surbacaadid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
surbacaadid
m.f.dh eeg surbacaad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
surbacadid
-da: (magac, dhedig, keli) haraadid oo bacad joogid. Surbacadidda badan maxaa kuugu wacan maad biyo doonatid. Dh: haraadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
surbacaad
surbacaad¹: m.l Rafaad; dhibaato.
surbacaad²: f.mg1 (-day, -dday) Rafaad la kulmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
surbacaad
-ka: (magac, lab, keli) rafaad; dhibaato.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
surbacadi
(fal) dad iyo wixii la mid ah haraado oo bacadjooji. Surbacadi dadka oo dhan. Dh: harraadi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
surbacaadka
(magac, lab, keli) harraad aad udaran. Surbacaad ayaa loo dhamaaday. Dh: surmi. Li: cokanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
surbacad
m.l la-mid: surbacasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhambacaadid
m.f.dh eeg dhambacaad². la-mid: dhambacaad¹, dhambacaadis².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhambacaadid
-da: (magac, dhedig, keli) bogga dhulka ku qabasho. Dhambacaadidi is qarin maaha. Dh: dhabbacid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakaadid
-da: (magac, dhedig, keli) dillaaca waaga berigiisa; kaahidda waaberiga.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muraadid
(Muraadid-da)
Muraad (u) yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muraadid
m.f.dh eeg muraad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muraadid
-da: (magac, dhedig, keli) wax u qasdiyid oo dan yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rafaadid
(Rafaadid-da)
Dhib iyo rafaad arkid, la kulmid, mudasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rafaadid
m.f.dh eeg rafaad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rafaadid
-da: (magac, dhedig, keli) dhib iyo rafaad ku jirid. Rafaadid baa rajo keenta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ragaadid
(Ragaadid-da)
Ragaad (qodax) mudid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ragaadid
m.f.dh eeg ragaad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ragaadid
-da: (magac, dhedig, keli) cagta ka dhaawacmid. Geela ragaadidda waa laga dhawraa.
ragaadid -da: (magac, dhedig, keli) socon waayid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rakaadid
m.f.dh eeg rakaad². la-mid: rakaad¹, rakaadin, rakaadis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rakaadid
-da: (magac, dhedig, keli) marin oo xoolo cabbay dib darka ugu celin. Rakaadiddu lo'da way u fiican tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saraadid
(Saraadid-da)
Saadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saraadid
m.f.dh eeg saraad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saraadid
-da: (magac, dhedig, keli) ka sii sheeg wax inta uuna dhicin, wax dhici doona timaadda sii sheeg. Dh: saadid, saadis, saadaalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siraadid
(Siraadid-da)
Siraad daarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siraadid
m.f.dh eeg siraad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siraadid
-da: (magac, dhedig, keli) siraad daarid, shidid, shidid ama noolayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
surbicid
m.f.dh eeg surbac.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
surucaad
-ka: (magac, lab, keli) naxdin wayn oo lala kici kari waayo. Surucaad ayaa helay jaamac waa uumaqanaya. Dh: qaracan. Li: riyaaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hubqaadid
m.dh la-mid: hubqaadasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hubqaadid
-da: (magac, dhedig, keli) gaashaanqaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salbacaad
-ka: (magac, lab, keli) dhulka ciidda wacan ee la fadhiisan karo gogol la'aan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarracaad
-da: (magac, dhedig, keli) cirta leh caanaha weliba sida beerayada, maydiga, oo inta birta wax lagu sarco lagu dhufto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shahaadid
m.f.dh eeg shahaad².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaxaadid
(Shaxaadid-da)
Yaboohsasho; dawarsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaxaadid
m.f.dh eeg shaxaad². la-mid: shaxaad¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaxaadid
-da: (magac, dhedig, keli) shaxaad ka doonid, weyddiisad; wax weyddiisad; shaxaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Surrucaad
(Surrucaad-ka)
Naxdin weyn oo lala kalabbato; musaraar; muraaradillaac; qarracan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
surrucaad
m.l Naxdin weyn oo lala argag-gaxo; qarraacan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
surrucaad
m. n. shock
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
surrucaad
-ka: (magac, lab, keli) naxdin weyn oo lala kala bato: musaraar; muraaraddillaac; qarracan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
surrucaad
de: shock
initial: s
lx: surrucaad
pd: (-ka)
ps: n-m
key: surrucaad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ambaqaadid
m.f.dh eeg ambaqaad². la-mid: ambaqaad¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ambaqaadid
-da: (magac, dhedig, keli) hawl iyo wax la mid ah oo meel maraysey, halkii ka sii jaanqaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Anbaqaadid
(Anbaqaadid-da)
Meel ka qaadid, ka bilaabid, ka wadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabaqaadid
m.f.dh eeg dabaqaad². la-mid: dabaqaad¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabaqaadid
-da: (magac, dhedig, keli) qof wax ka dhacay ka dabaqaadid oo ka daba xadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faraqaadid
m.f.dh eeg faraqaad². la-mid: faraqaad¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabaraadid
m.f.dh eeg kabaraad². la-mid: kabaaradis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sakaraadid
(Sakaraadid-da)
Sakaraad noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sakaraadid
m.f.dh eeg sakaraad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sakaraadid
-da: (magac, dhedig, keli) sakaraad noqosho, xanuunka geerida. Dh: xaraarugid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saruqaadid
-da: (magac, dhedig, keli) waxbarasho ama dhaqaale, kor u qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sirgacamid
m.dh la-mid: sirgaxmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sulufaadid
m.f.dh eeg sulufaad².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
surbacasho
m.f.dh eeg surbaco. la-mid: surba-cad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
surbacasho
-da: (magac, dhedig, keli) haraad badan oo qorax lajoogo. Subacasho badan ayaan kala kulanay meesha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baryaqaadid
(Baryaqaadid-da)
Raabsasho, calalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baryaqaadid
m.f.dh eeg baryaqaad². la-mid: baryaqaad¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baryaqaadid
-da: (magac, dhedig, keli) gawska wax ku raamsad. Dh: baryaqaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carwasaadid
m.dh la-mid: calwasaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirbataagid
m.f.dh eeg cirbataag². la-mid: cirbataag¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cirbataagid
-da: (magac, dhedig, keli) inta cidhbaha la taago, faraha ku joogsad. Dh: cirbataagsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suubasalaaxid
m.dh la-mid: suubaansalaaxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suubasalaaxid
-da: (magac, dhedig, keli) sasabid iyo koolkoollin kula dhaqmid. Waa nin dabeecad xun oo suubaasalaaxid ayaan ku wadaa. Dh: sasabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhambacaadin
m.f.dh eeg dhambacaadi. la-mid: dhambacaadis¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhambacaadis
dhambacaadis¹: m.l la-mid: dhambacaadin.
dhambacaadis²: m.dh la-mid: dhambacaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guraabbaasid
(Guraabbaasid-da)
Hadal guraabbas ah, ku hadlid; guryamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guraabbaasid
m.f.dh eeg guraabbaas². la-mid: guraabbaas¹ (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gurdanraacid
(Gurdanraacid-da)
Gurdan yeeray iska raacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurdanraacid
m.f.dh eeg gurdanraac².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quraansaarid
m.f.dh eeg quraansaar².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shirjaraa'id
m.l Shir wargeysyada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shirjaraa'id
m.l Shir wargeysyada.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shirjaraa'id
m. n., [compound] press conference
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shirjaraa'id
-ka: (magac, lab, keli) qudbad uujeediyo qof masuula ah oo uu saxaafada isugu yeedho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shirjaraa'id
de: press conference
initial: s
lx: shirjaraa'id
pd: (-ka)
ps: n2a-m-cmp
key: shirjaraa'id
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taabbaqaadid
m.f.dh eeg taabbaqaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taabbaqaadid
-da: (magac, dhedig, keli) qof ama dad waddo ama hab ay arrin u marayn, u marid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wandhacaadid
-da: (magac, dhedig, keli) dhacadiid u jiifid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abqaadid
-da: (magac, dhedig, keli) geed meel ka biqlay, meel kale u rarid oo ku joojin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bacaadle
(Bacaadla-ha)
Geddislaha kudhacda wax ku iibsada; warato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bacramid
m.f.dh eeg bacran¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bacramid
-da: (magac, dhedig, keli) laftu marka ay jabto ee aanay burburin ama kala dhicin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badbadid
m.f.dh eeg badbad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badbadid
-da: (magac, dhedig, keli) biirbiirid oo kolba sii badasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bakaadis
-ta: (magac, lab, keli) dillaacidda waaga berigiisa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Banaadir
pr. n., loc. Benadir [region in south Somalia.]
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Banaadir
(n) Benadir; southern region of Somalia ~ Benaadir
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Banaadir
de: Benadir [region in south Somalia]
lx: Banaadir
ps: n0-loc
see: Benaadir
key: Banaadir
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraarid
m.f.dh eeg baraar⁴.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baraarid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg badhaadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bardadid
(Bardadid-da)
Sasid; argaggixid; (ama berdedid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bardadid
m.f.dh eeg bardad². la-mid: barkadid, barkagid, berdedid, berkegid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bardadid
-da: (magac, dhedig, keli) cabsi iyo naxdin darteed la wareerid. Bardadid bay la kici wayday markii wiilkeedii lagu hor gawracay. Dh: argaggixid, sassid, berdedid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barkadid
m.dh la-mid: bardadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Basaasid
(Basaasid-da)
1. Jaasuusid.
2. Dufan lays marsho waayid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
basaasid
m.f.dh eeg basaas³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
basaasid
-da: (magac, dhedig, keli) bisaarad iyo cawlaan kugu dhaca dhaashixumo awgeed.
basaasid -da: (magac, dhedig, keli) si qarsoodi ah warka uga soo helid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bayaamid
-da: (magac, dhedig, keli) si qeexan u soo bixid oo la wada arkayo. Bayaamid bay fartani u baahantahay.