summum
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
summum
summum, n.m. - ugu sareeya
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ummul
(Ummu-sha)
Qof dumar ah oo kolkaas ilmo dhalay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ummul
ummul¹: m.dh (-lo, m.l) Qof dumar ah oo kolkaas ilmo dhashay.
ummul²: f.mg1 (-ulay, -ushay) Ilmo uur ku jiray dhalid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ummul
ummul¹: m.dh (-lo, m.l) Qof dumar ah oo kolkaas ilmo dhashay.
ummul²: f.mg1 (-ulay, -ushay) Ilmo uur ku jiray dhalid. m.f.dh, ummulid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ummul
f. n. woman who has just given birth, during her period of seclusion after childbirth
ummul: v. give birth
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ummul
-ummusha: (n) new mother; recuperative period following delivery [childbirth]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ummul
(fal) foolo oo ilmo dhal.
ummul -sha: (magac, dhedig, keli) qof dumar ah oo dhowaan ilmo dhashay. Aamina waa ummul.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gummud
(Gummud-ka)
Xubin ama wax kale oo qaar laga gooyey, inta soo harta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gummud
m.l (-dyo, m.dh) 1. Dabo sigaar; haash. 2. Wax la jaray sida gacan iyo wixi lamida inta ka harta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gummud
m.l (-dyo, m.dh) 1. Dabo sigaar; haash. 2. Wax la jaray sida gacan iyo wixi lamida inta ka harta.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gummud
m. n. stump of amputated limb; blunt round object
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gummud
-ka: (n) 1. an unburned end of a cigarette: butt (bat). 2. a short or broken remainder; stub (istaab) ~ gumad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gummud
-ka: (magac, lab, keli) gacanta la gooyay inta hadha. Gacantii tuuga barata, haddii la gooyo, gummud kaa dhaqdhaqaaqa. Gacantii nin lihi goynayaa way gommodantaaye. Dh: gommod.
gummud -ka: (magac, lab, keli) qaran ama wax kale oo la gooyey inta soo hadha.
gummud-ka: (magac, lab, keli) gacanta go'da inta hadha.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gummud
de: stump of amputated limb; blunt round object
lx: gummud
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: gummud
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qummud
(Qummud-ka)
Harag gubtey ama la dubey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qummud
m.l Sarar geel ama lo'aad oo loo dubay in la cuno. la-mid: qommod.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qummud
m. n. burnt ~ roasted leather
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qummud
-ka: (magac, lab, keli) wax qonbobay ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qummud
de: burnt ~ roasted leather (eaten in time of famine)
lx: qummud
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: qummud
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
simuum
m.l (juqraafi) Carabi. Dabayl kulul, qallalan ama meerkac dabayleed oo ka dhacda xilliyada Gu'ga iyo xagaaga saxaaraha iyo lama degaanta Carabta, waxa inta badan la socda qaddar cufan oo bataax ah oo yareeya ragtida xoogaa mitirro ah ama inta badan eber, marmarka qaarkoodna beddela qaabka meelaha ay marayso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
simuum
m.l (juqraafi) Carabi. Dabayl kulul, qallalan ama meerkac dabayleed oo ka dhacda xilliyada Gu'ga iyo xagaaga saxaaraha iyo lama degaanta Carabta, waxa inta badan la socda qaddar cufan oo bataax ah oo yareeya ragtida xoogaa mitirro ah ama inta badan eber, marmarka qaarkoodna beddela qaabka meelaha ay marayso.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Simuum
Simoom
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
simuum
-ka: (magac, lab, keli) dabayl kulul, qallalan ama meerkac dabayleed oo ka dhacda xilliyada Gu'ga iyo xagaaga saxaaraha iyo lama degaanta Carabta, waxa inta badan la socda qaddar cufan oo bataax ah oo yareeya ragtida xoogaa mitirro ah ama inta badan eber, marmarka qaarkoodna beddela qaabka meelaha ay marayso.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sum up
/sam ap/ (v) 1. isu-geyn (isku darid) (v) 2. soo-gaabin (soo-koobid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Summad
(Summad-da)
Calaamad xoolaha lagu dhigo oo lagu soo kala sooco; astaan; baadisooc.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
summad
summad¹: m.dh (-do, m.l) 1. Calaamad xoolaha lagu dhigo oo lagu kala sooco. 2. Lambarrada iyo xuruufta diiwaansan ee la siiyo warqadaha xafiisyadu isu diraan. la-mid: sumad¹.
summad²: f.g1 (-day, -dday) Xoolo iyo wixi lamida calaamad lagu kala sooco u yeelid. la-mid: sumad².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
summad
m.dh (-do, m.l) 1. Calaamad xoolaha lagu dhigo oo lagu kala sooco. 2. Lambarrada iyo xuruufta diiwaansan ee la siiyo warqadaha xafiisyadu isu diraan. la-mid: sumad.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Summad
Symbol
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
summad
f. n. mark ~ brand on livestock; seal; symbol {chemistry}
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
summad
-da: (n) 1. brand (baraan); symbol (saaym-bal); usually a mark burned on the hide of an animal, indicating identity or ownership 2. trademark (tareeydh-maark) ~ sumad, calaamad
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Summad
Marchio; segno
Mark; sign
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
summad
-da: (magac, dhadiq, keli) astaan lagu dhigo xoolaha si looga sooco xoolaha kale. Sumad ayaa lagu dhigay geela. Dh: calaamad.
summad -da: (magac, dhedig, keli) calaamad xoolaha, iyo wixii la mid ah, lagu dhigo oo lagu kala garto. Dh: astaan, baadisooc, sawrac.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
summad
bw: Arabic
cf: cawaag, gawl ~ gowl
de: mark ~ brand on livestock; seal; symbol {chemistry} Contrast: sumad [v1=tr]
initial: s
lx: summad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: summad
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
summad
عَلامَةَ، وَسُم
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Summer
Xagaa
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
summer
/samar/ (n) xagaa (afarta xilli ee sannadka midkood, kan kulaylaha ah).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
summit
/samit/ (n) 1. fiinta (baarka, halka ugu dheer, sida fiinta buurta) (n) 2. shir-madax weynayaal (kulan madax-weynayaal).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
summit
n., aroor, -ki.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
summon
/saman/ (v) u yeerid (dal- basho, u wacasho).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
summon
v.tr., (cite) amarxaadur u saar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tummun
(Tummun-ka)
Fallar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tummun
m.l.t (-nno, m.dh) Rubuc laba loo dhigay meel; fallar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tummun
num. one eighth (1/8)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tummun
-ka: (n) one eighth (eeyth) of a pound [1/8]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tummun
-ka: (magac, lab, keli) rubuca nuskii. Tummun sonkora ii soo iibi. Dh: falladh, fallar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tummun
de: one eighth (1/8)
initial: t
lx: tummun
pd: (-ka)
ps: num-m; n2-m
syn: fallar
key: tummun
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shammuum
(fal) meel isugu soo xoon. Dadka hallkan ku soo shammuumay maxay doonayaan? Dh: urur.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dummudh
-ka: (magac, lab, keli) wax inta uu aad u gubtay basay ama dubka laga qaaday. Digo roobku qooyoo, dummudh looga guuroo, dulinkii haraaciyey.
dummudh -ka: (magac, lab, keli) wax huur dartii la qadhmuunaadey. Hilibku wuu dumudhay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
humhumo
f.g3 (-saday, -satay) Maro duug ah toltolasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shamuum
f.mg1 (-uumay, -uuntay) Ku sh.: nafley badan meel isugu ururid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shamuum
f.mg1 (-uumay, -uuntay) Ku sh.: nafley badan meel isugu ururid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shamuum
v. collect, crowd together
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shamuum
-ay / tay: (v) crowd (karaawdh); throng (tharoong). Ex: naagtii carruur baa ku soo shamuumtay; the children crowded around the woman ~ qamoom
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shamuum
(fal) (ku soo ~) ku soo urur: ku soo xoom; ku soo heemo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shamuum
de: collect, crowd together {S}
initial: s
lx: shamuum
pd: (shamuumay)
ps: v1=intr
key: shamuum
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shumbul
m.l (-llo, m.dh) Orgi yar oo gaaray da'dii uu riyaha ku orgayn lahaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shumbul
-ka: (magac, lab, keli) orgi yar oo gaaray da'dii uu riyaha ku orgayn lahaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shummay
(Shummay-da)
Summad bar ah; (ama shumme).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shummay
f. n. natural mark on livestock (especially a camel)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shummay
-da: (magac, dhedig, keli) sumad bar ah; shummo; shumme.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shummay
cf: bar, summad
de: natural mark on livestock (especially a camel)
initial: s
lx: shummay
pd: (-da)
ps: n-f
key: shummay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shummee
f.g2 (-meeyay, -maysay) Cid dhunkasho. la-mid: shummi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shummee
v. kiss
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shummee
(fal) calaamad bar ah u yeel. Dh: amaaradee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shummee
de: kiss Alt sp: shumee
initial: s
lx: shummee
pd: (shummeeyey)
ps: v2b=tr
key: shummee
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Shummey
name-f kisser, kissing
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shummin
m.dh la-mid: shummayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shummin
vl. n. kiss, act of kissing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shummin
-ta: (n) the act of kissing ~ shummis, dhunkasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shummin
-ta: (magac, dhedig, keli) labada faruuryood oo kalkacayl ahaan loo saaro meel ka mid ah jidhka qof kale...
shummin -ta: (magac, dhedig, keli) dhunkasho, shumis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shummin
a: shummayn
de: kiss, act of kissing
initial: s
lx: shummin
pd: (-ta Pl: shushummin (ta))
ps: vn8-f
key: shummin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shummis
m.l la-mid: shummayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shummis
vl. n. kiss, act of kissing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shummis
-ka: (n) the act of kissing ~ shummin, dhunkasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shummis
-ka: (magac, lab, keli) shummin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shummis
bw: shummayn
de: kiss, act of kissing
initial: s
lx: shummis
pd: (-ka Pl: shushummis)
ps: vn8-m
syn: baasho, dhunko
key: shummis
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
succumb
/sakam/ (v) isu-dhiibid (is- dhiibid).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
summaan
-ka: (magac, lab, keli) jaad ka mid ah kalluungoomeedka.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
summary
/samari/ (n) 1. kooban (soo-gaabsan) ~ khulaaso 2. deg-deg (isla-markaba, dhakhsa ah).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
summons
/samans/ (v) 1. maxkamad uga yeeris (amar maxkamad iska soo-xaadirin) (n) 2. yeeritaan maxkamadeed.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
summons
n., amarxaadur, -ki.