sukee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sukee
f.mg2 (-keeyay, -keysay) Kali ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Suke
(Suka-ha)
(turub, kd.) aan cidi wehelin; keli taagan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suke
m.l (-kayaal, m.l/dh) 1. Wax aan wax kale wehelin oo keligood ah. 2. Warqad turub oo nooceeda keligeed laga hayo. la-mid: soke².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
suke
m.l (-kayaal, m.l/dh) 1. Wax aan wax kale wehelin oo keligood ah. 2. Warqad turub oo nooceeda keligeed laga hayo. la-mid: soke.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
suke
m. n. solo, person alone, without a partner (at cards, etc.)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
suke
-ah: (adj) single (sin-gal); only (oonli)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Suke
Unico; solo
Unique, sole
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suke
-ha: (magac, lab, keli) 'turub' wargad aan wax kale oo la mid ihi wehelin: keli ah; keli taagan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
suke
de: solo, person alone, without a partner (at cards, etc.)
initial: s
lx: suke
pd: (/ha)
ps: n7-m
xe: I only have a king left.
xv: Baashi suka ah baan hayaa.
key: suke
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bukee
f.g2 (-keeyay, -kaysay) la-mid: bukaysii; bukabbukee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bukee
v. make someone sick
bukee v. beat repeatedly; batter
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bukee
(fal) eeg bukaysii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jukee
f.g2 (-keeyay, -keysay) 1. la-mid: jugee (1). Si isdabajoog ah wax u tumid 2. Dhar la dhaqayo baaf iyo wixi lamida gudihiisa ku garaacid ama ku xafuujin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jukee
f.g2 (-keeyay, -keysay) 1. la-mid: jugee (1). Si isdabajoog ah wax u tumid 2. Dhar la dhaqayo baaf iyo wixi lamida gudihiisa ku garaacid ama ku xafuujin. m.dh, jukayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sakee
f.mg2 (-keeyay, -keysay) Hanti seko u bixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sokee
f.mg2 (sokeeyay, sokaysay) Wax, wax kale ka dhow noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sokee
f.mg2 (-keeyay, -kaysay) Wax, wax kale ka dhow noqosho. m.f.dh, sokayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sokee
v. be near, be on this side
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sokee
-yey / sokeysay: (v) be closer; be nearby
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sokee
de: be near, be on this side
initial: s
lx: sokee
pd: (sokeeyey)
ps: v2b=intr
key: sokee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sumee
f.g2 (-meeyay, -maysay) 1. Nafley sun siin. 2. Wax sun ku darid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sumee
f.g2 (-meeyay, -maysay) 1. Nafley sun siin. 2. Wax sun ku darid. m.f.dh, sumayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sumee
v. poison, give poison to, infect
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sumee
-yey / sumeysay: (v) poison (pooy-san); contaminate or pollute deliberately
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sumee
(fal) sun sii oo cabsii. Dh: sunee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sumee
de: poison, give poison to, infect
initial: s
lx: sumee
pd: (sumeeyey)
ps: v2b=tr
key: sumee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Isukeen
(Isukeen-ta)
Meesha 2 qori ama 2 xarriiqood iska taabtaan ama isugu yimaadaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isukeen
f. n. angle; joint
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isukeen
de: angle; joint
lx: isukeen
pd: (-ta)
ps: n2-f
key: isukeen
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isugee
f.g2 (-geeyay, -geysay) Laba tiro ama ka badan isku darid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
isugee
f.g2 (-geeyay, -geysay) Laba tiro ama ka badan isku darid. m.f.dh, isugayn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isugee
-yey / isugeysay: (v) 1. bring together. 2. total up; sum (sam); add (adh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sakeel
-ka: (magac, lab, keli) baaldi caag ah oo biyaha lagu shubto ama lagu dhaansado.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Sakeel
Weel inta badan caag ka samaysan ee loogu dhaqmo wax ku qaadidda iyo kaydinta sida ciid guridda, dhoobo qaadidda, biyo dhuridda iwm.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shuqee
f.g2 (-qeeyay, -qaysay) 1. Ul afkeed iyo wixi lamida wax ku mudmudid. 2. Badar si ishu uga baxdo aayar kal ku tumid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shuqee
v. prod, press ~ compress, force (with an implement)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shuqee
-yey/shuqeysay: (v) prod or jab with a pointed object repeatedly ~ ku shuqee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shuqee
(fal) ul afkeed iyo wixii la mid ah, wax meel gudaheed ku jira ku guguji oo ku mudmud si uu dibedda ugu soo baxo. Shuqee hogg masasku ha ka soo baxaane. Dh: juqee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shuqee
cf: juqee, mud
de: prod, press ~ compress, force (with an implement)
initial: s
lx: shuqee
pd: (shuqeeyey)
ps: v2b=tr
key: shuqee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
subeec
-a: (magac, lab, keli) mid ka mid ah qalabka fardaha lagu qurxiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
subeen
m.dh la-mid: sabeen.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Subeer
name-m; nickname-m marauder
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
subeer
-ka: (magac, lab, keli) kurey; qoofil.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Sucker
Toobe
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sucker
/sakar/ (n) 1. nuuge (jaqe, qof ama shay wax nuuga) 2. qabsade (ku-dhage, wax meel ku dhegi kara sida toobinka) 3. nacas (caqli-daciif).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
suckle
/sakal/ (n) nuujin (naas nuujin).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
suckle
v.tr., nuuji.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sudeef
(Sudeef-ka)
Dhulmar; dalxiis: wareeg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sudeef
m.l (-fyo, m.dh) Sabool.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sudeef
m. n. wandering, travel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sudeef
-ka: (magac, lab, keli) dhulmar; dalxiis; wareeg.
sudeef -ka: (magac, lab, keli) faqri iyo saboolnimo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sudeef
cf: dalxiis, wareeg
de: wandering, travel
initial: s
lx: sudeef
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: sudeef
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sudeex
(Sudeex-a)
Laqanyo; liidaanyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sudeex
sudeex¹: m.l Laqanyo.
sudeex²: f.mg1 (-xay, -xday) Laqanyo dareemid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sudeex
m. n. nausea
sudeex [inchoative] v. feel queasy, become nauseous
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sudeex
-a: (magac, lab, keli) laqanyada la dareemo kolka hilib baruur ah la cuno. Dh: laqanyo, liidaanyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sukeyn
m.f.dh eeg sukee. la-mid: sukeys.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sukeys
m.l la-mid: sukeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sulmee
f.g2 (-meeyay, -meysay) Lax asoollin (wan).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sunken
/sankan/ (adj) quusay (muquufay).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sunnee
f.g2 (-neeyay, -naysay) 1. Wax sunno ah samayn. 2. Cunto ama cabbid in yar ka dhadhamin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sunnee
f.g2 (-neeyay, -naysay) 1. Wax sunno ah samayn. 2. Cunto ama cabbid in yar ka dhadhamin. m.f.dh, sunnayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sunnee
v. introduce something to the culture, legalize
sunnee v. taste, sample, take a bit (of), try (out)
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Sureer
pr. n., [feminine] Sureer
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Sureer
name-f tall and proportional; sweet, honey
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Sureer
magac loo baxsho gabadh dherar iyo qaab wacan leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sureer
-ka: (magac, lab, keli) mid ka mid ah baldhannada dharka lagu xirto gaar ahaan shaadhka. Sureer baa ka go'ay shaadhkii cusbaa Dh: guluus.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Sureer
de: Sureer {C}
initial: s
lx: Sureer
ps: name-f
key: Sureer
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
sûreté
sûreté, n.f. - dhawrsoonis; badgabis; nabadgeliyo; badbaado; nabadqab
épingle de sûreté - biinka dharka laysugu qabto
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
surmee
f.g2 (-meeyay, -maysay) 1. Daro gelin. 2. Cid guureysa dhul hawd ah waddo uga samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
surmee
(fal) daro geli.
surmee: (fal) cid guuraysa dhul hawd ah waddo uga samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suryee
f.g2 (-yeeyay, -yaysay) Xarig suryo u yeelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
suryee
v. make a slip-knot; create a narrow exit
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suryee
(fal) suryo u samee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
suryee
de: make a slip-knot; create a narrow exit
initial: s
lx: suryee
pd: (suryeeyey)
ps: v2b=tr
key: suryee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suugee
f.g2 (-geeyay, -geysay) Cunto suugo ku darid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
suugee
f.g2 (-geeyay, -geysay) Cunto suugo ku darid. m.f.dh, suugayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suugee
(fal) suugo ku dar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suuree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Wax qaabkiisa qiyaasid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
suuree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Wax qaabkiisa qiyaasid. m.f.dh, suurayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
suuree
v. describe the appearance of someone ~ the form of something
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
suuree
-yey / suureysay: (v) 1. specify the appearance; explain the look. 2. describe something
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuree
(fal) suurad ka bixi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
suuree
de: describe the appearance of s.o. ~ the form of s.t.
initial: s
lx: suuree
pd: (suureeyey)
ps: v2b=tr
key: suuree
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isu-ekee
f.g2 (-keeyay, -keysay) (riw.) Jilid; dhaajin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
isu-ekee
f.g2 (-keeyay, -keysay) (riw.) Jilid; dhaajin. m.f.dh, isuekayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kee
Kee?
Kuma? Iyama? Ayo? Yaa?
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kee
kee¹: mu.we.l kuwee, w Magacuyaal weyddiimeed oo lab oo iskii u taagan, oo wax ama qof lagu hubsado. Tusaale: “ Waa kee midka aaday xafiiska?.”
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kee
kee¹: mu.we.l (kuwee, w) Magacuyaal weyddiimeed oo lab oo iskii u taagan, oo wax ama qof lagu hubsado. Tusaale: Waa kee midka aaday xafiiska?
kee²: (-kee) dk.we.l Dibkabe weyddiimeed oo lab, oo wax ama qof lagu hubsado. Tusaale: Wiilkee baa kula hadlay?
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kee
(pronoun) which (wif); who (huu); used only for masculine singular nouns ~kuma
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kee
(magacuyaal) weyddiimeed oo lab oo iskii u taagan, oo wax ama qof lagu hubsado. Dh: kuwee.
kee: (dibkabe) weyddiimeed oo lab, oo wax ama qof lagu hubsado. Qalinkee la ii soo iibshay?
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
see
fk.we la-mid: sidee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
see
question word: how?
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
see
/sii/ (v) 1. fiirin (arkid) (n) 2. fiiro (arag).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
see
(adv) how (haaw); in what manner or way ~ sidee. Ex: see baad u rabtaa? how do you want this?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
see
(falkaabe) erey su'aaleed u dhigma: side? Waar see leedahay?
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
see
v.tr., arag, eeg, day, dugo, jedaali; let him see, daa ha arkee.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sue
/suu/ (v) dacwayn (maxkamad la korid).
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-kee
de: which?, who? [MASCULINE]
lx: -kee
ps: qw-det-m
xe: Which one is he/it?
xv: -ee, -gee, -hee
key: -kee
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
buée
buée, n.f. - Dharab; Qoyaan; Qaac; Uumi.