sugsii
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sugsii
(fal) qof kula jooga haki si uuna uga tegin cid kale oo imanaysa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dugsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Wax duggaal u yeelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dugsii
v.caus: make a shelter; make something weather-tight
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dugsii
(fal) dhaxant, dabaysha, roobka iyo cadawga ka jir ama ka ilaali.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dugsii
de: make a shelter; make s.t. weather-tight
lx: dugsii
pd: (dugsiiyey)
ps: v2a=caus
key: dugsii
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afartanbixi
(fal) xaflad afartanbax ah u samee; afartanka cisho sugsii oo gaadhsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afartanbixin
-ta: (magac, dhedig, keli) afartan cisho ka dib, xafladayn; afartanka cisho ee umusha ka danbaysa sugsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
booscelin
-ta: (magac, dhedig, keli) meel bannaan qof u ilaalin intuu imanayo si aan looga fadhiisanin, sii sugsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
metel
(fal) tusaale lagu fahmo samee; isku ekeysii. Inoo mesel sida shabeelku u boodo. Dh: masal.
metel: (fal) riwaayad film iyo wixii la mid ah jil oo ka qayb gal. Adu xiddigga riwaayadda metel. Dh: masal.
metel: (fal) cid maqan ka wakiil noqo. Batroonkii wuu maqan yahaye qof kaloow metel. Dh: mesel, masal, matal, sugsii.
metel -ka: (magac, lab, keli) tusaale laga qiyaas qaato. Dh: misaal, mataal, masal, tusaale.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waabberiisiin
-ta: (magac, dhedig, keli) illaa waabberiga sugsiin; subaxa gaadhsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dugsiin
(Dugsiin-ta)
Dugsi u yeelid; meel ama wax la dugsan karo ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dugsiin
m.f.dh eeg dugsii. la-mid: dugsiis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dugsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhaxanta, roobka, dabaysha, roobka iyo cadawga ka jirid ama ka ilaalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dugsiis
m.l la-mid: dugsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sugniin
(Sugniin-ka)
Sugidda lafteeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sugniin
sugniin: m.l/dh la-mid: sugid.
sųgniin: m.l/dh la-mid: sųgid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sugniin
vl. n. waiting, act of expecting
sugniin vl. n. feeling of certainty
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sugniin
-ka: (n) 1. the act of waiting. 2. the act of confirming ~ see also [eeg] sugitaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sugniin
-ka: (magac, lab, keli) wax maqan sugitaankiisa lafteeda.
sugniin -ka: (magac, lab, keli) xaqiijinta wax jiritaankiisa; wax ka war sugitaan. Ramadaanka sugniin la'aan aan aragtida bisha la sugin lama soomo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dugsi
(Dugsi-ga)
1. Meel laga galo dhibaha sida dhaxanta iyo wixii halis ah; aan dhaxan lahayn; gabbaad.
2. Aqallada ardada iyo bareyaashu joogaan oo wax lagu barto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dugsi
m.l (-iyo, m.dh) 1. Meel duggaal ah. 2. Meel wax lagu barto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dugsi
m.l (-iyo, m.dh) 1. Meel duggaal ah. 2. Meel wax lagu barto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dugsi
m. n. school, training establishment, koranic school; shelter
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dugsi
-ga: (n) 1. Islamic school, koranic school. 2. school (skuul) ~ iskuul
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dugsi
Scuola
School
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dugsi
-ga: (magac, lab, keli) meel aan dhaxan, dabayl iyo qorrax toona lahayn. Dugsi ma leh gabyaaladi, waxay dumiso mooyaane. Dh: hoy, baro, bayd, aqal, guri.
dugsi-ga: (magac, lab, keli) meel wax lagu barto, barayaal iyo arday timaaddo oo wax la isku baro oo maammul leh; goob waxbarasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dugsi
cf: iskool
de: school, training establishment, koranic school; shelter
lx: dugsi
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: dugsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sugid
(Sugid-da)
1. Wax la hubo ka dhigid; shaki ka saarid; runta gaarid, xaqiijin.
2. (°) Wax danbeeya ama iman doona, meel u joogsasho taniyo intay ka yimaadaan; dhawrid; korasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sugid
sugid: m.f.dh eeg sug². la-mid: sugitaan, sugniin.
sųgid: m.f.dh eeg sųg. la-mid: sųgitaan, sųgniin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sugid
vl. n. waiting, watching; expectation; assurance
sugid vl. n. affirmation, being sure ~ certain; assurance
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sugid
-da: (n) 1. the act of waiting. 2. the act of confirming; confirmation ~ sugitaan, sugis
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Sugid
Accertamento
waiting
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sugid
-da: (magac, dhedig, keli) hubin; caddayn; xaqiijin; sugis.
sugid-da: (magac, dhedig, keli) wax danbeeya ama iman doona, dhawrid. Dh: korasho, sugis.
sugid-da: (magac, dhedig, keli) ka war hayn ama adkayn. Sugidda ammaanka ayuu ciidanku ku hawlanyahay. Dh: akayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sugis
vl. n. waiting, act of waiting
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sugis
-ta: (n) see [eeg] sugid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sugis
-ta: (magac, dhedig, keli) wax runtiisa danbe sugid.
sugis-ta: (magac, dhedig, keli) wax imana doona sugid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sugis
de: waiting, act of waiting
initial: s
lx: sugis
pd: (-ta)
ps: vn1-f
key: sugis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sugni
-da: (magac, dhedig, keli) hubanti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ursii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) 1. Wax ur leh cid sanka u saarid. 2. U ursii: nafley wax nacsiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ursii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) 1 . Wax ur leh cid sanka u saarid. 2. U ursii: nafley wax nacsiin. m.f.dh, ursiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ursii
v.caus: make (someone) smell (something)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ursii
(fal) cid kale, sanka wax u saar si uu urtiisa u dareemo. Ursii eyga raadka fakadka asagaa dabageli doona oo ka soo saari doona meel kasta oo uu is ku qariyo e.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ursii
de: make (s.o.) smell (s.t.)
initial: u
lx: ursii
pd: (ursiiyey)
ps: v2a=caus
key: ursii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bogsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Wax buka caafimaadin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bogsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Wax buka caafimaadin. m.f.dh, bogsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bogsii
v. cure
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bogsii
(fal) caafimaadi oo xanuun ka daawee. Ilaahoow wiilka ii bogsii. Dh: caafi, fayooobee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bogsii
de: cure
lx: bogsii
pd: (bogsiiyey)
ps: v2a=
key: bogsii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cunsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) 1. Carruur cunto afka ugu gurid. 2. Cid cunno cunaysa maaweelin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cunsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) 1. Carruur cunto afka ugu gurid. 2. Cid cunno cunaysa maaweelin. m.f.dh, cunsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cunsii
v.caus: feed; make someone eat, cause to eat
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cunsii
(fal) cunto iyo wax la mid ah afka u geli.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cunsii
de: feed; make s.o. eat, cause to eat
lx: cunsii
pd: (cunsiiyey)
ps: v2a=caus
key: cunsii
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
juqsii
v. swallow
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
juqsii
-yey / say: (v) push in quickly; stab with a sharp object
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
juqsii
a: juq
de: swallow
lx: juqsii
pd: (juqsiiyey)
ps: v2a=tr
key: juqsii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qubsii
f.mg2 (-iiyay, -iisay) Ka q.: hoore hal mar si aayar ah u kabbasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qubsii
(fal) (ka ~) hoore hal mar si aayar ah u kabbo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rudsii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) Nafley cunto uu ridmo ka goosto siin. la-mid: rudhsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rudsii
(fal) sii inyar ilkaha ha ku goostee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tunsii
f.g2 (-iiyay, iisay) Ku t.: ku tumasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tunsii
(fal) dusha ka marsii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xigsii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) Wax meel ku sugan wax kale ag dhigid. la-mid: xiji.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xigsii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) Wax meel ku sugan wax kale ag dhigid. m.f.dh, xigsiin. la-mid: xiji.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
subagsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) nafaqayn; buulin.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dugsiiya
name-f sheltered, weather-tight
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Dugsiiya
magac loo baxsho gabadh hooyadeed rajaynayso in ay ku nasato.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Dugsiiye
name-m sheltered, weather-tight
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Dugsiiye
magac loo baxsho wiil dhashay hooyadii oo aan dhalin ama gabdho uun lahayd.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
sussidio
s.m. - kaalmo, gargaar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suusicid
-da: (magac, dhedig, keli) susuc noqosho. Suusicidda caanuhu kuma wanaagsana. Li: dhay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afursii
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: afuri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afursii
(fal) mid afuran ka yeel; in uu afuro sabab u noqo.
afursii: (fal) wax uu ku afuro sii.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bogsiin
m.f.dh eeg boogsii. la-mid: bogsiis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bogsiin
vl. n. healing, curing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bogsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid bugta daawayn. Dawooyinku way kala bogsiin og yihiin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bogsiin
cf: bukaan
de: healing, curing
lx: bogsiin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: bogsiin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bogsiis
m.l la-mid: bogsiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bogsiis
-ka: (magac, lab, keli) eeg bogsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cunsiin
(Cunsiin-ta)
(qof, kd.) aan cunno cuneen ama diiddan, inuu cuno yeelsiin, oggolaysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cunsiin
m.f.dh eeg cunsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cunsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof iyo wixii la mid ah oo cunno diiddan, inuu wax cuno yeelsiin ama oggolaysiin. Dh: cunsiis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cunsiis
-ka: (magac, lab, keli) eeg cunsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhagsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Qof ama wax dilid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhagsii
v. hit, strike, give a blow (to)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhagsii
(fal) si fudud oo degdeg ah cid wax ugu dhifo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhagsii
de: hit, strike, give a blow (to)
lx: dhagsii
pd: (dhagsiiyey)
ps: v2a=tr
key: dhagsii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duudsii
f.lg2 (-iiyay, -iisay) la-mid: duudsi³.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuudsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Nafley maraq cabsiin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fuudsii
v.caus: give someone broth to sip
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuudsii
(fal) fuud, waraabi oo raqsii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fuudsii
de: give s.o. broth to sip
lx: fuudsii
pd: (fuudsiiyey)
ps: v2a=caus
key: fuudsii
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuulsii
f.g2 (-iiyay, -iisay) la-mid: fuuli.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuulsii
(fal) cid kale, meel sare gaadhsii sida geed iyo gaadiid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fuushii
f.g2 (-iiyay, -iisay) la-mid: fuuli.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fuushii
v. have someone sit on; make someone ride in of something
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fuushii
-fuushiyey / fuushisay: (v) cause to climb or ascend, make someone walk up ~ fuuli
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fuushii
(fal) cid kale, meel sare gaadhsii sida geed iyo gaadiid. Fuushii islaanta baabuurka. Dh: korsii. Li: deji, dhaadhici.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fuushii
a: fuuli
de: have s.o. sit on; make s.o. ride in of s.t.
lx: fuushii
pd: (fuushiiyey)
ps: v2a=tr
key: fuushii
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hubsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg hubsiimo.