sudeef
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sudeef
(Sudeef-ka)
Dhulmar; dalxiis: wareeg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sudeef
m.l (-fyo, m.dh) Sabool.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sudeef
m. n. wandering, travel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sudeef
-ka: (magac, lab, keli) dhulmar; dalxiis; wareeg.
sudeef -ka: (magac, lab, keli) faqri iyo saboolnimo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sudeef
cf: dalxiis, wareeg
de: wandering, travel
initial: s
lx: sudeef
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: sudeef
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sudeex
(Sudeex-a)
Laqanyo; liidaanyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sudeex
sudeex¹: m.l Laqanyo.
sudeex²: f.mg1 (-xay, -xday) Laqanyo dareemid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sudeex
m. n. nausea
sudeex [inchoative] v. feel queasy, become nauseous
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sudeex
-a: (magac, lab, keli) laqanyada la dareemo kolka hilib baruur ah la cuno. Dh: laqanyo, liidaanyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dalxiis_1
cf: socdaal, sudeef
de: travel, go on a trip, tour
hm: 1
lx: dalxiis
pd: (dalxiisay)
ps: v1=cmp
key: dalxiis_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wareeg_1
cf: wareeji; sudeef
de: revolve, turn, go round and round, gyrate; tour; roam about
hm: 1
initial: w
lx: wareeg
pd: (wareegay)
ps: v1=intr
key: wareeg_1
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deef
m.dh Garabka intiisa kore; qarqar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
deef
m.dh Garabka intiisa kore; qarqar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deef
-ka: (magac, lab, keli) jaad ka mid ah badarka la abuuro oo kolka la ridqo kimis laga samaysto.
deef -ta: (magac, dhedig, keli) garabka intiisa kore. Dh: qarqar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Seef
(Seef-ta)
Qalab lagu dagaallamo oo leh: bir dheer (birlab) oo xalleefsan oo dhuuban oo toosan ama qalloocan; caarad wax mudda; af ama labo af oo wax gooya iyo daab gaaban oo la qabto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
seef
m.dh (-fo, m.l) Qalab lagu dagaallamo, gadaal daab la qabsado ku leh oo ka samaysan bir xalleefsan, dhuuban, dheer, toosan ama qalloocan, leh caarad wax mudda iyo af wax gooya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
seef
m.dh (-fo, m.l) Qalab lagu dagaallamo, gadaal daab la qabsado ku leh oo ka samaysan bir xalleefsan, dhuuban, dheer, toosan ama qalloocan, leh caarad wax mudda iyo af wax gooya.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
seef
f. n. sword, saber, scimitar
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
seef
-ta: (n) sword (soordh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seef
-ka: (magac, lab, keli) wax badan oo dhinaca is ku haya. Dh: dhinac, fay, gefti.
seef -ta: (magac, dhedig, keli) qalab lagu dagaallamo oo ka samayn bir, xalleefsan oo toosan ama soo yara xoodan, caarad wax mudda leh, af ama labo af oo wax gooya iyo daab gaaban oo la qabto leh, gal la geliyana leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
seef
bw: Arabic
de: sword, saber, scimitar
initial: s
lx: seef
pd: (-ta Pl: seefaf (ka))
ps: n4-f, n1-f
key: seef
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
seef
سيف
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
budee
f.g2 (-deeyay, -daysay) Wax budo ka dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
budee
f.g2 (-deeyay, -daysay) Wax budo ka dhigid. m.f.dh, budayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
budee
v. pound, grind
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
budee
-yey / budaysay: (n) pound or beat with a club
budee: -yey / budaysay: (v) grind to a powder; pulverize (palveraayz)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
budee
(fal) ul madax buuran leh oo gaaban la dhac. Dh: budhee.
budee: (fal) ka dhig dixiin, daqiiq ah. Innoo budee hadhuudhka.
budee: (fal) budo ku dar dareere. Shuurada budee oo yaanay quldoobin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
budee
de: pound, grind
lx: budee
pd: (budeeyey)
ps: v2b=
key: budee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sidee
Sidee?
Habkee? Xaaladdee? Waxee? Maxaa? Maxay ku noqotay?
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sidee
fk.we Habkee; xaaladdee?; waxee?; maxaa? maxay ku noqotay?. la-mid: see.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sidee
fk.we Habkee; xaaladdee?; waxee?; maxaa? maxay ku noqotay?. la-mid: see.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sidee
question word, [adverb] how?
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sidee
(adv) how (haaw) Ex: sidee tahay? how are you? ~ sideed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sidee
sidee? (falkaabe) su'aaleed laga horraysiiyo su'aasha xaaladda ku saabsan. Sidee casharka loo dhigaa? Dh: Habkee? Xaaladdee? Waxee? Maxaa?
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sidee
de: how?
initial: s
lx: sidee
ps: qw-adv
xe: How is the temperature today?
xv: Maanta hawadu waa sidee?
key: sidee
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
sidee
كيف
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sukee
f.mg2 (-keeyay, -keysay) Kali ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sumee
f.g2 (-meeyay, -maysay) 1. Nafley sun siin. 2. Wax sun ku darid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sumee
f.g2 (-meeyay, -maysay) 1. Nafley sun siin. 2. Wax sun ku darid. m.f.dh, sumayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sumee
v. poison, give poison to, infect
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sumee
-yey / sumeysay: (v) poison (pooy-san); contaminate or pollute deliberately
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sumee
(fal) sun sii oo cabsii. Dh: sunee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sumee
de: poison, give poison to, infect
initial: s
lx: sumee
pd: (sumeeyey)
ps: v2b=tr
key: sumee
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Gudeed
Internal
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Gudeed
Interior
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hudeec
(Hudeec-a)
Socod gaabsi ah; hadaaf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hudeec
hudeec¹: m.l la-mid: hadeec¹.
hudeec²: f.mg1 (-cay, -cday) la-mid: hadeec².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hudeec
v. walk slowly, take short steps
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hudeec
(fal) eeg hadaaf.
hudeec-a: (magac, lab, keli) socod gaabis ah. Dh: hadaaf.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hudeec
de: walk slowly, take short steps
lx: hudeec
nt: hudeec (a) [vn2a-m]
pd: (hudeecay)
ps: v1=
key: hudeec
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mudeec
-a: (magac, lab, keli) qof amarrada fuliya oo wixii la faro si fudud u yeela oon wanaagga diidin. Dh: baarri, duddiic.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sideed
question word, vl. pron. how ... you?
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Sideed
huit.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sideed
(adv) how (haaw) ~ see also [eeg] sidee
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sideed
de: how ... you?
initial: s
lx: sideed
ps: qw + vpro
xe: How do you want it?'; Sideed is tiri? 'What did you do to yourself?' [expr]
xv: seed
key: sideed
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sideen
conj., vl. pron. how I / we ...; so I / we ...
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sideen
(question word) how I or how we..... Ex: sideen ugu sheegaa? how should I tell him or her?
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sideen
de: how I / we ...; so I / we ...
initial: s
lx: sideen
ps: conj + vpro
xe: How are we going to get out?
xv: Sideen u soo baxaynaa?
key: sideen
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
subeec
-a: (magac, lab, keli) mid ka mid ah qalabka fardaha lagu qurxiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
subeen
m.dh la-mid: sabeen.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Subeer
name-m; nickname-m marauder
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
subeer
-ka: (magac, lab, keli) kurey; qoofil.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sudden
/sadhan/ (adj) kadis ah (si kada ah u dhaca).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Sureer
pr. n., [feminine] Sureer
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Sureer
name-f tall and proportional; sweet, honey
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Sureer
magac loo baxsho gabadh dherar iyo qaab wacan leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sureer
-ka: (magac, lab, keli) mid ka mid ah baldhannada dharka lagu xirto gaar ahaan shaadhka. Sureer baa ka go'ay shaadhkii cusbaa Dh: guluus.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Sureer
de: Sureer {C}
initial: s
lx: Sureer
ps: name-f
key: Sureer
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
duudseef
m.l Rati aan kurus lahayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sudeex_1
de: nausea, queasiness
hm: 1
initial: s
lx: sudeex
pd: (-a)
ps: n0-m
key: sudeex_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sudeex_2
de: feel queasy, become nauseous
hm: 2
initial: s
lx: sudeex
pd: (sudeexay)
ps: v1=inch
key: sudeex_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sudeexid
(Sudeexid-da)
Si oogadu iska garato oo dammaad ku jiro, sida qof laqanyaysan noqosho; liidaanyo iska garasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sudeexid
m.f.dh eeg sudeex².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sudeexid
-da: (magac, dhedig, keli) si oogadu iska garato oo dammaad ku jiro, sida qof laqanyaysan. noqosho; liidaanyo iska garasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hudheel
m. n. hotel
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hudheel
-ka: (n) hotel (huteel); motel (mu-teel) ~ hoteel, albeergo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hudheel
-ka: (magac, lab, keli) meel cuntada lagu kariyo oo dadku ka iibsadaan kana cunaan. Hudheelka ka soo cashee. Dh: makhaayad.
hudheel -ka: (magac, lab, keli) meel lacag lagu galo oo qolal la seexdo iyo meelo lagu raaxaysto leh. Hudheel fiican ayaa madaxda la dejiyaa. Dh: huteel.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hudheel
a: hoteel {N < Eng}
de: hotel
lx: hudheel
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: hudheel
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isu eeg
v. compare
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isu_eeg
de: compare
lx: isu eeg
pd: (eegay)
ps: v1=expr
key: isu_eeg
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Isukeen
(Isukeen-ta)
Meesha 2 qori ama 2 xarriiqood iska taabtaan ama isugu yimaadaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isukeen
f. n. angle; joint
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isukeen
de: angle; joint
lx: isukeen
pd: (-ta)
ps: n2-f
key: isukeen
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ku deeq
v. bestow upon, grant unto; do an act of generosity
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ku_deeq
de: bestow upon, grant unto; do an act of generosity
lx: ku deeq
pd: (deeqay)
ps: v1=expr
key: ku_deeq
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Muddeec
(Muddeec-a)
Wixii la faro si fudud u yeela; aan wax diidin; baarri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muddeec
m.l.kh M. ah: qof wixii la faro si fudud u yeela; aan wax diidin; baarri ah. la-mid: muddiic.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
muddeec
m.l.kh M. ah: qof wixii la faro si fudud u yeela; aan wax diidin; baarri ah. la-mid: muddiic.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
muddeec
m. n. obliging, loyal ~ obedient person
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
muddeec
-ah: (adj) obedient (obiidiyanti)-, compliant (kompa-laant)-, submissive (sab-mis'iv) ~ dhaganugul, muddiic
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muddeec
(fal) addeec oo u hoggaansanaw. Dh: adeec. Li: inkir, diid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
muddeec
a: muddiic
cf: baarri
de: obliging, loyal ~ obedient person
lx: muddeec
pd: (-a)
ps: n2a-m
xv: Arabic
key: muddeec
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
shudder
/shadhar/ (v) 1. gar-gariirid (jarcayn) (n) 2. gar-gariir.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
shudder
(see shiver).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shufeer
* (Shufeer-ka)
Kan baabuurrada wada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shufeer
m.l (-rro, m.dh) Qof baabuur wada; wade.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shufeer
m.l (-rro, m.dh) Qof baabuur wada; wade.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shufeer
m. n. driver, chauffeur
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shufeer
-ka: (n) chauffeur (shu-feer); driver (dharaay-ver); motorist (moota-riist) darawal, wade
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shufeer
-ka: (magac, lab, keli) kan baabuurta wada; darewal.