spar
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
spar
/spar/ (n) 1. udub (siiba tiirka shiraaca lugu xiro ee dhexe) 2. feertan taba-barasho ah(v) 3. ilaaqtamid (dagaal muran ah).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
spare
/speer/ (adj) 1. dheeraad (siyaado ah) 2. hurid (quurid; ka maarmid) (adj) 3. kayd ah (loo kaydiyo mar dambe) 4. caato (naxiif ah).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
spare
v.tr., dhawr, ha ku cayaarin, dhaq, dhoqo; spare something for the poor, masaakiinta wax u dhiga.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
spark
/spark/ (n) 1. dhinbil (dhuxul dab ah, ama fallaaro dab ah) 2. danabka ka dhasha korontada. 3, sababid (hurin arrin dhacdadeed sabab u noqosho 4. in yar (siiba taya roon leh).
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Spark
Dambaaburo
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
spark
sparkle, m., bilig, -ti, biligbilig, -ti, dhinbil, -shi.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
sparo
s.m. - toogasho(da), dhawaaq xabbad.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
spear
/spiir/ (n) 1. waran (v) 2. ku mudid (darid, siiba waran juq ku siin).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
spear
n., waran, -ki; different kinds of spears, caradub, -ki, bagaf, -ki, becidi or bixidi, -gi, dohana, -ihi, sallaaddo, -adi, teeri, -gi, weydar, -ki.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
big
f. n. spark, flash

birbir
v. sparkle, twinkle, blink, flicker
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
birdhi
m. n., [collective] precious stone, gem; sparkling object; spotted ~ speckled pattern
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
birid
vl. n. sparkling
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
birin
vl. n. starting a fire with sparks
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cafi
v. pardon, forgive; spare (life, feelings); take pity
cafi vl. n. pardon; forgiveness
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caymin
vl. n. saving (by running from danger); act of saving, sparing
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ciryar
der. [adjective] having a poor appetite; frugal, sparing
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dambaabburo
f. n., [collective] sparks which fly up from the fire
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
danbaabburo
f. n. flicker, sparkle
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhalaal
m. n. brightness, shine, splendor, sparkle
dhalaal v. shine, be bright; melt, liquify
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhaldhalaal
v. shine, sparkle
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhimbil
f. n. spark (from a fire); flash
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dhinbil
f. n. spark, flash
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
firaaqo
f. n. (adj.): space, room, emptiness; spare time; empty, free
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
halaalac
v. shine, sparkle, glitter, twinkle
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isbeerbaadh
m. n. spare part
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isbeerbaarti
m. n. spare part
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
istoor
m. n. store, reserve, spare; storage room ~ facility, depository
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jalanqe
m. n. sparkle, twinkle
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
par
/par/ (n) 1. is-le'eg (siman) 2. sicirka ama qiimaha asalka ah.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
par
par, prép. - midkiiba.
passer par - meel la maro; surin.
arriver par bateau - markab ku yimid.
agir par intérêt - dan awgeed wax u samayn.
deux fois par jour - laba jeer maalinti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sar
(Sar-ta)
1. Dhis weyn oo aqal ama wax kale ah, oo dhagax ah; daar.
2. Harag; maqaar; saan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sar
sar¹: m.dh (-ro, m.l) 1. Aqal weyn oo dhagax iyo wixi lamida laga dhisay; daar. 2. Harag neef weyn oo geel ama lo' ah.
sar²: f.g1 (-ray, -rtay) Wax jeexdin yar u yeelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sar
sar¹: m.dh (-ro, m.l) 1. Aqal weyn oo dhagax iyo wixi lamida laga dhisay; daar. 2. Harag neef weyn oo geel ama lo' ah.
sar²: f.g1 (-ray, -rtay) Wax jeexdin yar u yeelid. m.f.dh, sarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sar
f. n. building of stone, brick ~ concrete
sar [feminine] n. leather, animal hide ~ skin
sar v. slit, make a small cut in, lance (an abscess, etc.)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sar
-ta: (n) stone house ~ daar
sar -ay / tay: (v) cut (kat), wound from a small cut; incise (in-saayz); make an incision
sar -ta: (n) hide (haaydh); skin of an animal ~ haraga xoolaha, saan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sar
(fal) makiinad iyo wixii la mid ah, ku jar walax kale ama jidh noole, sag ku sii. Ku sar makiinad saanta. Dh: jeex, dillaaci.
sar-ta: (magac, dhedig, keli) dhis weyn oo dhagax ah. Sar dhagax ah ayuu dhistay. Dh: daar.
sar -ta: (magac, dhedig, keli) kabta sarteeda saanta ah ee cagta hoos marta, labada kabyo saameed isa saarsaaran oo kabtu ka samaysan tahay. Sarta ii saar kabta.
sar-ta: (magac, dhedig, keli) saan is haysata. Sar jarco ah ayuu ka saaray sicii. Dh: harag, saan, maqaar.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
sar
مَبْنِي
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saar
(Saar-ka)
1. Geedaha aan lugta lahayn oo dhulka ballaar ugu faafa ama geedaha kale isku waaba oo isku mara; geed-saar.
2. Cayaar jaadad badan u sii kala baxda oo siyaalo kala duwan loo kala tumo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saar
saar¹: m.l (-rar, m.l) 1. (botani) Dhirta faalasha nooc ka mid ah oo caleemo yaryar iyo laamo jilicsan leh oo geedaha ku dul faafa geeluna aad u jecelyahay. 2. Cayaar jaadad badan u kala baxda oo siyaalo kala duwan loo tumo; saar-lugeed, saar-mooye.
saar²: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Wax meel dhulka ka sarreysa dhigid. 2. Ka s.: wax meel ka bixin. 3. Ku s.: meel col u dirid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saar
saar¹: m.l (-rar, m.l) 1. (botani) Dhirta faalasha nooc ka mid ah oo caleemo yaryar iyo laamo jilicsan leh oo geedaha ku dul faafa geeluna aad u jecelyahay. 2. Cayaar jaadad badan u kala baxda oo siyaalo kala duwan loo tumo; saar-lugeed, saar-mooye.
saar²: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Wax meel dhulka ka sarreysa dhigid. 2. Ka s.: wax meel ka bixin. 3. Ku s.: meel col u dirid. m.f.dh, saarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saar
v. raise, put on top of, place, load onto; take (an x-ray)
saar m. n. parasitic plant species
saar m. n., [collective] evil spirit that possesses someone; dance of exorcism
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
SAAR
(Sar) C, S, May Coccinia grandis (L) Voigt. Cucurbitaceae.
S Cissus fischeri Gilg. Vitaceae.
N Momordica charantia L. Cucurbitaceae.
N, S Kedrostia gijef (J. F. Gmel) Jeffery Cucurbitaceae.
S Ipomoea sinensis (Desr) Choisy. Convolvulaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saar
-ay I tay: (n) put on (put on); place (paleeys) Ex: miiska saar; put on the table
ka saar -ay / -tay: (v) separate (sapareeyt) from others; strike out, cross out; omit, leave out; exclude (ikiis-kuluudh) ~ ka reeb
soo saar -ay / tay: (v) manufacture (man-yi-fak-jar); produce (poro-dhuus); publish (pab-liish)
saar -ka: (n) a sickness believed to be caused by an evil spirit: demon (diiman) ~ boorane, mingis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saar
(fal) gaadiid iyo wixii la mid ah, ku rar, dul dhig. Ratiga heeryada saar.
saar: (fal) (ka ~) il iyo wax la mid ah, ka dhex bixi. Isha saxarka iga saar.
saar: (fal) 'warshad', alaab samee. Warshaddii furunka soo saari jirtey baa joogsatay.
saar: (fal) bixi; debedda u bixi.
saar: (fal) cillaan, iyo wixii la mid ah, gacmaha ama cagaha ku samee. Cillaan bay ii saartay gacmaha.
saar: (fal) wax meel hoose ka qaad oo meel sare dhig. Dawooyinka meele sare ka saar carruurta.
saar: (fal) denbi cid aan gelin ku rog, ku masabid ku hafar. Eedda aniguu i saaray ninkii falkan geystay.
saar: (fal) 'hees', shid; idaacad ka sii daa. Heestii Saxarla' noo saara saaka.
saar: (fal) 'xanuun ama dhib' haya ruux ka dawee, ka dul qaad. Jiman buu sheekhu Shamis ka saaray.
saar (fal) dhagax iyo wixii la mid ah, ruux ku dhufo. Dhagax baa madaxa la iga saaray.
saar: (fal) (soo ~) soo bixi. Soo saar saafkii aan hilibka ku jarjarnee.
saar -ka: (magac, lab, keli) ciyaar magaceeda ku fadhida oo dadka ay qabato tumis lagaga saaro, dadka ay qabatana marka loo tumo ama loo ciyaaro way suuxaan, ka dib markay ciyaaraanna way ka bogsadaan. Durbaanka, jiibta, jaanta iyo. sacabka, waxaa hadba loo xoojiyaa sida qofka laga tumayaa uu yahay isaga oo dadka tumaya dhexda loo geliyay. Dh: mingis.
saar -ka: (magac, lab, keli) geedo aan jirrid ay isku taagaan lahayn, dhulka ballaadh ugu faafa, geedaha kalena guudkooda isku waaba oo isku mara. Carmadu waa saar. Dh: geedsaar.
saar-ka: (magac, lab, keli) ninka la deggan reerka uu ka qabo. Dh: inanlayaal.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Scar
Nabar
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
scar
(n) a mark left on the skin following the healing of a surface of a injury or wound.
calaamada nabar bogsaday
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
scar
/skar/ (n) xagtin (nabar).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
scar
n., nabar, -ki, dakhar bogsaday, qoon bogsatay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shar
(Shar-ka)
Magac kooba wax xun oo dhan; wax aan khayr lahayn; dhib; xumaato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shar
m.l/dh (-ro, m.l) Wax kasta oo samaha ka hor yimaad cawaaqib xumana keena.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
shar
m.l/dh (-ro, m.l) Wax kasta oo samaha ka hor yimaad cawaaqib xumana keena.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shar
f. n./m, [abstract] evil
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
shar
-ka: (n) evil (i-val); malevolence (malave-lansi)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shar
-ka: (magac, lab, keli) wax kasta oo xun, aan khayr lahayn; waxaan wanaagsanayn oo aan khayr lahayn oo Rabbina aanu jecleyn, xumaan dhimmaanteed. Iska ilaali hadalada sharka leh Dh: dhib, xumaato. Li: khayr.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shar
bw: Arabic
de: evil
initial: s
lx: shar
pd: (-ta ~ -ka)
ps: n1-f/m-abs
key: shar
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
soar
/soor/ (v) 1. duulid (cirka u haadid) 2. kor-u kicid (sare u kicid, sida ascaarta iwm).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
span
n., daako, -adi.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
spur
/spar/ (v) 1. dhiirri-gelin (kicin, wax qof dhiirri geliya ama ku xambaara wax qabad) (n) 2. biro qofka rukuubka ah, kabaha gashado si farasku u dheereeyo.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Star
Xiddig
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
star
/star/ (n) 1. xiddig (xiddigaha cirka middood) (n) 2. xiddig (qaab-shan gees leh sida garaadaha saraakiisha) (n) 3. xiddig (qof caan ah, siiba fanka).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
star
n., xiddig, -ti.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
séparé
séparé, adj. - kala soocan; la kala qaybshay; kala gooni ah.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Sparks
Dhimbilo
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sparse
/spars/ (adj) kala-firirsan (kala daadsan).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
sparso
agg. - kala firirsan.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
spiare
v.tr. - basaasid, jaajuusid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
apart
/apart/ (adv) 1. kala durugsan; kala fog. e.g. My boyfriend and I have grown apart. 2. kala go' san, kala nool ama kala baxsan. e.g. Their relationship began to fall apart.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
apart
/apaart/ (adv) shalgoony, shaldheer. The buses left two hours apart.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
apart
ad., kala; set apart, kala celi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Asfar
(Asfar-ka)
Midabka dahabka ama sacfaraanka; cillaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
asfar
m. n., [collective] yellow-gold
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asfar
-ka: (magac, lab, keli) midabka sacfaraanka ama kan dahabka. Asfayahay qurxoonee, edeb lagu marriimay. Dh: cillaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
asfar
cf: dahabi
de: yellow-gold
lx: asfar
pd: (-ka)
ps: n0-m-col
key: asfar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Askar
(Askar-ta)
(magac wadareed) ciidanka dagaallama.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
askar
m.dh.u la-mid: askari.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
askar
f. n., pl. soldiers, troops, forces
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Askar
name-f soldier. Syn: Askaro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Askar
magac loo baxsho wiil hannaan qurxoon leh oo hubqaadka askarta iyo hannaankooga leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
askar
-ta: (magacwadareed) ciidanka qalabka sida. Askarta waa in la baro sida looga hor tago masiibooyinka dabiiciga ah. Dh: ciidan, geesh. Li: shicib, rayad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
askar
bw: Arabic
de: soldiers, troops, forces
lx: askar
pd: (-ta Sg: askari)
ps: n8-f-pl
key: askar
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
épars
épars, adj. - ku baahsan
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
isbar
-ay / tay: (v) 1. teach yourself. 2. introduce someone to another in order to establish an acquaintance: introduce (intaradhuus). Ex: wuxuu isbaray Cali iyo Caasha; he introduced Ali to Asha
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isdar
v. stab oneself ~ each other
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isdar
de: stab oneself ~ each other
lx: isdar
nt: isdarid (da) [vn1-f]
pd: (isdaray)
ps: v1=expr
key: isdar
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ismar
f.mg1 (-ray, -rtay) Caro darteed wax la kala garan waayid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ismar
f.mg1 (-ray, -rtay) Caro darteed wax la kala garan waayid. m.f.dh, ismarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ismar
-ka: (magac, lab, keli) cadho darteed wax la kala garan waayid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
istar
v. be of use to each other ~ oneself
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Istar
name-f be of use to each other or oneself
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
istar
-ay/tay: (v) be useful to oneself or one another
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
istar
de: be of use to each other ~ oneself
lx: istar
pd: (istaray)
ps: v1=expr
see: tar
key: istar
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
oscar
/oskar/ (n) billadda filimada.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Oskar
-ka: (n) Oscar (oskar) ~ billadda filimada
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Saara
name-f joyful; Prophet Ibrahim's wife
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saari
* (Saari-da)
Maro badanaa xariir ah oo dheer oo dumarka Hindigu qaataan oo guntiino iyo hagoogba u ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saari
m.dh Maro badanaa xariir ah oo dumarka Hindidu qaataan oo guntiino iyo hagoogba u ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
saari
m. n. sari, Indian women's wrap-around cloth ~ dress
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
saari
-ga: (n) sari (saa-ri) ~ diric
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saari
-ga: (fal) eeg saadhi.
saari -ga: (magac, lab, keli) ulo ka samaysan duur iyo wixii la mid ah oo dhigaha la dul saaro. Dh: lool, mar.