldhabaalee. la-mid: suuldhabaalays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuldhabaalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sanqadh laga sameeyo suulka iyo fardhexada oo laysla dhacaayo. Suuldhabaalayn ayaad iigu yeedhay.
suuldhabaalayn -ta: (magac, dhedig, keli) suuldhabaalays; kindho samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suuldhabaalays
m.l la-mid: suuldhabaalayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuldhabaalays
-ka: (magac, lab, keli) suuldhabaalayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuldaaree
(fal) suuldaar ku samee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haldhabaale
-ha: (magac, lab, keli) shey kolba hal u qaadasho. Dh: halhalaysi, haldhable.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suuldhabasho
m.f.dh eeg suuldhabo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuldhabasho
-da: (magac, dhedig, keli) far iyo suul isla dhicid. Suuldhabashadu waa af la isla yaqaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabaalyee
f.g2 (-yeeyay, -yeysay) Nafley canaanasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabaalyee
(fal) eeg dhabaalee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuljabane
-ha: (magac, lab, keli) caws yar oo duuban oo inta suul lagaga xidho qof hurda dab lagu qabto oo marka uu kulka dareemo la boodo oo argaggaxo. Suuljabane waa ciyaar geeljire.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
goondhabaale
-ha: (magac, lab, keli) hanjabaadda marka dibidu islaynayso. Goondhabaale badanaa wuxu. Dh: baalaxoofto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
duuddhadhaabeed
m.l (-dyo, m.dh) (jool.) Duud bataax ama dhadhaab ah oo in yar ka hooseeya badda ama wabiga dushiisa, oo khatar ku ah bad maaxidda.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Duud dhadhaabeed
Shoal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duud-dhadhaabeed
m.l (-dyo, m.dh) (jooloji) Duud bataax ama dhadhaab ah oo in yar ka hooseeya badda ama wabiga dushiisa, oo khatar ku ah bad maaxidda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaqaaleed
m. n. financial
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhaqaaleed
(adj) relating to financial matters; economical (ika-noo-mikal)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaqaaleed
de: financial
lx: dhaqaaleed
ps: np-m
key: dhaqaaleed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharbaaxee
f.g2 (-xeeyay, -xeysay) la-mid: dharbaax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dharbaaxee
(fal) eeg dharbaax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suugaanley
m.dh.u Dad suugaanta aqoon u leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
suugaanley
m.dh.u Dad suugaanta aqoon u leh. suugaanyahan m.l Qofka suugaanta yaqaan ama baara.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suugaanley
-da: (magacwadeered) dadka inta suugaanta ehelka u ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suuldaaran
f.mg1 (-rmay, -rantay; -rmi) Hal suuldaar lagu sameeyey ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suuldaarid
m.f.dh eeg suuldaar².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuldaarid
-da: (magac, dhedig, keli) suuldaar u dhigid; jillaafid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaldhalaal
dhaldhalaal¹: m.l Qurux ama bilic aan muddo dheer waarayn. la-mid: dhaldhalaalid.
dhaldhalaal²: f.mg1 (-aalay, -aashay) Qurux ama bilic aan muddo dheer waarayn yeelasho (wax).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhaldhalaal
dhaldhalaal¹: m.l Qurux ama bilic aan muddo dheer waarayn.
dhaldhalaal²: f.mg1 (-aalay, -aashay) Qurux ama bilic aan muddo dheer waarayn yeelasho (wax). m.f.dh, dhaldhalaalid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaldhalaal
v. shine, sparkle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhaldhalaal
-ka: (n) the act of shining; glinting (gilinting); sparkling
dhaldhalaal -ay / dhaldhalaashay: (v) sparkle (ispaarkal); reflect light; glint or glisten; shine (shaayn); give off or reflect flashes of light; glitter ~ birbiriq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaldhalaal
-ka: (magac, lab, keli) wax yar yar oo bilicbilic yidhaa oo dharka dumarka lagu nanabo amma caroosyada iyo xafladaha lagu qurxiyo. Dhaldhalaalka iyo ciirtu waa dhuubka karameede.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulxawaaree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Wax dulmarid; wax korduulid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dulxawaaree
v. run quickly over something; run on something
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulxawaaree
( fal) xoog u dul caymad; aad u dul'orod.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dulxawaaree
de: run quickly over s.t.; run on s.t.
lx: dulxawaaree
pd: (dulxawaareeyey)
ps: v2b=tr
key: dulxawaaree
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fuuqdhabiil
(Fuuqdhabiil-ka)
Dhabiishiisu aad u daran tahay oo aan oggolayn in wax yarina seegaan; qorqode.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuuqdhabiil
m.l.kh (-llo, m.dh) Qof aad u dhabiil badan oo aan oggolayn in ay waxyar dhaafaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fuuqdhabiil
m. n., [compound] mean ~ interfering person, fussy employer, selfish husband
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuuqdhabiil
-ka: (magac, lab, keli) qof dhabiiltankiisu uu aad u daran tahay oo aan oggolayn in wax yarina seegaan ama dhaafaan. Dh: bakhayl.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fuuqdhabiil
de: mean ~ interfering person, fussy employer, selfish husband
lx: fuuqdhabiil
pd: (-ka)
ps: n2-m-cmp
key: fuuqdhabiil
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
KUN-DAWAALE
(Cundawale) N Ochradenus somalensis Bak.F. Resedaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muddaacalee
-ga: (magac, lab, keli) eedaysane laga cabanayo. Muddaacalee haddaad tahay dadka ka garbax.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SUUF-DHANAA
(Suf-dana) N Pergularia daema (Forsk) Chiov. Asclepiadaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suulgorayee
f.mg2 (-yeeyay, -yesay) la-mid: suulgoranyee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
uurkubaalle
m.l.kh (-layaal, m.l/dh) 1. Qof hibo loo siyey in uu ogaado waxa dhici doona. 2. Faras ama nin aad u dheereeya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
uurkubaalle
m.l.kh (-layaal, m.l/dh) 1. Qof hibo loo siyey in uu ogaado waxa dhici doona. 2. Faras ama nin aad u dheereeya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uurkubaalle
-ha: (magac, lab, keli) qof la rumaysan yahay in xagga Eebbe wax laga ogaysiiyo oo qalbiga ku leh caqli iyo aragti uu mustaqbalka wax kaga sheego ama oddoroso, Dh: weli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Uurkubbaale
(Uurkubbaala-ha)
1. Qof xag Ilaah wax laga ogeysiiyo; weli.
2. (sheekaxariiro) qof ama neef adduunyo ah oo duula oo wax walba oo dhici doona ogaada.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
uurkubbaale
de: Islamic saint; folklore being who flies and has prophetic powers; [atr.] clairvoyant (man who receives from God the ability to see the future)
initial: u
lx: uurkubbaale
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: uurkubbaale
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lafdhabarley
m.dh.u Nafleyda inta lafdhabarta leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
lafdhabarley
m.dh.u Nafleyda inta lafdhabarta leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lafdhabarley
f. n., [collective] vertebrates, animals with a vertebra ~ back bone
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lafdhabarley
-da: (n) vertebrate (veer ti bareeyt); such as the fishes, amphibians, reptiles, birds, and mammals
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lafdhabarley
-da: (magacwadareed) noolaha inta leh lafdhabarta, oo dadka iyo dugaaggu ka mid yihiin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
lafdhabarley
de: vertebrates, animals with a vertebra ~ back bone (e.g. humans, dogs, cats, etc.)
lx: lafdhabarley
pd: (-da)
ps: n7-f-col
key: lafdhabarley
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suulgoranyee
f.mg2 (-yeeyay, -yesay) Hal geel ah suulgoranyo ah u xiran ahaansho; halgeel ah suulgoranyo ku samayn. la-mid: suulgorayee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhaldhalaal_2
de: shine, sparkle
hm: 2
lx: dhaldhalaal
pd: (dhaldhalaalay)
ps: v1=intr
key: dhaldhalaal_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaldhalaalid
m.f.dh eeg dhaldhalaal². la-mid: dhaldhalaal¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaldhalaalid
-da: (magac, dhedig, keli) bilicbilic samayn oo hilhillaac yaryar oon indhaha wax yeelin bixin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhul abaareed
-ka: (n) arid land (eerid landh); desert (dezert)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haldhabaalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax kala filiqsan ama daassan, kolba mid qaadid. Gorowgii waxan ku dhammeeyey haldhablayn. Dh: halhalayn, haldhablayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhuxuldhagaxeed
m.l Dhuxul dhagax noqday. la-mid: dhuxuldhuleed.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhuxuldhagaxeed
m.l Dhuxul dhagax noqday. la-mid: dhuxuldhuleed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuxuldhagaxeed
-da: (magac, dhedig, keli) dhagax macdan ah oo dhulka laga qodo oo shidaal ahaan loo isticmaalo. Tareennadii hori dhuxuldhagaxeed ayay ku socon jireen.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
muuq dhalanteed
-ka: (n) hallucination (haluu 'saneeyshan)
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tuul suubaaneed
Alluvial deposit