subeec
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
subeec
-a: (magac, lab, keli) mid ka mid ah qalabka fardaha lagu qurxiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Subeeci
(Subeeci-da)
Subeeciyad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
subeeci
m.dh la-mid: subeeciyad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
subeeci
f. n. kind of decorated silk cloth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
subeeci
-da: (magac, dhedig, keli) eeg subeeciyad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
subeeci
a: subeeciyad (da) [n1-f]
de: kind of decorated silk cloth
initial: s
lx: subeeci
pd: (/da)
ps: n2a-f
key: subeeci
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
subeen
m.dh la-mid: sabeen.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Subeer
name-m; nickname-m marauder
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
subeer
-ka: (magac, lab, keli) kurey; qoofil.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Tubeec
nickname-m sweet-voiced
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Subeeciyad
(Subeeciyad-da)
MaryO xariir ah oo midabyo badan oo faraq iyo xiddo loo yeelo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
subeeciyad
m.dh Maro xariir ah, midabyo badan leh oo faraqyo iyo xiddo loo yeelo. la-mid: subeeci.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
subeeciyad
m.dh Maro xariir ah, midabyo badan leh oo faraqyo iyo xiddo loo yeelo. la-mid: subeeci.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaanto
-da: (maga, dhedig, keli) dhadaanbi raad aad u badan oo bahal ama dad meel ay si is dhaafdhaaf ah u marmareen.
dhaanto -da: (magac, dhedig, keli) ciyaar loo yaqaanno magacyo kala duwan sida Hirwo iyo Weglo oo ka mid ah ciyaaraha ugu fac weyn ee Soomaalida. Ciyaarta wiilashu waxay ku labbistaan toorrey, labo go' oo maxamuudi ah, garbagale iyo kabo jaangeri ah, gabdhuhuna waxay xidhaan kuul shakaalan oo cunaabi ah, dugaagado, maro saddex qayd ah oo boqor iyo dhacle wadata, shalmad subeeciyad ama khayli ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mashmash
-ka: (magac, lab, keli) cunto khafiif ah oo ka samaysan bur iyo hilib yaryar oo la isku dubo. Mashmash la kaalay an ku cuwaafannee. Dh: subeec.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
subject
/sabjekt/ (n) 1. mawduuc (n) 2. maaddo (laan waxbarasho) (n) 3. raaciyad (sida dadka raacsan maamul gaar ah) (n) 4. faacil ~ fale, naxwe ahaan (adj) 5. u hoggaansan, hoos yimaada. (v) 6. qaxrid (dhib marsiin) (v) 7. la wareegid (xukumid).
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Subject
Mawduuc, Arrin
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
subject
n., deris, -ki, nin hoose.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beec
m.l la-mid: biic (1).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
beec
m.l la-mid: biic.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beec
m. n. price; sale, deal; business, trade, commerce
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
beec
-a: (n) 1. availability for purchase; sale (seeyl). Ex: baabuurkii Aamino waa beec; Amina's car isfor sale. 2. marketing (maarkiting). Ex: waaxda beeca; marketing department
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beec
-a: (magac, lab, keli) wax kala iibsi; bucshurad isdhaafsi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beec
a: biic
de: price; sale, deal; business, trade, commerce
lx: beec
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: beec
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hubee
f.g2 (-beeyay, -baysay) 1. Cid qalab dagaal siin. 2. Cid dhar siin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hubee
f.g2 (-beeyay, -baysay) 1. Cid qalab dagaal siin. 2. Cid dhar siin. m.f.dh, hubayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hubee
v. arm; clothe; equip with weapons ~ clothes
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hubee
-yey / hubeysay: (v) equip with weapons; arm (aarrn)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hubee
(fal) cid kale, hub dagaal sii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hubee
de: arm; clothe; equip with weapons ~ clothes
lx: hubee
pd: (hubeeyey)
ps: v2b=tr
key: hubee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qubee
f.mg2 (-beeyay, -beysay) U q.: cid biyo ugu mayrid. la-mid: qabee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qubee
f.mg2 (-beeyay, -beysay) U q.: cid biyo ugu mayrid. m.f.dh, qubayn. la-mid: qabee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Subac
(Subac-a)
1. Hab gaar ah oo Soomaalidu wadajir quraanka u akhrido (iyadoo dibadda laga wada akhriya hayo, oo qof waliba aayad qaadana hayo. baa wadajir aayadda dhammaadkeeda loo wada hooriyaa).
2. Quraanka oo toddoba meelood loo qaybshey, meeshi (qaybtiiba maalmaha toddobaadka middood baa lagu magacaabay: - isniinaad, - axadaad, kd.).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
subac
m.l (-cyo, m.dh) 1. Hab dad wada jiraa quraanka u akhriyaan, iyadoo midba mar aayad qaadanaayo. 2. Quraanka oo todoba meelood loo qaybiyey meeshiis.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
subac
m.l (-cyo, m.dh) 1. Hab dad wada jiraa quraanka u akhriyaan, iyadoo midba mar aayad qaadanaayo. 2. Quraanka oo todoba meelood loo qaybiyey meeshiis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
subac
m. n. method of reciting the Koran (taking turns in a group)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
subac
-a: (n) Koran recitation, see also [eeg] subci
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
subac
-a: (magac, lab, keli) eeg subuc.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
subac
de: method of reciting the Koran (taking turns in a group)
initial: s
lx: subac
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: subac
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
subuc
-a: (magac, lab, keli) Quraanka oo toddoba meelood loo qaybshey, qaybtii ba maalin toddobaadka ah ayaa loogu magac daray.
subuc -a: (magac, lab, keli) hab gaar ah oo Soomaalidu Quraanka u meeriso; iyadoo korka laga wada akhriyayo, oo qof waliba aayad qaadanayo, ayaa wadajir aayadaha oo dhan loo wada hooriyaa. Dh: subac, meeris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sukee
f.mg2 (-keeyay, -keysay) Kali ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sumee
f.g2 (-meeyay, -maysay) 1. Nafley sun siin. 2. Wax sun ku darid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sumee
f.g2 (-meeyay, -maysay) 1. Nafley sun siin. 2. Wax sun ku darid. m.f.dh, sumayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sumee
v. poison, give poison to, infect
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sumee
-yey / sumeysay: (v) poison (pooy-san); contaminate or pollute deliberately
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sumee
(fal) sun sii oo cabsii. Dh: sunee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sumee
de: poison, give poison to, infect
initial: s
lx: sumee
pd: (sumeeyey)
ps: v2b=tr
key: sumee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tubee
f.g2 (-beeyay, -baysay) 1. Wax meel dhoobid. 2. Xoolo badan meel marid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tubee
(fal) waddo ka dhig; marin u samee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabeec
(Dabeec-a)
Abuur; dhalan; baxaalli; sansaan; falfal; (ama dabeeco, dabeecad, dabci)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabeec
m.l 1. la-mid: dabci¹. 2. Xiriir ka dhexeeya laba qof ama ka badan oo saaxiib ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dabeec
m. n. nature, character, behavior, temperament
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabeec
-a: (magac, lab, keli) sida qofba Ilaahay u abuuray dhaqan iyo baaxaalli ahaan. Xirsi waa wiil dabeec wanaagsan. Dh: dabeecad, dabci.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dabeec
a: dabeecad (da) [n1-f]
cf: siiro
de: nature, character, behavior, temperament
lx: dabeec
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: dabeec
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
DUBEEL
(Dubel) May Hyphaene reptans Becc. Palmae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dubeer
m.l (-rro, m.dh) Awr raray ahaa oo gaboobay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hudeec
(Hudeec-a)
Socod gaabsi ah; hadaaf.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hudeec
hudeec¹: m.l la-mid: hadeec¹.
hudeec²: f.mg1 (-cay, -cday) la-mid: hadeec².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hudeec
v. walk slowly, take short steps
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hudeec
(fal) eeg hadaaf.
hudeec-a: (magac, lab, keli) socod gaabis ah. Dh: hadaaf.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hudeec
de: walk slowly, take short steps
lx: hudeec
nt: hudeec (a) [vn2a-m]
pd: (hudeecay)
ps: v1=
key: hudeec
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mudeec
-a: (magac, lab, keli) qof amarrada fuliya oo wixii la faro si fudud u yeela oon wanaagga diidin. Dh: baarri, duddiic.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sabeen
(Sabeen-ta)
Neef ido ah oo dheddig oo aan weli curan (ama sameen).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabeen
m.dh (-no, m.l) Neef ido ah oo dheddig oo aan weli curan. la-mid: subeen.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sabeen
m.dh (-no, m.l) Neef ido ah oo dheddig oo aan weli curan. la-mid: subeen.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sabeen
f. n. ewe old enough to bear young
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sabeen
-ta: (n) young female sheep, especially one that has not yet given birth ~ sameen
Magacyada Nafleyda Soomaaliyeed (Laatiin-Talyaani-Ingiriis-Soomaali) - Funayooli, Simoneeta [1985]
SABEEN
(I) Agnello, prima della riproduzione;
(E) Weaned Lamb
(S) SABEEN (S. g.: Sabin, Sahben)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabeen
-ta: (magac, dhedig, keli) neef ido ah oo dhedig oo aan weli curan; lax da' yar oo an weli curanin. Sabeen baa dhibaad loo soo siiyay. Dh: sameen.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sabeen
a: sameen
de: ewe old enough to bear young (but has not yet done so)
initial: s
lx: sabeen
pd: (-ta)
ps: n1-f
key: sabeen
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Subaac
(Subaac-a)
Bahallada hilibka cuna; dugaag.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
subaac
m.l (-cyo, m.dh) Dugaagga xoolaha cuna.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
subaac
m. n., [collective] wild beasts, carnivores
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
subaac
-a: (magac, lab, keli) bahallada hilibka cuna; dugaag.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
subaac
bw: Arabic
cf: bahal, dugaag
de: wild beasts, carnivores
initial: s
lx: subaac
pd: (-a)
ps: n2a-m-col
key: subaac
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sublet
/sablet/ (v) kasii ijaarid (guri qof ijaartay, oo qof kale kasii kiraysto).
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Subset
Hormo urur
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sudeef
(Sudeef-ka)
Dhulmar; dalxiis: wareeg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sudeef
m.l (-fyo, m.dh) Sabool.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sudeef
m. n. wandering, travel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sudeef
-ka: (magac, lab, keli) dhulmar; dalxiis; wareeg.
sudeef -ka: (magac, lab, keli) faqri iyo saboolnimo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sudeef
cf: dalxiis, wareeg
de: wandering, travel
initial: s
lx: sudeef
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: sudeef
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sudeex
(Sudeex-a)
Laqanyo; liidaanyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sudeex
sudeex¹: m.l Laqanyo.
sudeex²: f.mg1 (-xay, -xday) Laqanyo dareemid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sudeex
m. n. nausea
sudeex [inchoative] v. feel queasy, become nauseous
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sudeex
-a: (magac, lab, keli) laqanyada la dareemo kolka hilib baruur ah la cuno. Dh: laqanyo, liidaanyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Sureer
pr. n., [feminine] Sureer
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Sureer
name-f tall and proportional; sweet, honey
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Sureer
magac loo baxsho gabadh dherar iyo qaab wacan leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sureer
-ka: (magac, lab, keli) mid ka mid ah baldhannada dharka lagu xirto gaar ahaan shaadhka. Sureer baa ka go'ay shaadhkii cusbaa Dh: guluus.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Sureer
de: Sureer {C}
initial: s
lx: Sureer
ps: name-f
key: Sureer
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xubeer
f.mg1 (-ray, -rtay) Wax aan hanti lahayn noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xubeer
f.mg1 (-ray, -rtay) Wax aan hanti lahayn noqosho. m.f.dh, xubeerid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xubeer
v. become poor; become starved
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Xubeer
nickname; name-m poor, starved. Cf: Cayr
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Xubeer
magac loo baxsho wiil faqiir ah oo aan hanti lahayn ama kolkii uu dhashay reerku dhaqaale haysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xubeer
-ka: (magac, lab, keli) dareen xambaarsan kalgacal iyo ehelnimo. Xoolo goyntu xuseenoow, waa xubeero toleed. Dh: naxariis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xubeer
de: become poor; become starved
initial: x
lx: xubeer
pd: (xubeeray)
ps: v1=intr
key: xubeer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shufbeel
(fal) aad u gubo oo dumudhi. Dh: basbeel, gubo, dumudh.
shufbeel -ka: (magac, lab, keli) basid; baaba'; dhammaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
subbeehi
m.l (-iyo, m.dh) Askari aan derejo lahayn; dable.