sunno
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sunno
m.dh 1. Salaad aan faral ahayn oo ajar kororsi awgeed loo tukado. 2. Wax kasta oo Nabigii samayn jirey oo ay tahay in looga daydo. 3. Koofiyad culimada islaamku qaataan. la-mid: sunne.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sunno
-da: (magac, dhedig, keli) mid ka mid ah timaha indhaha dushooda ku yaal. Sunno xiirad bay bilowday gabadhu.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cunno
(Cunna-da)
Waxa nafleyda iyo dhirtu cunaan, oo ku noolaadaan oo ku koraan; dheef; dhuuni; (ama cunto).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cunno
m.dh Waxa nafaqada leh ee nafleydu marka ay calaaliso,caloosha geliso oo ku noolaato. la-mid: cunto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cunno
m.dh Waxa nafaqada leh ee nafleydu marka ay calaaliso,caloosha geliso oo ku noolaato. la-mid: cunto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cunno
f. n., (mass n.): food, meal
cunno v., pl., neg. we don't eat
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cunno
-cunnada: (n) [PL cunnooyin -ka] food (fuudh); diet (dhaayt); meal (miil); fare (feer) ~ hunguri, dhuuni, cunto
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cunno
-da: (magac, dhedig, keli) wax kaste oo uu nooluhu, gaajada ku reebo; magaca guud ee dhuuniga la cuno oo dhan. Waxa dadkii baahnaa lagu gargaaray cunno iskugu jirta hadhuudh, daqiiq iyo saliid. Dh: quud, cunto, dhuuni, dheef. Wa: cunnooyin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dunno
(Dunna-da)
Sacabka oo duuban oo wax lagu dhufto; tantoonyo; feer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dunno
m.dh Ku dhufashada cid si xoog ah loogu dhufto gacan duuban.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dunno
f. n. punch
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dunno
de: punch
lx: dunno
pd: (/da)
ps: n6-f
key: dunno
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gunno
(Gunna-da)
1. Wax dheeri ah oo gaar la isu siiyo ama loo lee yahay ama loo haysto; buro.
2. Wixii wax laga dooni, waxa la siiyo; callaal; (ama guno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gunno
m.dh 1. Lacag la siiyo cid shaqo dheeraad ah qabatay. 2. Hanti yar oo cid loogu naxariisto ama lagu laaluusho. la-mid: guno.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gunno
m.dh 1. Lacag la siiyo cid shaqo dheeraad ah qabatay. 2. Hanti yar oo cid loogu naxariisto ama lagu laaluusho. la-mid: guno.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gunno
f. n. bonus, reward, gratuity
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gunno
-gunnada: (n) allowance (alaawensi), compensation (kompen seeyshen); incentive
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Gunno
Indennità
Allowance
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gunno
-da: (magac, dhedig, keli) wax dheeraad ah ama mushqaayad la siiyo cid shaqo qabatay, waa lacagta la siiyo cid mutaysatay.
gunno-da: (magac, dhedig, keli) saca maalista diida calaf yar oo la siiyo si intuu ku jeedo loo maalo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gunno
cf: gunnee
de: bonus, reward, gratuity
lx: gunno
pd: (/da)
ps: n6-f
key: gunno
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
gunno
مُكافأة
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
sénno
s.m. - caqli, miyir.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
sònno
s.m. - hurdo.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
suino
agg. e s.m. - doofaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sunbo
(Sunba-da)
Naag xun; basari.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sunbo
f. n. slovenly woman
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sunbo
-da: (magac, dhedig, keli) naag doqon ah. Dh: dogon, basari: goonbaar. Li: gaari, fariid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sunbo
de: slovenly woman
initial: s
lx: sunbo
pd: (/da)
ps: n6-f
see: sumbo
key: sunbo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sunne
(Sunna-ha)
1. Samafal la iska doona hayo in la sameeyo, waajibse aan ahayn; wax lays faray, faralse aan ahayn.
2. Wax wanaagsan oo la jideeyey; tusmo suubban; shareeco.
3. Dhalan; abuur; dabeecad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sunne
m.l la-mid: sunno.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sunne
m. n. extra prayers beyond the five compulsory daily prayers; non-obligatory good works
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sunne
-sunnaha: (n) [Islamic religion] optional prayer
sunne -sunnaha: (n) [ Islamic religion] the examples of the Prophet Mohammed's life what he said, did, implemented, how he implemented..
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sunne
-ha: (magac, lab, keli) wixii aan faral ahayn. Li: faral.
sunne -ha: (magac, lab, keli) samafal xigashadiisu salka ku hayso hadalladii, falalkii iyo tilmaamihii laga reebay Nebi Muxamad 'NNK' oo laga maqlay ama laga arkay ama uu ummaddiisa barayey intii uu noolaa ee uu diinta fidinayey oo isugu jira kuwo laysku adkeeyey iyo dar kaleba.
sunne -ha: (magac, lab, keli) dhalan; abuur; dabeecad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sunne
a: sunno (/da) [n6-f]
de: extra prayers beyond the five compulsory daily prayers; non-obligatory good works
initial: s
lx: sunne
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: sunne
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sunni
(Sunni-ga)
1. Qof sunnihii Nebi Maxamed haysta.
2. Muslinweynaha ka mid ah; aan ahlu-shiica ahayn; ahlu-Sunne ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sunni
m.l (-iin, m.dh) Qof sunnadii Nabi Maxamed (n.k.h.a.) ku dhaqma.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sunni
m.l (-iin, m.dh) Qof sunnadii Nabi Maxamed (n.k.h.a.) ku dhaqma.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Sunni
m. n. Sunni Muslim; one following the majority (orthodox) sect of Islam, as opposed to Shia
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sunni
f. n. eyebrow
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Sunni
-ga: (n) Sunni (sum); or Sunnis [ as distinct from Shiites] there are four major Sunni sects: the Hanafites, the Malikites, the Shafites, and the Hanbalites
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sunni
-ga: (magac, lab, keli) qof sunnihiii nebiga haysta, sunnaha nebiga 'nnk' ku xidhiidhsan; aalu'sunne.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sunny
/sani/ (adj) qorrax ah (cad-ceed qorraxeed leh).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
sunny
a., qorax leh, meesha qorax baa kugu haysa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sunto
f.g3 (-taday, -tatay) Wax summad u yeelasho.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
sunto
s.m. - khulaaso.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
suòno
s.m. - dhawaaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
istikhaaro
m.dh Salaad sunno ah, soon iyo ducooyin loo sameeyo muraad adkaaday in Eebbe sahlo.

waddac
waddac¹: m.l 1. Lix beri oo sunno ah oo laga soomo bisha soonfur. 2. la-mid: waddacid.
waddac²: f.g/mg1 (-cay, -cday) 1. (f. g) Cid sagootiyid. 2. (f.mg) Adoo dabbaalanaya mowjad is raacin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
istikhaaro
m.dh Salaad sunno ah, soon iyo ducooyin loo sameeyo muraad adkaaday in Eebbe sahlo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
waddac
m.l 1. Lix beri oo sunno ah oo laga soomo bisha soonfur.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Influence
Sunno-raac
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
witir
-ka: (magac, lab, keli) tiro kolka labo loo qaybiyo uu baaqi soo hadho. 3, 5, waa witir. Dh: kisi.
witir -ka: (magac, lab, keli) salaad ragcad keliya ah ama ay hal ragcad ahi ugu dambayso oo sunno ah. Cishaa'iga dabadii witir tuko.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sunniyo
-sunniyaha: (n) eyebrows (aay-baroowis); brows (baroowis)
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
alunno
s.m. - arday.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Bunnow
nickname; name-m coffee. Lit: black
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
huunno
-da: (magac, dhedig, keli) erey lagu yidhaa qof loo muujinayo walaaltinimo iyo jacayl. Dh: walaal, abboowe, abbaaye, aaddo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sunnay
(fal) cunto, iyo wixii la mid ah, wax yar ka taabo; barakay; isku day.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sunnee
f.g2 (-neeyay, -naysay) 1. Wax sunno ah samayn. 2. Cunto ama cabbid in yar ka dhadhamin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sunnee
f.g2 (-neeyay, -naysay) 1. Wax sunno ah samayn. 2. Cunto ama cabbid in yar ka dhadhamin. m.f.dh, sunnayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sunnee
v. introduce something to the culture, legalize
sunnee v. taste, sample, take a bit (of), try (out)
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
surnom
surnom, n.m. - naanays (magac dhuraad); magac dheerid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suunni
m.dh (-iyo, m.l/-iyaal m.l/dh) Mid ka mid ah timaha indhaha korkooda ku yaal.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
suunni
m.dh (-iyo, m.l/-iyaal m.l/dh) Mid ka mid ah timaha indhaha korkooda ku yaal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Suunni
-ga: (magac, lab, keli) qof Sunnihiii Nebiga haysta. Suunni ayaad tahay adigu huuno. Dh: Shiici.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sunnayso
v. go beyond the call of religious duty
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sunnayso
-sunnaystay / sunnaysatay: (v) make a voluntary or optional prayer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sunnayso
(fal) sunnaha iska bixi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sunnayso
de: go beyond the call of religious duty (e.g., say extra prayers, give extra alms, fast when no required, etc.)
initial: s
lx: sunnayso
pd: (sunnaystay)
ps: v3b=
key: sunnayso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sunnegoy
-ga: (magac, lab, keli) qof caado fiican oo dadku leeyihiin diida oo ka go'a. Dh: sunnagoys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suunniyo
-da: (magac, dhedig, keli) lafaha qaansaysan oo il walba korkeeda ku yaal, timaha ka baxa ama ku yaal. Dh: suunnayaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sun
(Sun-ta)
Wax haddii wax yar laga cuno ama laga cabbo ama si kale oogada u gaaraan, loo dhinto ama lala bukoodo; waabaayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sun
m.dh Maaddo haddii ay jirka nafleyda gasho ama oogada gaarto loo dhinto ama lala bukoon karo; waabaayo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sun
m.dh Maaddo haddii ay jirka nafleyda gasho ama oogada gaarto loo dhinto ama lala bukoon karo; waabaayo.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Sun
Qorrax
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sun
f. n., (mass n.): poison; toxin
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sun
/san/ (n) 1. qorrax (n) 2. cadceed (ilayska iyo kulka qorraxda) (v) 3. qorraxayn (qorraxda u dhigid).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sun
-ta: (n) poison (pooy-san); toxicity (tok-siisiti); poisonousness; venom (veenom); toxicant; toxin ~ waabaayo
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Sun
Veleno
Poison
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sun
-ta: (magac, dhedig, keli) wax haddii wax yar laga cuno ama laga cabbo ama si kaleba ay oogada u gaarto, loo dhinto ama loola bukoodo. Dh: waabay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sun
de: poison; toxin
initial: s
lx: sun
pd: (-ta)
ps: n1-f-mass
key: sun
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
sun
سم
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
sun
n., qorax, -di, cadceed, -di; morning sun, qorax subax; evening sun, qorax galbeed.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
suo
agg. e pron. - kiisa; (sua: teeda).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
uno
agg. - kow.
uno: pron. - mid, midkoo.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
anno
s.m. - sannad, sano.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guno
m.dh la-mid: gunno.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
inno
s.m. - muusikada qaranka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Juno
(Juna-da)
(xoolo) Dhaqayo;
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
juno
m.l.kh la-mid: junuf.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
juno
f. n. livestock that produces little milk
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
juno
cf: dhaqayo
de: livestock that produces little milk
lx: juno
pd: (/da)
ps: n-f
key: juno
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sano
(Sana-da)
Sannad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sano
m.dh (-ooyin, m.l/siniin, m.dh) la-mid: sannad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sano
m.dh (-ooyin, m.l/siniin, m.dh) m.dh.w, siniin. la-mid: sannad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sano
f. n., [collective], time: year
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sano
-sanada: (n) year (yeer) see [eeg] sanad, sannad. Ex: meeqasano baad jirtaa? how old are you?
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
sano
agg. - fayow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sano
-da: (magac, dhedig, keli) labo iyo toban bilood, 365 maalmood. Labo sano ma arkin dhulkii. Dh: gu', sannad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sano
a: sanad ~ sannad
bw: Arabic
de: year
initial: s
lx: sano
pd: (/da Pl: siniin (ta))
ps: n6-f, n8-f-time
key: sano