surmaseegto
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
surmaseegto
m.dh la-mid: sarmaseegto.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Surmaseegto
Inconsistent equations
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
surmaseegto
-da: (magac, dhedig, keli) wax la goynayay oo la rabay in nabarradu ku egaadaan barta goynta oo la la gegefo ama waawaayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sarmaseegto
(Sarmaseegta-da)
Wax la goynayey, oo la rabey in nabarradu meesha la goynayo keliya ku dhacdhacaan, oo lala waawaayo, lala gefgefo, hadba meel hor leh lagu dhufto; (ama surmaseegto).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarmaseegto
m.dh Nabar meeshii lala rabay lala waayo oo meel kale lagu dhufto. la-mid: surmaseegto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sarmaseegto
vl. n. missing the right spot when making an incision
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarmaseegto
-da: (magac, dhedig, keli) la gefidda wax la goynayey, oo la rabay in nabarradu meesha la goynayo oo keliya ku dhacaan oo aan meeshii lala heline, hadba meel hor leh lagu dhufto. Dh: sarmaseegtayn, surmaseegto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sarmaseegto
de: missing the right spot when making an incision
initial: s
lx: sarmaseegto
pd: (/da)
ps: vn-f
key: sarmaseegto
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
surmaseegtee
f.g2 (-teeyay, -taysay) la-mid: sarmaseegtee.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Inconsistent equations
Surmaseegto
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
surmaseegtayn
m.dh la-mid: sarmaseegtayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarmaseegtee
f.g2 (-teeyay, -taysay) Sarmaseegto samayn. la-mid: surmaseegtee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sarmaseegtee
v. miss the right spot when making incisions in order to bleed a patient
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sarmaseegtee
de: miss the right spot when making incisions in order to bleed a patient
initial: s
lx: sarmaseegtee
pd: (sarmaseegteeyey)
ps: v2b=
key: sarmaseegtee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarmaseeg
-ga: (magac, lab, keli) wax aad goynayso oo aad kolla la hesho kolla la weydo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sarmaseegtayn
(Sarmaseegtayn-ta)
Si sarmaseegto leh wax u goyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarmaseegtayn
m.f.dh eeg sarmaseegtee. la-mid: surmaseegtayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarmaseegtayn
-ta: (magac, dhedig, keli) si sarmaseegto leh u goyn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bukaan eegto
-eegtada: (n) clinic (kilinik)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
burmasho
-da: (magac, dhedig, keli) u gurmashada cid dhib haysato. Burmasho haddaannu ka waynay bannaanka hannaga maraan. Dh: gurmasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
furmaato
m.dh Heshiis dhexmara laba qolo oo dagaallansan si aysan isaga layn maxaabiista dagaalka ay ku kala qabsadeen.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
furmaato
m.dh Heshiis dhexmara laba qolo oo dagaallansan si aysan isaga layn maxaabiista dagaalka ay ku kala qabsadeen.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furmaato
-da: (magac, dhedig, keli) heshiis dhex mara labo dhinac oo ku salaysan in dagaalka la joojiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
furmasho
m.f.dh eeg furmo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furmasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax xidhnaa furasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gurmasho
(Gurmasha-da)
Meel dhiillo laga keenay ama shil weyni ka dhacay, degdeg ciidan ugu dirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurmasho
m.f.dh eeg gurmo. la-mid: gurmad (4).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gurmasho
vl. n. act of rushing to the rescue
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gurmasho
-da: (magac, dhedig, keli) meel dhiillo ama wax kale ka dheceen taageero degdeg ugu dirid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gurmasho
a: gurmad
de: act of rushing to the rescue
lx: gurmasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: gurmasho
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rooseeto
f. n., (mass n.): lipstick
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rooseeto
-rooseetada: (n) lipstick (lip-isteeik) xamuurad
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rooseeto
de: lipstick {It}
lx: rooseeto
pd: (/da)
ps: n6-f-mass
key: rooseeto
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
summadee
v. brand (livestock)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
summadee
-yey / summadeysay: (v) mark (maark); brand (baraan); make a mark
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
summadee
de: brand (livestock)
initial: s
lx: summadee
pd: (summadeeyey)
ps: v2b=tr
key: summadee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wareegto
* (Wareegta-da)
Warqad, inta la badiyo, isku kol, dad badan ama xafiisyo badan loo qaybiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wareegto
wareegto¹: m.dh (-ooyin, m.l) Warqad arrin gaar ah ka hadlaysa, gaarta meelo badan oo la rabo in si degdeg ah loo fuliyo.
wareegto²: m.dh Ciyaar ragga u gaar ah oo laga yaqaan Shabellada Dhexe iyo Shabellada Hoose, asalkeeda horana ciyaar dagaal ayay ahayd.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
wareegto
m.dh (-ooyin, m.l) Warqad arrin gaar ah ka hadlaysa, gaarta meelo badan oo la rabo in si degdeg ah loo fuliyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wareegto
f. n. circular (letter), official memorandum
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wareegto
-wareegtada: (n) an official announcement; circular; communique (kom-yuni-keey); an official memorandum (mema-raan-dham); Ex: wareegto ka soo baxday xaafiiska madaxweynaha; a communique [circular] from the president's office
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Wareegto
Circolare
Circular
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wareegto
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo nool oo ciidammada duullaanka ahi ay sahay ahaan u kaxaystaan.
wareegto -da: (magac, dhedig, keli) warqad dawladeed oo inta la badiyo xafiisyo badan loo qaybiyo oo xambaarsan amar ka soo baxa qof masuul ah oo cid xil lagaga qaadayo ama cid xil loogu magacaabayo. Wareegto ayuu madaxwaynuhu soo saaray uu ku magacaabay taliye cusub. Dh: go'aan, qaraar.
wareegto: mid ka mid ah ciyaaraha Soomaalida oo caan ka ah gobollada Shabeellada Dhexe iyo Banaadir; ciyaartan waxa lagu ciyaaraa qalabka shambal iyo kooro miraayo ah oo geedo laga qoray, gaashaan, waran, toorrey saddex gees ah, tusbax yusur ah oo urfo leh, kabo saan ah, cabaadhyo ama kuul la shakaasho, jijimo ama jililiqyo iyo xirsi makaraana ah oo aleelo lagu sharraxay.
wareegto-da: (magac, dhedig, keli) kaalaysi kolba qof u wareega oo ah dhib ama dheef la qaybsado. Ilaalinta xaafaddu waa wareegto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wareegto
de: circular (letter), official memorandum
initial: w
lx: wareegto
pd: (/da)
ps: n6-f
key: wareegto
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farageeto
-da: (magac, dhedig, keli) qaaddada faraha leh ee lagu cuno baastada. Dh: malqaacad, shawkad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurmaggoo
f.g2 (-ooyay, -ooysay) Geed iyo wixi lamida salka ka goyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kulmiseeg
-ga: (magac, lab, keli) dhibta uu keeno isbeddelka wiilka isha ku dhaca oo ah in ay isha ku adkaato aragga fiicani.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
surpasser
surpasser, v. - badin ; dheeliyid; xad-dhaaf
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suunjeego
-ha: (magac, lab, keli) suunka heensaha ku xidhan. Suunjeego ayaanu lahayn farasku.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sun abeeso
f. n. snake venom
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sun_abeeso
de: snake venom
initial: s
lx: sun abeeso
ps: np-f
key: sun_abeeso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garmalleyto
(Garmalleyta-da, Garmalleyta-ha)
Ragga aan garku ka soo bixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garmalleyto
m.l/dh Nin weyn oo aan gar u soo bixin. la-mid: garmalleyti.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garmalleyto
m. n. beardless adult, man with no facial hair
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garmalleyto
de: beardless adult, man with no facial hair
lx: garmalleyto
nt: garmalleyto (/da) [col]
pd: (/ha)
ps: n6-m
key: garmalleyto
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soomajeeste
-ha: (magac, lab, keli) qofka geesiga ah ama halyayga ah. Dh: naftiihure, geesi. Li: fulay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carrab'eegato
-da: (magac, dhedig, keli) garnaqidda oo laga dhaqaaqo hadalka muducigu yidhaa oo keliya oo wixii carrabkiisa ka soo baxa uun wax loogu qabto oo loogu garqaado. Guddidu waa carrab'eegato oo nin dacwaddiisa iska dhimay uma buuxiso.