sudci
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sudci
-ga: (magac, lab, keli) eeg sidci.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rudci
(fal) tidic adag oo isdhaafdhaafsan samee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sidci
-ga: (magac, lab, keli) qof saaciido leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
subci
f.mg2 (-iyay, -isay) Subac akhrin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
subci
f.mg2 (-iyay, -isay) Subac akhrin. m.f.dh, subcin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
subci
v. recite the Koran in a group
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
subci
-yey / say / yeen / nay: (v) conduct a group recitation of the Koran, each reciting one verse in sequence
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
subci
(fal) 'Quraan' si subac ah u akhri.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
subci
de: recite the Koran in a group
initial: s
lx: subci
pd: (subciyey)
ps: v2a=intr
see: subac
key: subci
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
sùdicio
agg. - wasakhaysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muduci
-ga: (magac, lab, keli) dacwad ooge cid soo eedeeya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rudcid
(Rudcid-da)
Si ruduc ah, wax u soohid, u samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rudcid
m.f.dh eeg ruduc². la-mid: ruduc¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rudcid
-da: (magac, dhedig, keli) si ruduc ah wax u tidcid oo u samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rudcin
-ta: (magac, dhedig, keli) sooh gaar ah soohid. Dh: rudcis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rudcis
-ka: (magac, lab, keli) eeg rudcin.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
sédici
agg. - lix iyo toban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shuuci
m.l (-ciin, m.dh) Qof raacsan madba'a shuuciyadda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shuuci
m.l (-ciin, m.dh) Qof raacsan madba'a shuuciyadda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shuuci
m. n. communist man
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shuuci
-ga: (n) Marxist-Leninist; Communist (komo-niist)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shuuci
-ga: (magac, lab, keli) dal, dad ama qof shuuciyadda aaminsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shuuci
bw: Arabic
de: communist man
initial: s
lx: shuuci
pd: (-ga Pl: shuuciyiin (ta))
ps: n2a-m, n8-m
key: shuuci
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Subcin
(Subcin-ta)
Habka subaca loo yaqaan, Quraan ku akhriyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
subcin
m.f.dh eeg subci. la-mid: subcis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
subcin
-ta: (magac, dhedig, keli) Quraan si wadajir aha loo akhriyo oo qofba mar hooris qaato. Dh: subcis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
subcis
m.l la-mid: subcin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
subcis
-ka: (magac, lab, keli) subcin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sudhid
-da: (magac, dhedig, keli) meel ka soo laalaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sumcid
m.f.dh eeg sumac².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sud
m.dh 1. Waddo yar oo dhex marta geedo bahalla galeen ah. 2. Dhul dhir dhaadheer oo ciriiri ah leh oo aan la geli karin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sud
m.dh 1. Waddo yar oo dhex marta geedo bahalla galeen ah. 2. Dhul dhir dhaadheer oo ciriiri ah leh oo aan la geli karin.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Sud
Sudd
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
sud
s.m. - koonfur.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sud
-da: (magac, dhedig, keli) buur soo oodan co aan waddo lahayn.
sud-da: (magac, dhedig, keli) meel sare dhulka uga yara kacsan.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
sud
sud, n.m. - koonfur (jiho)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dudi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: didi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dudi
(fal) ka xanaaqsii oo inuu cadho ku socdo sabab u ahaw. Dh: dudsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gudi
-da: (magac, dhedig, keli) geed ka mida geed midhoodka oo midhihiisa loo yaqaan yicib xoolaha daaqana hilibkooda iyo dhuuxooduba casaado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
juci
f.g2 (-iyay, -isay) Faro iyo wixi lamida juc ka siin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
juci
v. crack (one's knuckles); stretch (one's body); massage someone
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
juci
-yey / say / yeen I nay: (v) make a snapping sound; crack (karaakj
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
juci
(fal) faraha xubnahooga isku laallaab.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
juci
de: crack (one's knuckles); stretch (one's body); massage s.o.
lx: juci
pd: (juciyey)
ps: v2a=tr
xe: Please massage me.
xv: jucin (ta) [vn-m], jucis (ka) [vn-m] {S}
key: juci
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
such
/saj/ (deter) 1. oo kale (sida) 2. heerkaas (noocaas, ilaa xadkaas). such as/saj as/sida (ay ka mid yihiin).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
such
prn., kaas oo kale ah, hebel.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
suck
(v) to draw liquid into the mouth by inhalation; to draw in by or as if by suction.
nuugis
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
suck
/sak/ (v) nuugid (jaqid); nuug.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
suck
suckling, n., jaqa, -ihi, nuujis, -ki; v.tr., nuug, muudso, jaq; sucking child, ilma naasaha jaqa; suck up, fiiqso.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
suct
n., baruur, -ti.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Sudd
Sud
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sudh
(fal) meel ganto leh wax ka soo laalaadi. Gantada yar ee gurada guriga ku taal sudh dhiisha.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
suds
/sadhz/ (n) xumbada saabuunta (xoorta saabuunta).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
suri
suri, adj. - dhanaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Suti
(Suti-da)
Wax iska celis; jilibdhig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suti
m.dh 1. Jilib dhigidda wax layska daafacayo loo jilib dhigo. 2. (-iyo, m.l) Gaashaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
suti
m.dh 1. Jilib dhigidda wax layska daafacayo loo jilib dhigo. 2. (-iyo, m.l) Gaashaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
suti
f. n. defense, resistance
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suti
-da: (magac, dhedig, keli) sidii loo difaaci lahaa, caabbin lahaa, iyo wixii la mid ah, waxba aan la gala hadhin, hoggaanka qabo hawl, majaraha hawl u qabo. Sutidaan u qabtay. suldaannadi oo markay seefta arkeen bay wada sara joogsadeen.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
suti
de: defense, resistance
initial: s
lx: suti
pd: (-da)
ps: n1-f
key: suti
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
udgi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax caraf u yeelid. la-mid: udgoonee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
udgi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax caraf u yeelid. m.f.dh, udgin. la-mid: udgoonee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
udgi
v. perfume, put scent on
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
udgi
-yey / say: (v) fill with a pleasant odor; perfume (peer-fiyuum); scent (sen-ti) ~ carfi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
udgi
(fal) carfi u yeel; udgoonee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
udgi
a: udgoonee
de: perfume, put scent on
initial: u
lx: udgi
pd: (udgiyey)
ps: v2a=tr
key: udgi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xudi
erey nirgaha lagu kexeeyo oo soco u dhigma.
xudi: (fal) wax god ku jira ama mus ku dhuumanaya ul dheer ku guji. Muska xudi wixii ku jiraaba ha ka bexee. Dh: guji.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bidci
m.l (-iyo, m.dh) (dii.) Qof ku sifoobay dhaqanka bidcada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
bidci
m.l (-iyo, m.dh) (dii.) Qof ku sifoobay dhaqanka bidcada.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
bidci
m. n. heretic
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
bidci
-ga: (n) heretic (heri tik)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bidci
-ga: (magac, lab, keli) qof la yimaad cibaado sharciga khilaafsan. Bidcigu waa been'abuurte.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
bidci
bw: Arabic
de: heretic
lx: bidci
pd: (-ga)
ps: n2a-m, n7-m
key: bidci
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buddi
m.l (-iyiin, m.dh) (dii.) Qof raacsan diinta loo yaqaan buddiyadda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
buddi
m.l (-iyiin, m.dh) (dii.) Qof raacsan diinta loo yaqaan buddiyadda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buddi
(fal) budo ka dhig oo daqiiji. Hadhuudhka aad u buddi. Dh: budli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
budli
f.g2 (-iyay, -isay) Wax aad u jilcin ama budul ka dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
budli
f.g2 (-iyay, -isay) Wax aad u jilcin ama budul ka dhigid. m.f.dh, budlin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
budli
v. grind, pulverize
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
budli
(fal) aad u tun, aad u garaac oo jilci. Mooyaha hadhuudhka ku budli. Dh: tun.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
budli
de: grind, pulverize rw: budul
lx: budli
pd: (budliyey)
ps: v2a=
key: budli
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cudbi
(Cudbi-ga)
Bul jilicsan oo cad oo uu dhalo geed dhulka kulul ka baxa: dun iyo dhar iyo waxyaalo kale oo aan la tirin karin baa laga sameeyaa; barkimooyinka iyo joodariyaasha baa laga buuxshaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cudbi
m.l Bul jilicsan, cad, loo isticmaalo siyaabo badan, dharkana laga samaysto oo uu dhalo geed ka baxa kulaylaha; suuf.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cudbi
m.l Bul jilicsan, cad, loo isticmaalo siyaabo badan, dharkana laga samaysto oo uu dhalo geed ka baxa kulaylaha; suuf.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Cudbi
pr. n., [feminine] Udbi
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cudbi
m. n., [collective] cotton; cotton plant
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
CUDBI
(Odbi) N, Og Gossypium sp. Malvaceae.
N,Og Gossypium herbaceum L. Malvaceae.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Cudbi
name-f cotton; lit: white, light-skinned
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cudbi
-ga: (n) cotton (koten) ~ suuf
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Cudbi
magac loo baxsho gabadh qurux awgeed lagu metaalay cutub oo leh midab furan oo caddaan saafiya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cudbi
-ga: (magac, lab, keli) geed ka mid ah geedaha kuwa ugu qaalisan oo midhihiisa laga gurto duf cad oo weheliya. Waxa uu dufkaasi galaa samaynta dharka iyo wixii la mid ah.
cudbi -ga: (magac, lab, keli) bul jilicsan oo cad oo laga guro geedka cudbiga. Dh: cutub.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuddi
f.g2 (-iyay, -isay) Gilgilid (samayo, waran); ka gariirsiin. la-mid: cuti².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cuddi
v. shake (a spear before throwing); walk weakly (of old ~ very sick person)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuddi
(fal) waran, ka giriirsii oo garagaree.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cuddi
cf: gilgil, kilkil
de: shake (a spear before throwing); walk weakly (of old ~ very sick person)
lx: cuddi
pd: (cuddiyey)
ps: v2a=
key: cuddi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dulci
f.g2 (-iyay, -isay) Googarad duluc gelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulci
(fal) xadhig dulac ah geli. Intay googgaradda dulcinaysay buu dherigii ka gubtay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gudbi
f.g/lg2 (-iyay, -isay) G./u g.: wax, wax kale dhaafin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gudbi
f.g/lg2 (-iyay, -isay) G./u g.: wax, wax kale dhaafin. m.f.dh, gudbin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gudbi
v. lay something across, send across; pass, hand over