suuldhabaalayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suuldhabaalayn
m.f.dh eeg suuldhabaalee. la-mid: suuldhabaalays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuldhabaalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sanqadh laga sameeyo suulka iyo fardhexada oo laysla dhacaayo. Suuldhabaalayn ayaad iigu yeedhay.
suuldhabaalayn -ta: (magac, dhedig, keli) suuldhabaalays; kindho samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuldhabaalay
(fal) suuldhabaale samee; kindhay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suuldhabaalays
m.l la-mid: suuldhabaalayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuldhabaalays
-ka: (magac, lab, keli) suuldhabaalayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaawi
jaawi¹: m.l la-mid: jaawe.
jaawi²: f.mg2 (-iyay, -isay) 1. la-mid: farjaawi, farjawi. Fardhexada iyo suulka gacanta oo si xoog ah laysugu xoqo ka shanqarin; suuldhabaalayn. 2. Haad turub ka yamxeerin (ciyaar turub).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jaawi
f.mg2 (-iyay, -isay) 1. la-mid: farjaawi, farjawi. Fardhexada iyo suulka gacanta oo si xoog ah laysugu xoqo ka shanqarin; suuldhabaalayn. 2. Haad turub ka yamxeerin (ciyaar turub). m.f.dh, jaawin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaawin
-ta: (magac, dhedig, keli) turub la ciyaarayo, suuldhabaalayn muujinaysa in aanu hayn haadka la ciyaaraya turubka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaawo
-da: (magac, dhedig, keli) suuldhabaalayn muujisa haadka aanad hayn ciyaarta turubka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kindhayn
-ta: (magac, dheddig, keli) fardhexada iyo suulka oo la isku dhufto oo shanqadh laga sameeyo si loo tilmaamo wax beri hore dhacay ama loogu yeedho ruux, marka la joogo meel hadalku suurtagal ahayn. Dh: suuldhabaalayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suuldhabaale
m.l Suulka iyo fardhexaadda gacanta oo si xoog leh laysugu dhufto si looga soo saaro shanqar iyadoo wax loogu baaqayo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
suuldhabaale
m.l Suulka iyo fardhexaadda gacanta oo si xoog leh laysugu dhufto si looga soo saaro shanqar iyadoo wax loogu baaqayo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
suuldhabaale
-suuldhabaalaha: (n) the act of snapping one's fingers
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuldhabaale
-ha: (magac, lab, keli) sanqarta ay sameeyaan suulka gacanta iyo fardhexada marka si xoog leh laysugu dhufto oo fardhexadu calaacasha kaga sanqadhiso; kindho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haldhabaalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax kala filiqsan ama daassan, kolba mid qaadid. Gorowgii waxan ku dhammeeyey haldhablayn. Dh: halhalayn, haldhablayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suuldhabaalee
f.g2 (-leeyay, -laysay) Suuldhabaale samayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
suuldhabaalee
v. snap the fingers
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuldhabaalee
(fal) sanqadh suulka iyo fardhexada ka samee. Suuldhabaalee oo ha hadlin haddaaad waxba garan waydo. Waxaan Saatir kuu qorin, ha suuldhabaalayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
suuldhabaalee
de: snap the fingers
initial: s
lx: suuldhabaalee
pd: (suuldhabaaleeyey)
ps: v2b=
key: suuldhabaalee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haldhablayn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg haldhabaalayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suuldhabasho
m.f.dh eeg suuldhabo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuldhabasho
-da: (magac, dhedig, keli) far iyo suul isla dhicid. Suuldhabashadu waa af la isla yaqaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haldhabaalaysi
-ga: (magac, lab, keli) wax tiro ah, halhal u qaadasho. Dh: halhalaysi, haldhabaalaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haldhabaalayso
(fal) wax firi leh, kolba hal qaado. Dh: halhalayso, haldhablayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhabaalyeyn
m.f.dh eeg dhabaalyee. la-mid: dhabaalyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhabaalyeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) aws qallaxato awr kale ku qabo. Dh: dhabaalayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhababacayn
-ta: (magac, dhedig, keli) orod dur dura ah oo geelu leeyahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dharbaaxayn
m.dh la-mid: dharbaaxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dharbaaxayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, dharbaaxo la dhicid,
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haldhabaale
-ha: (magac, lab, keli) shey kolba hal u qaadasho. Dh: halhalaysi, haldhable.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Guudahaaneyn
Generalization
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siidhiwalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ciyaar iyo wixii la mid ah, cidda dheelaysa firinbi u qaban; dhexdhexaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suulgorayayn
m.dh la-mid: suulgoranyayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afdhuubaalayn
-ta: (magac, dhedig, keli) si geelu u ordo kolka uu dhergo oo aan durduro ahayne, inta uu luqunta raariciyo uu aad u ordo. Nirguhu baarqabka ayay afdhuubaalaynta kaga daydaan. Dh: afdhuubaalays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buunshabaxsan
(tilmaame) la kala goolabay oo si fiican u hufan. Hadhuudh buunshabaxsan ayaa gorow la liga dhigay. Dh: buushibaxsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suulgoranyayn
m.f.dh eeg suulgoranyee. la-mid: suulgorayayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guurabahallayn
-ta: (magac, dhedig, keli) guure habeennimo gal; habeenkii oo sida bahalaha dhul cidlo ah la guuro. Guurabahallayn baan xalay ku tagay meel fog. Dh: guure, guuragal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buunshabaxsanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) hadhuudh iyo wixii la mid ah oo buushigii laga saaray. Dh: buunshabaxsanaansho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aan dhammaanayn
(adj) infinite (infinit); not ending ~ aan xad lahayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buunshabbaxsanaan
m.f.dh eeg buunshabbaxsan. la-mid: buunshabbaxsanaansho.