spawn
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
spawn
/spoon/ (n) 1. ugaxda raha ama kalluunka(v) 2. dhalid (abuurid).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
pawn
/poon/ (n) 1. rahaamad (curaar) 2. xabbadda ugu dhibco yar lafaha shaxda lugu dheelo 3. daba-dhilif (qof laga-roon yahay oo qof ku adeegto).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
pawn
n., dhiibasho, -adi, rahmad, -di; v.tr. rahan.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
span
n., daako, -adi.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
spawl
v.i., tuf; n., candhuuf or candhuufo, -adi, xaako.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
sprain
(v) to cause a painful wrenching of the ligaments of a joint
lafta wareegtay
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sprain
/spreyn/ (v) murgacasho (dhaawac sahlan oo kala-gooysyada gaara).
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Sprain
Murgucasho
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
sprain
v.tr., murkuci, murkuco; n., murkucasho, -adi, laban, -ki.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sprawl
/sprol/ (v) 1. iskala-warid si kala daadsanaan ah u seexasho ama u fariisasho 2. bilqan (wax aan urursanayn, meel aad ugu firirsan).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
pan
/paan/ (n) 1. bir-daawo (bir-laxooxeed, ama bir fidsan oo wax lugu dubo).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
pan
pan, n.m. - dhamaan; gidi; dhan.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
pan
n., daawa, -ihi.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
paw
/poo/ (v) 1. cagta xayawaanka (siiba midda ciddiyaha leh) 2. gacan ku taabasho (shanta la galid, si daq-daq ah).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
paw
n., baabaco, -adi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
San
1. Aan xumaan lahayn; wanaagsan; fiican; suubban.
2. (San-ka) a) Xubin wejiga ku taal oo afka iyo indhaha u dhexaysa oo labo dalool (dulal) ku yaalliin oo laga neefsado waxna laga ursho. b) Xubinta ka dhigan oo sankunneeflaha kale ku taal; sandaal; gafuur. c) Wixii san u eg ama meesha uu ku yaal ku yaal, sida fiiqa buurta. d) Daliigo idiin jilicsan ah oo wax lagu daruuro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
san
san¹: m.l (-nan, m.l) 1. Xubin wejiga ku taal oo afka iyo indhaha u dhexeysa oo laba dalool leh oo laga neefsado waxna lagu uriyo. 2. Meel ka soo fiiqan qararka iyo buuraha oo san u eg. 3. Daliig yar oo harag ah oo hargaha kale layskula tolo.
san²: f.mg4 (-amaa, -amayd) Wax dhibaato, xanuun iyo wixi lamida aan qabin ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
san
san¹: m.l (-nan, m.l) 1. Xubin wejiga ku taal oo afka iyo indhaha u dhexeysa oo laba dalool leh oo laga neefsado waxna lagu uriyo. 2. Meel ka soo fiiqan qararka iyo buuraha oo san u eg. 3. Daliig yar oo harag ah oo hargaha kale layskula tolo.
san²: f.mg4 (-amaa, -amayd) Wax dhibaato, xanuun iyo wixi lamida aan qabin ahaansho. m.f.dh, samaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
san
[adjective] good
san m. n. nose
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
San
bon.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
san
-ka: (n) nose (nowz) —sanka iyo dulkiisa: (adj) nasal (neey-zal)
san: (adj) good (guudh) Ex: wax san ma yaqaan; he is incapable of doing good
san: (suffix) used to form verbal adjective; or something tending toward; inclined toward: becoming. Ex: hurdaysan; sleepy; samaysan; made (meeydh); faraxsan; happy (hap-pi)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
san
(tilmaame) aan xumaan lahayn; wax wanaagsan, fiican, suubban.
san: (tilmaame) subag leh.
san-ka: (magac, lab, keli) xubin wejiga ku taal oo afka iyo indhaha u dhexaysa oo labo dalool ku yaalliin oo laga neefsado waxna laga ursho.
san-ka: (magac, lab, keli) buuraha afkooda fiiqan; gafuur.
san -ka: (magac, lab, keli) daliig idiin jilicsan ah oo wax lagu daruuro.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
san
أنف
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saw
Sow; show.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saw
fk.we la-mid: sow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saw
class: perhaps, suppose that ..., what if ...?
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Saw
sûrement.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
SAW
[SOW, SHOW] Sesamot hamnus busseanus 05, S. rivae 01
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SAW
(Saw) C Sesamothamnus busseanus Engl. Pedaliaceae.
C Sesamothamnus rivae Engl. Pedaliaceae.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
saw
/soo/ (n) 1. miishaar 2. miishaar ku jarid (sida miishaaraynta alwaaxda).
saw: /soo/ (v) arkay (see, oo fal tagay ah).
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Saw
Miinshaar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saw
(falkaabe) weydiineed, sow.
saw-ga: (magac, lab, keli) dhir is haysata oo aan hoostooda waxba ka bixin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
saw
de: perhaps, suppose that ..., what if ...?
initial: s
lx: saw
ps: class
see: sow ~ show
key: saw
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
saw
n., (tool) minshaar, -ki; v.tr., jar, goo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bawn
-ka: (magac, lab, keli) bakaylaha lab.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dawn
Waaberi
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
dawn
/dhoon/ (n) 1. waabberi (waabari) (v) 2. waabberyid (aroor noqosho).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
dawn
n., (the break of day) arooryo, -adi, gabbal soo bax, -ki, soo bex.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
fawn
/fawn/ (n) 1. deero-yar (n) 2. midab boor ah, oo barxan (v) 3. isku-rugidda eeyga, sida kolka uu qof rabbaysta isku-rugo ama isu-xoodaansho (v) 4. u af-macaanin ama isu-jilcin qof, la-soo jiidanayo oo kale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kawn
(Kawn-ka)
Waxaa la abuuray oo dhan wadajirkood; (ama koon).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kawn
m. n., [collective] creation, all things created, the universe
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kawn
-ka: (n) universe (yuniveersi); world ~ koon, adduun
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kawn
a: koon
bw: Arabic
de: creation, all things created, the universe
lx: kawn
pd: (-ka)
ps: n0-m-col
key: kawn
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
lawn
/loon/lawns; (n) cawska ama cagaarka yar ee guriga deyrkiisa ku yaal. e.g. He is cutting the lawn.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
pain
(n) an unpleasant sensation, occurring in varying degrees of severity as a consequence of injury, disease, or emotional disorder.
xanuun
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
pain
pain, n.m. - rooti.
avoir du pain sur la planche - shaqo badan leh; shaqo badani u taalo.
pain complet - rooti nafaqadiisu u dhan tahay.
pain d'épices - macmacaan laga sameeyay bur qamadi oo lagu qaso sokor iyo malab.
pain noir - rootiga madow (nooc rootiga kamid ah).
pain perdu - rooti lagu sameeyay caano iyo sonkor.
pain de sucre - macmacaan dhamaanti ka samaysan sonkor.
pour une bouchée de pain - qiimo yar.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
pain
n., (penalty) tacsiirad, -di; (ache) xanuun, -ki, silic, -i, tacab, -ki.
pain, v.tr., (afflict) xanuuni, xanuuji, silci; v.imp., xanuun.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
paon
paon, n.m. - daa'uus; shimbir qurux badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saan
1. (Saan-ka) Qof dab leh ama qalab kale sita oo meel ilaalinaya, hawsha uu hayo.
2. (Saan-ta) a) Harag. b) Jaan; tallaabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saan
m.dh (-aamo, m.l) 1. Harag xoolaad siiba kan geela iyo lo'da. 2. Tillaabo. 3. Raad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saan
m.dh (-aamo, m.l) 1. Harag xoolaad siiba kan geela iyo lo'da. 2. Tillaabo. 3. Raad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saan
f. n. hide, animal skin, leather
saan [feminine] n. footstep, pace; footprint
saan m. n. armed guard, sentry
saan n. phr., deictic: thus, like this, this way
saan [conjunction], vl. pron. how I ...; in order that I ...
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saan
-ta: (n) step (isteep); footstep (fuut-isteep); pace (peeys); stride (istaraaydh)-, the distance covered by a step ~ talaabo
saan -ta: (n) hide (haaydh); skin of an animal ~ haraga xoolaha, sar, maqaar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saan
-ka: (magac, lab, keli) qof dab leh ama qalab kale sita oo meel ilaalinaaya, hawsha uu hayo. Saan baa dhawra guriga cusub. Dh: sandaleele.
saan -ta: (magac, dhedig, keli) tallaabo qaadid. Isla ma saan qaadi karaan labada arrimood. Dh: jaan, tallaabo.
saan-ta: (magac, dhedig, keli) eeg harag.
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
SAAW
Sesamothamnus busseanus 01
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
sain
sain, adj. - maskax fayow; aan waalayn; dareen; (dareemayaal sida indhaha, dhegta iwm); dhan; caafimaad
sain d'esprit - maskax fayow
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sawd
(Sawd-ka)
Cod; dhawaaq; luuq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sawd
m.l (-dyo, m.dh) Cod; dhawaaq; luuq.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sawd
m. n. voice, tone
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sawd
-ka: (magac, lab, keli) cod; dhawaaq; luuq.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sawd
bw: Arabic
cf: cod
de: voice, tone
initial: s
lx: sawd
pd: (-ka Pl: sawdad (ka))
ps: n4-m
key: sawd
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sawo
m.dh.kh S. ah: isku mid ah oo aan wax is dheereyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sayn
1. (Sayn-ka) Addin roob ah oo aan ballaarrayn oo meel ka hoora.
2. (Sayn-ta) Timaha nafleyda qaarkeed (sida tan ku taal qanaanta fardaha, dabada lo'da, ...).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sayn
sayn¹: m.l (-mo, m.dh) Addin roob ah oo aan ballaarayn oo meel ka hoora.
sayn²: m.dh Timo bul ah oo xayawaanka qaarkiis dabada fooddeed uga yaal.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sayn
m.dh Timo bul ah oo xayawaanka qaarkiis dabada fooddeed uga yaal.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Sayn
Sine
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Sayn
Sine
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sayn
m. n. signs of rain, rain-clouds
sayn [feminine] n. clumps ~ bristles of animal hair; tail
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sayn
-ta: (n) tail (teeyl); animal's tail ~ dabo
sayn -ka (n) a raining cloud
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sayn
-ta: (magac, dhedig, keli) timaha nafleyda qaarkeed siiba gammaanka iyo shaashka libaaxa. Sayn libaax ciyaar laguma taabto.
sayn -ka: (magac, lab, keli) addin roob ah oon ballaadhnayn oo meel ku hoora.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
scan
/skaan/ (v) 1. fiirin (baaris, eegid baarid ah) 2. dul-marid (akhris dul-mar ah).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shan
(Shan-ta)
Tirada afarta iyo lixda u dhexaysa; (5).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shan
m.dh 1. (t) Tirada afarta iyo lixda u dhexeysa; “5”. 2. Xoog; awood. 3. Gacan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shan
m.dh 1. (t) Tirada afarta iyo lixda u dhexeysa; 5. 2. Xoog; awood. 3. Gacan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shan
num. five
shan [feminine] n., [collective] hand, the five fingers
shan [feminine] n., [abstract] force, strength, power
shan deictic, suf. this
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shan
-ta: (n) five (faayv)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shan
-ta: (magac, dhedig, keli) tirada afar ku xigta. tirada afar iyo lix u dhexaysa. Dh: 5: V.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shaw
class: perhaps, possibly
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shaw
a: saw, show, sow
de: perhaps, possibly
initial: s
lx: shaw
ps: class
key: shaw
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
spar
/spar/ (n) 1. udub (siiba tiirka shiraaca lugu xiro ee dhexe) 2. feertan taba-barasho ah(v) 3. ilaaqtamid (dagaal muran ah).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
spew
/spyuu/ (v) 1. butaacid (soo burqasho) 2. matagid (hunqaacid).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
spew
v.i., (vomit) hunqaac.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Spin
Winiin
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
spin
/spin/ (v) 1. wareejin (duubid, si galool ah u socosho) 2. samaynta dunta, (suufka dhogorta iwm).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
spin
v.tr., wareeji; v.i., wareeg.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
spun
/span/ (v)spin, oo fal tagay ah.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
swan
/swan/ (n) shimbir-badeed dhuun dheer oo cad.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
yawn
(v) a large inhalation of air while holding the mouth wide open, esp. when tired or needing sleep.
hamaansi
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
yawn
/yon/ (n) 1. halaaqo, hamaansi (v) 2. hamaansasho. e.g. She yawned all during his lecture.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
yawn
v.i., afka kala qaad, afka kala hay.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
brawn
/barawn/ (n) xoog (murgo ama jir dhisan)
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
drawn
/droon/ (adj) 1. weji-beddalan, diihaalsan (v) 2. sawiran, waa draw oo fal tagay ah.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
prawn
/proon/ (n) jambari (bahal badda laga helo oo toban lugood leh lana cuno).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shawl
(Shawl-ka)
1. Waxa qofka aad u buka lagu dayo.
2. Sida wax loo siiyo; qulaamis; (ama kawl).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shawl
shawl¹: m.l 1. Cabbitaan la siiyo qof aad u jirran oo sakaraad ah. 2. Ceel meel dhagax ah ku yaal oo af dhuuban. 3. la-mid: shawlid. la-mid: kawl¹.
shawl²: f.g1 (-wlay, -wshay) Qof aad u jirran wax ku qulaamin. la-mid: kawl².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shawl
m. n., [collective] nutritious food and drink given to someone seriously sick
shawl v. give food ~ drink to someone very ill
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
shawl
/shol/ (n) garba-saar (shaal).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shawl
-ka: (magac, lab, keli) waxa qofka aad u buka lagu dayo ama sida wax loo siiyo; qulaamis. Dh: qulaamis, kawl.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shawr
(Shawr-ka)
Showr.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shawr
shawr¹: m.l Kulan qarsoodi ah oo arrimo gaar ah looga wada hadlaayo. la-mid: showr¹.
shawr²: f.mg1 (-ray, -rtay) Kulan qarsoodi ah arrimo gaar ah uga wada hadlid. la-mid: showr².