stanco
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
stanco
agg. - daalan, noogan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sanco
(Sanca-da)
1. Si aqoon iyo tab leh, oo wax loo qabto; farsamo.
2. (dawo) nabarrada iyo cudurrada oo si kasmo ah wax looga qabto ama loola tacaalo.
3. Aqoon hawl gaar ah loo lee yahay; xirfo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sanco
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Si aqoon iyo tab ah oo wax loo qabto; farsamo. 2. Nabar-rada iyo cudurrada oo si aqoon leh loo daweeyo. 3. Aqoon hawl gaar ah loo leeyahay; xirfad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sanco
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Si aqoon iyo tab ah oo wax loo qabto; farsamo. 2. Nabarrada iyo cudurrada oo si aqoon leh loo daweeyo. 3. Aqoon hawl gaar ah loo leeyahay; xirfad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sanco
f. n. craft, skill, trade, technical expertise; manufacture; industry
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sanco
-sancada: (n) handicraft (heendhikraaft); technique (takniik); technology ~ farsamada gacanta
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Sanco
Mestiere
Craft
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanco
-da: (magac, dhedig, keli) tab iyo aqoon xirfadaysan oo wax loo suubbiyo. Dh: farsamo, xirfad.
sanco -da: (magac, dhedig, keli) nabarrada iyo cudurrada oo si kasmo leh wax looga qabto ama loola tacaalo.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
stacco
s.m. - fuq.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
stanch
/stoonch/ (ame) staunch (bre);(v) joojin (siiba dhiig-joojin).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
stanch
(stop) v.tr., jooji; stanch the blood, dhiigga joojí.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
étançon
étançon, n,m, - tiir; dhidib
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
slàncio
s.m. - boodid(da).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
staunch
/stoonj/ (adj) 1. daacad ah (xiriir ama saaxiibtinimo laysu hagar-baxo) (v) 2. Dhiig-joojin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saco
(Saca-ha)
(xiddigo) Cuntubyada xiddigaha kuwa ugu cadcad mid ka mid ah; waxay ku yaalliin lixaha iyo cadaadka agtooda, meel aan diillincaanoodda ka fogeyn; waxaa lagu sheegaa ninkii diley hashii Nebi Saalax oo cirka lagu salbay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saco
m.l 1. Koox xiddigo ah, cadcad oo ku yaal lixaha iyo cadaadda agtooda, meel aan diillincaanoodda ka fogayn. 2. Koox lo' ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saco
-ha: (magacwadareed) cutubyada xiddigaha ka mid ah, kuwa ugu cadcad, waxay ku yaalliin meel aan diillincaanoodka ka fogayn oo laxaha iyo cadaadka agtooda ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sano
(Sana-da)
Sannad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sano
m.dh (-ooyin, m.l/siniin, m.dh) la-mid: sannad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sano
m.dh (-ooyin, m.l/siniin, m.dh) m.dh.w, siniin. la-mid: sannad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sano
f. n., [collective], time: year
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sano
-sanada: (n) year (yeer) see [eeg] sanad, sannad. Ex: meeqasano baad jirtaa? how old are you?
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
sano
agg. - fayow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sano
-da: (magac, dhedig, keli) labo iyo toban bilood, 365 maalmood. Labo sano ma arkin dhulkii. Dh: gu', sannad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sano
a: sanad ~ sannad
bw: Arabic
de: year
initial: s
lx: sano
pd: (/da Pl: siniin (ta))
ps: n6-f, n8-f-time
key: sano
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
banco
s.m. miis (dugsiyeed).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
sacco
s.m. - jawaan, joonyad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanca
-da: (magac, dhedig, kali) farsamada lafteeda: sancada qudheeda. Dh: farsamo, sanco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sanqo
(Sanqa-da)
Sanka gudihiisa shishe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sanqo
sanqo¹: m.dh Daloolka ay isaga furanyihiin sanka iyo afka oo codku ka soo baxo.
sanqo²: f.mg3 (-qaday, -qatay) U s.: iyadoo la dhaqaajinayo muruqyada wejiga iyo sanka cid u baaqid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sanqo
m.dh Daloolka ay isaga furanyihiin sanka iyo afka oo codku ka soo baxo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sanqo
f. n. interior of the nose, nasal cavity; septum, bridge of the nose
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sanqo
-sanqada: (n) nasal cavity; nostrils (naas-tarel); sinus (saay-nas)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanqo
(fal) adiga oo aan hadal adeegsan jirka ama indhaha kala hadal qof. Way isu sangadeen iyada iyo saaxiibkeed. Dh: iljebin, afjaaq, midaar.
sanqo -da: (magac, dhedig, keli) cod xidhan, iin dadka qaarkii yeesho, codka oo ka duwanaada ka dadka, qofka oo sanqada ka hadla awggeed. Sanquu leeyahay oo sahal codkiisa looma fahmo.
sanqo -da: (magac, dhedig, keli) sanka gudihiisa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sanqo
de: interior of the nose, nasal cavity; septum, bridge of the nose
initial: s
lx: sanqo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: sanqo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sanso
m.dh Gufar ku dhega weel burcad laga shiilay salkiis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanso
-da: (magac, dhedig, keli) gufar ku dhega weel burcad laga shiilay salkiis.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
santo
s.m. - wéli, awliyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sarco
(Sarca-da)
(cudur) Qallal; suuxdin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarco
sarco¹: m.dh Cudur maskaxeed dadka ku dhaca oo lala suuxo; qallal.
sarco²: f.g3 (-caday, -catay) 1. Beer abuurasho. 2. Geed si uu xabag u dhalo mudmudasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sarco
f. n. epilepsy
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sarco
-sarcada: (n) neurological disorder with loss of consciousness; seizure (sii-shar); epilepsy (epa-lap-si); convulsion (kon-val-shari) ~ qallal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarco
(fal) beer falo.
sarco-da: (magac, dhedig, keli) saan; jarco.
sarco-da: (magac, dhedig, keli) cudur qofka qallal ku rida. Dh: suuxdin, qallal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sarco
bw: Arabic
cf: qallal, suuxdin
de: epilepsy
initial: s
lx: sarco
pd: (/da)
ps: n0-f
key: sarco
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
stack
/staak/ (n) 1. raso (raso ama xirmo isku-nidaamsan) (v) 2. rasayn (nidaamin).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
stack
(see heap).
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
stand
istaag
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
stand
/staandh/ (v) 1. istaagid (sara-joogsasho) (n) 2. caabbi (daafac) (n) 3. Mawqif.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Stand
Urur (Geed)
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
stand
n., joog, -gi, nasad, -ki; make a stand, joog, naso.
stand, v.i., taagnow, hagaag, hagaag u joogso; stand still, ha dhaqdhaqaaqin; my watch stands still, saacaddaydi waa joogsanaysaa; the bargain stands, baayacaaddi waa joogta or weliba taagan tahay; this house stands very well, aqalka meel wanaagsan buu ka dhisan yahay; a great many people stand about him, dad badan baa ku meersan, or dad badani waa ku meersan yahay; stand against, iska xeji, is karaw; God will stand by us, Eebbeheena waa ina ka reebi; I stood by when Ali killed the man, anigu waa soo joogay kolki Cali ninka dilay; for that office, anigu xafiiskaasan u jooga; God stands for us, Eebbeheen innagu ina la jira; that letter stands for..., xarafkaasi buu u jiraa; I need of a camel, aur baan u dan leeyahay; you stand in my light, iftiinkaygi baad iga fadhidaa; stand off, dib u joogso; stand out (resist), qaabil, u adkayso; stand out of the way, dawga ka baydh; stand out of my sight, araggayga ka libidh; stand to your word, hadalkaaga xejiso; stand up, taagnaw; stand with, la heshii.
stand, v.tr., qaabil, u samir.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
stank
/staank/ (v) stink, oo fal tagay ah. stanza/staanza/ (n) beyd (qayb maanso ama gabay ka mid ah).
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Stato
Qaran
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
stato
s.m. - ahaansho, ku sugnaan xaalad; qaran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tabco
(Tabca-da)
Qonof.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabco
m.dh Hab laba qof oo legdamaya mid midka kale lugtiisa ku maro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tabco
f. n. twisting one's leg around the opponent's leg (in wrestling)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tabco
-tabcaday I tabcatay: (v) make an effort to acquire money and property; work hard to achieve wealth -tacab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabco
(fal) wax shaqayso; dedaal oo camal doono, hedlo.
tabco -da: (magac, dhedig, keli) legdenka marka lugta lagu maraamaro lugta ninka kale. Dh: legdan, qonof.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tabco
cf: legdan, qonof
de: twisting one's leg around the opponent's leg (in wrestling)
initial: t
lx: tabco
pd: (/da)
ps: n6-f
key: tabco
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
tacco
s.m. - taako (kabo iwm).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
tango
/taangow/ (n) 1. taango (muusig dabacsan) (v) 2. muusig dabacsan dheelid.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
tanto
agg. e avv. badan; calaakulli xaal.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
bianco
agg. - cad, caddaan.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
branco
s.m. raxan, horin, koox.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
fianco
s.m. - dhinac.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
franco
agg. - cashuur la'aan; daacad ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saanyo
f.g3 (-yaday, -yatay) Hanti saami ku qaybsasho. la-mid: saanyoo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saanyo
v. share, take a share of livestock ~ wealth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saanyo
(fal) dooro oo saamigaaga sheego. Dh qaydo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saanyo
cf: saami
de: share, take a share of livestock ~ wealth
initial: s
lx: saanyo
pd: (saanyaday)
ps: v3a=tr
key: saanyo
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
sbarco
s.m. - ka degid (da) (markab iwm).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
scacco
(scacchi) s.m. - shadhranji.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
séance
séance, n.f. - muddada shir socdo aan ka la go'lahayn; muddo filin, darsi iwm iyada oo aan kala go' lahayn socdo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shanlo
m.dh (-ooyin, m.l) Qalab caag, bir ama qori ka samaysan oo meel la qabsado iyo ilko dhaadheer oo isu dhawdhaw leh oo timaha lagu feerto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shanlo
m.dh (-ooyin, m.l) Qalab caag, bir ama qori ka samaysan oo meel la qabsado iyo ilko dhaadheer oo isu dhawdhaw leh oo timaha lagu feerto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shanlo
f. n. comb
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shanlo
-shanlada: (n) comb (koom)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shanlo
-da: (magac, dhedig, keli) saqaf; gadhfeedh; garfeer.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shanlo
de: comb
initial: s
lx: shanlo
pd: (/da)
ps: n6-f
syn: garfeer, saqaf
key: shanlo
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
shanlo
ممشط، مشط، مُشط
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
stàdio
s.m. - marxalo; gegi cayaar
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
stagno
s.m. - balli; alxan.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
stampo
s.m. - shaabad.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Stands
Hoosdhig
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
stanza
s.f. - qol, makhsin.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Starch
Istaarj
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
stench
/stenj/ (n) ur qurmuun (ur karaahiyo ah).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
stench
n., qudhmuun, -ki, ur qudhmuun; v.tr., (make to stink) qudhmuunay.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
stérco
s.m. - saxaro.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
strano
agg. - la yaab leh, qallafsan.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
stucco
s.m. - nooc nuuriyadda ka mid ah oo lagu cufeeyo daldaloolka guryaha.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
distacco
s.m. kala tag, kala durug.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Distance
Fogaan
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Distance
Fogaan
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
distance
/dhistansi/ (n) fogaan, masaafo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
distance
distance, n.f. - Masaafo; Inta meeli jirto ama fog tahay.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
distance
n., fogaan, -ti; a short distance, oodrogad, -ki.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
estraneo
agg. e s.m. ka baxsan; shisheeye.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
instance
/inistans/ (n) 1. tusaale ahaan e.g. He is a bad boy. For instance, he doesn't respect his father. 2. xaqiiqa ahaan (dhab ahaan).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
instance
instance, n.f. - sugid; dhawrid.