sumay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sumay
(fal) sun sii.
sumay: (fal) sun ku dar, ka dhig.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Sumaya
name-f good reputation, high rank; first martyr in Islam
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sumayn
(Sumayn-ta)
Sun siin, ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sumayn
m.f.dh eeg sumee. la-mid: sumays.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sumayn
vl. n. poisoning, infecting
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sumayn
-ta: (n) the deliberate act of poisoning, contaminating or polluting
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sumayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sun ku darid, ka dhigid; sumays, sun siin. Sumay buu u dhintay suldaankii shalay la aasay
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sumayn
cf: sumee, sun
de: poisoning, infecting
initial: s
lx: sumayn
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: sumayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sumays
m.l la-mid: sumayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sumays
-ka: (magac, lab, keli) sun siin; sun cabsiin. Sumayska sarkaalka rag saa ka danbeeyey. Dh: sunayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sumbay
m.l 1. Nooc gooryaanka ka mid ah oo xubnaha uurka qaarkood gala oo barariya. 2. Wan tuman. 3. Nacas; doqon.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sumbay
m.l 1. Nooc gooryaanka ka mid ah oo xubnaha uurka qaarkood gala oo barariya. 2. Wan tuman. 3. Nacas; doqon.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sumbay
m. n. ascaris (parasitic intestinal worm species)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sumbay
-ga: (magac, lab, keli) wan tuman.
sumbay-ga: (magac, lab, keli) nacas; doqon.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sumbay
cf: gooryaan
de: ascaris (parasitic intestinal worm sp.) Alt sp: sunbay
initial: s
lx: sumbay
pd: (-ga)
ps: n-m
key: sumbay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
surmay
(fal) cid aad la legdemayso tamco ku mar oo ku leged. Dh: surmee, tamac.
surmay: (fal) 'dagaalan' darayo geli, ku qabo.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
lumay
to lose
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Lumay
perdu.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lumay
-luntay: (v) lost (loost) ~ lun
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qumay
m.l.kh Q. ah: nin la aaminsanyahay in uu isha wax ku dhibaataysan karo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qumay
m.l.kh Q. ah: nin la aaminsanyahay in uu isha wax ku dhibaataysan karo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qumay
-ga: (magac, lab, keli) nin wax cawrya oo il xun. Odayga cidlada deggani waa qumay. Dh: bidaw, gabraw.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
RUMAY
(Rumai) All. Som. Salvadora persica L. Salvadoraceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rumay
(fal) caday Ilkaha ku xuruud oo huurada kaga nadiifi. Dh: caday.
rumay -ga: (magac, lab, keli) wax ilkaha lagu cadayo. Dh: caday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Samay
(Samay-da)
Samayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
samay
m.dh la-mid: samayo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
samay
f. n. spearshaft
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
samay
(fal) erey lagu dhaho qof lab oo maradu ka baylahday. Samay ku dheh wiilka. Li: dhiidhiibso.
samay: (fal) erey lagu yidhaahdo awrta marka caynka laga dusin kari waayo hoostiisa; dabadeed awrku inta hingado kor isu qaado banneeyo meel uu maro caynku.
samay: (fal) wax fal. Samay wixii laguu diray. Dh: samee, suubbi, waxay.
samay: (fal) dermo iyo wixii la mid ah, falki.
samay: (fal) xadhig iyo wixii la mid ah, sooh.
samay -da: (magac, dhedig, keli) usha waranka ee u dhexaysa alwaaxa iyo jiffada. Goormaa warankii Sooyaal loo doonay samaydii.
samay-da: (magac, dhedig, keli) aag dhuleed, col duulaa qabsado ama udub beeleed dalriix taabo. Axmed Gurey halkuu samayda dhigay soohdintii qaranka. Dh: xad.
samay-da: (magac, dhedig, keli) baal haldhaa oo leeb, hooto ama fallaadh salka danbe kaga xidhma; gamuun qaanso oo la gano. Dh: dabo.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Samay
Sida samayda tusmoreebta, qaanso-waraarida, baanad-dhuunta iwm.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
samay
de: spearshaft
initial: s
lx: samay
pd: (-da)
ps: n1-f
see: samayo
key: samay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sumac
sumac¹: m.l 1. Gumuca xabbadda. 2. Sukulidda subuul meseggo ul iyo wixi lamida lagu garaaco si iniinaha looga daadiyo.
sumac²: f.g1 (-mcay, -macday) Sabuul meseggo ul ku garaacid si iniiunuhu uga daataan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sumac
-a: (magac, lab, keli) dareenka maqalka. Dh: maqal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sumad
sumad¹: m.dh la-mid: summad¹.
sumad²: f.g1 (-untay, -umadday; -unti) la-mid: summad².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sumad
v. brand (livestock)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sumad
-da: (n) 1. brand (baraan); symbol (saaym-bal); a mark burned on the hide of an animal, indicating identity or ownership 2. trademark (tareeydh-maark) ~ summad, calaamad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sumad
(fal) sumad u yeel.
sumad -da: (magac, dhedig, keli) calaamad xoolaha, iyo wixii la mid ah, lagu dhigo oo lagu kala garto; astaan; baadisooc; sawrac.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sumad
de: brand (livestock) Contrast: summad [n]
initial: s
lx: sumad
pd: (suntay / sumadday)
ps: v1=tr
key: sumad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sumal
(Sumal-ka)
Wanka qoorka ah oo idaha loo hayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sumal
m.l (-llo, m.dh) Wan qoor ah oo idaha loo hayo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sumal
m.l (-llo, m.dh) Wan qoor ah oo idaha loo hayo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sumal
m. n. stud-ram
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sumal
-ka: (n) ram (ram) especially a ram raised for breeding
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sumal
-ka: (magac, lab, keli) wanka qoodha ah oo idaha saarta. Sumal weyn baa ku jira idaha.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sumal
de: stud-ram
initial: s
lx: sumal
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: sumal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sumaw
(fal) qof sun cabbay ahaw; sumow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tumay
m.l (-yo, m.dh) 1. Orgi ama wan la dhufaanay. 2. Caws la tumay oo dirmaha laga sameeyo. 3. Roob aan xoog lahayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tumay
m. n. castrated billy goat ~ ram
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tumay
-da: (magacwadareed) laboodka adhiga inta goodha ah mooyee ahminka tuman. Dh: sogob.
tumay-ga: (magac, lab, keli) roob aan weyneyn, tiix.
tumay-ga: (magac, lab, keli) roob shuux ah. Dh: habis. Li: mahiigaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tumay
de: castrated billy goat ~ ram
initial: t
lx: tumay
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: tumay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xumay
(fal) sidii la doonayay si ka duwan oon laga raalli ahayn u samee. Dh: xumee.
xumay: (fal) si xun u gal; wax xun ku fal; xumaan ku samay. Li: wanaaji, fiicnee.
xumay: (fal) aalad lagu shaqaynayo caddil oo wax cilladaysan ka dhig. Mooteerka xumay mid cusub ha la soo libiyee. Dh: cilladay, kharrib
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waabaayayn
(Waabaayayn-ta)
Waabaayo siin, ku darid, ka dhigid; sumayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waabaayaysan
Waabaayo hayso oo saamaysay; sumaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sumaysnaan
m.f.dh eeg sumaysan. la-mid: sumaysnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sumaysnaansho
m.l/dh la-mid: sumaysnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sumow
sumow¹: m.l Sumayn.
sumow²: f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax sumaysan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waabaayee
f.g2 (-yeeyay, -yaysay) 1. Nafley sumayn. 2. Waran, fallaar iyo wixi lamida waabaayo marin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sumaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la sumeeyey ahaansho. m.f.dh, sumaysnaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sumee
f.g2 (-meeyay, -maysay) 1. Nafley sun siin. 2. Wax sun ku darid. m.f.dh, sumayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sumow
f.mg1 (-oobay, -owday; -oobi) Wax sumaysan noqosho. m.f.dh, sumoobid.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Intoxication
Sumayn
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
pump the stomach
(v) a medical procedure used to remove all contents of the stomach in an effort to remove toxic substances.
dariiqo daawayn ah oo caloosha waxii ku jiray laga wada saaro khaasatan wax sumaysan
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
toxicity
(n) quality of being poisonous.
sumaysan
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
adder
/aadhar/adders; (n) maska qaniinyada sunta ah leh (mas sumaysan).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
asphyxiate
/aasfiksiyeyt/asphyxiates, asphyxiating, asphyxiated; (v) qof hawadu ama naqasku ku xirmay (ogsojiin waayey) ama jiiday hawo sumaysan oo u dhinta.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
cobra
/kowbra/ (n) mas sumaysan, oo Afrika iyo Hindiya laga helo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
poison
/pooysan/ (n) 1. sun (maaddo nafleyda disha ama dhaawacda)(v) 2. Sumayn.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
poisonous
/pooysanas/ (adj) sun leh (sumaysan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shummay
(Shummay-da)
Summad bar ah; (ama shumme).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shummay
f. n. natural mark on livestock (especially a camel)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shummay
-da: (magac, dhedig, keli) sumad bar ah; shummo; shumme.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shummay
cf: bar, summad
de: natural mark on livestock (especially a camel)
initial: s
lx: shummay
pd: (-da)
ps: n-f
key: shummay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sulmayn
m.f.dh eeg sulmee.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
summary
/samari/ (n) 1. kooban (soo-gaabsan) ~ khulaaso 2. deg-deg (isla-markaba, dhakhsa ah).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
surmayn
m.f.dh eeg surmee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
surmayn
-ta: (magac, dhedig, keli) surmo gelin; surmays.
surmayn -ta: (magac, dhedig, keli) surmo ku qabasho. Surmaynta ilmaha ka daa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
surmays
-ka: (magac, lab, keli) surmayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhumay
-ga: (magac, lab, keli) geed caleemaad ka baxa buuraha oo midab madow leh xooluhuna daaqaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dumayn
m.f.dh eeg dumee. la-mid: dumays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dumayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dad abaabulid oo soo ururin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dumays
m.l la-mid: dumayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dumays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg dumayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gumayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, liidid oo gun ka dhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isumar
m. n. route, itinerary
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isumar
-ay / tay: (n) make a way or route through
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isumar
de: route, itinerary
lx: isumar
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: isumar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qumayo
m.dh (-ooyin, m.l) la-mid: qumanyo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qumayo
-qumayada: 1. she-devil; bitch (biij). 2. witch (wij) ~ qumanyo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rumayn
(Rumayn-ta)
Run u qirid; rumaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rumayn
m.f.dh eeg rumee.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rumayn
-ta: (n) the act of believing (biliiv-ing) or trusting (tarasting)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Rumayn
Verificare
Verify
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rumayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qirid ictiqaad ah oo maanka laga dhaadhiciyo.
rumayn -ta: (magac, dhedig, keli) war lagu sheegay run u qaadasho; dhab u aqoonsasho. Li beenayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rumayo
(fal) ilkahaaga rumay ama caday ku nadiifi. Dh: cadayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rumays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg rumayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rummay
(Rummay-ga)
Qori caday ama geed kale ah oo bul loo yeelo, ama buraash ilkaha lagu nadiifiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rummay
m.l (-yo, m.dh) Qori qoyan oo dhirta qaarkeed laga goosto oo ilkaha lagu sifaysto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rummay
m.l (-yo, m.dh) Qori qoyan oo dhirta qaarkeed laga goosto oo ilkaha lagu sifaysto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rummay
m. n. twig used to clean the teeth
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rummay
-ga: (n) toothbrush (tuuth-braash); especially made from a tree branch or root tree ~ caday
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rummay
-ga: (magac, lab, keli) eeg rumay.