subuqsubuq
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
subuqsubuq
m.dh Socsocod badan oo aan ujeeddo lahayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
subuqsubuq
-da: (magac, dhedig, keli) socod aan fiirsi ahayn oo layska socdo oo meel walba la galo. Dh: dhubuqdhubuq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhubuqdhubuq
m.dh la-mid: dhibiqdhibiq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhubuqdhubuq
-da: (magac, dhedig, keli) qaab loo socdo kolka wax la basaasayo ama cid la iska qarinayo. Dhubuqdhubuq hori dhabanna hays dambay leedahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Juuqjuuq
(Juuqjuuq-a)
Daandaansi; xumakaddoon; maag; aabi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
juuqjuuq
juuqjuuq¹: m.l 1. Hadal cilaaq ah oo dad dhex mara. 2. la-mid: juuqjuuqid.
juuqjuuq²: f.mg1 (-qay, -qday) Cid la cilaaqtamid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
juuqjuuq
v. murmur, chatter
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
juuqjuuq
(fal) gaabso hadalka oo hoos u hadal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
juuqjuuq
de: murmur, chatter
lx: juuqjuuq
nt: juuqjuuq (a) [vn-m]
pd: (juuqjuuqay)
ps: v1=pl
key: juuqjuuq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shuqshuq
-da: (magac, dhedig, keli) dhawr jeer shug-shuqin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suunsuun
(fal) munuus oo sidii ay wax urinaya u Socsoco. Meelahaa suunsuun haddaad waalan tahay. Dh: munuus.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suursuur
-ta: (magac, dhedig, keli) meel cidhiidhyoon; saymo; cidhiidh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buluqbuluq
m.l/dh 1. Buluqbuluqleynta. 2. B. ah: qof buuran oo hilib jilicsan leh. 2. (sh.r) B. dheh: cod lagu muujiyo shanqar mayridda ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
buluqbuluq
m.l/dh 1. Buluqbuluqleynta. 2. B. ah: qof buuran oo hilib jilicsan leh. 2. (sh.r) B. dheh: cod lagu muujiyo shanqar mayridda ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
buluqbuluq
vl. n. walking with a sway ~ staggering because of obesity
buluqbuluq [feminine] n. swishing about
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buluqbuluq
buluqbuluq!: (ereycodeed) lagu tusmeeyo balqashada dareere oo isdabajoog ah. Buluqbuluqda biyaha baraarka commane yaanu ku soo qamaamin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
butuqbutuq
-da: (magac, dhedig, keli) socod dhicdhicitaan ku jiro. Butuqbutuqda wuxuu la hayaa waa badhidiyo baruurta awgeed, subaax waliba baraar baa loo qalaa, barannay boqorkaase.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cumuqcumuq
m.dh (-qyo, m.dh) Hadal diidmo aan caddayni ku jirto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
muluqmuluq
m.dh 1. Socod badan oo meelo kala duwan la gelayo iyada oo aan ujeeddo fiican laga lahayn. 2. M. leh: wax gacanta ka sibiibixanaya. 3. Khayaano iyo mardaddabaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
muluqmuluq
m.dh 1. Socod badan oo meelo kala duwan la gelayo iyada oo aan ujeeddo fiican laga lahayn. 2. M. leh: wax gacanta ka sibiibixanaya. 3. Khayaano iyo mardaddabaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
muluqmuluq
-da: (magac, dhedig, keli) socsocod isdhexyaac ah oo la is dhaafdhaafo. Muluqmuluqda ayaad ku garan meeshii bilaa nidaam ah.
muluqmuluq -da: (magac, dhedig, keli) kolba meel gal oo haddana ka bixid soo noqnoqota oo la sameeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shuuqshuuq
(Shuuqshuuq-da)
Kadafka qaarki oo raxan raxan u socda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shuuqshuuq
m.dh Kadafka qaarkiis oo raxaraxan u socda. la-mid: shuushuunle, shuuqshuuqle.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shuuqshuuq
f. n. rodent species that travels in groups (mongoose?)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shuuqshuuq
-da: (magac, dhedig, keli) kadafka qaarkii oo raxanraxan u socda. Dh: shurunshuur.
shuuqshuuq -da: (magac, dhedig, keli) hadal laga shikin karo oo hoos cid gaar ahi u faqaan iyadoo cid kale oo joogta laga qarinayo. Dh: shuqshuq.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shuuqshuuq
cf: kadaf, soongur
de: rodent sp. that travels in groups (mongoose?)
initial: s
lx: shuuqshuuq
pd: (-da)
ps: n-f
key: shuuqshuuq
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sibiqsibiq
-ah: (adj) unnoticeable (an-noo-tisi-bal) without noticing
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
humbuluuluq
humbuluuluq¹: m.l Meel oogada ka mid ah oo gubatay dabadeed biyo gashatay. la-mid: hambalaalaq¹ (2).
humbuluuluq²: f.mg1 (-qay, -qday) Meel gubatay biyo gashasho. la-mid: hambalaalaq².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
humbuluuluq
humbuluuluq¹: m.l Meel oogada ka mid ah oo gubatay dabadeed biyo gashatay. la-mid: hambalaalaq.
humbuluuluq²: f.mg1 (-qay, -qday) Meel gubatay biyo gashasho. m.f.dh, humbuluuluqid. la-mid: hambalaalaq.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
humbuluuluq
m. n. blister, inflamed ~ infected wound
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
humbuluuluq
(fal) mudhmudhux iyo humbuluuluq yeelo.
humbuluuluq: (tilmaame) socod aan jiillanayn oo tallaabada iyo jidhka la is wada raaciyo. Dh: gatawgataw.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
humbuluuluq
de: blister, inflamed ~ infected wound
lx: humbuluuluq
pd: (-a)
ps: n-m
see: hunbuluuluq
key: humbuluuluq
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hunbuluuluq
(Hunbuluuluq-a)
Murmuruxa iyo biyaha gala oogada gubata.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hunbuluuluq
v. blister, run ~ weep (of a skin burn, wound ~ infection)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hunbuluuluq
-a: (magac, lab, keli) mudhmudhuxa oogada gubata biyaha gala.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hunbuluuluq
de: blister, run ~ weep (of a skin burn, wound ~ infection)
lx: hunbuluuluq
pd: (hunbuluuluqay)
ps: v1=intr
see: humbuluuluq
key: hunbuluuluq