sufiih
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sufiih
m.l.kh la-mid: safiih.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sufiih
-ha: (magac, lab, keli) qof caqli gaab ah. Dh: doqon, safiih. Li: fariid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sufiihi
m.l.kh la-mid: safiih.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Safiih
(Safiih-a)
Caqli gaaban; nacas; dabbaal; sawaab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
safiih
m.l.kh S. ah: qof caqli gaab ah; doqon. la-mid: sufeehi, sufiih, sufiihi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
safiih
m. n. imbecile, dolt, fool, stupid person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
safiih
-a: (magac, lab, keli) qof ma xishoode ah; mid aan anshax wanaagsanayn. Safiih xoolahaagaa badh la siiyaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
safiih
bw: Arabic
de: imbecile, dolt, fool, stupid person
initial: s
lx: safiih
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: safiih
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Safiir
(Safiir-ka)
Ergey dowladi dirsato oo dal shisheeye u fariista oo danaha dalkiisa iyo qarankiisa ilaaliya, kan ugu darajo sareeya; danjire.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
safiir
m.l (-rro, m.dh) Danjire dalkiisa u jooga dal kale oo shaqo dibolomaasi u haya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
safiir
m.l (-rro, m.dh) Danjire dalkiisa u jooga dal kale oo shaqo dibolomaasi u haya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
safiir
m. n. ambassador
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
safiir
-ka: (n) ambassador (am-baa-si-dher) ~ danjire
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
safiir
-ka: (magac, lab, keli) ergey dowladi dirsato oo dal shisheeye u fariista oo danaha dalkiisa iyo qarankiisa ilaaliya, kan ugu darajo sareeya. Dh: danjire.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
safiir
bw: Arabic
cf: safaarad
de: ambassador
initial: s
lx: safiir
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: safiir
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
suffix
/safiks/ (n) xarfo lugu daba-qabto kalmad oo macnaha baddala ~ gadaal-gal (naxwe ahaan sida, quickly).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sufihi
(Sufihi-ga)
Qof caqli gaaban; doqon.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sufihi
m. n. (adj.): stupid person; narrow-minded, tactless
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sufihi
-ga: (magac, lab, keli) qof caqli gaaban; doqon.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sufihi
de: stupid person; [atr.] narrow-minded, tactless
initial: s
lx: sufihi
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: sufihi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cufniin
-ka: (magac, lab, keli) meel gufayn.
cufniin -ka: (magac, lab, keli) walax, adkayn oo wax cufan ka yeelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hufniin
-ka: (magac, lab, keli) hufidda lafteeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kufniin
(Kufniin-ka)
Kufid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kufniin
m.l la-mid: kufid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kufniin
vl. n. act of falling over, slipping
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kufniin
-ka: (n) the act of falling down
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kufniin
-ka: (magac, lab, keli) wax socda ama ordaaya ama boodaaya, dhulka ku dhicid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kufniin
de: act of falling over, slipping
lx: kufniin
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: kufniin
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
kufniin
سُقُوط
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Quficid
(Quficid-da)
Qufac ka imaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quficid
m.f.dh eeg qufac².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
quficin
m.f.dh eeg qufici.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
safiito
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Shay ka mid ah qalabka dhismaha oo guryaha dedkooda hoose lagu dhejiyo. 2. Wax kasta oo marka guryaha la dedo hoos looga dhejiyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
safiito
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Shay ka mid ah qalabka dhismaha oo guryaha dedkooda hoose lagu dhejiyo. 2. Wax kasta oo marka guryaha la dedo hoos looga dhejiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
safiito
f. n. masonite, ceiling material
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
safiito
-safiitada: (n) ceiling (sii-ling); ceiling panel
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
safiito
de: masonite, ceiling material {It}
initial: s
lx: safiito
pd: (/da)
ps: n6-f
key: safiito
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
safniin
-ka: (magac, lab, keli) safidda lafteeda.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
selfish
/selfish/ selfishly; (adj) anaani (danayste).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
selfish
a., is jacel.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
subixii
n. phr., time: in the morning
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
subixii
(n) mornings (moorningis)-, the early part of the day ~ subaxnimo
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
subixii
de: in the morning rw: subax
initial: s
lx: subixii
ps: np-time
key: subixii
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
sùdicio
agg. - wasakhaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sufeehi
m.l.kh la-mid: safiih.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
suffice
/safays/ (v) kaafiyid (ku fillaansho).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
suffice
v.i., (be sufficient) fillow, ku fillow.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
suffire
suffire, v. - u adeegidda; adeegid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sufriye
m.l (-yayaal, m.l/dh) Weel macdan ka samaysan, af ballaaran leh oo cuntada lagu karsado; digsi. la-mid: surfiyo, sufriyad, sufriye, sufriyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sufriye
m.l (-yayaal, m.l/dh) Weel macdan ka samaysan, af ballaaran leh oo cuntada lagu karsado; digsi. la-mid: surfiyo, sufriyad, sufriyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sufriye
m. n. cooking pot
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sufriye
-ha: (magac, lab, keli) boodh; habaas.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sufriye
a: sufriyo ~ surfiyo (/da) [n6-f]
de: cooking pot
initial: s
lx: sufriye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: sufriye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sufriyo
m.dh la-mid: surfiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sugniin
(Sugniin-ka)
Sugidda lafteeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sugniin
sugniin: m.l/dh la-mid: sugid.
sųgniin: m.l/dh la-mid: sųgid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sugniin
vl. n. waiting, act of expecting
sugniin vl. n. feeling of certainty
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sugniin
-ka: (n) 1. the act of waiting. 2. the act of confirming ~ see also [eeg] sugitaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sugniin
-ka: (magac, lab, keli) wax maqan sugitaankiisa lafteeda.
sugniin -ka: (magac, lab, keli) xaqiijinta wax jiritaankiisa; wax ka war sugitaan. Ramadaanka sugniin la'aan aan aragtida bisha la sugin lama soomo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
surfiyo
m.dh (-do, m.l) la-mid: sufriye.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
surfiyo
f. n. cooking pot
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
surfiyo
-surfiyada: (n) large cooking pot ~ digsi, sufriyad
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
surfiyo
a: sufriyo
de: cooking pot
initial: s
lx: surfiyo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: surfiyo
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Suufi_1
de: Sufi mystic; adherent to one of the Sufi orders
hm: 1
initial: s
lx: Suufi
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: Suufi_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Suufi_2
de: Sufi
hm: 2
initial: s
lx: Suufi
ps: name-m
key: Suufi_2
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
suufi_3
de: eccentric man; [atr.] not very smart, not on the ball {slang}
hm: 3
initial: s
lx: suufi
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: suufi_3
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Suufiya
pr. n., [feminine] Sufia, Sophia
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Suufiya
de: Sufia, Sophia
initial: s
lx: Suufiya
ps: name-f
key: Suufiya
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suumiir
-ta: (magac, dhedig, keli) noolaha badda ku jira mid ka mid ah malada iyo maggarasadda la jaad ah; waxay dhusha ku leedahay dhibco; gaarfaad. Suumiir buu ku soo jillaabtay idaaddii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tufniin
-ka: (magac, lab, keli) eeg tufitaanka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suufinimo
-da: (magac, dhedig, keli) suufi ahaan.