sunbul
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SUNBUL
(Sunbil) S Vernonia hildebrandtii Vatke. Compositae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hunbul
(Hunbul-ka)
Wax leh qaab ama muuqaal buuxa ama hilan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hunbul
v. make something round
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hunbul
(fal) wax humbulan ka dhig. Dh: humbul.
hunbul -ka: (magac, lab, keli) wax leh qaab ama muuqaal buuxa ama hilan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hunbul
a: humbul
de: make s.t. round
lx: hunbul
pd: (hunbulay)
ps: v1=
key: hunbul
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tunbul
(Tunbu-sha)
Wax urursan; wadajir; horin; koox.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tunbul
f. n. collection, smallish group; collective
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tunbul
-ka: (magac, lab, keli) geed midhihiisa inta la ridqo oo canka la dhigo ama loo taqsiimo sida buuriga oo lagu murqaamo, wuxuu caan ku yahay Hindiya.
tunbul -sha: (magacwadareed) wax urursan wadajir horin ama koox. Waxaan arkay tunbul shinbiro ah. Dh: koox, horin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tunbul
a: tumbul
cf: koox
de: collection, smallish group; [ext.] collective
initial: t
lx: tunbul
pd: (/sha)
ps: n-f
key: tunbul
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qunbulo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qunbulad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shumbul
m.l (-llo, m.dh) Orgi yar oo gaaray da'dii uu riyaha ku orgayn lahaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shumbul
-ka: (magac, lab, keli) orgi yar oo gaaray da'dii uu riyaha ku orgayn lahaa.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
sunburn
(n) an inflammation or blistering of the skin caused by overexposure to direct sunlight.
cadceeda gubtay
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sunburn
/san bern/ (n) sida jirka cadceeddu gubto uu noqdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Suul
(Suul-ka)
Farta weyn oo sacabka ama cagta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suul
suul¹: m.l (-lal, m.l) Farta weyn ee sacabka ama cagta ku taal.
suul²: f.mg1 (-uulay, -uushay) Wax dhammaasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
suul
m. n. thumb (finger); big toe
suul v. come, scrape ~ rub off, disappear
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
suul
-ka: (n) thumb (tham)
suul -ay / suushay: (v) disappear (dis-apiir); fade (feeydh); vanish (vaa-nish); pass out of existence
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suul
(fal) isqari; qarsoon; aroor.
suul-ka: (magac, lab, keli) farta weyn ee sacabka ama cagta ku taal. Suul faro kuma jiro.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
suul
إنهام
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qubul
m.l (-llo, m.dh) Q. ah: neef geel ah oo shilis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qubul
-ka: (magac, lab, keli) neef geel ah oo shilis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
subuc
-a: (magac, lab, keli) Quraanka oo toddoba meelood loo qaybshey, qaybtii ba maalin toddobaadka ah ayaa loogu magac daray.
subuc -a: (magac, lab, keli) hab gaar ah oo Soomaalidu Quraanka u meeriso; iyadoo korka laga wada akhriyayo, oo qof waliba aayad qaadanayo, ayaa wadajir aayadaha oo dhan loo wada hooriyaa. Dh: subac, meeris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Suful
(Sufu-sha)
Meel aan doog lahayn; abaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suful
m.dh 1. la-mid: sufur 2. Habaas yar oo dabayshu kiciso. 2. Meel abaar ah. 3. Hoog; belo. la-mid: sufuul, suluf.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
suful
f. n. dry ~ grassless land, desert area
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suful
-sha: (magac, dhedig, keli) meel aan doog lahayn; abaar.
suful-sha: (magac, dhedig, keli) habaas yar oo dabayshu kiciso.
suful-sha: (magac, dhedig, keli) hoog; belo: sufuul; suluf.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
suful
de: dry ~ grassless land, desert area
initial: s
lx: suful
pd: (/sha)
ps: n-f
key: suful
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sugul
(Sugu-sha)
Madowga dhuxusha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sugul
m.l/dh.kh S. ah: midab aad u madow.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sugul
m.l/dh.kh S. ah: midab aad u madow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sugul
f. n. black color of charcoal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sugul
-ka: (magac, lab, keli) madowga dhuxusha oo kale, madow dhalaal ku jiro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sugul
cf: dhuxul, madow
de: black color of charcoal
initial: s
lx: sugul
pd: (/sha)
ps: n-f
key: sugul
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sukul
sukul¹: m.l la-mid: shukul¹.
sukul²: f.g1 (-ulay, -ushay) la-mid: shukul².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sukul
v. pound (grain)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sukul
-ka: (magac, lab, keli) midab aad u madow oo dhuxusha u eg. Dh: sugul.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sukul
de: pound (grain)
initial: s
lx: sukul
pd: (sukulay)
ps: v1=tr
key: sukul
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sunbo
(Sunba-da)
Naag xun; basari.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sunbo
f. n. slovenly woman
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sunbo
-da: (magac, dhedig, keli) naag doqon ah. Dh: dogon, basari: goonbaar. Li: gaari, fariid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sunbo
de: slovenly woman
initial: s
lx: sunbo
pd: (/da)
ps: n6-f
see: sumbo
key: sunbo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Suqul
(Suqu-sha)
Gooryaan yaryar oo dadka iyo duunyadaba caloosha ka gala.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suqul
m.dh Habaas; firo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
suqul
f. n. tiny intestinal worm species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suqul
-sha: (magac, dhedig, keli) gooryaan yaryar oo duunyada iyo dadka caloosha ka gala, gooryaan calooleed. Dh: dulun.
suqul -sha: (magac, dhedig, keli) isha hadhuudhka.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
suqul
cf: gooryaan
de: tiny intestinal worm sp.
initial: s
lx: suqul
pd: (/sha)
ps: n-f
key: suqul
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Suxul
(Suxul-ka)
Meesha cududda iyo dhudhunku iska galaan siiba docda dibadda xigta oo fiiqan kolka gacantu laaban tahay, (ama xusul).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suxul
m.l (-llo, m.dh) Gacanta, meesha cududda iyo dhudhunku iska galaan docda dibadda xigta oo dhuuban marka gacantu laabantahay. la-mid: xusul.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
suxul
m.l (-llo, m.dh) Gacanta, meesha cududda iyo dhudhunku iska galaan docda dibadda xigta oo dhuuban marka gacantu laabantahay. la-mid: xusul.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
suxul
m. n. elbow
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
suxul
-ka: (n) elbow (el-bow) ~ xusul
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suxul
-ka: (magac, lab, keli) halka cududda iyo dhudhunku iska galaan siiba barta gadaal iyo debedda xigta oo kolka gacantu laaban tahay waxa fiiqan noqota. Dh: xusul.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
suxul
a: xusul
de: elbow
initial: s
lx: suxul
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: suxul
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tubul
m.l Wax ama dad isu tegey oo meel dheer ka muuqda oo aan si fiican loo arkin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bulbul
bulbul¹: m.l B. ku ah: cilmi aqoon aad u sarreysa loo yeesho.
bulbul²: m.dh Dhogor badan, dhaadheer, jilicsan oo ay nafleyda qaarkeed yeelato.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bulbul
m.l B. ku ah: cilmi aqoon aad u sarreysa loo yeesho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bulbul
m. n. fluency; something flowing smoothly
bulbul [feminine] n. thick fur (of an animal), mane; untidy hair
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Bulbul
nickname-m mane; untidy hair; fluency
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Bulbul
magaca loo baxsho wiil timo badan oo yix ku dhashay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bulbul
-sha: (magac, dhedig, keli) dhogor, timo ama gas farabbadan. Libaax bulbul badani ku qaad. Dh: babul, shaash.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dumbul
m.dh Baali; areebo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dunbuq
-a: (magac, lab, keli) nooc qoryaha ka mid ah ciidamadu ku dagaallamaan ee fudfudud. Dh: bunduq, qori.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dungul
-ka: (magac, lab, keli) timaha dameeraha iyo gamaanka kale margaagga kaga yaalla.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gunbur
(Gunbur-ta)
Buur yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gunbur
m.dh (-ro, m.l) (juqraafi) Qayb yar oo dhulka dushiisa ka mid ah oo ka kacsan waxyaabaha hareeraheeda ah, kana joog hoosaysa buur.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gunbur
m.dh (-ro, m.l) (juqraafi) Qayb yar oo dhulka dushiisa ka mid ah oo ka kacsan waxyaabaha hareeraheeda ah, kana joog hoosaysa buur.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Gunbur
Hill
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gunbur
f. n. low hill
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gunbur
-ka: (magac, lab, keli) buur yar; meel dhulka kale ka taagan oo buur yar oo kale ah. Dh: tuur, taag.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gunbur
de: low hill
lx: gunbur
pd: (-ta)
ps: n1-f
see: gumbur
key: gunbur
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
humbul
humbul¹: m.l (-llo, m.dh) 1. (u) Geed isku cufan oo hoos wanaagsan iyo miro macaan iyo wixi lamida. 2. H. ah: wax isku cufan.
humbul²: f.g1 (-ulay, -ushay) Wax, wax ku hilid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
humbul
m. n. round ~ rounded object; something filled out
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
humbul
(fal) qaab hilan oo kuusan u samee.
humbul -ka: (magac, lab, keli) wax qaab ama muuqaal buuxa leh oo hilan. Dh: matatuul
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
humbul
de: round ~ rounded object; s.t. filled out
lx: humbul
pd: (-ka)
ps: n2-m
see: hunbul
key: humbul
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kumbul
(ereydhawaaq) la yidhaaho kolka roobku bilaabo inuu da'o. Kumbul ayaan idhi markuu roobku da'aayey. Wa: kumbulo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mundul
(Mundul-ka)
Muddul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mundul
m.l (-llo, m.dh) Aqal wareegsan oo inta badan dhis iyo dhoobo ka samaysan oo leh saqaf dhis iyo caws ah oo kor u fiiqan. la-mid: muddul, mundulle.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mundul
m.l (-llo, m.dh) Aqal wareegsan oo inta badan dhis iyo dhoobo ka samaysan oo leh saqaf dhis iyo caws ah oo kor u fiiqan. la-mid: muddul, mundulle.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mundul
m. n. circular hut with thatch roof
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mundul
-ka: (n) hut (hat) ~ muddul
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mundul
-ka: (magac, lab, keli) aqal wareegsan oo badanaa qol keliya ah oo saqaf kor u fiiqan leh. Dh: mutulle, mutul, mundule, gombis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mundul
a: mundulle (/ha) [n7-m]
de: circular hut with thatch roof
lx: mundul
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: mundul
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qunful
qunful¹: m.l (-llo, m.dh) la-mid: qafil¹; la-mid: qafilid.
qunful²: f.g1 (-ulay, -ushay) la-mid: qafil².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qunsul
(Qunsul-ka)
Ku qaranka dal shisheeye u jooga, si uu danaha dadkiisa iyo tolkiisa u ilaaliyo; wuxuu ka hooseeyaa safiirka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qunsul
m.l (-llo, m.dh) Qof diblomaasi ah oo dalka uu joogo dalkiisa wakiil uga ah bulshadiisa kana hooseeya safiirka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qunsul
m.l (-llo, m.dh) Qof diblomaasi ah oo dalka uu joogo dalkiisa wakiil uga ah bulshadiisa kana hooseeya safiirka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qunsul
m. n. consul
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qunsul
-ka: (n) consul (kon'saY) ~ khunsul
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qunsul
-ka: (magac, lab, keli) nin safir ka hooseeya ama qusuliyad safaarad raacsan madax ka ah oo inta badan fiisayaasha bixiya. Qunsulka haddaad ka weydo danjiraha u tag.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qunsul
de: consul {Eng}
lx: qunsul
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: qunsul
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sanbal
-ka: (n) sample (saampel); specimen (ispesaman); sample of merchandise ~ sambal, kaambiyoone
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sinful
/sinful/ (adj) 1. dambi ah (dembi leh) 2. aad u xun (laga xishoodo).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
sinful
a., dembi leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sufuul
m.dh la-mid: suful.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sufuul
-sha: (magac, dhedig, keli) meel aan doog lahay oo abaar ah. Dh: abaar. Li: barwaaqo, doog.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sulsul
f.mg1 (-ulay, -ushay) la-mid: sunsun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sunbay
(Sunbay-ga)
Gooryaan gaar ah oo xubnaha uurka qaarkood gala oo barariya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sunbay
-ga: (magac, lab, keli) gooryaan gaar ah oo xubnaha uurka qaarkood gala oo barariya: beeryaro.
sunbay-ga: (magac, lab, keli) xanuun ku dhaca beerka badanaa laga gubo dadka.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Sundus
name-f silk brocade