sulban
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Sulban
Concrete
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qulban
f.mg4 (-naa, -nayd) Turub wax la qulbay ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sulbin
m.f.dh eeg sulbi. la-mid: sulbis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sullan
(Sullan-ka)
Isir; wasiir; walcan; ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sullan
m.l.u Asal; isir; walcan; ab.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sullan
m. n., [collective] lineage, descent; progenitors, ancestors
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sullan
-ka: (magac, lab, keli) xidhiidhka isdabayaal ee abtirsiinta. Dh: sallaan, isir, wasiir, walcan, ab. sulman: (tilmaame) lax wan u taga u baahan. sulmi: (fal) wan, lax asooli.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sullan
cf: ab, isir, walcan; wasiir
de: lineage, descent; progenitors, ancestors
initial: s
lx: sullan
pd: (-ka)
ps: n0-m-col
key: sullan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sulman
f.mg4 (-naa, -nayd) Lax wan u taga u baahan ahaansho; asoollan.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sultan
/saltan/ (n) suldaan.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
sultan
sultan, n.m. - suldaan
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
sultan
n., suldaan, -ki.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SUUBAN
(Suban) S Corchorus erinaceus Weimarck. Tiliaceae.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Concrete
Sulban
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Concrete numbers
Tirooyn sulban
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Suldaan
(Suldaan-ka)
Nin saldano u madax ah; boqor.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suldaan
m.l (-nno, m.dh) Nin dhaxaltooyo ahaan dawlad ama qolo madax ugu ah, oo aan la dooran; boqor.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
suldaan
m.l (-nno, m.dh) Nin dhaxaltooyo ahaan dawlad ama qolo madax ugu ah, oo aan la dooran; boqor.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Suldaan
name: Suldan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
suldaan
Common N. sultan, prince
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Suldaan
name-m sultan, prince
name-m ruler, king
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
suldaan
-ka: (n) sultan (sul-taan) ~ boqor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suldaan
-ka: (magac, lab, keli) nin saldano u madax ah. Dh: bogor.
suldaan -ka: (magac, lab, keli) madaxdhaqameed reer ama qabiil u calman. Dh: ugaas, malaaq, imaam, wabar, duub, boqor.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sulmayn
m.f.dh eeg sulmee.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
sultano
s.m. - boqor, suldaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Suubaan
(Suubaan-ka)
Dhagaxa kuwiisa sulubka ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suubaan
suubaan¹: m.l (-nno, m.dh) Dhagax sulub ah oo aan xanaf lahayn.
suubaan²: m.dh 1. Dhul bannaan oo ciid guduudan oo carro san ah leh oo caws ka baxo. 2. Nooc qorratada ka mid ah oo ku nool dhulalka cadduunka ah. 3. Miraha goosayga iyo wixi lamida oo bisil marka ay wax yar dharaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
suubaan
m. n. polished ~ smooth stone
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suubaan
(tilmaame) sibiil ah oo karkar iyo kurtimo midna lahayn. Masku dub suubaan ah buu leeyahay.
suubaan -ka: (magac, lab, keli) dhagaxa kuwiisa sulubka ah.
suubaan -ta: (magac, dhedig, keli) ciid jilicsan oo casuus ah, aan dibir ahayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
suubaan
cf: sulub
de: polished ~ smooth stone
initial: s
lx: suubaan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: suubaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Suubban
San; wanaagsan; qumman; fiican; hagaagsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suubban
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax wanaagsan ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
suubban
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax wanaagsan ahaansho. m.f.dh, suubbanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
suubban
der. [adjective] good, nice; fair, righteous
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Suubban
name-f good, nice; fair, righteous. Syn: Suubbane
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
suubban
-aa / ayd: (adj) without guilt or sin; righteous (raay-jias) Ex: Nabigii Suubanaa; The Righteous Prophet
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Suubban
Retto
Righteous
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Suubban
magac loo baxsho gabadh dhaqan iyo dabeecad wanaagsan leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suubban
(tilmaame) mid wanaagsan oo toosan. Gabadh suubban, midabkana masciideed ah geyiga Soomaalidaa leh. Dh: toosan, fiican, san. wanaagsan, hagaagsan, qumman.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
suubban
cf: fiican, hagaagsan, san, wanaagsan
de: good, nice; fair, righteous
initial: s
lx: suubban
pd: (suubbanaa)
ps: adj-der
key: suubban
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suubsan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax samaysan ahaansho. 2. Wax wanaangsan ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
suubsan
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax samaysan ahaansho. 2. Wax wanaangsan ahaansho. m.f.dh, suubsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
suubsan
der. [adjective] made, done, finished, completed; adjusted
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
suubsan
-aa / nayd: (adj) made (meey-dh); produced (poro-dhuusidh); formed (foomidh) ~ sameysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suubsan
(tilmaame) suubbis lagu daray.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
suubsan
de: made, done, finished, completed; adjusted
initial: s
lx: suubsan
pd: (suubsanaa)
ps: adj-der
key: suubsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sula
-da: (magac, dhedig, keli) beri hore. Sula ayaan kuu dhiibay alaabadan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ulan
(tilmaame) wax abaabulan; wax darban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bulan
f.mg1 (-lmay, -lantay; -lmi) Ul qoyan, maro iyo wixi lamida bul yeelasho; sii gurmid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bulan
v. become worn out; deteriorate, lose hair, fur ~ feathers; lose vitality
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bulan
(fal) wax rifmay ama tiro yaraaday noqo. Eebbow xaqaygii bulmaan, baafinayaaye.
bulan: (tilmaame) tuman oo bul leh. Maydhax bulan ii keen.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bulan
de: become worn out; deteriorate, lose hair, fur or feathers; lose vitality
lx: bulan
pd: (bulmay)
ps: v1=
key: bulan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuban
cuban¹: f.mg1 (-bmay, -bantay; -bmi) 1. Dalool wax la cubay ahaansho. 2. Wax neeftu ku xirantay noqosho (san). la-mid: cugan¹.
cuban²: f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax la cubay ahaansho. 2. Qof ciyaar loo xulay ahaansho. la-mid: cugan².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cuban
cuban¹: f.mg1 (-bmay, -bantay; -bmi) 1. Dalool wax la cubay ahaansho. 2. Wax neeftu ku xirantay noqosho (san). m.f.dh, cubmid. la-mid: cugan.
cuban²: f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Wax la cubay ahaansho. 2. Qof ciyaar loo xulay ahaansho. m.f.dh, cubnaan. la-mid: cugan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuban
(tilmaame) meel gufaysan ama awdan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Culan
Culay lagu culay; (ama cugan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
culan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax la culay ahaansho. la-mid: cugan².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
culan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax la culay ahaansho. m.f.dh, culnaan. la-mid: cugan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
culan
der. [adjective] cleaned by heat and smoke (of a milk-vessel)
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Culan
name-f pure; good hearted one
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Culan
magac loo baxsho gabadh laga filaayo niyad fiicni iyo daacadnimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
culan
(tilmaame) weel la culay; lagu qalwiyey maygaag. Dhiisha tii culan, ku shub caanaha. Dh: cugan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
culan
a: cugan
de: cleaned by heat and smoke (of a milk-vessel)
lx: culan
pd: (culnaa)
ps: adj-der
key: culan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duban
Dab ama raran lagu bisleeyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duban
duban: f.mg1 (-bmay, -bantay; -bmi) Ciyaarta dubnadda hal gacan ku guulaysasho.
dųban¹: f.mg1 (-bmay, -bantay; -bmi) Wax la dubay noqosho.
dųban²: f.mg4 (-bnaa, -bnayd) Wax la dubay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
duban
dųban¹: f.mg1 (-bmay, -bantay; -bmi) Wax la dubay noqosho. m.f.dh, dųbmid.
dųban²: f.mg4 (-bnaa, -bnayd) Wax la dubay ahaansho. m.f.dh, dųbnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
duban
der. [adjective] baked; cooked, fried
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
duban
-dubnaa I dubnayd: (adj) baked (beey-kidh), roasted (rowstidh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duban
(tilmaame) wax dab lagu solay; wax dab la saaray oo lagu bisleeyay. Dh: solan. Li: karsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
duban
de: baked; cooked, fried
lx: duban
pd: (dubnaa)
ps: adj-der
key: duban
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulan
dulan¹: m.l la-mid: dulmi¹.
dulan²: f.g1 (-lmay, -lantay) la-mid: dulmi².
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DULAN
(Dulan) S Diospyros cornii Chiov. Ebenaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guban
1. La gubey; dab maray; gubad noqday.
2. (Guban-ta) Dhul kulul oo badanaa hooseeya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guban
guban¹: m.dh.u Dhul-xeebeed, kulul, aan geedo lahayn, cusboole ah oo ku dhereran badda cas.
guban²: f.mg4 (-bnaa, -bnayd) Wax dab maray ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
guban
guban¹: m.dh.u Dhul-xeebeed, kulul, aan geedo lahayn, cusboole ah oo ku dhereran badda cas.
guban²: f.mg4 (-bnaa, -bnayd) Wax dab maray ahaansho. m.f.dh, gubnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Guban
pr. n., loc. desert coastal plain of northern Somalia
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
guban
der. [adjective] burnt ~ burned
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
guban
-aa: (adj) burnt (beernt)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
guban
-ka: (magac, lab, keli) meelaha xeebta ah ee aadka u kulul. Guban ayaa loo dhaadhiciyay xoolihii sannadkan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hulan
La huley; hul loo yeelay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hulan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) God si hul ah loo qoday ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hulan
f.mg4 (-lnaa, -lnayd) God si hul ah loo qoday ahaansho. m.f.dh, hulnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hulan
der. [adjective] cracked, with a chink
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hulan
(tilmaame) wax dusha ka xidhan hoostana ka bannaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hulan
de: cracked, with a chink
lx: hulan
pd: (hulnaa)
ps: adj-der
key: hulan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kulan
(Kulan-ka)
1. Isu'imaad meel laysugu yimaado; urur; shir.
2. Geed weynaada oo miro wanaagsan oo la cuno leh; shillin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kulan
kulan¹: m.l (-ammo, m.dh) Isu imaadka dad meel isugu yimaadaan; urur; shir. la-mid: kulanti.
kulan²: m.l (xisaab) Urur tirooyin ah oo lagu muujiyo bar ku taalla dulalaati. Bar maguuraan ah oo la yiraahdo unugga iyo xarriiqyo maguuraan ah oo la yiraahdo dhidibbo ayaa tixraac ahaan loo adeeg-sadaa.
kulan³: f.mg1 (-lmay, -lantay; -lmi) Dad meel isugu imaansho ama ku shirid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kulan
kulan¹: m.l (-ammo, m.dh) Isu imaadka dad meel isugu yimaadaan; urur; shir. la-mid: kulanti.
kulan²: m.l (xisaab) Urur tirooyin ah oo lagu muujiyo bar ku taalla dulalaati. Bar maguuraan ah oo la yiraahdo unugga iyo xarriiqyo maguuraan ah oo la yiraahdo dhidibbo ayaa tixraac ahaan loo adeegsadaa. m.f.dh, kulmid.
kulan³: f.mg1 (-lmay, -lantay; -lmi) Dad meel isugu imaansho ama ku shirid.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kulan
Coordinate
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kulan
v. meet, assemble, hold a meeting
kulan vl. n. meeting, assembly; encounter; rectangular coordinate {geometry}
kulan m. n., [collective] large evergreen tree species
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
KULAN
Balanites aegyptiaca 01, B. rotundifolia 01
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Kulan
name-m unification, meeting, assembly, encounter; large evergreen tree sp. lit: born while his immediate family is in meeting or born under a Kulan tree. Syn: Kullane
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kulan
-ka: (n) assembly (asambli), conference (konfaransi), meeting (miiting), gathering (gathering).
la kulan -lakulmay/lakulantay: (v) have a meeting with; come together
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Kulan
Riunione
Meeting
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Kulan
magac loo baxsho wiil geedka kulanka ku hoos dhashay ama dhalashadiisu gacal iyo xigaal ba kulmisay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kulan
-ka: (magac, lab, keli) geed weynaada oo midho wanaagsan oo la cuno leh.
kulan -ka: (magac, lab, keli) isku imaatin meel la isugu yimaado. Kulan bay wasiiradii isugu yimaadeen maanta. Dh: shir.
kulan -ka: (magac, lab, keli) urur tirooyin ah oo lagu muujiyo bar ku taalla dulalaati. Bar maguuraan ah oo la yiraahdo unugga iyo xarriiqyo maguuraan ah oo la yiraahdo dhidibbo ayaa tixraac ahaan loo adeeg-sadaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lulan
1. (caano) la lulay oo subag laga soo saaray.
2. Meel ka laallaada, raaraca.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lulan
lulan¹: f.mg1 (-lmay, -lantay; -lmi) Wax la lulay noqosho.
lulan²: f.mg4 (-lnaa, -lnayd) Wax la lulay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
lulan
f.mg1 (-lmay, -lantay; -lmi) Wax la lulay noqosho. m.f.dh, lulmid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
lulan
der. [adjective] shaken (up); churned