suuf-duur
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SUUF-DUUR
(Suf-dur) C Gossypium somalense (Guerke) J.B.Hutch. Malvaceae.
S,C Pavonia propinqua Garcke. Malvaceae.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
SUUFDUUR
Gossypium somalense 01
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duudduur
duudduur¹: m.l 1. Qarinta wax la qariyo. 2. Si kooban oo hadal loo sheego. 3. Laalaabanka maro iyo wixi lamida yeeshaan.
duudduur²: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Maro iyo wixi lamida laalaab u yeelid. 2. Wax runtooda qarin. 3. Hadal si kooban u sheegid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duurduur
(fal) macno la'aan iska socsoco oo meelahaa kolba dhan u wareeg. Dh: warwareeg, meermeer.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suursuur
-ta: (magac, dhedig, keli) meel cidhiidhyoon; saymo; cidhiidh.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SUUFI-SUUFI
(Sufi-sufi) May Triumfetta actinocarpa S. Moore Tiliaceae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DUBAN-DUUR
(Duban-dur) N Lasiurus scindicus Henr. Gramineae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuud-dhuug
m.l Bushinta hoose meesheeda godan oo timaha yari ka baxaan.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
KURUS-TUUR
(Gurus-tur) C Barleria argentea Balf.F. Acanthaceae.
C Megalochlamys linifolia (Lindau) Lindau. Acanthaceae.
C Ecbolium viride (Forsk) Alston. Acanthaceae.
C Pantanisia microphylla (Franch)Chiov. Rubiaceae
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sufuul
m.dh la-mid: suful.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sufuul
-sha: (magac, dhedig, keli) meel aan doog lahay oo abaar ah. Dh: abaar. Li: barwaaqo, doog.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suquur
(fal) hurdo gataati'dhac ah seexo, gal.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SURUUR
(Surur) C Maytenus obbiadensis (Chiov.) Cuf. Celastraceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Suxuur
(Suxuur-ta)
Bisha soonqaad, cunnada dadka sooma hayaa cunaan intaan waagu caddaan; hiraab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suxuur
m.dh Bisha soonqaad cuntada dadka soomaa cunaan marka waagu soo dhowyahay; hiraab.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
suxuur
-ta: (n) the midnight meal eaten by a fasting person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suxuur
-ta: (magac, dhedig, keli) bisha soonqaad, cunnada dadka soomayaa cunaan intaanu waagu caddaanin. Suxuurtu waa sunna adag. Dh: hiraab.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
suxuur
bw: Arabic
de: pre-dawn meal eaten during the Ramadan fast
initial: s
lx: suxuur
pd: (-ta)
ps: n-f
key: suxuur
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Durduur
(Durduur-ta)
(biyo kd.) aan hadba loo soo qatimin ama aan loo soo dheregdhacsane layska dhacayo oo aan afka laga qaadayn; rakaad isku dhowdhow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
durduur
durduur¹: m.dh 1. Rakaad. 2. Ladaab. 3. Biyo la siiyo neef hore u cabbay.
durduur²: f.g1 (-ray, -rtay) Xoolo hore u cabbay biyo ay ku noq-noqdaan siin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
durduur
f. n. drinking in one draught (without pausing for breath)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
durduur
-ta: (magac, dhedig, keli) labo goor noqodka biyaha ee xoolaha.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
durduur
de: drinking in one draught (without pausing for breath)
lx: durduur
pd: (-ta)
ps: n0-f
key: durduur
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
duuduub
-ka: see [eeg] duudduub
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duuduub
(fal) wax fidsanaa, isku laallaab.
duuduub -ka: (magac, lab, keli) isku laallaabnida wax fidsanaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shucuur
m.l/dh Dareen; qiiro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shucuur
m.l/dh Dareen; qiiro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shucuur
f. n., [abstract] sentiment, feelings; sensitivity, awareness, perception
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shucuur
-ta: (magac, dhedig, keli) dareenka ku dhasha qofku markuu la kulmo wax naxdin ama farxad leh.
shucuur -ta: (magac, dhedig, keli) garashada oogada qofka iyo saamaynteeda; dareen.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shucuur
bw: Arabic
de: sentiment, feelings; sensitivity, awareness, perception
initial: s
lx: shucuur
pd: (-ta)
ps: n-f-abs
key: shucuur
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suqduud
-ka: (magac, lab, keli) surin ka mid ah suuqyada dhisan ee magaalada; luuq.
suqduud -ka: (magac, lab, keli) wadada yar ee dhuuban. Dh: surunsuur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sursuur
(Sursuur-ta)
Meel ciriiryoon ama halis ah; dhudhub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sursuur
m.dh (-ro, m.l) Marin ciriiri ama halis ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sursuur
f. n. dangerous narrow passage; dangerous adventure, peril
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sursuur
-ta: (magac, dhedig, keli) meel cidhiidhyoon ama halis ah; meel la maro oo aad u cidhiidhi ah oo labo dhinac xas ama gidaar ka xigo. Ha gelin sursuur oodan. Dh: dhudhub, luuq.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sursuur
cf: dhudhub, surin
de: dangerous narrow passage; [ext.] dangerous adventure, peril
initial: s
lx: sursuur
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: sursuur
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Suuf-ka
laine.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buufbuuf
m.l (-fyo, m.dh) Dugaagad dahab ama qalin ka samaysan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
buufbuuf
m.l (-fyo, m.dh) Dugaagad dahab ama qalin ka samaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buurbuur
m.l 1. Barar; higaag. 2. (u) Wax farabadan; tubaalo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
buurbuur
m.l 1. Barar; higaag. 2. (u) Wax farabadan; tubaalo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buurbuur
m. n. swelling, lump; heaps ~ piles (of), lots
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buurbuur
-ka: (magac, lab, keli) streitotrichosis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
buurbuur
de: swelling, lump; [col] heaps ~ piles (of), lots
lx: buurbuur
pd: (-ka)
ps: n-m
key: buurbuur
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuurcuur
m.l Socoshada gaar ah haweeney gaboobtay oo butucsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duubduub
duubduub¹: m.l la-mid: duudduubid.
duubduub²: f.g1 (-bay, -btay) la-mid: duudduub².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duudduub
(Duudduub-ka)
1. Dhawr jeer isku duub; isku laablaab; canyayuub; haryuub.
2. Guudmar; (ama duubduubid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duudduub
duudduub¹: m.l la-mid: duudduubid.
duudduub²: f.g1 (-bay, -btay) 1 . Dhawr jeer isku duubid; isku laablaabid; canyayuubid; haryuubid. 2. Guudmarid. la-mid: duubduub².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
duudduub
f.g1 (-bay, -btay) 1. Dhawr jeer isku duubid; isku laablaabid; canyayuubid; haryuubid. 2. Guudmarid. m.f.dh, duudduubid. la-mid: duubduub.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duudduub
v. wrap up (package); fold, coil; wave, curl (hair)
duudduub vl. n. act of wrapping, coiling ~ repeatedly folding
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
duudduub
-ka: (n) 1. wrinkle (rinkal) ~ canyayuub, laalaab. 2. —duu-
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duugduug
(Duugduug-ga)
Duugid badan ama dheer.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duugduug
v. bury many people ~ things; bury deep
duugduug vl. n. multiple burials; burying deep
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duugduug
(fal) duug oo gacanta kolba dul marmari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duulduul
(Duulduul-ka)
Hadba meel u duul; hadba meel ku dhac; boodbood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duulduul
duulduul¹: m.l 1. Fudayd iyo wax ka fiirsasho la'aan cidi ku sifoowdo. 2. la-mid: duulduulid.
duulduul²: f.mg1 (-uulay, -uushay) Fudayd iyo wax ka fiirsasho la'aan ku kicid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
duulduul
duulduul¹: m.l Fudayd iyo wax ka fiirsasho la'aan cidi ku sifoowdo.
duulduul²: f.mg1 (-uulay, -uushay) Fudayd iyo wax ka fiirsasho la'aan ku kicid. m.f.dh, duulduulid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duulduul
v. fly around
duulduul vl. n. flight
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
duulduul
-ay I duulduushay: (v) fly around
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duulduul
-ka: (magac, lab, keli) dhaqdhaqaaqa baalalleyda.
duulduul-ka: (magac, lab, keli) wax dheeftiisu aanay ku soo wada gaarin laakiin wax yari kaa soo gaaro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guurguur
(fal) kolba guuri; hayaanka badi; marba geeddi gal. Li: degganaw; nagaw.
guurguur -ka: (magac, lab, keli) kolba guuris; hayaan badni; meel ku ekaansho la'aan; ra'yi beddelid. Guurguurka iska daa oo meel uun degganaw. Li: degganaasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Luufluuf
(Luufluuf-ka)
Wax hoog ku dhacay oo kala lunlumay; baabba'; le'ad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
luufluuf
luufluuf¹: m.l.u Wax ka soo hara wax dhammaaday ama kala jajabay.
luufluuf²: f.mg1 (-fay, -ftay) 1. Weel iyo wixi lamida dildillaacid. 2. Wax baabi'id.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
luufluuf
m.l.u Wax ka soo hara wax dhammaaday ama kala jajabay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
luufluuf
m. n. collection of fragments ~ pieces; unstable person
luufluuf v. be smashed to bits, disintegrate
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
luufluuf
-ka: (magac, lab, keli) hoog iyo habqan. Dh: baaba', le'ad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suuldaar
suuldaar¹: m.l 1. Xiridda hal godlan weyday suulka laga xiro si ay u godlato. 2. eeg qonof. 3. la-mid: suuldaarid.
suuldaar²: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Cid jillaafayn. 2. Hal godlan weydey suulka ka xirid si ay u godlato.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuldaar
(fal) lug u dhig si uu u dhaco, ama suulka qodin yar ugu xir xaadaan yar dul dhig dabadeena olol la qabadsii ruuxa oo hurda. Suuldaar ha dhacee. Dh: qonof.
suuldaar-ka: (magac, lab, keli) lug u dhigis si uu u dhaco ama suulka qodin yar ugu xirid xaadaan na dul dhigis dabadeena olol la qabadsiin ruuxa oo hurda. Dh: qonof.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Suuldaar
Bir yar ee lagu wadaaliyo farta iyo suulka sida suuldaarka qaydaha qarada, kan moolasha iwm.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suunsuun
(fal) munuus oo sidii ay wax urinaya u Socsoco. Meelahaa suunsuun haddaad waalan tahay. Dh: munuus.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
COWS-DUUR
(Os-dur) S Schizachyrium kelleri (Hack) Stapf. Gramineae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
GEED-DUUR
(Ged-dur) S Lawsonia inermis L. Lytheraceae.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
suffoquer
suffoquer, v. - neef-qabatow; cabbudhid; cabbudhaad
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SUUF-YARE
(Suf-yare) May Gomphocarpus fruticosus (L) R.Br. Asclepiadaceae.
S Ipomoe sp. Convolvulaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suxulduub
suxulduub¹: m.l 1. Orod gaaban oo gacmuhu laaban yihiin oo la ordo. 2. la-mid: suxul-duubid.
suxulduub²: f.mg1 (-bay, -btay) 1. Iyadoo gacmuhu laaban yihiin ordid. 2. U s.: wax qabashadooda u ordid. la-mid: xusulduub².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suxulduub
-ka: (magac, lab, keli) arrin ku dadaalid
suxulduub -ka: (magac, lab, keli) dadaal oo orod badan u gelid wax heliddood. Xusulduub dheer baan u galay baadidoonka geela. Dh: guclo.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SUUF-DHANAA
(Suf-dana) N Pergularia daema (Forsk) Chiov. Asclepiadaceae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SUUF-JAREER
(Suf.gerer) S Ipomoea paolii Chiov. Convolvulaceae.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SUUF-XARIIR
(Suf-harir) S Ceiba pentandra (L) Goertn. Bombaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suxulbaruur
-ta: (magac, dhedig, keli) naagta da' dhexaadka ah.