sooryee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sooryee
f.g2 (-yeeyay, -yeysay) la-mid: soor³.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sooryee
v. entertain, give a feast
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sooryee
-yey / sooryeysay: (v) cater to a guest; provide food and entertainment; serve as host to a guset
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sooryee
(fal) sooryo sii; cunto sii. Sooryee odayaasha martidaa. Dh: soor.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sooryee
de: entertain, give a feast
initial: s
lx: sooryee
pd: (sooryeeyey)
ps: v2b=tr
key: sooryee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Martiile
magac loo bixiyo wiil laga filayo mid martida si fiican u sooryeeya ama u bariiya.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casun
(fal) cid kale, martiqaad oo sooryee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dayaafadi
(fal) martigeli oo si maamuus leh sooryee. Martida si wanaagsan u diyaafadi. Dh: sooryee, barii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
keene
-da: (magac, dhedig, keli) xadhig inta la sooryeeyo oo awrka gafuurka loo sudho oo lagu wado. Keene la'aan awr hoggaan laguma wadi karo. Dh: keeno.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
martigeli
(fal) dad marti ah sooryee oo sed iyo seexadba sii. Ninka socotada ah saddex habeen martigeli. Dh: sooryey barii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mawlaxo
-da: (magac, dhedig, keli) mag laga bixiyo xubnaha dadka midda wax noqota. Foolka ragga iyo foolka dumarku way kala mawlaxo badan yihiin. Dh: mag.
mawlaxo -da: (magac, dhedig, keli) xoolo la qasho oo la isku sooryeeyo. Neef mawlaxo ah noo loog. Dh: diyaafad, sooryo.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
host
n., abbaan, -ki, ninki i sooryeeyay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sooryeyn
(Sooryeyn-ta)
Soorid; martiqaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sooryeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg sooryayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sooryeys
-ka: (magac, lab, keli) eeg sooryays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Soore
(Soora-ha)
1. Qofka sooryada bixinaya.
2. Qaybiye; kalabbare.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soore
m.l (-ayaal, m.l/dh) 1. Qofka sooryada bixinaya. 2. Qaybiye; kalabbare. 3. Sinji noolaha ka mid ah kaasi oo dushiisa ama gudihiisa uu ku noolyahay dulin, marka uu qaangaadhana dhaawac uu geysta ama dila.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
soore
m.l (-ayaal, m.l/dh) 1. Qofka sooryada bixinaya. 2. Qaybiye; kalabbare. 3. Sinji noolaha ka mid ah kaasi oo dushiisa ama gudihiisa uu ku noolyahay dulin, marka uu qaangaadhana dhaawac uu geysta ama dila.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soore
m. n. giver of food; host; distributor
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Soore
name-m giver of food; host; distributor. Syn: Sade, Sooraan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soore
-ha: (magac, lab, keli) qofka sooryada bixinaya. Dh: martisoore.
soore -ha: (magac, lab, keli) qaybiye; qaybshe.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
soore
de: giver of food; host; [ext.] distributor
initial: s
lx: soore
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: soore
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
booree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Wax boor u eyelid; la-mid: boodee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
booree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Wax boor u eyelid. m.f.dh, boorayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
booree
(fal) boor dabada ka geli. Saca booree ilmaha ha oggolaadee. Dh: boor
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dooyee
f.mg2 (-yeeyay, -yeysay) Fardo ku ilaala tegid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dooyee
v. walk slowly
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dooyee
(fal) dooyo samee oo ilaalo ahaw.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dooyee
de: walk slowly
lx: dooyee
pd: (dooyeeyey)
ps: v2b=
key: dooyee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kooree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Koore saarid (Faras, baqal).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kooree
f.g2 (-reeyay, -raysay) Koore saarid (Faras, baqal). m.f.dh, koorayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kooree
v. saddle up, put a saddle on (a horse)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kooree
(fal) u diyaari rar ama fuulitaan faras. Dh: heensee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kooree
de: saddle up, put a saddle on (a horse)
lx: kooree
pd: (kooreeyey)
ps: v2b=
key: kooree
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mooree
f.g2 (-reeyay, -reysay) Xoolo mooro gelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mooyee
qr. la-mid: mooyaane.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mooyee
conj. except (that), excluding, other than
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mooyee
(conjunction) unless (an-les) except (ik-sapt); otherwise ~ mooyaane
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mooyee
(fal) mooye ku tun. Arabikhida inno mooyee oo faracad innooga dhig. Dh: tun.
mooyee: (qurub) mooyaane.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mooyee
a: mooyaane
de: except (that), excluding, other than
lx: mooyee
ps: conj
key: mooyee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qoryee
f.g2 (-yeeyay, -yaysay) 1. Wax qori ku mudmudid. 2. Qof hadal ka raadin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qoryee
v. put wood into a fire, stoke
qoryee v. goad, provoke, irritate
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
soirée
soirée, n.f. - caweeys
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soofee
f.g2 (-feeyay, -faysay) Mindi iyo wixi lamida soofe ku afayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
soofee
f.g2 (-feeyay, -faysay) Mindi iyo wixi lamida soofe ku afayn. m.f.dh, soofayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soofee
v. sharpen (with a whetstone)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
soofee
-yey / soofeysay: (v) file (faayl)-, sharpen (shaarpen); hone (hoon); rasp (raasp)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soofee
(fal) af u yeel. Dh: afee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
soofee
de: sharpen (with a whetstone)
initial: s
lx: soofee
pd: (soofeeyey)
ps: v2b=tr
key: soofee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sooryo
m.dh.u 1. Cunto la siiyo dad marti ah. 2. Hanti la siiyo gabar la soo doontay tolkeed.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sooryo
m.dh.u 1. Cunto la siiyo dad marti ah. 2. Hanti la siiyo gabar la soo doontay tolkeed.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
sooryo
f. n. hospitality ~ gifts offered one's guest, entertainment; feast
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
sooryo
-sooryada: (n) 1. bride price ~ gabbaati, yarad. 2. hospitality (hoos-pitaalati) ~ soo dhaweyn
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Sooryo
Ospitalità
Hospitality
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sooryo
-da: (magac, dhedig, keli) casuumad iyo soodhawayn; cunto la siiyo qof marti ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
sooryo
cf: balashi, diyaafad, karan
de: hospitality ~ gifts offered one's guest, entertainment; feast
initial: s
lx: sooryo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: sooryo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soosee
(fal) soos ku rid: lab; qas; wareeri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
suryee
f.g2 (-yeeyay, -yaysay) Xarig suryo u yeelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
suryee
v. make a slip-knot; create a narrow exit
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
suryee
(fal) suryo u samee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
suryee
de: make a slip-knot; create a narrow exit
initial: s
lx: suryee
pd: (suryeeyey)
ps: v2b=tr
key: suryee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tooree
f.mg2 (-reeyay, -raysay) 1. Nafley toore samayn. 2. Xoolo badan si isdaba joog ah u socosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tooree
v. go ~ pass along a track, follow a small path
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tooree
de: go ~ pass along a track, follow a small path
initial: t
lx: tooree
pd: (tooreeyey)
ps: v2b=tr
key: tooree
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
foorjee
-yey / foorjeysay: (v) tease (tiiz); make fun of; ridicule (ridi-kiyuul); mock (maak) ~ xifaalee
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
goortee
(adv) when (ween ) ~ see [eeg] goorma
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
noocyee
f.g2 (-ceeyay, -caysay) la-mid: noocee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toornee
(fal) marka qof laga rabo inuu biro ku qoro mashiinka toornada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
toorriyee
(fal) toorrey la dhac, marka qof lagu amro in uu xayawaan ama qof ku dhufto bir afaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boorimee
f.g/mg2 (-meeyay, -meysay) 1. (f.g) Hogayn. 2. (f.g) wax si aan nidaamsanayn u qabin. 3. (f.mg) Cararid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boorimee
(fal) hilib hab gaar ah oo boorimo la yidhaa u dubo. Hilibka boorimee.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Koor'eke
Trapezoid
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Kooreeye
nickname-m saddler
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qooratee
f.g2 (-teeyay, -teysay) la-mid: qooro².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qooratee
v. cut off someone running
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qooratee
a: qooro
de: cut off s.o. running
lx: qooratee
pd: (qoorateeyey)
ps: v2b=tr
key: qooratee
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
scòrgere
v.tr. - dareemid, garasho.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
scórrere
v.intr. - qulqulid.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
scortése
agg. - dad dhaqan xun, edebdaran.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sonkoree
(fal) sonkor ku dar; sokoree.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
sonorité
sonorité, n.f. - shanqadh leh
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
soo jeed
-ka: (n) 1. the act of being awake (aweek); not in a state of sleep. 2. opposite (o-pazit); facing the other way
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soof'eeg
-ga: (magac, lab, keli) ninka degaankiisa ceeb iyo sumcadxumo ka ilaaliya ee colaadaha ka hor tega. Dh: indheergarad. Li: suul'eeg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sooryayn
m.f.dh la-mid: soorid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sooryayn
-ta: (magac, dhedig, keli) soorid; martigelin; sooryayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sooryays
m.l la-mid: soorid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sooryays
-ka: (magac, lab, keli) sooryays: martigelis.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
spórgere
v.tr. - soo yuucmid, soo kuusmid; dacwo ka gayn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
toorreey
-da: (n) dagger (dhaagar) ~ abley, toorrey, toorri
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Soofiyeeti
n. Soviet
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Soofiyeeti
-ka: (n) the former Soviet Union
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Soofiyeeti
de: Soviet
initial: s
lx: Soofiyeeti
ps: n -m
xe: Soviet puppet
xv: Midowga Soofiyeeti, Ruush
key: Soofiyeeti
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
orée
orée, n.f. - meesha aydu ama geeduhu ku eg yihiin oo bannaan laga galo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Soor
(Soor-ta)
1. Wixii cunno ah oo la isku sooro oo dhan; cunto.
2. Cunno si gaar ah looga sameeyo meseggada iyo galleyda oo garcadde iyo sanuunad labadaba lagu cuno; shuuro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
soor
soor¹: m.l 1. Cayayaan duula, afar baal leh, duqsiga u eg wax yarna ka weyn, xoolaha dhiigga ka nuugga oo cudur ku reeba. 2. Buntuq afkiisa mindi ka taagan.
soor²: m.dh 1. Galley ama meseggo shiidan oo la kariyo. 2. Gasiin; cunto.
soor³: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Cid cunto iyo cabbid ku martiqaadid. 2. Wax si isla eg u qaybin. la-mid: sooryee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
soor
soor¹: m.dh 1. Galley ama meseggo shiidan oo la kariyo. 2. Gasiin; cunto.
soor²: f.g1 (-ray, -rtay) 1. Cid cunto iyo cabbid ku martiqaadid. 2. Wax si isla eg u qaybin. m.f.dh, soorid. la-mid: sooryee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soor
f. n., [collective] food (in general); porridge of maize, sorghum ~ other grain
soor v. feed (one's guest), entertain; treat (out)
soor v. distribute
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
soor
-ka: (n) bayonet (bay-naat) ~ baynaad
soor -ta: (n) 1. ground grain; porridge, grits ~ shuuro. 2. food (fuudh) ~ cunno
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soor
(fal) martiqaad; u loog; casuun. soor: (fal) «kala kala qaybi.
soor -ta: (magac, dhedig, keli) cunto si gaar ah looga sameeyo meseggo ama arabbikhi oo garcadde iyo sanuunad labadaba lagu cuno; shuuro.
soor -ta: (magac, dhedig, keli) wixii cunto ah oo laysku sooro oo dhan; cunto.
soor-ka: (magac, lab, keli) eeg saami.
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
sore
(n) an area painful to touch.
barar