subkasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Subkasho
(Subkasha-da)
Subag is marin; dhaashad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
subkasho
m.f.dh eeg subko. la-mid: subkad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
subkasho
-da: (magac, dhedig, keli) subag marsasho. Subkasho la'aan lama baxo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Subkad
(Subkad-ka)
Subkasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
subkad
m.l la-mid: subkasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bunaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) bunaysadka markaad jus dhammayso. Bunaysasho ardada ninkii ku dhowoow soo badi bunka.
bunaysasho -da: (magac, dhedig, keli) bun subag ama saliid lagu dubay ku xafladayn: bun ku ducaysasho oo ku subkasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
subkad
-ka: (magac, lab, keli) subag ismarin; subkasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suubsasho
m.f.dh eeg suubso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suubsasho
-da: (magac, dhedig, keli) suubis ku darsasho; siyaadsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bukasho
m.f.dh eeg buko. la-mid: bukood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cubasho
m.f.dh eeg cubo. la-mid: cugasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dubasho
(Dubasha-da)
(cunno) dab, raran, kd., ku bislaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dubasho
dųbasho: m.f.dh eeg dųbo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dubasho
vl. n. baking, frying
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dubasho
-da: (magac, dhedig, keli) hilib, xasiid ama wax kale, dab ku solasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dubasho
de: baking, frying
lx: dubasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: dubasho
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
dubasho
قَلْي قَلْوُ الطَّعَامِ
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dukasho
-da: (magac, dhedig, keli) salaad Ilaahay la imasho oo cibaado ahaan u oogid. Dh: tukasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gubasho
(Gubasha-da)
Saamays dab, dareemid, wax ku noqosho, ku baabbi'id.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gubasho
gubasho¹: m.f.dh eeg gubo. la-mid: gubad (3).
gubasho²: m.dh (kiimika) Falgal kimikaad ee walaxi si dhakhso ah ula falgasho ogsijiin, maxsuulkuna noqdo kul iyo ileys. Falgallada noocaani, badanaaba waa silsiladda falgallada xidiidshaha xorta ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gubasho
m.dh (kiim.) Falgal kimikaad ee walaxi si dhakhso ah ula falgasho ogsijiin, maxsuulkuna noqdo kul iyo ileys. Falgallada noocaani, badanaaba waa silsiladda falgallada xidiidshaha xorta ah.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Gubasho
Combustion
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gubasho
vl. n. state of being burnt
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gubasho
-gubashada: (n) the process of burning; combustion (kombas-sheri)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gubasho
-da: (magac, dhedig, keli) isbeddel kimikaadka dhaca marka uu ogsijiin la falgalo walax sida qori, dhuxul iyo wixii la mid ah.
gubasho -da: (magac, dhedig, keli) saamayn dab ama wax kale oo kulul ku shidmid. Shidaal ku wuu gubasho dhaw yahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gubasho
a: gubad
de: state of being burnt
lx: gubasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: gubasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qubasho
(Qubasha-da)
Wax qubtay noqosho; daadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qubasho
m.f.dh eeg qubo². la-mid: qubad².
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qubasho
-qubashada: (n) spillage (ispi-leeyj); the act of spilling
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qubasho
-da: (magac, dhedig, keli) daadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabasho
m.f.dh eeg sabo².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabasho
-da: (magac, dhedig, keli) sasabasho.
sabasho -da: (magac, dhedig, keli) meel sabo ah fadhiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sikasho
(Sikasha-da)
Wax yar durkid, dhaqaaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sikasho
m.f.dh eeg siko.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sikasho
-da: (magac, dhedig, keli) halis, cabsi ku dhiciddeed wax yar u jirsad, u gaarid, wax yar kaga baxsad; qarka isu taagid; u dhowaad.
sikasho-da: (magac, dhedig, keli) wax yar durkid, dhaqaaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
surasho
m.f.dh eeg suro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
surasho
-da: (magac, dhedig. keli) 'gardarro' sudhad; surad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tukasho
(Tukasha-da)
Salaad la imaansho, oogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tukasho
m.f.dh eeg tuko. la-mid: dukad, dukasho, tukad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tukasho
vl. n. praying
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tukasho
-tukashada: (n) the performance of Islamic prayers; the act of praying; prayer (pareeyer)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tukasho
-da: (magac, dhedig, keli) salaad oogid oo waqtigeeda la tukado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tukasho
cf: salaad; tuko
de: praying
initial: t
lx: tukasho
pd: (/da)
ps: vn-f
key: tukasho
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
tukasho
صلاة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Unkasho
(Unkasha-da)
Unug samaysasho; bilaabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
unkasho
m.f.dh eeg unko. la-mid: unkad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
unkasho
vl. n. act of invention
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
unkasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax cusub bilaabasho; unug samaysasho. Dh: unkad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
unkasho
a: unkad
de: act of invention
initial: u
lx: unkasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: unkasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
uubasho
-da: (magac, dhedig, keli) uubad ku dhicid; uubad helid. Uubashadii dhiidhiga ayay qaalintaydii ku jabtay.
uubasho -da: (magac, dhedig, keli) laxaw ku dhaca ilmaggaleenka dhaddigoodka kolka labood badani kudo ama u galmoodo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cuskasho
(Cuskasha-da)
(tiir, ul, kd.) qabsasho, xoog ka raadin darteed; isku tiirin; ku tukubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cuskasho
m.f.dh eeg cusko. la-mid: cuskad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cuskasho
-da: (magac, dhedig, keli) tiir, ul iyo wixii la mid ah, qabsasho oo xoog ka raadsasho; isku tiirin; ku tukubid; ku tiirsasho. Dh: tiirsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dubbasho
m.dh la-mid: dibbasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hubsasho
(Hubsasha-da)
Hubin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hubsasho
m.f.dh eeg hubso. la-mid: hubsad, hubsi, hubsiimo, hubsiino.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hubsasho
vl. n. investigation, verification; act of ascertaining
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hubsasho
-hubsashada: (n) freedom from doubt; the act of verifying; verification (veer-ifikeeyshen); confirmation (kan-foor-meey-shin) ~ hubsiino
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hubsasho
-da: (magac, dhedig, keli) hubsad; hubin, hubsasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hubsasho
a: hubsad (ka) [vn2-m]
de: investigation, verification; act of ascertaining
lx: hubsasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: hubsasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shubasho
(Shubasha-da)
(qof) Darti ama naftiisa wax u shubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shubasho
m.f.dh eeg shubo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shubasho
vl. n. pouring
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shubasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax dareere ah oo meel ku jira in ka dhibqisasho. Wax isku shubashubadu ma fiicnee maad i waydiisatid. Dh: dhibqisasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shubasho
de: pouring
initial: s
lx: shubasho
pd: (/da)
ps: vn-f
see: shubo
key: shubasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siblasho
-da: (magac, dhedig, keli) sibiibixasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sibqasho
m.f.dh eeg sibqo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sibqasho
-da: (magac, dhedig, keli) si kadis gef ah oo aan diyaar loo ahayn u dhicid. Dh: sinbiriiraxasho, siblasho.
sibqasho-da: (magac, dhedig, keli) wax iyadoo la cunaayo oo aan iyadoon la rabin in la lago, dhuunta ku siibta.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Sibqasho
Siibasho, sibxasho, taraaraxo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sidkasho
m.f.dh eeg sidko. la-mid: sidko.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sudhasho
-da: (magac, dhedig, keli) sudhad; surad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sulxasho
(Sulxasha-da)
Gudo sidib ah, si fudud ugu cararid; sidbasho ku gelid; shalwad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sulxasho
m.f.dh eeg sulxo. la-mid: sulxad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sulxasho
-da: (magac, dhedig, keli) gudo sidib ah, si fudud ugu cararid; sidbasho; sibiibisasho; saliitayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sumcasho
m.f.dh eeg sumco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suntasho
m.f.dh eeg sunto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suntasho
-da: (magac, dhedig, keli) sumad u yeelasho. Suntasho la'aan xoolo ha siidayn. Dh: sumdaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suurasho
m.f.dh eeg suuro².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tubbasho
m.f.dh eeg tubbo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tubbasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax meel soo xoomin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
surbacasho
m.f.dh eeg surbaco. la-mid: surba-cad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
surbacasho
-da: (magac, dhedig, keli) haraad badan oo qorax lajoogo. Subacasho badan ayaan kala kulanay meesha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Buubsasho
(Buubsasha-da)
Ceyrsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buubsasho
m.f.dh eeg buubso. la-mid: buubsad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
buubsasho
-da: (magac, dhedig, keli) kaxaysashada xoolo aanad lahayn. Booli qaataha, buusashada badan, hayna barine, bannaanka ha maro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhunkasho
(Dhunkasha-da)
Bushimaha oo lays taabsiiyo ama laysku salaaxo, jacayl darti; shummayn; mac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhunkasho
m.dh 1. eeg dhunko. 2. Shummis. la-mid: dhunkad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhunkasho
m.dh 1. eeg dhunko. 2. Shummis. la-mid: dhunkad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhunkasho
vl. n. kiss, act of kissing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhunkasho
-dhunkashada: (n) the act of kissing ~ shummin
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhunkasho
de: kiss, act of kissing
lx: dhunkasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
xe: Stop kissing the little child so much!
xv: Ilmaha yar dhunkashada badan ka daa!
key: dhunkasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saabsasho
m.dh la-mid: saabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sukulasho
m.f.dh eeg sukulo. la-mid: shukulasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xuubsasho
(Xuubsasha-da)
Xuubka ka diirasho; muruxsasho; xagasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xuubsasho
m.f.dh eeg xuubso. la-mid: xuubsad, xuubsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xuubsasho
-da: (magac, dhedig, keli) xuubka kore ka diirasho. Tufaaxa xuubsashada ka daa oo isku cun. Dh: mudhuxsasho, xagasho, xuubsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shubnaansho
m.l/dh la-mid: shubnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
basho
m.dh (-ooyin, m.l) Mukulaal; dummad; yaanyuuro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
basho
m.dh (-ooyin, m.l) Mukulaal; dummad; yaanyuuro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
basho
-da: (magac, dhedig, keli) xayawaan yar oo dabjoogta ka mid ah. Basho hilib aragtay bahal bay la mid tahay. Dh: dinnad, bisad, yaanyuur, makulaal, dummad, durruf.
basho-da: (magac, dhedig, keli) daafi ama heed iyo badar kale oo intii marka hore la saloolo kaddibna la ridqo oo biyaha lagu laaqdo. Dh: baso, bajo.