subcis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
subcis
m.l la-mid: subcin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
subcis
-ka: (magac, lab, keli) subcin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
subci
f.mg2 (-iyay, -isay) Subac akhrin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
subci
f.mg2 (-iyay, -isay) Subac akhrin. m.f.dh, subcin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
subci
v. recite the Koran in a group
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
subci
-yey / say / yeen / nay: (v) conduct a group recitation of the Koran, each reciting one verse in sequence
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
subci
(fal) 'Quraan' si subac ah u akhri.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
subci
de: recite the Koran in a group
initial: s
lx: subci
pd: (subciyey)
ps: v2a=intr
see: subac
key: subci
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabcis
m.l la-mid: sabcin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabcis
-ka: (magac, lab, keli) sacbin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Subcin
(Subcin-ta)
Habka subaca loo yaqaan, Quraan ku akhriyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
subcin
m.f.dh eeg subci. la-mid: subcis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
subcin
-ta: (magac, dhedig, keli) Quraan si wadajir aha loo akhriyo oo qofba mar hooris qaato. Dh: subcis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hooris
-ka: (magac, lab, keli) hab Quraanka loo derso oo si koox ama keli ah loo aqriyo. Marka koox ahaan loo wada aqrinayo, aayadaha dhammaadkooga ayaa la isla jiibiyaa. Dh: subcis, hoorin.
hooris-ta: (magac, dhedig, keli) hoorid; di'is; tiixis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jillaadmid
-da: (magac, dhedig, keli) Quraan iyo wax la mid ah, subcismid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jillaadnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) Quraan iyo wax la mid ah, subcisnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meeri
(fal) xayndaab ama wax ad dabada ka waddo ku soo dul wareeji meel. Aqalka deyr adag ku meeri. Dh: wareeji, duuri.
meeri: (fal) neef ama xayawaan kale eryo oo in badan kolba dhinac u kexee. Hasha meeri inta ay foolqaadayso. Dh: wadwad, kexkexee, meermeeri.
meeri: (fal) hadal ama subcis ka kaa dambeeya u dhiib ha sii wadee. Aayadda iska meeri haddaad garan weyday. Dh: wareeji.
meeri: (fal) weel wax lagu wadaagayo ka kugu xiga u dhiib. Fandhaalka waa lagaa sugayaaye meeri. Dh: wareeji.
meeri: (fal) wax la falkinayo ama la tolayo hal wareeg dhammee oo haddana kolba ka ku xiga sii wad. Masafta hal meeris meeri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meerin
-ta: (magac, dhedig, keli) xayndaab ku wareejin oo deyr u samayn. Meerinta siligga ayaa ka fudud meerinta jaajuurka. Dh: wareejin. Wa: meermeerin.
meerin -ta: (magac, dhedig, keli) neef ama xayawaan kale eryid oo in badan kolba dhinac u kaxayn. Xoolaha meerinta ka daa oo daaji. Dh: eryid.
meerin -ta: (magac, dhedig, keli) hadal, subcis weel iyo wixii la mid ah ka kaa dambeeya u dhiib oo u wareeji si uu u sii wado. Dh: wareejin, meeris.
meerin -ta: (magac, dhedig, keli) wax la falkinayo ama la tolayo liinka kolba ka ka horreeya ku dul wareejin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walawalley
-da: (magac, dhedig, keli) ciyaar da' weyn oo ka mid ah ciyaaraha subciska ah ee aan lahayn boodbood, waxayna ka mid tahay ciyaaraha la iskugu gabyo qalabka loo qaato ama lagu tumo waxa ka mid ah durbaan weyn ama teneg qoryo lagu tumo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
subsist
/sab sist/ (v) quudasho (dheefsasho).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Suubbis
(Suubbis-ka)
1. Wax yar oo dheeri ah oo qofkii wax loo cabbiro ama loo miisaamo loo raacsho oo lagu sii raalli geliyo.
2. Suubbin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suubbis
m.l 1. Wax yar oo dheeri ah oo qof wax loo cabbirayo loo raacsho si loogu raali geliyo. 2. la-mid: suubbin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
suubbis
m.l 1. Wax yar oo dheeri ah oo qof wax loo cabbirayo loo raacsho si loogu raali geliyo. 2. la-mid: suubbin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
suubbis
m. n. extra amount ~ thing given to a customer
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
suubbis
-ah: (adj) bonus (boo-nes); something given to a customer as bonus after he or she has made a purchase
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Suubbis
Abbuono
Bonus
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suubbis
-ka: (magac, lab, keli) wanaajin oo aad u hagaajin. Dh: wanaajis.
suubbis-ka: (magac, lab, keli) wax yar oo dheeri ah oo qofkii wax loo cabbiro ama loo miisaamo loo raacsho oo lagu sii raalli geliyo.
suubbis-ka: (magac, lab, keli) 'wax' suubbin, wax falid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
suubbis
de: extra amount ~ thing given to a customer
initial: s
lx: suubbis
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: suubbis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cubis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg cubid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dubis
-ta: (n) the act of baking, roasting, broiling or grilling ~ solid, dubid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dubis
-ta: (magac, dhedig, keli) dab dushii wax ku solis. Dubistaa ka xumaatay hilibka ee ku celiya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gubis
(Gubis-ta)
Gubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gubis
m.dh la-mid: gubid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gubis
vl. n. act of burning ~ setting fire to, arson
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gubis
-ta: (magac, dhedig, keli) dab saarid oo wax ku yeelid; wax gubtey ka dhigid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gubis
de: act of burning ~ setting fire to, arson
lx: gubis
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: gubis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hubis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg hubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jucis
m.l la-mid: jucin.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
pubis
(n) the area over the public bone, below the abdomen.
gumaar (m)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qubis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabci
f.mg2 (-iyay, -isay) Sacabbo isla dhicid. la-mid: sacbi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sabci
f.mg2 (-iyay, -isay) Sacabbo isla dhicid. m.f.dh, sabcin. la-mid: sacbi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sabci
v. clap, applaud
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sabci
-yey / say: (v) clap (kalaap); applaud (ap-lood); root (ruut); cheer, especially by clapping the hands ~ sacabi, sacbi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabci
(fal) sacabbada isku garaac oo sanqadh ka samay; sacab tun. U sacbi ardayga wanaagsan. Dh: sacabi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sabci
a: sacbi
de: clap, applaud
initial: s
lx: sabci
pd: (sabciyey)
ps: v2a=intr
key: sabci
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
subir
subir, v. - istaag; sarejoog; kicin; ku dhacay ama haya (cudur; arrin iwm)
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
subit
subit, adj. - si lama filaan ah; kediso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sudci
-ga: (magac, lab, keli) eeg sidci.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sugis
vl. n. waiting, act of waiting
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sugis
-ta: (n) see [eeg] sugid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sugis
-ta: (magac, dhedig, keli) wax runtiisa danbe sugid.
sugis-ta: (magac, dhedig, keli) wax imana doona sugid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sugis
de: waiting, act of waiting
initial: s
lx: sugis
pd: (-ta)
ps: vn1-f
key: sugis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tubis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg tubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ubxis
m.l la-mid: ubxin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ubxis
-ka: (magac, lab, keli) eeg ubxin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dulcis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg dulcin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kobcis
m.l la-mid: kobcin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kobcis
-ta: (magac, dhedig, keli) korid oo weynaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qurcis
(Qurcis-ta)
Geedka tiinka jaadadkiisa jaad kamid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qurcis
m.dh Jaad ka mid ah noocyada geed hindiga.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qurcis
f. n. cactus plant species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qurcis
-ta: (magac, dhedig, keli) nooc noocyada geedka tiinka ka mid ah. Tiin qurcis ah ayaa duleedka ka baxay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qurcis
cf: tiin
de: cactus plant sp.
lx: qurcis
pd: (-ta)
ps: n-f
key: qurcis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rudcis
-ka: (magac, lab, keli) eeg rudcin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sabcin
(Sabcin-ta)
Labada sacab isku garaacid; sacab tumid; (ama sacbin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabcin
m.f.dh eeg sabci. la-mid: sabcis, sacbin, sacbis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabcin
-ta: (magac, dhedig, keli) labada sacab isku garaacid; sacab tumid. Sacbin ku soo dhoweeya saajinka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shubis
-ta: (magac, dhedig, keli) 'shaah'shubid.
shubis -ta: (magac, dhedig, keli) 'biyo' shubid.
shubis-ta: (magac, dhedig, keli) 'geel' shubid.
shubis -ta: (magac, dhedig, keli) 'bir' shubid.
shubis -ta: (magac, dhedig, keli) 'hadal' shubid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sibqis
-ka: (magac, lab, keli) sibqin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
silcis
m.l la-mid: silcin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
silcis
-ka: (magac, lab, keli) wax nafta lagu dhibo; daryeel la'aan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soocis
-ta: (magac, dhedig, keli) soocid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Subkid
(Subkid-da)
Subag marin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
subkid
m.f.dh eeg subag².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
subkid
-da: (magac, dhedig, keli) subag marin. subko: (fal) subag is mari; dhaasho.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
submit
/sabmit/ (v) 1. isu-dhiibid (u qoor dhiibasho) (v) 2. soo jeedin (sida qorshe soo bandhigid).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
submit
v.tr., (see subdue and subject); v.i., yeel, dhegayso.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
succès
succès, n.m. - guul
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sulbis
m.l la-mid: sulbin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sumcid
m.f.dh eeg sumac².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suubis
-ka: (magac, lab, keli) wax yar oo dheeri ah oo qofkii wax loo cabbiro ama loo miisaamo loo raacsho oo lagu sii raalliggeliyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suujis
m.l la-mid: suujin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suulis
m.l la-mid: suulin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suulis
-ta: (magac, dhedig, keli) suulid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg suurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suuxis
-ka: (magac, lab, keli) suuxin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabcis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg tabcid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuucis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg yuucid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
surbicid
m.f.dh eeg surbac.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suubbiso
(fal) samayso oo hagaajiso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhubqis
-ka: (magac, lab, keli) nuugid faruuryaha wax lala dhexgalo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
duubcas
-ta: (magacwadareed) waax ka mid ahayd ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
publish
/pablish/ (v) 1. daabicid (soo saarid buug iwm) 2. ogeysiin (dadweynaha u baahin).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
publish
v.tr., war gee, ogaysii.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
rubbish
/rabish/ (n) 1. qashin 2. macna- daro (hadal qurun ah).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
rubbish
n., qushaash.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SABCIIN
(Sabin) S Harrisonia abyssinica Oliv. Simaroubaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaacis
m.l la-mid: shaacin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaacis
-ta: (magac, dhedig, keli) shaacin.