sulxasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sulxasho
(Sulxasha-da)
Gudo sidib ah, si fudud ugu cararid; sidbasho ku gelid; shalwad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sulxasho
m.f.dh eeg sulxo. la-mid: sulxad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sulxasho
-da: (magac, dhedig, keli) gudo sidib ah, si fudud ugu cararid; sidbasho; sibiibisasho; saliitayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sulux
(Sulux-a)
1. Heshiis; nabad; maslax.
2. Sulxasho; sidib.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sisibasho
-da: (magac, dhedig, keli) sidbasho; sulxasho; siibasho; fashilan ama siibtay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sulux
-a: (magac, lab, keli) heshiis; nabad; maslax.
sulux-a: (magac, lab, keli) sulxasho; sidib.
sulux -da: (magac, dhedig, keli) lis caanood oo geel: dhay caanood oo cabbaar xarfada, caano gellin ama ka yar ku qotoma weel culan ama aslan oo qabooba.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ulasho
-da: (magac, dhedig, keli) rajaynta iyo naruurashada wax soo socda. Dh: naawilasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lulasho
(Lulasha-da)
1. Caano subag ka soo saarasho; barwaaqo helid.
2. Wax meel ka laallaada ahaansho; lulmasho; raaracid; lalmasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lulasho
m.f.dh eeg lulo. la-mid: lulad.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
lulasho
-lulashada: (n) wavering (weeyvaring); swing (iswing); pendulum movement ~ ruxasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lulasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax meel ka laallaada ahaansho. Dh: lulmasho, raaracid, lulad, lalmasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ruxasho
(Ruxasha-da)
Wax la gilgiley dhaqdhaqaaqood; lulasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ruxasho
m.f.dh eeg ruxo. la-mid: ruxad.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ruxasho
-ruxashada: (n) swinging or shaking; movement back and forth; pendular motion
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruxasho
-da: (magac, dhedig, keli) wadhaamis xoog ah iyo dhaqdhaqaaqid. Jiritaanka laydha waxa lagu gartaa ruxashada laamaha. Dh: lulmasho.
ruxasho-da: (magac, dhedig, keli) walax iskaa u wadhaamin oo kolba dhan u lulid. Ruxashada Jaantaada cidi kuuma diidin. Dh: lulasho,
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saxasho
(Saxasha-da)
Wax la cunayey ama la cabbayey in yar oo ka leexata oo hunguriga cad ku roorta oo lala qufaco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saxasho
m.f.dh eeg saxo. la-mid: saxad, sixad, sixasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saxasho
vl. n. choking (on), having something stuck in one's throat
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saxasho
-saxashada: (n) the act of choking (jow-king)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saxasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax la cunayey ama la cabbayey in yar oo ka mid ah oo roorta hunguriga cad oo lala qufaco. Dh: saxad margasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saxasho
a: saxad
de: choking (on), having s.t. stuck in one's throat
initial: s
lx: saxasho
pd: (/da)
ps: vn-f
see: saxo
key: saxasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sixasho
m.dh la-mid: saxasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sixasho
-da: (magac, dhedig, keli) cunaha oo wax kaagaleen darteed qufac badan samayn. Sixasho badan waa halis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
solasho
m.f.dh eeg solo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
solasho
-da: (magac, dhedig, keli) hilib, iyo wixii la mid ah, dab dushiis ku dubasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
surasho
m.f.dh eeg suro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
surasho
-da: (magac, dhedig. keli) 'gardarro' sudhad; surad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xulasho
(Xulasha-da)
Wax badan, kuwa ugu wanaagsan kala bixbixid; soocasho; doorasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xulasho
m.f.dh eeg xulo. la-mid: xulad.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Xulasho
Selezione
Selection
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xulasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax badan inta ugu wanaagsan kala bixid oo ka dhex naqaysasho. Alaabta xulashada ka daa oo badh uun ku nasiibi. Dh: soocasho, naqaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Balxasho
(Balxasha-da)
(xoolo) Biyo badan, had iyo goor, cabbid; biyo durduurasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balxasho
m.f.dh eeg balxo. la-mid: balxad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balxasho
-da: (magac, dhedig, keli) geela oo si isdaba joog ah biyaha dhanaha ah loo waraabsho. Balxasho geel baa lagu jeel tiraa adhina garraw baa la siiyaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
furxasho
m.dh la-mid: furxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
furxasho
-da: (magac, dhedig, keli) baqdin darteed la baxsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurxasho
m.f.dh eeg gurxo. la-mid: gurxad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hullasho
(Hullasha-da)
Wax wax isugu soo toosin; ugu soo dhuumasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hullasho
m.f.dh eeg hullo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hullasho
-da: (magac, dhedig, keli) si dhuumasho ah wax isku toosin, ugu soo dhuumasho. Dh: dhuumasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kulmasho
-da: (magac, dhedig, keli) meel isugu imaansho; meel ku kulmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lulmasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhaqdhaqaaqa walax meel ka laadlaaddaa ay samayso, Dh: ruxmid, ruxmasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
salfasho
-da: (magac, dhedig, keli) galaafasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Seexasho
(Seexasha-da)
1. Hurdo gudaggelid; gam'id.
2. Jiifsasho.
3. (dab, nal, ...) demid, baqtiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seexasho
m.f.dh eeg seexo. la-mid: seexad.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
seexasho
-seexashada: (n) the act of sleeping (isliiping)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seexasho
-da: (magac, dhedig, keli) hurdo gudaggelid; gam'id, marka qof ku gam'o. Seexasho ayaa nafta lagu nasiyaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Subkasho
(Subkasha-da)
Subag is marin; dhaashad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
subkasho
m.f.dh eeg subko. la-mid: subkad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
subkasho
-da: (magac, dhedig, keli) subag marsasho. Subkasho la'aan lama baxo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sudhasho
-da: (magac, dhedig, keli) sudhad; surad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sumcasho
m.f.dh eeg sumco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suntasho
m.f.dh eeg sunto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suntasho
-da: (magac, dhedig, keli) sumad u yeelasho. Suntasho la'aan xoolo ha siidayn. Dh: sumdaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suurasho
m.f.dh eeg suuro².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buuxsasho
m.f.dh eeg buuxso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buuxsasho
-da: (magac, dhedig, keli) weel buuxsadkiisa. Buuxsasho buuxsashada bilaydhka yaa kuu oggolaaday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Nuuxsasho
(Nuuxsasha-da)
Dhaqaaq yar dhaqaaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nuuxsasho
m.f.dh eeg nuuxso. la-mid: nuuxsad, nuuxsi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nuuxsasho
vl. n. wobbling, act of jiggling
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nuuxsasho
-nuuxsashada: (n) slow movement (muuv-ment); slow motion, especially of one's body
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nuuxsasho
-da: (magac, dhedig keli) in yar dhaqaaqid. Wuu kala dhici nuuxsashoda badan ka daa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nuuxsasho
a: nuuxsad [n2a-m]
de: wobbling, act of jiggling
lx: nuuxsasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: nuuxsasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seexsasho
m.f.dh eeg seexso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shalwasho
m.f.dh eeg shalwo.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Shalwasho
Talus creep
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shalwasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhagax ama wax kale, meel cirriiri ah gelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sukulasho
m.f.dh eeg sukulo. la-mid: shukulasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suubsasho
m.f.dh eeg suubso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suubsasho
-da: (magac, dhedig, keli) suubis ku darsasho; siyaadsasho.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
slash
/slaash/ (v) 1. dillaacin (jeexid; dillaac) 2. ku dhufasho (ku garaacid) 3. dhimid (hoos u dhigid, sicir iwm).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sulxo
f.mg3 (-xaday, -xatay) Meel siman oo aan xanaf lahayn ka sidbasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sulxo
v. slip, slide
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sulxo
(fal) aayar baxso ama siibo. Sulxo marmarka qaar oo siibo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sulxo
de: slip, slide
initial: s
lx: sulxo
nt: sulxad (ka) [vn-m], sulxasho (/da) [vn-f]
pd: (sulxaday)
ps: v3a=
key: sulxo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bulsho
(Bulsha-da)
1. Horin dad ah oo isku hawl iyo dano ah (fardooley, lo'ley, ...).
2. Urur; wadajir; mujtamac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bulsho
m.dh (-ooyin, m.l) Dad meel ku wada nool oo isku dan ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bulsho
m.dh (-ooyin, m.l) Dad meel ku wada nool oo isku dan ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bulsho
f. n. society, social group, community; small group of cattle herders ~ people working together
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bulsho
-bulshada: (n) [Pl. bulshooyin-ka] society (soo saayati); community (komyuuniti) ~ mustamac, jaaliyad
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Bulsho
Comunità; società
Community; society
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bulsho
-da: (magac, dhedig, keli) dad meel wada yaal oo dhif iyo dheef wada wadaaga. Bulsho is kaashataan nahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bulsho
de: society, social group, community; small group of cattle herders ~ people working together
lx: bulsho
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: mujtamac, urur
key: bulsho
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
bulsho
مُجْتَمَع
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
splash
/splaash/ (v) 1. sayrin (si firdhaad ah biyo ama dareere kale u daadin) 2. biyo ku sayrin (biyo ku firdhin).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
splash
n., duldul, -ki; v.tr., dulduli, nab, mari, marso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sulxad
(Sulxad-ka)
Sulxasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sulxad
m.l la-mid: sulxasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Umasho
(Umasha-da)
Naf ka bixid; dhimasho; geeryoomid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
umasho
f. n., [abstract] death
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
umasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhimasho iyo xaalad geeriyaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
umasho
de: death
initial: u
lx: umasho
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
syn: dhimasho
key: umasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alwasho
m.f.dh eeg alwo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
alwasho
-da: (magac, dhedig, keli) sarkacitaan; hinqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aslasho
m.f.dh eeg aslo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aslasho
-da: (magac, dhedig, keli) weel asal gelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bilasho
(Bilasha-da)
Bilad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bilasho
m.f.dh eeg bilo. la-mid: bilad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bilasho
vl. n. beginning, start; appearance of a new moon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhalashada bisha. Bilashada bisha Ramadaan goormay ku beegan tahay? Dh: bilad.