suufinimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suufinimo
-da: (magac, dhedig, keli) suufi ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Suufinnimo
(Suufinnima-da)
Suufi ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suufinnimo
m.dh Suufi ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
suufinnimo
f. n. state of being a Sufi
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
suufinnimo
de: state of being a Sufi
initial: s
lx: suufinnimo
pd: (/da)
ps: n0-f
key: suufinnimo
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
suxufinimo
-suxufinimada: (n) journalism (joor-naaliisim)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suxufinimo
-da: (magac, dhedig, keli) suxufi ahaan; qof suxufinimo ku shaqaysta ahaan. Suxufinimo ayaa loo tababbaray Dh: wariyenimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suxufinnimo
m.dh Suxufi ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
suxufinnimo
f. n., [abstract] journalism, being a journalist
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
suxufinnimo
de: journalism, being a journalist
initial: s
lx: suxufinnimo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: suxufinnimo
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shuucinimo
f. n., [abstract] communism
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shuucinimo
-shuucinimada: (n) communism (komo-n.-sim) ~ shuuciyad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shuucinimo
-da: (magac, dhedig, keli) shuuci ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shuucinimo
de: communism
initial: s
lx: shuucinimo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: shuucinimo
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
mistica
s.f. - suufinimo.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
misticismo
s.m. - suufinimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xayraan
(fal) qof xayraan ah noqo. Orod dibadahaa xayraan. Dh: maraatee.
xayraan -ka: (magac, lab, keli) qof fudfudud oo suufinimo ka muuqato waallina lagu tirin karin. Waxa noo yimid nin xayraan ah. Dh: maraate.
xayraan -ka: (magac, lab, keli) qof aan waxba haysan oo caydh ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buulinimo
-da: (magac, dhedig, keli) ahaanshaha caalim. Buulinimuu ku dhintay Boqorkii hore.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saafinimo
-da: (magac, dhedig, keli) saafi ahaan. saafir-ka: (magac, lab, keli) qofka meel u safraaya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muuminnimo
m.dh la-mid: mu'minnimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muuminnimo
-da: (magac, dhedig, keli) mu'min saafi ah ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saafinnimo
m.dh Saafi ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shuftanimo
m.dh (taar.) Dagaalyahan ee dagaallamaaya oo ka mid ah ciidan aan rasmi ahayan, ee ka soo horjeeda ciidamada dawladda iyo booliska; jabhad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sufihinimo
-da: (magac, dhedig, keli) sufihi ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buufimo
(Buufima-da)
Qalab ka samaysan kolay harag ah: kolkii kor loo qaado neef baa ka buuxsanta, kolkii hoos loo dhigona, xoog baa neeftii afkiisa uga soo baxdaa; dabkaa lagu afuufaa oo lagu shidaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buufimo
m.dh (-ooyin, m.l) Qalab maqaar ka sameyn, bixiya neef badan, leh qaab laba sibraar oo hal af wadaaga, labada dacal ee kalena ku leh meelo gacanta lagu qabsado oo tumaaluhu dabka ay biraha ku farsameyaan ku qaxiyaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
buufimo
m.dh (-ooyin, m.l) Qalab maqaar ka sameyn, bixiya neef badan, leh qaab laba sibraar oo hal af wadaaga, labada dacal ee kalena ku leh meelo gacanta lagu qabsado oo tumaaluhu dabka ay biraha ku farsameyaan ku qaxiyaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buufimo
f. n. bellows
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
buufimo
-buufimada: (n) [plural of buufin] bellows (beelowis)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buufimo
-da: (magac, dhedig, keli) walax neefi ka buuxdo oo foocsan. Buufimo ciidaha carruurtaa ku ciyaarta. Dh: biiqbiiq.
buufimo-da: (magac, dhedig, keli) agab birmaalku dabka ku buufiyo, harag adhi ama wax kale ka samaysan, gudo hawadu gasho leh neefi ka buuxsanto, marka dib loo kala bixiyo neefta qaadata, horay marka loo riixana neeftu ka baxdo, labo ka kooban, labada gacmood lagu darandoorriyo, afka hore bir dabka loo geliyo hawada dabka ku sii daysa. Buufimo harag idaad baa leh. Dh: buufin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buufimo
de: bellows
lx: buufimo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: buufimo
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sabinimo
-sabinimada: (n) infancy (in-fansi)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabinimo
-da: (magac, dhedig, keli) sabi ahaan; sebi ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suunniyo
-da: (magac, dhedig, keli) lafaha qaansaysan oo il walba korkeeda ku yaal, timaha ka baxa ama ku yaal. Dh: suunnayaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suuxdimo
m.l la-mid: suuxdin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuxdimo
-ha: (magac, lab, keli) miyirbeel lala dhaco; sarco; suuxdin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tuugnimo
m.dh Tuug ahaansho. la-mid: tuugannimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuugnimo
-da: (magac, dhedig, keli) tuugo ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuurnimo
-da: (magac, dhedig, keli) xuur ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuugnimo
-da: (magac, dhedig, keli) lexjecla xumi ay bakhaylnimo ku jirto. Yuugnimadu waa ceeb. Dh: bakhaylnimo. Li: deeqsinimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dullinimo
m.dh Dulli ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dullinimo
f. n., [abstract] degradation, state of reduced dignity
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dullinimo
-dullinimada: (n) disgrace (dis-gareeys); infamy (in-fami), humility (hiyuu-militi)-, humiliation (hiyuumili-yey-shin), degradation (deg-ri-deey-shiri) ~ dulli
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dullinimo
de: degradation, state of reduced dignity
lx: dullinimo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: dullinimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sakhinimo
-da: (magac, dhedig, keli) sakhi ahaan. sakhir: (fal) fududee oo dhib yaree. Nimanku waxay noo sakhireen sidii aanu ku iman lahayn magaalada. Dh: fudaydi, sahal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sikhinimo
-da: (magac, dhedig, keli) deeqsi ahaan, deeqsi-nimo. Sikhinimo ayuu u dhashay wiilku. Dh: faxalnimo. Li: bakhaylnimo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
subaxnimo
f. n. in the morning
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
subaxnimo
-subaxnimada: (n) mornings (moorningis)-, early part of the day ~ subixii
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
subaxnimo
-da: (magac, dhedig, keli) subax ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
subaxnimo
de: in the morning
initial: s
lx: subaxnimo
pd: (/da)
ps: n-f-time
key: subaxnimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuuganimo
-da: (magac, dhedig, keli) tuugo ahaan, qofka shaqo ka dhigta in uu wax xado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tuulanimo
-da: (magac, dhedig, keli) tuulo ahaan, dugaanka aan magaalada ahayn ee ka yar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duuliyanimo
f. n., [collective] aviation
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duuliyanimo
de: aviation
lx: duuliyanimo
pd: (/da)
ps: n6-f-col
key: duuliyanimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faduulinimo
-da: (magac, dhedig, keli) edebdarro cid lagula kaco; daandaansi iyo gardarro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuundinnimo
-da: (magac, dhedig, keli) wastaad guryaha dhisa ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shufeernimo
-da: (magac, dhedig, keli) shufeer. ahaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shuftannimo
m.dh (taar.) Dagaalyahan ee dagaallamaaya oo ka mid ah ciidan aan rasmi ahayan, ee ka soo horjeeda ciidamada dawladda iyo booliska; jabhad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaafirnimo
-da: (magac, dhedig, keli) diinta Islaamka oo laga baxo; gaalnimo la caddaysto. Li: Muslinimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kufrinnimo
m.dh Kufri ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Masuugnimo
(Masuugnima-da)
Masuug ahaan; muudalnimo; dhabcaalnimo; bakhaylnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masuugnimo
m.dh Bakhaylnimo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
masuugnimo
f. n., [abstract] miserliness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masuugnimo
-da: (magac, dhedig, keli) wax bakhay! ah ahaansho. Masuugnimo maal ma kaydiso. Dh: bakhayinimo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
masuugnimo
de: miserliness
lx: masuugnimo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: masuugnimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masuulnimo
-da: (magac, dhedig, keli) masuul ahaan; xilkas ahaan; xilkasnimo. Masuulnimadu waa hibo iyo aqoon. Dh: madaxnimo, xilkasnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mu'dinnimo
m.dh Nafley mu'di ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mu'minnimo
m.dh Mu'min ahaansho. la-mid: muuminnimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mu'minnimo
-da: (magac, dhedig, keli) mu'min ahaan xumaan oo dhan laga reebnaado wanaag oo dhanna lala yimaad. Mu'minnimadu waa derejo weyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mufsidnimo
(Mufsidnima-da)
Mufsid ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mufsidnimo
m.dh Mufsid ahaansho (qof).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mufsidnimo
f. n. immorality
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mufsidnimo
-da: (magac, dhedig, keli) xumawade wax fasahaadiya oo mufsid ah ahaan. Mufsidnimo Ilaahay baa laga baryaa. Dh: sharwadenimo. Li: muslixnimo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mufsidnimo
de: immorality
lx: mufsidnimo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: mufsidnimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muhiimnimo
m.dh la-mid: muhimnimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muhiimnimo
-da: (magac, dhedig, keli) wax muhiim ah oo qiimo weyn ku fadhiya ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mulxidnimo
m.dh (dii.) Mulxid ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mulxidnimo
-da: (magac, dhedig, keli) gaalnimo aan wax diin ah la haysan; diinlaawenimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muslinnimo
(Muslinnima-da)
Muslin ahaansho; Islaannimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muslinnimo
m.dh (dii.) Muslin ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muslinnimo
f. n., [abstract] state of being a Muslim
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Muslinnimo
-da: (magac, dhedig, keli) Muslin ahaan. Muslinnimadu waa af iyo uur. Dh: Islaanimo. musmaar: (fal) musbaar meel ku taag. Kadarka gidaarka ku musmaar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muslinnimo
de: state of being a Muslim
lx: muslinnimo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
xe: Drinking alcoholic beverages is un-Muslimlike.
xv: Khamri cabiddu Muslinnimo ma aha.
key: muslinnimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaafilnimo
-da: (magac, dhedig, keli) qaafil ahaan. Qaafilnimo waa Alla u dhalin. Dh: maahaysnimo, oodannimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quxuubnimo
m.dh Quxuub ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quxuubnimo
-da: (magac, lab, keli) quxuub ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rasuulnimo
(Rasuulnima-da)
Rasuul ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rasuulnimo
m.dh Rasuul ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rasuulnimo
f. n. prophethood
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rasuulnimo
-rasuulnimada: (n) prophethood (poro-fit-huud)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rasuulnimo
-da: (magac, dhedig, keli) Rasuul ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rasuulnimo
de: prophethood
lx: rasuulnimo
pd: (/da)
ps: n0-f
key: rasuulnimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saaxibnimo
-da: (magac, dhedig, keli) saaxiibbo ahaansho, saaxiibbo noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saaximnimo
-da: (magac, dhedig, keli) saaxir ahaan; saaxir noqoshada. Saaxirnimo ayuu ka dhigay shaqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saaxirnimo
(Saaxirnima-da)
Saaxir ahaan; sixir aqoon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saaxirnimo
m.dh Saaxir ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saaxirnimo
f. n., [abstract] black magic, voodoo; state of being a wizard ~ magician
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saaxirnimo
-saaxirnimada: (n) magic (maa-jik); enchantment (en-jaant-ment); magic arts; bewitchery
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saaxirnimo
de: black magic, voodoo; state of being a wizard ~ magician
initial: s
lx: saaxirnimo
pd: (/da)
ps: n6-f-abs
key: saaxirnimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saqiirnimo
m.dh Saqiir ahaansho. la-mid: siqiirnimo.