surbacadid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
surbacadid
-da: (magac, dhedig, keli) haraadid oo bacad joogid. Surbacadidda badan maxaa kuugu wacan maad biyo doonatid. Dh: haraadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
surbacaadid
m.f.dh eeg surbacaad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
surbacadi
(fal) dad iyo wixii la mid ah haraado oo bacadjooji. Surbacadi dadka oo dhan. Dh: harraadi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
surbacad
m.l la-mid: surbacasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
surbacaad
surbacaad¹: m.l Rafaad; dhibaato.
surbacaad²: f.mg1 (-day, -dday) Rafaad la kulmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
surbacaad
-ka: (magac, lab, keli) rafaad; dhibaato.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
surbacaadka
(magac, lab, keli) harraad aad udaran. Surbacaad ayaa loo dhamaaday. Dh: surmi. Li: cokanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muraadid
(Muraadid-da)
Muraad (u) yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muraadid
m.f.dh eeg muraad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muraadid
-da: (magac, dhedig, keli) wax u qasdiyid oo dan yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saraadid
(Saraadid-da)
Saadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saraadid
m.f.dh eeg saraad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saraadid
-da: (magac, dhedig, keli) ka sii sheeg wax inta uuna dhicin, wax dhici doona timaadda sii sheeg. Dh: saadid, saadis, saadaalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siraadid
(Siraadid-da)
Siraad daarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siraadid
m.f.dh eeg siraad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siraadid
-da: (magac, dhedig, keli) siraad daarid, shidid, shidid ama noolayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
surbicid
m.f.dh eeg surbac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sirgacamid
m.dh la-mid: sirgaxmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
surbacasho
m.f.dh eeg surbaco. la-mid: surba-cad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
surbacasho
-da: (magac, dhedig, keli) haraad badan oo qorax lajoogo. Subacasho badan ayaan kala kulanay meesha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suurtagalid
-da: (magac, dhedig, keli) wax caqliga gali kara ahaansho. Hadal suurtagalid u dhaw ayaa uu nagu yidhi odaygu. Dh: hirgalid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abaadid
(Abaadid-da)
(ku abaadid) ku daa'imid, ku waarid, ku ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaadid
m.f.dh eeg abaad². la-mid: abaad¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaadid
-da: (magac, dhedig, keli) duugowga iyo dabargo'a tilmaamaya baabi'idda wax jiray. Dh: goofid, gaboobid, raagid, duugoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furaadi
(fal) xal u hel. Adaa falaye furaadi. Dh: maaree, maaroodi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muraadi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Cid muraad u qumin. 2. Ducayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muraadi
(fal) faal, cuud, foox iyo wax la mid ah samee. Gabadhu muraad bay leedahaye u muraadi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saraadi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax dhici doona mala-awaalid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saraadi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax dhici doona mala-awaalid. m.f.dh, saraadin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saraadi
-yey I say: (v) predict (prid-ikt); foretell (foorteel) foresee (foorsii); forecast (foor 'kaast); prognosticate (porognaastikeeyt) ~ saadi, saadaali
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
surbaco
f.g3 (-cday, -catay) Cid wax ka sirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
umaadid
m.f.dh eeg umaad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
umaadid
-da: (magac, dhedig, keli) dhimashada ama geerida.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buraaqid
-da: (magac, dhedig, keli) yeedhidda dhawaaq aad u weyn. Markay buraaqidda suurtu yeedhoo, ballankii Rabbi gaadho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cabaadid
(Cabaadid-da)
Cabaad soo saarid; qaylin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabaadid
m.f.dh eeg cabaad². la-mid: caabad¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabaadid
-da: (magac, dhedig, keli) cabaad soo saarid; qaylin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
curaarid
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo carbuunid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duraabid
m.f.dh eeg duraab².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garbacad
m.dh 1. Shilin cudurro badan xoolaha u keenta oo korka ku leh baro caddaan ah. 2. la-mid: curdaalo. Roob bilow ah cordaalo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garbacad
-da: (magac, dhedig, keli) shilin cudurro badan xoolaha u keenta oo korka ku leh baro caddaan ah. Dh: curdaalo.
garbacad-da: (magac, dhedig, keli) roob bilow ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gumaadid
m.f.dh eeg gumaad². la-mid: gumaad¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gumaadid
-da: (magac, dhedig, keli) si kala sooc la'aan ah u layn. Dh: gumaad, baabi'in, xasuuqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jibaadid
(Jibaadid-da)
Xoog u reemid; aad u taahid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jibaadid
m.f.dh eeg jibaad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jibaadid
-da: (magac, dhedig, keli) taahid oo xanuun ama ciil la reemid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muraadin
m.f.dh eeg muraadi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murgacad
m.l la-mid: murgucasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murgacad
-ka: (magac, lab, keli) jabid laftu jabin laakiin seedaha iyo muruqyadu wax noqdaan oo xanuun kulul. Dh: murgacasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qunbacad
-ka: (magac, lab, keli) labakaclayn iyo dib u soo gocasho. Iga daa qunbacadka horaan u heshiinee. Dh: gocad.
qunbacad -ka: (magac, lab, keli) qufac soo noqnoqda. Qabawga ayaa carruurta qunbacadka ugu wacan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saacidid
m.f.dh eeg saacid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saacidid
-da: (magac, dhedig, keli) taageerid; caawinid; garabsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saraadin
m.f.dh eeg saraadi. la-mid: saraadis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saraadis
m.l la-mid: saraadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sibaagid
-da: (magac, dhedig, keli) dhar iyo wixii la mid ah sibaaq marin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siyaadid
(Siyaadid-da)
Siyaado ku darmid; kordhid; badasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siyaadid
m.f.dh eeg siyaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siyaadid
-da: (magac, dhedig, keli) siyaado ku darmid; soo kordhid; soo badasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Su'aalid
(Su'aalid-da)
Hadal la doonayo in wax lagu ogaado ama lagu helo, cid u jeedin, kula hadlid; wax weyddiin; waraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
su'aalid
m.f.dh eeg su'aal².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
su'aalid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal la doonayo in wax lagu ogaado ama lagu helo, weyddiin; ka waraysi; ka waraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
surucaad
-ka: (magac, lab, keli) naxdin wayn oo lala kici kari waayo. Surucaad ayaa helay jaamac waa uumaqanaya. Dh: qaracan. Li: riyaaq.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
SURURCAD
Lycium europaeum 001
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suusacid
m.dh la-mid: suusucid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
badbaadid
-da: (n) survival (sar vaay val); the act or process of surviving ~ badbaado
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badbaadid
-da: (magac, dhedig, keli) nabadgalka laga nabadgalo dhibaato iyo col. Badbaadidda lama gartee, Allow adu noo jidbixi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barbaarid
(Barbaarid-da)
Barbaar noqosho; korid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barbaarid
m.f.dh eeg barbaar³. la-mid: barbaaris.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barbaarid
-da: (magac, dhedig, keli) gaashaanqaad noqosho; barbaar noqosho. Dh: hanaqaadid, korid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buubaalid
m.f.dh eeg buubaal².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
curraafid
m.f.dh eeg curraaf³.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Curyaamid
(Curyaamid-da)
Curyaan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
curyaamid
m.f.dh eeg curyaan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
curyaamid
-da: (magac, dhedig, keli) curyaan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaxadid
m.f.dh eeg dabaxad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaxadid
-da: (magac, dhedig, keli) qof wax la isku ogaa dabamarid oo wax aanu raalli ka ahyn ku samayn. Dh: dabamarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garqaadid
(Garqaadid-da)
1. Gar niqiddeed gelid oo dad ama cid kale ku kala saarid; garsoorid; garniqid.
2. Hoggaamin; wadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garqaadid
m.f.dh eeg garqaad². la-mid: garqaad¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garqaadid
-da: (magac, dhedig, keli) garsoorid ama dhexdhexaadin; dacwad qaadis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gerqaadid
m.f.dh eeg gerqaad².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurracmid
m.f.dh eeg gurracan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Harraadid
(Harraadid-da)
Biyo la cabbo u baahasho; oomid; asqoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harraadid
m.f.dh eeg harraad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harraadid
-da: (magac, dhedig, keli) mid oomman oo harraaday ahaan. Dh: harraadis, asqoobid, oomis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hubqaadid
m.dh la-mid: hubqaadasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hubqaadid
-da: (magac, dhedig, keli) gaashaanqaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iraaradid
m.f.dh eeg iraarad².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jarmaadid
(Jarmaadid-da)
Arooryo hore socosho; kallihid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jarmaadid
m.f.dh eeg jarmaad. la-mid: jarmaadis², jermaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jarmaadid
-da: (magac, dhedig, keli) milay aroor hore ah, socdaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jermaadid
m.dh la-mid: jarmaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lugqaadid
m.f.dh eeg lugqaad².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maryaadid
m.f.dh eeg maryaad². la-mid: maryaad¹, meryaad¹, meryaadid, miryaad¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meryaadid
m.dh la-mid: maryaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miryaadid
(Miryaadid-da)
Wax miryaadaya noqosho; harjadid; werfid; haarid; (ama maryaadid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miryaadid
m.dh la-mid: maryaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miryaadid
-da: (magac, dhedig, keli) wax miryaadaya oo xanuun la waalan noqosho. Dh: werfid, harjedid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
murqaamid
m.dh la-mid: marqaamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
murqaamid
-da: (magac, dhedig, keli) mirqaan ku jirid. Jaadka ayaa murqaamidda keena.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
musbaarid
m.dh la-mid: musmaarid.